Saaxiibkaan Eersaday Q14AAD WQ: Cismaan Qanyare

Saaxiibkaan Eersaday Q14aad

Waxay mid weliba u soo shiraacatey dhinaca  xafladdu goobtey ka dhacaysay, waxaana  la soo wada gaaray  goobtii Arooska  waxaa si lama filaan ah  barxad weyn oo haween ku buraanburayeen gadaashooda ay taallo kuraas aad u tiro badan oo maryo qurux badan lagu bilciyey iyo miisas ayay midba daraf iska soo taagtay labadoodii.

Waxaa meesha hore u taagneyd  Ladan oo jeedaalinaysay iyadoon goobta ku jirin buraanburka kuraastana fadhinin, waxaase si lama filaan ah horteeda soo istaagay Luul,  markii indhaha  qac laysku siiyey  ayaa mid  weliba  tan kale ku naxday ileyn meesha kama fileyne.

Luul oo gacanta ku sidatay bakeeri dhalo ka sameysan oo ay ku cabeysay Faanto waxay si toos usoo abbaartay Ladan. Intii ay soo socotay Luul ayay Ladan go’aan gaartey degdeg ah, waxayna go’aansatay inaysan la dagaalin Luul oo ay isku daydo inay wada hadlaan, laakiin waxaa  taas fashiliyay Luul oo markii ay soo gaartay Ladan dusha kaga keentay koobkii iyo cabitaankii ku jiray.Ladan oo la argagaxday weerarka degdega ah iyo fudeydka luul, ayaa hadan Luul intay soo tiigsatay laba dharbaaxo oo kulul oo isdhaaf ah ku kulmisay dhabankeedii oo weli biyihii ka dareerayaan.

Mar qura ayaa qayladii durbaanka iyo dumarkuba joogsadeen sidii inay korontadu tagtay  waxaana  la soo wada jaleecey waxaa dhacaya,dadkoo dhammi waa warmoog marka laga reebo  Xaali oo dhammaan hawshan isku soo dubaridday.

Ladan oo Lebiskeedii quruxda badnaa ee ay ku labisneyd ku qoyay tin iyo ciribna gaaray  biyihii lagu filqay,  waxaa kale oo durba is dhalangediyey wejigeedii ay sida  habsamida leh u soo qurxisay oo dhammaan Bootarkii, indhakuushii iyo birbiriqiiba waa isku darsameen waxaa kale oo ka hooray  dhabankeeda faantadii oo midab kale noqotey, wejigeediina waxaad moodaa maro liin baxday ama fasaqantey oo kale, Ladan oo awalba caddaan u dhalatay ayaa haddana wejigeedii dhiig-roorey dhabanaduna guduuteen  dharbaaxadii ku dhacday awgeed.

Ladan qorshaha dagaal uguma jirin mana aha qof sidaa u fudude xaalkeedu wuxuu gaarey meel  aad u fog, intay  hore ugu boodey Luul oo labadeeda gacmood tan bidix ku qabatay dhuunta Luul, gacantii midigna la heshay halka diracu qoorta kaga wareegsan yahay ee u dhaxeysa qoorta iyo kalxanta ayay  waa ka dheeradayd kana xooga awood badnayd jiljilashay oo lushay sidii haan caano ku  jiraan oo subag laga rabo, waxayna soo dhifatay diracii ayadoo awoodeeda oo dhan waxba la harin, taasina waxay keentay in diracii Luul si weyn u jeexmo, Luul ayaa iyadana gacanta la heshay timihii dhaadheeraa ee Ladan oo markeedii soo jiiday.

Luul  oo xirneyd kabo taakadoodu aad u dhaadheeraayeen marka la barbar dhigo kuwii ay Ladan ku labisneyd oo ahaa kuwa ka daggan, ayaa hardankii iyo baaxaadegi is maquuninta ahaa  iyo hadba gees isula ciirkii, kabihii la  simbirixdeen oo mid taakadu ka jabtey  kaddibna salka ayay dhulka ku dhufatey markaasay timihii ladana sii daysay. Ladan markii ay aragtay Luul oo dhulka ku dhacday kama aysan daba tagin way ka joogsatay.

Waxay goobtii arooska noqotay foowdo, Sawaxan iyo buuq ayaa mar qura goobtii is qabsaday. Waxaa soo wada kacay dumarkii buraanburayay iyo kuwii dhageeysanayay, hadba dhan baa loo cararay. Luulna dhulka iskeed ayay uga soo kacday, waxaana lala soo gaaray shalmado si oogada loogu qariyo, maxaa yeelay diriceedu si weyn ayuu uga jeexmay qoorta ilaa xabadka. Ladan lafteeda waxuu wajigeedu u ekaadey sida wajiyada dadka midabada kala duwan intay si ogaana isugu qasaan wajiga marsada maalmaha dabbaal-degyada iyo sanadguurooyinka ku asteysan si ay u muujiyaan farxaddooda.

Waxaa intaas kaddib soo gaaray goobtii dagaalku ka dhacay shaqaalihii ilaalada ee ammaanka(Security) hoteelka aroosku ka dhacayay, oo kaamarooyinka muuqsidayaasha ah ka arkay sida wax u dhaceen, waxayna markiiba Ladan weydiiyeen inay u baahan tahay in Booliis loogu yeero, waayo? Iyada ayaa laga gardarnaa.

Ladana waxay u sheegtay  ineysan waxba qabin ayna iyagu ka heshiin karaan wixii dhacay Booliisna aan loo baahneyn. Luul waa maqleysay hadalkaas Ladan. Midba gooni baa loo fariisiyey, weydiimo badan ayaa laysla barbar ordayaa oo dadkii marna labadooda weydiinayaan marna ayagu is weydiinayaan “ Maxay isku dileen? Maxaa isu geeyey? Maxaa dhacay’’? Balse, ciddina kama warcelinin.

Dadkii  xafladda lahaa oo iyagu dantooda eeganaya ayaa la hadlay oo ka codsadey inay halkaa ku joojiyaan isna dejiyaan, si buuqu iyo hadalku u yaraadana  Luul iyo Ladana arooska waa laga soo saarey in kastoo xitaa haddaan laga soo saarin aysan suurtagal aheyn inay kusii nagaadaan sababo la xiriira raadka  uu ku reebay iyo saameynta uu ku yeeshay muuqaalkoodii dhalaalayay iyo labiskoodii quruxda badnaa ee ifiyey  dagaalkii koobnaa ee dhex maray labadooda darteed.

Markii ay yimaadeen goobtii dhulka hoostiisa aheyd ee baabuurtu ugu baarkin gareysneed ayey intaan la gaarin iridka gawaaridu ka baxaan isa soo barbar istaageen iyagoo mid kasta ay gaarigeedii wadato.

Ladan ayaa intay daaqaddii gaarigeeda dajisay ku tiri: “Ogoow Luul anigu cadawgaada ma ihi, calaf hal ruux noo wada galay baa isu kaaya keenay. Ma doonayo in lagu xiro, oo carruurtaadu kaa dayacmaan. Mana doonayo inaan sabab u noqdo fal dambiyeed diiwaanka kuu gala, taasoo dhaawac u geysan karta shaqooyinkaada.

Anigu uur baan leeyahay, dagaal baad igu qaadey, kaamarooyin ayaana ku wada xiran meesha oo dhan , oo waa marqaati ma doonto inaad isoo weerartayna waa caddeyd, Looyarad inaad tahay waan maqlay, waana hubaa inaad ogtahay qatarta ka iman karta dagaalka lagu qaado qof dumara oo uur leh  iyo waxa uu sharcigu ka qabo,sidoo kale, ciqaabteedana waad garan kartaa!.

Luul oo markan caradi ka degtay miyirkeediina  u soo noqday,welina kacsan  ayaa su’aalo is daba jog ah  weydiisay Ladan waxayna ku tiri: “Maxaa nolosheyda iyo ninkeyga ku daba dhigay? Maxaad noloshayada ugu ciyaartay? Ma nin aan naag qabin baad aduunyada ka weysay? Sideed ku ogolaatey inaad qarsoonaatid oo qudbasir lagugu qabo, maxaad qiimaha dumarka u rideysaa maxaadse naftaada iyo tayadaba aad denbi uga galeysaa?”

Ladan: “Luuley anigu marna inaan ku xumeeyo uguma talo galin. Adigoo i dilay oo igu soo booday ayaanan dhibaato kuu ogoleyn inay aawadey kuu soo gaarto, si kastaba adiga oo aan waxba iga sameyna dhibaato kuuma quureeen kugumana sameeyeen. Calafka adiga Liibaan isku kiin daray ayaa anna Liibaan igu daray. Ma doonayo in noloshaadu daraadey u xumaato ilaahey baa igu oge. Haddana meel waddo ah baan taagannahaye aan ballanno oo aan arrimahaan aan si degan oo maskax ah iyo is afragad uga wada hadalno labadeenu. Waxaan aaminsanahay inaan xal wanaagsan gaari karno.”

Luul ayaa ugu warcelisay : Hawraarsan! Waxba kama qabo, caawa sheeko ku filan reer London way heystaan, maxaad arooskan ka soo doontay? Ma inaan imaanaayo ayaad ogeyd? oo inaad i aragtid baad dooneysay?

Ladan: Aragtidaadu igumey cusbeyn,oo anigoo cisbitaalka ka sii baxaya iyo adigoo soo galaya ayaanu is aragnay inkastoo ay ilbiriqsiyo kooban aheyd. in nalagu sheekeysto, oo aynu labadeena noqono riwaayad laga maadeysto  anigu ma jecleyn, haddii aan ogahay inaad arooskan imaaneysana maba soo aadeen oo waan kaa waji dadban lahaa, dadka magaaladana fursad ay nagu sheekeystaan  ma siiyeen. Islaan habaaran oo Xaali la yiraahdaa ii keentay kaarka casuumadda oo aan ka xishoodey inaan ka diido!

Luul markii ay ogaatey in duq Xaali soo casuuntay Ladan ayay dib u gocatay una xasuusatay hadaladii ayada iyo Xaali dhex maray maalintii ay ugu timid gurigeeda ee ay wardoonka aheyd, iyo sidii degdegta ahayd  ee ay ku casuuntay, iyo inay ayadu u sheegtay magaca Ladan tilmaan fiicana ka siisay. Waxay miisaanka saartey wax kasta oo ay iyada iyo Xaali kuwada hadleen, waxaana usoo baxay inay Xaali tahay  qofka hawshan isku dubariday ee madaxa isu geliyey labadooda, ayna tahay kuwii la yiri salaadda halooga baxo.

Taleefanadii ayay kalaa qaateen Luul iyo Ladan waxayna ku heshiiyeen inay isu yimaadaan oo si weyn u wada hadlaan iyadoon qof seddexaad ku dhex jirin sidii ayayna guryahoodii u kala aadeen.

Duq Xaali waxaba kama qarsooneyn , dagaalka Luul iyo Ladan dhex marayna meel danbe ayadoo taagan ayay sheedda ka daawaneysay.Habeenkaas duq Xaali siday dabinka u dhigtay ayay Luul iyo Ladanba ugu dhaceen.Waxayna habeenkii odhan buunbuunineysay sheekada dagaalka ayadoo marba qof intay u tagto dadkii arooska kasoo qeybgalay afka u dhuubeysay iyadoo ka badbadineysa isla markaasna qarineysa inay iyadu dagaalkaas si habsami ah usoo qabanqaabisay.

Aroortii markii uu waagu baryay duq Xaali waxay ku kallahday cisbitaalkii uu ku jiray Looyaan, waxayna u taana taaneysay sidey wax u dhaceen xalay iyadoo ku dardaraysa  oo leh Ladan baa Luul ku dhex qaawisay arooskii oo dharkiiba ka saartey, iyo in Ladan bir lagu dhuftay oo ay daqrantay dhiig badanina ka baxay. Looyaan iyo Xaali oo saaxiiba ku ahaa isagana dabeecad ekaa dhanka xan jaceylka, ruufiyaanimada iyo buunbuuninta, si cajiib ah ayay hadalka isaga koobinayeen isuguna riyaaqayeen.

Looyaan iyo Xaali oo weli sheekeysanaya  islana  jooga ayaa dhaqtarkii usoo galay wuxuuna la socodsiiiyay in Looyaan uu ka bixi karo dhaqtarka oo daawooyinkiisa uu guriga ku qaadan karo kadib markii loo sheegay in raajo laga qaadey lagu ogaadey in si wanaagsan lafihiisii  jajabay isu qabsadeen isla markaasna aanan loo baaahneyn inuu kusii jiro dhaqtarka, ayna balan u sameynayaan inuu  sodon maalmood kaddib cisbitaalka yimaado si loo sawiro (raajo)  lafihiisa mar kale, loona hubsado in wax kasta sidii loogu talo galay yihiin. Xaali waxay dhaqtarkii u sheegtay inay u diyaarin doonto qol uu degenaado oo ay ku daryeelaan maadaama uu kaligiis noolaa, maalinta berito ahna u iman doonto oo ay ka saari doonto cisbitaalka, dhaqtarkiina wuu ogolaadey.

Dhanka kale Luul  markii ay guriga timid walaasheed Layla oo albaabka ka furtay ayaa ka naxday markii ay aragtay Luul oo diracu ku jeexjeexan yahay kana soo hor martay xiligii ay fileysay inay timaado. Leyla oo ilaahey naxdin u keenay ayaa hadalkii ka biloowday :

 Layla: walaal nabad ma jirtaa maxaa kugu dhacay ma shil baad gashay bisinka iyo yaasiinkee?  

Luul:  Maya shil ma galine dagaal baan galay oo Ladan baanu arooska isku aragnay oo aan ku dagaalnay.Labadeeniina waa nalaga soo saarey dhibaatana waa isu geysanay laakiin nasiib wanaag ilaahey  baa xabsi iyo boolisba iga badbaadiyay. Luul waxay Layla u sheegtay sidii ay wax u dhaceen billow iyo dhammaad iyo kaalintii Xaali ay ku laheyd!

Layla  ayaa  indho kasoo hareen, kaddib Luul ayaa qolka jiifka u dhaaftey si ay dharka isaga bedesho.

Ladan iyaduna markay gurigeedi ay tagtay, waxay iyaduna gashay  dhar iska bedel iyo qubeys si ay isaga dhaqdo dhegdhega wejigeeda ku yaal iyo haaraha dhirbaaxooyinkii ku dhacay, markay isu diyaarisay musqusha ayaa  ayaa telefoonkeedu soo dhacay, markay qabateyna waxaa loo sheegay in cid la hadlaysaa ay tahay  booliis.

W/Q: Cismaan Qanyare.

 

SHEEKOOYIN