Saaxiibkaan eersaday Q19AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan eersaday Q19AAD. 

Duq xaali waxa ay la balantay wiilkeeda Asad, oo ay ku tiri hadduu inkiro Looyaan uurka walaashaa beerka ka tun, aniguna waxaan u qabsanayaa lacagtii iyo dahabkii uu iga xaday. Ayadoo waliba ay caro iyo rajo xumo ka muuqato, Asadna il ayaa u baqday waxa uu aad uga walwalsanaa haddii reerku af garto Looyaan in doorka ku imaan doono, baqdintii iyo murugadii heysay inta meel isaga tuuray, ayuu hooyadii u balan qaaday, haddii uusan u dhago nuglaan oo warkeedda uu maqli waayo in uu adduunyada silic ku noolaan doono.

Samiiro ayada waxaan laga hadlaayo kuleyl iyo qaboow midna kuma hayaan. waxayna u aragtaa waqti dhumis, laakiin waxaa joog leh oo ogow waxa uu ka yiraahdo hooyadeed Xaali.Duq Xaali waa ay ka dharagsan tahay in baroortu orgiga ka weyn tahay, waxa ay ku rajo weyn tahay in ay ogoleysiiso Looyaan. Samiirana waxa ay isku diyaarineysaa caawa in ay saaxiibadeed ay is raacaan, si ay waqtigeeda ugu soo qaadato meel ay mar walba tagaan oo shiishadda lagu cabo, kolkaasey kor iyo hoos u socotaa. Looyaan isagu waa warmoog, inkastoo dareen cabsi uu ku jiro waxa uu kala kulmi doono marka uu go’aankiisa ku adkeysto, nasiib daradiisa, ma laha qof uu dhibta la wadaago ama kala taliya, waxaa mar kaliya maskaxdiisa ku soo dhacday inuu samiiro uu ku ogaa inaysan kala jecleyn waxba, uu ka dhaadhacsiiyo ninkii uurka lahaa iney sheegto lacagna uu ugu badalo intii ay sheegato.

Taladaas ayaa aad ula qunaatay waana uu ku dhaqaaqay isla markiiba waxa uu orod ku galay qolkii yaraa ee samiira, qof jooga ma laha, hoos ayuu u soo dagay reerkiyoo dhan ayaa fadhiya iyo labo wiil oo murqo kuusyaal ah, oo Asad saaxiibadiis, waxaa ka maqan Samiira oo kaliya. Looyaan aad moodo in waran wadnaha looga taagay ayaa indhaha la raacay, wajiyadii soo eegayay waa uu dawaqay naxdin darteed dhulka ayuu ku dhacay.

Waxa uu soo naaxay, duq Xaali oo babis la kor joogto afkeedana waxa caay iyo habaar ka socda la yaabo, anaga ayuu suuxdin isku keen ridaa waa haddaan kaa yeelno. Waa uu soo fariistay asagoo argagaxsan oo shigshigaayo ayuu yiri acuudu billaahi mina sheydhaani rajiim, yaa i jilaafay oo jugtaan ii geystay?. Duq Xaali oo ku kajameysa ayaa tiri xaqii baa ku jalaafay waliba inuu kugu jaalabuteeyo ayey aheyd ilmahaan ayeeyada u ahay aabahood baad tahay intaa baad ku fakatay.

Looyaan oo aan war iyo wacaal isku heyn  ayaa yiri ‘’waan heshiinay aniga iyo samiira ee naga dhax baxa, Duq Xaali iyo wiilkeeda ayaa is fiir fiiriyeen oo arkay in Looyaan uu iska hadaaqayo Asadna saaxiibadiis ayuu ku yiri ‘’ War ninku saan moodaayay  maba aha waa nacase iskaga taga oo danahiina raacda.  Looyaan oo hadalada duulduulkaa dhagahiisa ku soo dhacaya waa uu maqlaa haddana ruux koronto heyso juuq iyo jaaq midna ma odhan.

Kor waayeel wadda indhee duq Xaali oo dareen weyn uu ka galay in uu baxsad yahay aysan mar danbe arki doonin, ayaa ku tiri maandhoow aan kuu duceeyo adna ha is dhibin anaga shido hana galinine, reerkaaga dhaqo, Looyaan wali waxa uu fadhiyaa dhulka oo ma ka istaagin, waxa uu yiri aniga iyo Samiira ayaa wada hadleyna go’aanka aan ku soo heshiino ayaan idiin sheegeynaa miyaadan dad islaam ah aheyn, ma waxaad rabtiin cunug aan dhalin inaad qoorta ii surtaan ? ma yeeli karo mana awoodo.

Duq xaali ayaa hadalkii qaadatay oo tiri Looyaanoow gabadha waa gabadheydii koow dheh adna waa xaaskaagii cid kaa yeeleyso ilmaha ma lihi ma jirto ama bood ama dhac labo ayey mid tageeysaaye,  tii kuu roon, Looyaan oo arkay in xaalku uu murugsan yahay ayaa ku waashay Samiira aaway?  Asagoo naf ka raadinaayo ayuu yiri  iigu yeera inaan la hadlaan rabaa, ayadoo wali buuqa qeyladii Xaali  mari la’yahay ayaa Samiira irida ka soo gashay.

Looyaan aad moodo in leeb ku taagnaa ka fuqay ayaa yiri ‘’Alxamdu lilaahiye,  illaaheey ma ku keenay’’?,, asagoo wali shigshigaayo oo isku qasan ‘’ Fiiri abaayo, walaalo macaanto, Samiira xabiibtii waxaan rabaa inaan gooni u hadalno ee qolka  kore na geey, Samiira oo la yaaban ninkaan isku dhax yaacsan ayaa tiri: ‘’Waan ka xumahay waqti ma hayo, saaxiibadeey ayaa guriga hortiisa taagan hooyaa kula hadleysa’’.Duq xaali oo warkaas gabadheeda ka soo yeeray aad ula dhacsan ayaa tiri:  ‘’ Sax weeye’’. Looyaan oo sidii dhagoole hadba qofkii hadla isha la raacaaya oo afkoodda fiirinaaya ayaa hoos u gunuunucay oo yiri: Tolow habartaan baas Wiilkeedaan bahalkaa Gabarteedaan ballada ah,  ameey nafta yar kuu aqoonsadaan, oo bartaadaba la waayaa ileyn waa dugaag beylah kugu helaye . Asaga oo marxaladaa calaacalka iyo guubaabada naftiisa uu ku dheeraaday ayaa duq Xaali ugu nixisay:’’ kor u hadal kuma maqlee’’ Sidii ruux hurdo ka soo kacay ayuu u holaday inuu istaago, balse waa awoodi waayey inuu iskiis u istaago. Asad ayaa garabka ka soo qabtay oo hal mar go’ soo siiyay asagoo u muujinaya awoodiisa inta ay la egtahay, haddii ay is faro saaraan inaan naf lagu soo gaareen.  Waxaa uu yiri Looyaan inaan aniga iyo samiira wada hadalno maahine war kale ma jiro kolkaas ayaan ogolaasho iyo diidmo labada la iga helayaa.

Duq Xaali waxaa ka go’an in maanta aan loo kala bixin go’aan cad lagu kala tago inuu oggolaado iyo in la isku baaba’o wax uga dhaxeeya ma leh, waxa ay tiri : ‘’Asadoow xoogaa firaaqo na sii wax yar bannaanka ku soo naso oo xabad sigaara qac ka soo sii isna daji qeyr ayey ku dhammaaneeysaa, haddii alle idmo. Waxa ay ku soo jeesatay Looyaan waxayna hadalka ugu bilaawday: “ I dhageyso wiilkeygiyoow waad ogtahay inaan kuu ixsaan falay adigoo kaligaa cidlo ciirsi la’Isbitaal dhax jiifa gurigeygaan ku keenay oo qol kaa siiyay intaa kuuguma sImine gabarna waan kuugu daray aniga alLaheey ayaa ka allah ma ogeyn waxaan ay hoosta ku wadatay, balse, adigaan kuu dadaalaayey oon lahaa dhibkii loo geystay ha ilaabo. waxaad aheyd ruux la dulmay oo garab la’aan ugu darsantay, aniga markaad ii baahneyd waan ku garab istaagay anigoo xaqa u hiilinaayo, maanta adigaan kuu baahanahay in ceebtaada ilaah asturo ceebteena astur waliba lacagtii iyo dahabkii kugu maqan cafis ayuu kuu yahay waxba kaama rabo.

Looyaan oo warka intiisa hore madaxa jiljilaayay markii uu maqlay dahabkii iyo doolarkii aad qaaday waan kuu cafiyay cirka ayuu ka soo dhacay. Ma anigaad tuug ayaad tahay ii qarineeysaa ?  llaah baa igu og inaan qaadin, cunug aan dhalin ma qaadanayo. Duq Xaali ayaa hadalkii ka daftay ayadoo markaan codka u badashay oo tiri Ibliis korkiisa ayuu ka naxaa waxaad moogtahay waxaan kaa hor joogo ee af muslim.iyo af gaalo mid aan kuugu imaado.

Looyaan talo ayaa farahiisa ka baxday, Samiiradii uu ku hamiyay waa ka siibatay oo asxaabteeda ayey raacday, waxaa uu soo galay jikada waxa uuna shitay katalka shaahiga (Jalmadda , Kirliga) si uu ugu shaah cabo arintaan miliqsan ee uu dhax dabaalanayo, asagoo oo leh:

  • Alle daa’in weeyee maxaan, libin ku daanshooday
  • Dumar xuural ceyniyo maxaan,Dowlad la cayaaray
  • Maantana duq xaali I tiri, Laba midkood dooro
  • Dahab baad xadiyo been, Maxaa dayn la ii saarshay
  • Diriq laygu raray cunug ninkii, Dhalayba uu diiday.

Waxaa guriga ku soo laabtay Asad oo bannaanka ku maqnaa, waxaa uu arkay hooyadiis oo ooyneysa, indhaheeda biyaha ka qubanayaan, ciil dartiisna faruuryaha qaniinsan,iskaaga daris iyo buunbuuninna aaney meesha ka marneyn, intuu orod qolkiisa ku galay oo ka soo waayay asagoo wali baadi goobaya ayuu ka maqlay codkiisa dhinaca jikadda, Asad oo dhag la qabta laheyn ayaa soo dul istaagay Looyaan oo jalmaddii oo kululaatay, biyihiina karkareen gacanta ku heysta, maba sugine feer iyo haraati ayuu ku salaamay Looyaan biyihii kululaa ee uu gacanta ku hayay ayuu wajiga uga shubay, qubtii iyo qalxankii iyo buuqii ka kacay jikada duq xaali iyo gabdhaheeda ayaa ku soo kala ordeen Asad oo aan waxba u jeedin,wajigu diirdiirmay iyo looyaan oo afarta hore ee ilkaha laga jabshay, looyaan oo taleefankiisii maciin biday ayaa booliska u wacay daqiiqado waxaa irida soo garaacay Booliskii duq Xaali oo wali rabta in ay wax dug duugto ayaa irida ag istaagtay, booliskii kolkii ay albaabka xoog u garaaceen oo laga furi waayay waa ay soo jabiyeen duq xaali oo ku aadisneyd daqar weyn ayaa madaxa ka gaaray.

Markay Booliisku gudaha soo galeen ayay yaabeen, markay arkeen nin  Afku dunsan yahay iyo mid wejigu diirdiirmay,  waxay kale oo la yaabeen in midna la dul dhoobna midka kalena  meel isagoo qoriga xaaqinka dheer haysta difaac ku jirey.Isla markiiba  booliisku waxay dalbadeen qaybtii dambi baarista iyo baabuurta gargaarka degdega ah(Ambulance)

La soco qaybaha kale.

W/Q Cismaan M Qanyare

SHEEKOOYIN