Saaxiibkaan eersaday Q7AAD W/Q: Cismaan Qanyare

1389731626749437765

Saaxiibkaan eersaday Q7AAD.(sheeko dhab ah)

Looyaan kursi ayuu ku kor dhacay wuuna jabay iyada uusan soo gaarin Liibaan, Nasiib wanaag Mire iyo dhawr nin oo kale oo Soomaali ah ayaa isku duubay Liibaan iyagoo ka badbaadiyey inuu Looyaan wax gaarsiiyo, waxaana yimid ciidankii Booliiska oo ay u waceen shaqaalihii maqaayadda sidaas ayuu mar labaad xabsi ku galay Liibaan.

Looyaan markii dhaqtarka la geeyay waxaa la ogaadey in lugtiisa midig ay laba meel ka jabtay, waxaana la seexiyay cisbitaalka, Looyaan waa nin keligii noola, ehelo iyo asxaab maahane ma jiro qof qoyskiisa ah oo magaalada degan, waxaa la weydiiyey yaad wacanaysaa, wuxuuna siiyey telefoonka Luul. Luul markii loo sheegay in nin jaban yaallo isbitaalka iyo magaciisa ayay orod isku soo taabatey intey carruurtii uga tagtay dad deriskooda ah, Luul waxay hore usoo martay dukaamada si ay ugu adeegto, waxay usoo iibisay dharka jiifka iyo cabitaano iyo cuntooyin macmacaan oo jilicsan, waxay usoo qaaday Burush iyo cadey way usoo adeegtey wixii awoodeeda ah.

Markay timid ayay arki weyday wax cid ah oo la joogta, Luul ayaan sidaa ugu warheyn Looyaan ineysan wax ehel ah u joogin, ayaa weydiisay miyeysan cidina kuu imaan ?, markaasuu isagoo iska qiireysiinaya yiri: “ Meeshan ehel aan adiga iyo Liibaan ahayn kuma lahayn, Liibaana waa ninka dhibkaan ii geystay inuu I bireeyo ayuu rabay, ilaahay baase iga baxshay oo waa layga qabtay, anigana ma dooneyn inay gacantaydu gaarto, sidaa awgeed intaa dib uga guranayey ayaan jaranjaro iyo meel godan ku dhacay, waana Jabay isagoo mindi weyn igu eryanaya, haddase waa roonahay. Luul waxaa dhiilo kale ku noqotey in ninkeedii uu geeystay dhibkan, way la calaacashay waxayna u balan qaaday inuusan ehel laawe ahay ee ay walaashiis u joogto, isagoo kaftamaya ayuu yiri: “ Walaal mise dumaashi? Luul oo diidan inuu ka xigsado Liibaan ayaa tiri: “ Anigu dumaashidaa maahi ee walaashaa baan ahay, Liibaana isma keen barin ee inagaa is baraney waa tii aynu dariska ahayn waagaan dalka ku cusbeyn. Looyaan oo weli is bihin bihinaya oo inuu ooyaayo aad moodo aya yiri: “Markaad igu tiri wuu i dilay kuma rumeysan oo waxaan is lahaa waa maseyrsan tahay, waxaanse ogaaday inaad halis gashay, waayo ninkaas maanta mindida uu sitay afkeeda iyo dhererkeeda arki lahayd ibnu aadam inuu u sito umaadan maleyseen ee ma geel ayuu ku qalayaa mise maroodi ayaad is weydiin lahayd? Isagoo weli sii indho caddeynaya ayuu weydiiyey horta ninkaan dadkii dagaallada sokeeye ka qayb qaatay miyuu ka mid ahaa? Luul oo shakisay haddana yaabtay oo naxdin isugu timid ayaa tiri: “ Walaaloow Maxaan ka ogahay ma arag mana maqal arrinkaas, waase suura gal oo iima sheegin qofna ceebtiisa ma sheego” Looyaan oo weli hawshiisi wata ayaa yiri: Waxaa jirta calaamaddo lagu yaqaan dadka dhiiga qaba ee habeenkii ma qarwi jirey, mase kaaga sheekayn jirey dad daba socda iyo dad uu ka shakiyey? Luul ayaa intay amakaagtay soo xasuusatay in habeeno badan uu qayliyey ‘iga qabtaay’ isaga oo leh, markey weydiisayna wuxuu u sheegay in dad aan la aqoon oo wejigooda la arkeyn eryanayaan markay qabtaana cunaha ku dhegaan.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in xanuunkan reerkooda oo dhan ay qabaan oo quruumo iyo rooxaan ay yihiin. Luul oo arrinkaas aan rumeysnayn in waxaas run yihiin, ayaa hadda waxa si toosa dhegaheeda ugu dhibcay hadalka Looyaan ee ah dadka wax dila ama dhagarta qaba, waayo waa qayb ka mid ah, dabeecadaha ay kala kulanto maxaabiista iyo dadka ay qareenka u tahay, markay isu geysay calaamadihii dambiilayaasha iyo kuwii Liibaan waxaa usoo baxay inay halis daaqaysay. Kaddib iyadoo sheekadii halkaas u mareyso, ayaa waxaa soo galay dhakhtarkii oo warbixin guud siiyey qaabka uu jabay iyo halista lafihiisa isagoo sheegay in biro la gelinayo bawdada Jilibkana wax ka gaareen, maadaama uu ahaa nin miisaan culus oo is buurtey. Markii uu dhakhtarkii baxay ayaa waxaa weydiisay xaalkiisa iyo waxaa uu dareemayo Luul, kaddibna Looyaan oo weli cod calaacal iyo catoow ah ka muuqdo ayuu yiri: “ Walaahi aad baan u qandhaysnaa xanuun saa’idana waa dareemaayey intaadan ii iman, haddase alxamdu lilaah waxaadba moodaa inaad adigu tahay xanuun baabi’iye, alla nasiib iyo ayaan badanaa, oo misana xumaa ninka aad subax walba ka soo ag toosaysay ee garan waayey!.

Luul oo yara xishooneysa kaftankana ka heshay ayaa tiri: “ War badnidii weli iskama aadan daynin xitaa haddii aad isbitaal ku jirtid, walaaloow ilaaheey haku caafiyo, allaabtana adigaan kuu keenay ee dharkan iyo allaabtan armaajada ayaan kuu gelinayaa ee u sheeg gabadha kalkaalisada ah inay hadba waxaad u baahato kaa siiso, buskut iyo doolshe badan ayaan kuu keenay lafaha waxbaa loo cunaa ee is baani , galabta ayaan ku soo wacayaa, carruurtii ayaan cidla uga imid, habeenkiina Leyla ayaa I caawisa oo meel baan qolo kala shaqeeyaa Looyaro ah, oo aan dacwadaha iyo qoraallada usii diyaariyaa.

Looyaan oo dhalaal wejigiisa iyo farxad ka muuqato ayaa u mahadceliyey, una sheegay inay soo wacdo oo aysan meesha ku ilaawin, isaga oo iska dhigaya inuu ka naxayo ayuu weydiiyey waa sidee xaalkiisa ninkii Liibaan, kolay waa saaxiibkay oo dhibkiisu waa I dhibayaaye? Luul ayaa tiri maba maqal inuu xiran yahay, laakiin meeshaas ayuu ku wanaagsan yahay ee haku jiro, aniguna hore ayaan askarta ugu sheegay inuusan noo imaan karin, carruurtaanba uga baqayaa. Sidaas ayay Luul ku baxday, Looyaana isku dirkiisii iyo is macaaneyntiisii u suuragashay isagoo aad moodo “Baydari (ugaarsade) siriqdiisii cowl ugu dhacay” oo jiriidka dambe ka qoslaya. Waxaa soo dhacay telefoonka Looyaan waanu qabtay Looyaan: “ Hello waa qofma?” Ladan: Walaal waa aniga waa Ladan Looyaanoow” Looyaan: Haa walaal Ladan side tahay? Ladan: Waan fiicanahay aad iyo aad ee walaal waxaan rabay inaad ii sheegto telefoonka Liibaan, Toddobaad ayaan raadinayey kii aan ku ogaana wuu iska bedelay baan u maleynayaa oo waa xiran yahay” Looyaan: Oo caro darteed darteed wejigii ifaayey gaduutey ayaa ugu jawaabay, walaaley miyaadan xaal ka war haynin? Ladan: “ Maya walaal waxaan ka war hayaa ma jirto ninkaasna aad baan ugu baahnaa” Looyaan: “Ayaa sheekada billow ilaa dhammaad ayuu ka sheekeeyey waxaa dhex maray isaga iyo Liibaan isagoo intaa ku tiiqtiiqsanayaa Liibaan iyo xumaantiisa, balse, waxaa ka hoos baxday inuu u sheegay Luul isagu sheekada ayuu ku daray, mana fahansanayn ee waa is ilaaway”. Ladan oo ah qof degan ayaa afka gacanta saartay markay maqashay inuu Looyaan yiri anigaa u sheegay xaaskiisa kale inuu xaas kale leeyahay kaddibna wuu isoo weeraray, xaaskiisi horena inuu wuu dilay laba jeerna waa la xiray, ninkaasina waxaa loo maleynayaa inuu waali yahay xaalkiisu.

Ladan ayaa aad uga xumaatay dhibka Liibaan soo gaarey sidoo kale waxaay sheekada ka ogaatay in Looyaan wax walba oo dhacay ka dambeeyey iyaduna aysan ka dhegeysan markuu soo wacay, fursadna aysan siinin. Ladan sheekadii waa soo gebegebaysay, waxayna falowgeeda gashay siday u heli lahayd, waxaana ay la xiriirtay ciidanka booliiska oo ay magaciisa iyo faahfaahintiisa siisay, waana loo sheegay meesha lagu hayo, ballana waa loo sameeyey booqasho ah galabnimada. Ladan waxay isu diyaarisay inay soo booqato soona aragto, Liibaan iyo xaalkiisa, Ladan waxay tagtay goobtii uu Liibaan ku xirnaa, waana loogu yeeray, Waxaa Liibaan loo sheegay in qof dumar ahi Booqasho ugu timid. Liibaan oo naxsan garana la’ sababta iyo cidda ay tahay, ayaa muraayada ka arkay Ladan oo sii jeeda, si qurux badana u lebisan, markaasuu niyada iska yiri, Inkaari ku dhacday tana ma meherkeedii ayay doonaysaa, oo xabsiga iiga soo raadsatay, intaan soo baxayo ma sugi weyday, isagoo naxsan duruufina ka muuqato, timihiisuna aad u maleyso caws inta si fiican u baxay, haddana daad ka xoog badani gunta u siibay oo marmaroorsamay. Liibaan ayaa soo galay qolkii isagoo taagan ayuu Afka ka salaamay Ladan kaddibna askarigi ayaa isaga baxay oo u faq daayey.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cismaan Qanyare

SHEEKOOYIN