Saaxiibkaan Eersadey Q15AAD W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan Eersadey Q15AAD

Ladan iyaduna markay gurigeedi ay tagtay, waxay iyaduna gashay dhar iska bedel iyo qubeys si ay isaga dhaqdo dhegdhega wejigeeda ku yaal iyo haaraha dhirbaaxooyinkii ku dhacay, markay isu diyaarisay musqusha ayaa ayaa telefoonkeedu soo dhacay, markay qabateyna waxaa loo sheegay in cid la hadlaysaa ay tahay booliis.

Booliisku wuxuu Ladan ku wargeliyay in laga soo wacay goobtii ay xafladdu ka dhaceysay ayna soo wacday qof soomaali ah una sheegtay  sida ay wax u dhaceen iyo in lasoo weeraray, isla markaana ay shaqadooda tahay inay ogaadaan in wax dhibaato ah jiraan, kana hubsadaan qofka weerarka lagu sameeyay. Ladan waxay booliiska u sheegtay in wax dhibaato ahi jirin oo uusan dagaal iyo weerar  midna  aheyn waxa meesha dhacay, balse aheyd fara ka cayaar yara kululaadey oo dhex maray laba qofood oo saaxiib ah, midkoodna uusan dacwo qabin, waxayna Booliiskii uga mahad celisay sida ay isugu taxalujinayaan inay ammaanka iyo nabadda shacabka sugaan mar kasta , Booliiskiina wuuku qancay hadalka Ladan.

Ladan mar allaale iyo markii ay taleefanka Booliiska ka dhammaatey ayaa haddana taleefankeedu mar kale soo dhacay, markii qabatayna waaba Xaali oo xiiqsan qori dab lehna la wareegaaleysaneysa. Xaali waxay hadalkii ku bilaawdey iyada oo aad moodeysid in Makarafoon lagula dhagan yahay ,hadalkeeduna uusan dhextaal iyo u kala neefsiba laheyn: ’’ Naa heedhe naagta waalan ee kugu soo boodday ee kaa garta darneyd, ee ummaddoo dhami arkeysay horta maxey kugu maagtay? Ileyn ceeb maaha oo dumar la isla qabo adinka uguma horreysaane? Haddaadan xabsi ku hubsanin maalin kasta ayay sidaas kuu soo weerareysaa. Miskiinka iskaabulada ah ee Looyaan ee dhaqtarka ku jirana ayadaa Liibaan iyo isaga isku dirtay, oo middiyaha isugu dhiibtay kana mas’uul aheyd inuu jajabo. Haddana waa taas dooneysa inay adiga dhaqtarka ku dhigto. Waxaa la ii sheegay inay shandadda ku sidatay ACID (AASHITO) ay dooneysay inay wajiga kaaga firdhiso , si wajigaba kuusoo kaduuto oo uu kaaga gubto. Booliiska Ayaan wacay markiiba oo aan nambarkaada soo siiyay ,wixii dhacay oo dhan iyo in lagaa gardarnaa oo lagusoo weerarayna waan u sheegaye ma kusoo waceen? Naa bal aqbaarta isii’’

Ladan oo aan mar kaliya juuq oran intii ay burqaneysay duq Xaali, iyadoo si miyir leh u dhuuxeysay hadalkeeda ayaa  ku bilowday su’aalo is daba joog ah waxayna tiri: ‘’ Xaali , yaa ku yiri ii dacwood oo Boolis iigu wac? Yaase fasax kuu siiyay inaad taleefankeyga siisid cid aadan igala tashan oo aanan anigu kuu fasixin? Maxaa kaa galay ama kaa quseeya aniga iyo Luul dhexdeena? Liibaan iyo Luul dhexdoodase maxaa adiga kaaga lumay? Xabsiga Liibaan iyo sabababihii keenay shaqo adiga kuu taala maahee howl kale oo aad ku mashquushid yeelo. Mar danbe haddaad arrimaheyga afka iyo faraha lasoo gashid waxaa balan ilaahey igu ah inaan isku fac noqoneyno oo aanan da’da kugu xushmeyn doonin. AASHITO ayaad sheegeysaaye BISTOOLAD haddey Luul sidatana annagaa uga raali ah weyna ku saxan tahaye adigu danahaaga ku foognoow’’!

Xaali oo waji gabax kala kulantay la hadalkii Ladan , kana careysan sida ay uu ugu hirgalay dagaalkii ay soo qaban qaabisay balse ugu  fashilantay natiijadii kasoo baxday  fidnada, ayaa si naf la caarinimo ah ugu af gobaadsatay..’’ Maansha la yiri doqon ha u gargaarin ,hana gargaarsan , wallee soomaalidu been ma maahmaahdo waa dhab, bal eega wanaagga aan falayay iyo  eedda la ii ximbaariyay! Halkaad doontaan iskala dhaca anigaa kaa gardaran oo doqon is iri u hiiliye’’. Intaas markii ay duq Xaali ku hubsatay dhagihii Ladan ayay taleefankiina ku damisay.

Xaali ayadoon weli kasoo kabanin jabkii iyo  madaafiicdii lidka dulmiga ahaa ku dhacay, kagana yimid dhanka Ladan, isla markaana u qaadan la’ guul darrada ay kala kulantay howgalkaas, ayaa durbaba taleefan kale ku dhufatay Luul. Leyla ayaa ka qabatay taleefankii marka ay weydiisay qofka hadlaya Xaalina isu sheegtay, ayay Layla intay ugu horeynba ka cowdi bileysatay tiri: ‘’Xaali aa? Aacuudu billahi mina sheydaani rajiime hana soo wacan sheydaamad yahay Alla iyo rasuulba  ka furatay, ee hablaha ay dhali karto isku direysa ee dhexdooda iyo sidey isugu dhufan laheyd  meheradda ka dhigatay, haddaadan sheydaamad aheyn xilligaan namaadan soo wacdeen adigoo uubateynaya’’ Intaas kaddib Xaali taleefankii bey iska dhigtay iyadoo ay u cuntami la’dahay in fitnadeedii aaney mira dhal fiican u yeelanain. Xaali inta badan shirqoollada iyo dabinada ay maleegto sidii ay ugu talo gashay ayay ugu dhici jireen natiiji ay mahdisana waa uga so bixi jireen , arrintanse waxay ku noqotay mid ay ku hungoowday. Luul si fiican bey u maqleysay hadalka  walaasheed waana u riyaaqsaneyd dabaabaadka culculus ee ku dhacaaya Xaali. Habeenkaas Xaali waxay ku seexatay calool xumo.

Aroortii markii uu waagi baryay duq Xaali waxay u qalab qaadatey dhankii Cisbitaalka uu Looyaan jiifay, kaddib markii ay qol uga diyaarisay gurigeeda. Duq Xaali gabar ay dhashay oo Samiira la yiraahdo oo  ka mid ah hablaheeda, xaasna  aheyd muddo kooban oo 5 bilood oo kaliya ah , anshax wanaagsana aan lagu aqoonin, inta badana ku milan niman ajaaniib ah oo balwado waaweyn oo qaarkood halis  caafimaad iyo mid bulshaba leeyihiin leh, ayay la dooneysaa inay Looyaan ku asturato isaguse ma oga. Waa adduunyo jahwareersan warna la isuma hayo.

Xaali intii aysan guriga ka bixin waxay hablaheedii kula sii dardaarantay in Looyaan si qurux badan loo soo dhaweeyo markey yimaadaan oo aan la dareensiin inuu marti yahay, kalsooni badana la dareensiiyo. Xaali iyo hablaheedu waa isla ogyihiin ujeeddada ka danbeysa keenista Looyaan ee gurigooda.

Looyaan waa uu sii diyaar garoobay agabkii yaraa ee cisbitaalka ka yaalayna waa uu sii aruursadey xoogaa waa uu ka walwalayaa guriga cusub  ee uu ku noolaan doono iyo sidoo kale dadka iyo marxaladdaba.

Xaali ayaa u timid isagoo diyaar ah. Quraacdii cisbitaalka markuu cunay oo daawooyinkiisii soo wada qaatey  waxayna kusoo kaxeysay TAXI. Intii ay soo socdeen ayay u sheegtay in gabadheeda Samiira ay la jeclaatey maadaama uu yahay nin wanaagsan. Waxay u sheegtay inay dhankeeda kala shaqeyn doonto isku soo dhawaanshaha isaga iyo Samiira. Looyaan farxad iyo cabsi isku dhafan daraadood wuxuu bilaabey inuu hadalka shigshigo. Duq xaali ayaa weydiisay Looyaan sababta uu hore ugu guursan waayay maadaama uu yahay doob aan da’ yareyn? Looyaan  waa uu ka maquurtay jawaabta su’aashaas wuxuuna badalay mowduucii laga hadlaayay isgoo iska soo gooyay su’aal ah   ‘’Horta maama Xaaliyeey gurigaagu imisa qol ayuu ka kooban yahay’’? Xaali oo la yaaban sababta uu su’aasha uga maquurtay Looyaan ayaa cod hoose oo saluug ka muuqdo ugu jawaabtay ‘’gurigu waa guri weyn oo kor iyo hoos ah’’

Samiira looma sheegin hawsha hooyadeed wado, lagalamana tashan, balse,  waxaa la rabaa in si wadajir ah looga dhaadhiciyo,  markey guriga soo galeen ayuu sheeda ka jaleecay gabdhihii meesha joogay, mid qurux badan, mid meel dhexaad ah iyo mid  lafweyn oo hilboon surwaal tuute ah nooca  jimicsiga gashan oo timaheedu aad moodo Caws sac afka hore ka cuney yuuban yihiin.

Naxdinise  waxay  ahayd markii loo yeeray  ee la yiri Samiireey,  horta  markiisii hore Looyaan dumarka hilboon waa jeclaa,  aragyey  soo jeedka iyo foolka samiira ma foolxumo balse, belo waxay ku dhigtey qaabdarrada iyo hannaan xumada hubqaadkeeda oo aan ahayn qaabka uu ka helo.

Wuxuu hoosta ka leeyahay yeelkadeeda ilaahayoow may  jinni u ekaato dantaydu waa gabar aan nolol wadaagnee ilaahayoow aysan igu soo giiran.

Samiira ayaa dhinaca qolka tustey iyadoo dhoola caddeyneysa, waxayna hadalkii ku  billowdey  ‘’Abti  soo gal  waa kanaa qolka laguu diyaariyey’’ oo af soomaaligii dhallinyarada ‘’say walaahi ah’’, haddana waxay ugu celisay: “Abti hadda  caafimaad waad haysataa maaha?”.

Looyaan oo ‘’waa fiicanahay’’   ugu jawaabay ayaa  Xaali oo jikada gashay ka soo daba baxday oo tiri  ‘’naa walaalkaa ma tustay qolkiisa’’? Markaasay intey gacanta ka soo qabatay haddana tiri:  Looyaanoow waatan gabartii Samiira ee walaashaa!

Samiira ayaa dhahday  ‘’abti maaha miyaa’’? Looyaan ayaa qoslay, Xaalina  waxay tiri  waa sidaa  carruurta waddankan ku kortey  dadkoo dhami waa abti ilaahayoow hana cadaabin!

Looyaan isbitaal ayuu ka soo baxay, balse,  xabsi yaroo kale ayuu galay  waayo  maaha guri uu hore u yaqaanay, dad uu hore u yaqaanay iyo dabeecad uu hore u yaqaanay  waa nin muddo dheer keligii noola, waase is dhibayaa.

Waxaa u wada yimid  gabdhihii oo mid mid loo baray, lana soo fadhiistay  sarriirta uu ku fadhiyey iyo kuraas  qolka taalay,  si diiran ayaa loo soo dhaweeyey, waxaana loo sheegay inuusan is martiyeyn ee  gurigaan uu yahay gurigoodii,  Samiira oo neceb ragga guriga yimaada  ee Soomaalida ah, ogna war xumadooda iyo nuxnuxdooda ayaa tiri: Abtiga inta muu joogaa?

Xaali ayaa la soo booday abtigaa maaha ee waa walaalkaa inkaari kugu dhacdaye, Haa halkan ayuu nala joogayaa, Samiira kama helin warkaas waayo waxay diidaysaa naa madaxa daboollo iyo ragbaa joogee is astur, ama in lagu qasbo dhar Soomaali iyo hawlo aysan diyaar u ahayn.

Dhinaca kale Luul ayaa  waxay kala tashatey  walaasheed inay la hadasho oo ay kulmaan Ladan, balse, Leyla oo ah  qof gobonnimo u dhalatey ayaa tiri: Naa la hadal oo isma hurtaad tihiine  u tag, anigana i bar waa dumaashiday oo waa walaalkay Liibaan Xaaskiisa ileyne.

Luulbaa qosol la dhacday oo tiri: “ Ileeyn ilaa hadda waxaad la safantahay Liibaan? Luul way soo dhaqaaqday waxayna soo gashay qolkeeda  hurdada  waxay soo qabsatay  telefoonka, salka ayayna si fiican dhulka u dhigtey, kaddibna waxay  ku dhufatey lambarkii xalay ay siisay Ladan, wuu dhacayaa Luulna waxay ku haysaa dhegta, waxay ku naxday  mar qura markay maqashay Hello:

La soco qaybaha kale

W/Q: Cismaan M. Qanyare

 

SHEEKOOYIN