Sabannadii Samaa Qeybtii 3AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

quotescover-JPG-10

 

Sabannadii Samaa Qeybtii 3AAD

Hadalkii taagtaagnaa ee na dhex maray aniga iyo Odaygeyga wuxuu sabay in aniga iyo xaajigii oo ay sheekadu nnaga kululaatay kadibna aan telkii ku dhigay. Wal wal iyo walaahow baa ii bilowday, sheydaankiina irdihii baa u furmay, marba doc buu wax iga tusaa, waan xiiqsanahay wax dhaqaaqa ma samayn, waa burbursanahay cid i dishayna uma jeedo, shantii daqiiqaba toban go’aan baan qaataa. Asxaab badan oo aan gadaashii yeeshay baan midba mar wacaa anoo talo-doon ah inta uusan igu soo celin ka hor, midba waxbay ii sheegtaa, mid baa qar iga tuurta midina bad-weyn bay igu harqisaa balse tii ugu tala xumeyd ayaan raacay oo igu tiri Naa hadalka ha u jilcin oo gaaladaan baa nin oo dhan noo cabiidiyaye go’aan adag waxaad ku tiraahdaa illaa aad soo laabato wada hadli mayno markuu soo laabtana kala dooransii hadduu tagid doortana dacwo ku astee.

Waan filayay inuu igu soo celin doono, anna waxaygii baas oo aanan ka fiirsan cawaaqibka ka dambeeya baan diyaarsaday, sidaan filayayba telkii ayaa soo dhacay, salaan aan sal ku fadhiyin kadib wuxuu igu yiri sheydanka iska naar, is deji kadibna sidaad rabto ii sheeg,go’aankaygii qaldanaa baan taabsiiyay anoon hadalna ku daran kana dhimin, waayahay bal waan soo laabanayaa ayuu yiri oo usbuuc kadibna waa yimid. Isla maalintii uu yimid ayaan hawsheenii guda galnay waxaa uuna ii sheegay inuusan dooneyn inuu waqti badan lumiyo oo ay hooyadii ka dayacan tahay ee aan abbaaro ujeedka aan leeyahay, anigana anoon geed ku gamban ayaan ku iri ama annaga ama hooyadaa!!!!.

Isla markii anagoon fadhigii ka kicin buu aabbahay wacay una sheegay wixii aan ku iri oo dhan, aabbahay ii dhiib ayuu ku yiri, asna telkii ayuu ii soo gudbiyay, canaan iyo talo kadib aabbahay asagoo carraysan ayuu igu yiri aniga dhaqankaan kumaan barin ee ninkaaga hadalkiisa haddaad diido ana ima taqaanid telkiina waa igu dhigay. Aniga waxaasoo dhan iima cada oo sheydaan baa iga saa’id caleeyay, talo iyo tusaale kasta oo la ii sheegayna waa i dhinac mareen oo dhago daloola kuma aanay dhicin ee meeshaydii baan ku dhagay, inuu i sabaansabuu isku dayay guul darayse ku dhammaatay.

Talo xumo isuma kaa sheegto, waxaan dhakhsiiyo ku illaaway maalmo badan oo wanaagsanaa, waxaan illaaway riyadeydii ahayd dibadda inaan tago, guri weyn iyo nolol wanaagsan helo kii ii rumeeyey,   haba yaraatee wax nugeyl iyo naxariisa uma hayo, Carruurtu aabbahood bay u baahan yihiin, waxaan ku qasbayaa kuwuu dhalayna inuu dayaco oo aannu kala tagno ama inuu Hooyadii dhashay dayaco oo uu if iyo aakhiroba seego.

Waan buuqayaa waa bulxamayaa waxaa I saaran heeryo Ibliis, waxaan gacal ka dhigtay kuwo mar hore god ku dhacay oo meel ay ka soo laabtaan joogin” Mudul gubtey mudul fiyoo kama naxo” waxaan ku dhex dayoobey nolosha iyo dhaldhalaal been ah, waxaan u durbaan garaacdey dullinimo mase dareensani, isagu inuu I waaniyo oo I wacdi maahine, marnaba inuu I dulmiyo diyaar uma aha.

Ugu dambayntiina wuxuu igu yiri anigu waan baxayaa oo ma joogayo ee adiga joog haddaad doontee aan carruurta kaxeeyee keen oo aan hooyadaa u geeyo waliba, waxaanse ugu jawaabay mar dambe ilmo hadday afkaaga ka soo yeeraan booliiskaan kugu dacweynayaa laakiin hadda kuma haystee dhaadhac.

Waan ogaa inuu yahay nin go’aan adag oo waxa uu doonayo maahane aanan wax kale u joojinayn sidaan filayayna laba beri gudahood waddankii ayuu ku laabtay. Waa cusub baa ii billowday, layma qabo laymana furin, xiriirkii reerkaygana halkaa ayuu ku xumaaday oo si wacan uma wada xariirno, hooyo ayaan si xatooyo ah ku wacaa inta uu aabbe maqan yahay hadduu joogana magacayga lama maqashiin karo.

Muddo yar gudaheed magaaladii baan aad u kala bartay, waddo kasta oo xunna sheydaankii baa igu sahansaday oo waxaan noqday qofka ugu sareeya oo xafladaha iyo isu imaanshihiya gobolkayga abaabula illaa markii dambe PARTY ORGANIZER la ii baxshay, hawsha aan ku jiro markuu ninkaygii maqlayna waa isoo dalaaqay.

Fawaaxishtaas ayaan dhex dabaashay, ilmahaygii waan hilmaamay, nin kale oo fannaana ayaan guursaday, waxaannu raacney doon aan lahayn darawal badweynta dhexdeeda Naakhuude iyo jiheeye midna jirin, waxaan noqday qof “ Diin walba ku murqaan ah” wixii la sheegoba waa ka war dooney, waxaan ku biirey xerta beerta.

Ninka aanguursadeyna albaabada beerta ayuu noo fududeeyey kaligayna beerta muu galine xataa carruurtaydii ayuu gashay. Sanado badan baan badweyntaa dhex maquuray oo aan hurdo weyn seexday waxaanse soo baraarugay habeen habeenada ka mida markaan arkay aniga iyo carruurtaydii oo hal xaflada ka wada niikinayna, qalbigaa la ii dhaafay, boohin baan af labadii yeeray markaan soo gocday sidii xaaladeydu ahayd, qaabkii la ii soo barbaarshay iyo ninkii aan dayacay iyo kan aan ku badashay.

Ninka cusub aan guursan inuu na baa’ba sho maahine, mar qudha weligiis wanaag nama farin, wuxuuna noo horseeday, Balwad iyo bellaayo oo dhan, waxaannu dabka kala qaadeyney intii xumeyd, waxaanan noqday, qof aan xeer iyo dabar midna celin, Carruurtuna halkaa ka wado halkeeday ka miiseen” Gabadhii Hooyadeed haruurka tuntaa, iyana haadis waa taqaanaa”

Hawshii ugu horreysay waxaan ka billaabay, habaarqabihii iskaaya kabba raaciyey, Isla subaxnimadiiba awalba iguma uusan dheereyne carruurna uma aanan hayne nin baaskii waa iska furay aanba is ka furee waxba iima soo kordhin oo ilmo ma haysto, anigiina sharaf iyo marwanimo ma haysto, noloshaydiina halkaa bay ku baaba’day.

Dumarkaan la tashan jirey waxay noqdeen cadowgeyga wareejiya ceebtayda, waxaa iigu naxdin badneyd, maalintii gabadhii I siisay go’aankaan ninkayga ku kala tagney, igu tidhi” Nimcadu dabar bay leedahay waa marka qofku garowsado allena ku mahadiyo, laba baalna way leeday oo ay ku duusho, waa marka qofku garan waayo ee uu iimaansan waayo” waxaad haysatay nin aan layska heli Karin, waxaadse garan weyday inaad dhaqato.

Waxaan arkay anigoo eeri go’an iyo gabaahiir cidla jooga, maaha banaankii geeriyaad ama Saxarihii afrikada waqooyi ee noloshii baan ku cidloobey, ku keliyeystay, wehel la’aan, waalid la’aan, walaal la’aan, iyo walad la’aan,   intii aan dabaallanayey hirarka badweynta ee aan kaymaha   waalida xulayey, waxaan sidoo kale gooyey, xiriirkii reerkayaga oo xitaa hooyaday iyo walaalahay ma jiro qof keliya oo xiriir nagama dhaxeeyo.

Hadalkani wuxuu iiga kululaa rasaas jiirkayga iyo lafaha isaga dhex gudubta, waayo waa dhab waxay ku hadlaysaa, mararka qaarkood digashadu waa gar, waayo waxay ahayd maahmaahdii Soomaaliyeed “ Lax weliba shilalkay is dhigtaa lagu bireeya” eedan anigaa iska leh, waxaan ninkeyga iyo reerkayga ku waayey, waa Hooyadii waalidka ii ahayd, anigaase hadda meel ku sheegin ubadkaygii.

Waxaan xasuustaa, hadba Sabannadii Samaa ee aan soo maray, ileyn xasuusi wax kuuma xasiliso, waan ooyaa, waan is cannaanta, waxaanan wehel ka dhigtey, dhegaysiga heesaha calaacalka, waxaan dhegaystaa heeso ay ka mid tahay heestii caanka ahayd ee “ Adduunyoow waalaley” ee Hobolkii Maxamed Caraale ku xareedin jirey iyo Erayadii Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan Ganey.

 

  • Marbuu ku wanaajiyaa
  • Waqtigu ku hiiliyaa
  • Walaalkii kaa dhigaa
  • Sidii waqal kuu da’ayaa
  • Weedhada lagu qoslaa
  • Dadkana tahay ruux la weyn
  • Marbaad kala weecataan
  • Waayuhu cadow kuu noqdaa
  • Wacdiga aadmiga fartaa.
  • Mar buu wehel kuu dhalaa.
  • Adduunyoow waalaaley
  • Adduunyoow waayo badan
  • Warwareeg adigaa I yiriye
  • Fartiyo wadnaha isku qabo,

Gunta iyo gebagebadii waxaan rabaa inaan halkan idiinku sheego sababta aan u ogolaaday inaan soo tebiyo dhacdadan igu dhacday iyo ujeedada ka dambaysaa,waxay tahay in gabdhuhu xataa hadday ninka nacaan, si kastaba haku imaatee in aanay ilmaha hadday badbaadadoodu aabbaha ku jirto ay u daayaan si ay nolol u helaan ,waayo, ilamahayga maanta hadday aabbahood la joogi lahaayeen waan hubaa way badbaadi lahaayeen.

Haddaad nolosha qoonsato oo aad qawado ha galaafan dad badan noloshooda, sida ubadkaaga iyo waalidkaa, waalidka ninkaaga ee haku koobnaado dhibkaagu keligaa,  haweenoow waxaan idinkula talinayaa, inaad ilaalisaan qoyskiina idinkaa udub dhexaad u ah,  raggiina  hadduu wanaagsanyahay dhawrta,  hadduu xunyahayna  u dulqaata.Waxaan sheekadayda ku soo afjarayaa Tixdan: Hiirtaanyo.

  • Haddaad hiifto naftaada
  • Halgaado lammaanahaaga
  • Hir iyo been kuu hilaaco
  • Hayaan aan jirin ku guurto
  • Heblaay ha hilmaamin waayo
  • Haddiyo ka horreeyey heerkan.
  • Haddaad tahay hooyo fiican
  • Naftaada hawaalaheeda
  • Hammiga kugu jira dartiisa
  • Hedii ubadkiyo dadkaaga
  • Ha noqon halistii waxyeesha.
  • Haddaanu lammaanahaagu
  • Hadh galay reer kale yagleelin
  • Hortaadana aqal ka taagin
  • Huf iyo been laguma duulo
  • Haweenkiyo sheekadooda
  • Hinaasaha laguma beelo
  • Hantiyo gurigaaga buuxaa.

 

 

Dhammaad.

W/Q Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

SHEEKOOYIN