Saddex xagalka laga dumiyo bulshada W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Saddex xagalka laga dumiyo bulshada
Afeef
Walow uu soomaalida ku habsaday burbur guud ahaaneed haddana waxaa la oran karaa midka ku dhacay qofnimada soomaaliyeed ayaa ah halka laga abbaaray boqna goynta ummada, halkaas ayaana ah boogta kaliya ee dhayideedu sabab u noqon karto bogsiinada ummada.
===========================
Qarniyadii hore waxa ay shiinihu ahaayeen kuwa la daallaa dhacaya gulufyo joogta ah oo kaga imaanayey qowmiyadaha deriska la ah, kolkii ay u taag waayeen xakameynta gulufyada ayey go’aansadeen in ay dhisaan darbi difaac ah oo ay kaga gaashaantaan gulufyada, waxa ay si tacab leh u yagleeleen (darbiga shiinaha) oo iminka ka mid ah mucjisooyinka dunida.
Hayeeshee 100kii sano ee ugu horreysay waxa ay shiinuhu la kulmeen 3 guluf kuwaasi oo gudaha loogu soo galay soohdinta dhulkooda, cadawga shiinuhu marna kama aysan xera taraarin darbiga mana aysan burburin dhismihiisa, balse waxa ay si sahlan uga soo galeen albaabada darbiga kaddib markii ay laaluusheen waardiyihii albaabada.
Shiinuhu waxa ay ku guuleysteen dhisidda darbiyo adag balse waxa ay ku fashilmeen dhisidda dadnimada qofeed ee waardiyaha, taasi oo keentay in uu tacabkoodii noqdo mid aan natiijo laheyn.
Bulsho waliba waxa ay ka dhisantaa ama ka duntaa shaqsiyadda qofka, balse waxaa jira xaglo muhiim ah oo laga hujuumo bulshada dhaxdeeda si loo dumiyo ilbaxnimada, jiritaanka iyo horumarka bulshasadaas, haddaba xaglahaasi saddexda ah ayaa kala ah:
1. Qoyska
2. Waxbarashada
3. Marjaca (dhaqanka & culimada)
* Si loo dumiyo qoyska waxaa la beegsadaa hooyada oo iyadu ah udub dhaxaadka qoyska, waxaa meesha laga saaraa maqaamkii ay hooyadu ku laheyd barbaarinta, hagaajinta iyo dhidibba u taagidda qoyska iyada oo la adeegsanayo habab dacaayadeed kaasi oo hooyada ku qasbaya in ay ka khajisho booskeeda ku aadan (barbaarinta, kobcinta, daryeelidda, gacan ku heynta nolosha guriga IWM).
* Si loo dumiyo waxbarashada waxaa la beegsadaa macallinka ama baraha oo isagu ah laf dhabarka waxbarashada, waxaa la bahdilaa booska uu macallinku ku leeyahay bulshada dhaxdeeda kaasi oo ka dhigaya mid aan qiimo iyo qadarin ku dhax laheyn dadka guud ahaan iyo ardayda gaar ahaan.
* Si loo burburiyo marjaca ummada waxaa la adeegsasaa culimo iyo dhaqan shaki fara badan laga qabo, kuwaasi oo aysan jirin cid dhageysata ama ku dayata, taasi oo booska ka saareysa marjacii ay bulshada ula laaban laheyd xallinta iyo xeerinta dhibaatooyinka.
Haddaba haddii la waayo hooyo wacyi leh, macallin qadarin leh iyo marjac loo laabto, sidee lagu helayaa bulsho ku hanaqaadda hiddo suuban ?
W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN