SADDEXDA MAAMUSHA NOLOSHAADA.

Nor1

SADDEXDA MAAMUSHA NOLOSHAADA

Cinwaanka marka aad aragtid waxaa laga yaabaa in aad is dhahdo waa maxay saddexda maamusha noloshayda oo uu ninkan kusoo koobay nolosha oo dhan, balse fasiraaddaas waa mid kuu gaar ah, anigase waxaan wax ku cabirayaa sida ay ila tahay, taas oo aad igu raaci karto, iguna diidi karto.

Xaqiiqda marka laga hadlo Nolosha waa Fahan, fahamkaas oo noqon kara Malaayiin faham, sida kala duwnaanteena ay tahay ayuu mar walba u kala duwanaan karaa fahamkeena, balse taas macna badan ma suubinayso mana ahan mid naga hor istaagi karaysa Hadafka iyo halka aan tiigsnayno.

Inaga oo kala duwan ayaan hadana wax badan wada wadaagi karaynaa, taase ma ahan mid Umadda aan ka dhalanay dhaqan ahaan looga bartay ama ay ku dhaqmaan, waxa aan ka hadlayo waa Dunida kale.

Sifaha laga baxsho nolosha waa mid ka timaado Dad ka helay Casharada noloshooda Khibrad sare, taas oo ka dhigaysa in uu dadka aan haysan Khibraddaas usii gudbiyo ama jiilka soo koraya ay u gartaan in Caqabadaha nolosha ay marayaan ay tahay wax looga horeeyay, sidaa darteed aysan u arkin wajihitaanka ay wajahayaan mid soo gunaanadaysa noloshooda ama ka hor istaagaysa hadafka ay tiigsanayaan.

Xaqiiqda nolosha waa midda laga barto carsharada, ma ahan midda ku dhisan Hawada aan jirin ee dhalanteedku keeno, xaqiiqda sidoo kale waa mid iyada nafteeda ku timaada Wajiyo badan kuwaa oo noo ah casharo la doonayo in aan wax ka kororsano.

Hadaba waxaan jeclaa lahaa  in aan ku sifeeyo sifaha qofka ee nool, waa qof walba cidda aan ka hadlayo qaasatan inta qoraalkan aqrintiisa awoodda, ma ahan in aan wax idin dheerahay ama aan idinka aqoon badanahay, adiga waxaad taqaanaa wax badan oo aanan aniga aqoon, sidaas si la mid ah kuwa kalana wax badan ayay marka ay timaado aqoonta nagu dheeryihiin, marka waa uun isku gudbin Aqoonta la is dheeryahay.

Qofka haddii ay awooddiisu tahay wax gudbin ma u haboona in uu aamuso ama maba aamusi karo ayaa la oran karaa oo waa u nafis in uu wax gudbiyo, sidaas darteed anigana nafis ayay ii tahay in aan saddexdan qodob ee aan nolosha ku sifeeyay idiin soo gudbiyo, aniga oo dareemaya in aan gutay waajib ka mid ah waajibaadka badan ee ay noloshu igu leedahay ama idinka aad xaq iigu leedihiin.

In wax la is dhaafsado waa qayb ka mid ah nolosha, Aqoonta lala aamuso ama Xikmadda lala aamuso ma noqon karto Xikmad ama Aqoon, balse waxay wax noqon kartaa marka lasoo bandhigo oo la dareemo wax tarkeeda.

Dabeecadda Aadanaha ayaa ah i tus, ina taabsii, Hadal badan haan ma buuxsho, anigana in aan idin tuso ama qalbiyadiina aan taabsiyo ayaan go’aansaday qaabka aad u fahantaaan idinka ayaa ka mas’uul ah, qaabka aan u qorayna aniga ayaa ka mas’uul ah, balse afeeftaas macnaheeda maahan mid digniin ah ama muujinayso in aan soo wado wax ka dhex abuuri kara Bulshada Tafaraaruq ama qolo gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo, waa oraah guud oo ka timid Maskaxda mid idinka mid ah, way khaldanaa kartaa wayna saxsanaa kartaa, balse waa uun iga wanaag iyo wax sheegis.

1: WAQTIGA.  Waa midka ugu muhiimsan nolosha aadanaha ama dunidaba, maxaa yeelay waxa lagu xisaabtamo ayaa Waqti ah, xitaa qofka imaashihiisa dunida iyo ka tigitaankiisa waxa lagu xisaabiyo ama lagu go’aamiyo ayaa ah waqtiga, sidaa darteed waqtiga qayb muhiim ah ayuu uga jiraa nolosheena.

Isla waqtiga ayaa ah midka go’aan ka gaaro saacad walba ama sakan walba waxa aan ku sugnaan doono ama noqon doono, waana isaga midka inoola yimaado Farxadda iyo Muragada, ama dhan walba oo nolosha ah.

Waa midka marqaatiga ka ah wax walba oo Koonkan ka dhaca, waa midka kulansiiyo kumanaan aanan is aqoon, waana midka kala qaada Malaayiin isku baahan oo is jecel, waa midka soo dirriya arrimaha, waa midka wax walba waqtiga ay dhamaanayaan ama ay bilaabanayaan ay ku dhamaadaan ama ay ku billowdaan, Dinida oo dhan ayaa isaga ku bilaabatay, isla dunida ayaa isagana ku dhamaato.

Balse mid maanka ku haay, ma ahan waqtiga mid u madax banaan in uu saacadda uu rabo yimaado ama uu tago, ma ahan mid waxa uu rabo iskiis u qabsan karo, isagana ma ahan mid is maamula ee waa mid uu Alle kor ka maamulo, keenihiisa waa Alle, Abuurihiisa waa Alle, qorshaha uu ku shaqeeyana waa mid laga soo go’aansho Rabi xagiisa.

Hadaba waqtiga waa midka go’aanka ka gaara waxa aad nolosha kala kulmayso iyo xilliga ay bilaabatay noloshaada ama ay dhamaan doonto iyo waxa aad noqon lahayd ama noqotayba, ma ahan go’aamadaas oo dhan mid uu awooddiisa leeyahay waa mid uu Alle u gartay, sidaa darteed, waqtiga qaybta ugu muhiimsan nolosheena ayuu ku jiraa waa mid ka mid ah saddexda aan sheegay ee noloshaada maamusha waana muhiimadda koowaad ee noloshaada, sidaas ayaana ugu doortay in uu noqdo lambarka 1aad .

2 QALBIGAADA. Qalbiga muhiimadda uu nolosheena u leeyahay qof walba wuu ka dharagsan yahay, ma ahan wax aan kaligey maanta idiin sheegayo waana midka amarka siiya Maskaxada, wax uusan doonin maskaxda kuma shaqayso kumana fakarto,  amarka nafteena oo dhan ayuu baxshaa markaas ayay xubnaha kale oo maskaxada ugu muhiimsantahay soo hindistaa amarka iyo waxa uu doonayo qaabka loo fulinayo iyo waddada loo mari lahaa, sidaa darteed waa go’aan ka gaaraha nolosha oo dhan.

Laga yaabee in dadka qaar ay maskaxda ka door bidi lahaayeen balse damaca iyo doonista oo dhan waa mid ka timaada Qalbiga, haddii qalbigu uusan waxba doonin maskaxda waxba ma dooni karto, sidaa darteed, waa kuwa isla wada shaqeeyo Gacmaha iyo Lugaha iyo indhaha iyo dhagahana waa kuwa awaamirta ka timaada maskaxda fulshaan, balse waa qalbiga midka siiya amarka koowaad maskaxda, haddii  uusan qalbi jiri lahayn ma jiri lahayn Nolol, Qalbigu waa Mashiinka ugu muhiimsan nolosheena, waana midka noo doora Cidda aan nolosha la qaybsanayno isla isaga ayaana go’aan ka gaaro.

3 DHAQANKAAGA: qofka marka abuuriddiisa la kaamilo ayaa waxaa la siiyaa Haybad uu Dadka kale uga duwanyahay taas oo ah qaab dhaqankiisa, isla dhaqankaas uu kula dhaqmo dunida ayuu qaadanayaa sifadeeda xumaan iyo wanaag wixii uu doono ha noqodo.

Waxaa la dhahaa qofka waa dhaqankiisa, heerka uu dhaqankaaga gaarsiisan yahay ayuu gaarsiisanyahay shaqsiyaddaada, isla dhaqankaas ayaa ah midka go’aamiya  inta Qof ee noloshaada ku hari karta oo wax kula wadaagi karta iyo inta aan wax kula wadaagi Karin.

Dhaqankaaga qaabka uu noqonayo waa mid aad doorashadeeda leedahay ma ahan wax ku xiran abuuristaada, sida badan waxaa loo nisbeeyaa ama sifo ahaan la siiyaa in qofku dhaqankiisa ay qayb wayn ku leedahay halka uu ku nool yahay iyo dadka ku hareeraysan ee nolsoha la qaybsan karo.

Inta badan ee aad ku dhex nooshahay Dad wanaagsan waa inta badan uu wanaagaagu bato, sidaas si  la mid ah xumaanta, maxaa yeelay doorashada nolosha inaga ayaa iska leh, qaddartana Alle ayay u sugnaatay.

Marka nala abuuray micnaheeda ma ahan in aanan ku lahayn wax awood ah doorashada nolosheena, taas waa mid go’aankeeda gacanta nalaga saaray qaddartase waa halkeeda, inkastoo dadka qaar ay dhahaan dhaqanka waa mid ka yimaada qaddarta xageeda, in qofkan uu sidaa u dhaqmo Alle ayaa go’aanshay, taas oo runtii aanan aniga aaminsanayn.

Noloshaada waa sida aad ka yeelato, haa, qaddarta waa mid ina wada koobtay, balse taas macnaheeda ma ahan in aanan qayb ku yeelan Karin hab maamulka nolosheena, Nin walba inta uu ka dadaal badan yahay ayuu ninka kale ka horeeyaa, sidaa darteed  maamulka nolosheena waa mid inaga inagu qaas ah.

Hadaba dhaqankaaga sida uu yahay qayb wayn ayuu ku leeyahay noloshaada, taas haddii aadan ogayn haddaba ogow, sidoo kale dhaqankaaga waa Luuqad aamusan oo tarjumaad ka bixin karta wax walba oo aad tahay, inta badan uu dhaqankaaga wanaagsanaado waa inta badan oo ay noloshaada wanaagsanaato.

Xaaladaha nolosha qayb wayn ayay ku leeyihin ayaa la oran karaa is bad baddalka dhaqanka qofka, inkastoo dadka qaar ay leeyihiin haybad Alle siiyay oo uu dhaqankoodu wax saamayn ah uusan ku yeelan xaaladaha kolba dhinac u ciiraya ee dunidan.

Hadaba sida aan sheegay waxaa maamula nolosheena saddexdaas arrimood, waasa marka aan ku saleeyo fakarkayga Daciifka ah laga yaabee in aad igu waafaqdaan ama igu diiddaan, balse waxay iga ahayd oo kaliya waajibaad gudasho.

Waxaa jira Oraahyo gaagaaban oo oranayo in waqtigu uu yahay sida seef oo kale, inta uusan ku goyna la doonayo in aad adiga jarto, taas oo looga dan leeyahay in waqtigu uu noqon karo kan go’aanka ka gaara noloshaada sida ay noqonayso dhan walba, marka waxaa inala gudboon in waqtigu inoo xisaabsanaado.

Qalbigana maadaama uu yahay maamulaha nolosheena oo dhan waa in aan galinaa wax walba oo wanaag ah, si amarada uu Maskaxda siinayo ay u noqdaan kuwa wanaag ah oo shalayto iyo Qoomamo aanan ku dambayn.

Dhaqanka oo ah qodobka saddexaadna maadaama uu  ka tarjumayo waxa aan nahay waa in uu u ekaadaa mid wanaagsan oo sawiro qiimo badan u gudbin kara banaankeena, si sifada aan qaadanayno ay u noqoto sifo wanaagsan.

Qalinka: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN