Saddexdii Dagaal ee Lafoole W/Q: Prof Yaxye Sh Caamir

13895389_1184561098252288_5801897663112955435_n

SADDAXDII DAGAAL EE LAFOOLE.

Inkastoo dadka badankiisu ay xasuustaan dagaalkii Lafoole ee Antonio Cecchi lagu dilay,haddana qoraalada badankoodu waxa ay qorayaan in lafoole ay ka dhaceen saddax dagaal oo wacdaanku ku guuleystay iyo kuwa kale oo looga guuleystay.
Lafoole 1-kii ugu horReeyay waxa uu dhaxmaray Wacdaan iyo “Gaala madoow” u soo haajirtay gobalka shabeellaha hoose qarnigii 18aad,(( The place has been called Lafoole because apparently the Wacdaan defeated the Gaalo Madoow when they migrated to the Lower Shabelle around the 18th century, hence the translation of Lafoole which is: Bones- Lee V. Cassanelli)).
laakiin qoraalka Virginia Luling waxa uu leeyahay wacdaanka waxaa gacan ka siiyay dagaalkaa qabaa’il kale sida: Galadiga iyo Murusadaha, kaa ayuuna ahaa dagaalkii 1aad ee Lafoole.
Lafoole 2- Dagaalka 2aad ayaa qoraalada Virginia Luling ku sheegeen in ay dhaceen 14 sanno ka hor kii Cecchi laguna qaaday kooxdii uu hor socday sahamiyihii isticmaarka ee ahaa Mr. Revoil, kadibna waxaa dhacay kii ku caan baxay Lafoole. Fiiri (Virginia Lulling, 2002, p.30)

13882553_1184561338252264_1607635866950387890_n

Lafoole 3- Dagaalka oo talyaanigu u yaqiin xasuuqii Lafoole wuxuu dhacay 25-26 November 1896dii, waxaana lagu dilay Cecchi. Haddaba Cecchi kumuu ahaa?. waxa uu ku dhashay Pesaro 19.1.1849 waxa uuna ku dhintay Lafoole 26.11.1896 sida ay u qorantahay…(Antonio Cecchi (nato a Pesaro il 29.1.1849 e morto a Lafolé il 26.11.1896).
Mar wuxuu noqday wakiil talyaani ee magaalada Cadan iyo Zenzibar, Wuxuu ahaa isticmaar u sahamiye hore wuxuu u sahmiyay min Zeylac ilaa Kaffa oo ah koofurta Itoobiya, kaddibna xeebaha Soomaaliya (Robert L Hess, 1966, p.15). waxa uu heshiis la galay suldaankii Zanzibar si banaadir loogu wareejiyo (Robert L. Hess, 1966, p.24-25).
kaddibna wuxuu sahamistay wabiga jubba ee deegaanka jubbooyinka, fiiri: Italian Colonialism in Somalia (1966). kaddibna Cecchi waxa uu u yeeray nin ay ilma adeer ahaayeen oo la dhihi jiray Giorgio Mylius 1895 kaa oo ka mid ahaa warshadleeyda reer Milano, si uu ugu dhiiri galiyo in uu ka faa’iideysto deegaanka dihin (dhul cosob ah) ee Soomaalida.
Waxaana isla markiiba bilaawday qorshe suufka loogu beerayo Sh/Hoose ,taasi uma cuntamin wacdaanka. waxaa xigay in 25 Nov,in uu dhaqaaqay Cecchi asaga oo wata ciidan huwan ah oo ay hor kacayeen 17 sarkaal oo talyaani ahaa oo ay kamid ahaayeen taliyihii Markabka Staffetta, Sir. Ferdinando Maffei iyo kii markabka Volturno, sir. Franscesco Mongiardini, iyo inta badan ciidankii la socday labadaa markab oo u badnaa Ereteriyaan iyo Ajaanib kale oo ku soo xirtay dekeda Xamar kaddibna u soo dhaqaaqay dhinaca berriga ayagoo lugeeynaya.

13880342_1184561328252265_5805522573027813432_n
Waxaa dagaalka lagu qaaday 2:30PM mar kale ayaa dagaalku dib u bilaawday 26/Nov, ciidankii talyaaniga waxaa ka badbaaday 3 badmaax oo kaliya intii kale dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray..” (Robert. L Hess, 1966, p.63) iyo (Virginia Lulling, 2002, p.30)’‘ dagaalkaa oo ku beegnaa sannad Axadaad sida soomaalidu u tiriso sannadaha, waxaa ka qayb galay qabiilada: “Wacdaan, Geledi, Biyamaal, Wadalaan, Mobleen, Murusade iyo Mattaan”.

Sanadkaa 1896-97 waxa lagu xasuustaa Axad Shekki (the ‘Sunday year of Cecchi’). (Lee V. Cassanneli, 1982, p.207). gabayada suugaaneed ee lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa shirib sida qoraagu u tarjumay ayaa aheed (saying): “Shiin digow Sheikh Axmed Xaaji; Shiiki sheydaan mooho”? Translation: Writer of (the Koranic verse) shiin, Sheikh Ahmed Haji ;Is not Cecchi a devil?.
Warkaa dagaalku markii uu gaaray Rome, caasimaddi talyaaniga ayaa wasiirkii arrimaha dibadda ee talyaanigu si deg deg ah u magacaabay taliye Commander: Giorgio Sorrentino in uu noqdo wakiilka boqortooyada talyaaniga ee Banaadir, waxaana la siiyay awood dheeri ah oo uu go’aano ku qaadan karo.

13873147_1184561221585609_7409614827000294930_n
Talyaanigu kama welwelsaneyn guul daradaa oo kaliya ee waxaa hoos u dhacay dowrkii uu ku lahaa kala qaybsiga afrika ee uu kula tartamayay Ingriiska, faransiiska iyo jarmalka, ayada oo mudda sannad ka yar dhaxdeed uu ku jabay dagaalkii Adoowe ee uu amxaarada la galay, waxaa u raacay kii lafoole oo ka saameyn badnaa, sida ay u qoran tahay.”First Adowa, then Lafole; the future of Italian colonialism in the Horn of Africa looked very unpromising at the end of 1896”[1]..
Talyaanigana si uuna ceeb kale ugu keenin waddamadii wax gumeeysanay ayaa qaybtiisii lagu soo koobay Soomaaliya, Liibiya iyo Eriteriya , halka waddamadii kale ee uu tartanka kula jiray la siiyay dhulal badan.
Talyaanigu waxa uu aaminay in wacdaanku uu sabab u noqday in talyaaniga lagu aamini waayo waddama kale oo uu gumeysto, waxa uuna goostay in uu wacdaanka ka aar gudsado . wacdaan maxaa ku dhacay iyo saameynta dagaalku ku yeeshay?
Fiiri:”Obituary: Antonio Cecchi: The Geographical Journal, Vol. 9, No. 2. (Feb., 1897), p. 230.iyo For the Murder of Italians at Magadisho, Africa. The New York Times Published: December 4, 1986.
Sawiradii Cecchi, Xasuuqii talyaaniga iyo Barqash.
FG. Waxaa Cecchi lagu xasuustaa meela badan oo talyaanigu ku magacaabay iyo taala yar oo uu uga dhisay Lafoole duurka u dhaw, laguna qariyay….wixii iga qaldan dhammaan waad sixi kartaa, waad beeni kartaa,dhammeystiri kartaa, aragtidaada xor ayaad u tahay.


Qore: Yahya Amir.

SHEEKOOYIN