SADDEXEEYE Sheeko gaaban (Saynab Ugbaad)

Taladu waa saddex:

‘Mar aad garan weydo,

Mar aad gaari weydo,

Mar ay kula gudboontahay.’

***

Saddexeeye

(Sheeko gaaban)

Seynab Ugbaad

“Ayeeyo, guurkayga ma ku faraxsantahay?” ayay ayeeyadeed weyddiisay, Hibaaq oo walaacsan.

Ayeeyadeed Udgoon oo dareen soo gelay ayaa shaki la soo fadhiisatay. Waxay ka naxday Hibaaq su’aasheeda silloon. Siday u weyddiin kartaa waxaas oo kale, iyadoo guurkeedii ka wareegtay, afar toddobaad! Gabadhu waa udubcad aqalkeedu cususbyahay. Habeen Arbacaad ayaa loo hooyay ninkeeda Garaad. Waa markeedii saddexaad ay timaaddo gurigan ay ayeeyadeed Udgoon iyo hooyadeed Timiro kaligood ku noolyihiin.

Iyadaa ku saddex ahayd, labadooda. Iyadana waa la guursaday. Guur la wada sugayay muddana la dherersanaa. Siiba hooyadeed Timiro, oo siduu xanuunku u soo ritayba, riyadeedu ahayd, inay aragto Hibaaq oo deggan guri ay leedahay. Mar kasta ayay ku dhihi jirtay: ‘Intaan dhiman ka hor, aan arko waxaad dhashay.’ Waa garteed oo Hibaaq waa madi ay kaligeed ka dhashay ubad oo dhan, siday iyaduba hooyadeed Udgoon madida ugu tahay. Ubadjacaylkii ay gabadheeda Hibaaq u haysay, wuxuu sii kordhay, markay muddo dheer bukaansocod ahayd Timiro xanuunkuna guri ka dhigtay.

Hibaaq waxay ninkeeda Garaad kula kulantay, meheraddooda. Suuqa hoose dhexdiisa ayay ku leeyihiin meherad shaah iyo bakaash kooban lagu iibiyo. Ayeeyo Udgoon baa lahayd meheradda, ka dib gabadheeda Timira, oo markeedii hore la iibin jirtay, siday iyadaba hadda gabadheeda Hibaaq ula iibiso. Toddobaadyadii ay aroosgelka ahayd, markii laga reebo.

Garaad baa maqaayadda ugu soo gelay, barqo dadku kala yaraadeen.

“Koob shaah ah iyo …” isagoon weerta dhammayn bay Hibaaq xaggiisa soo eegtay. In door ah markuu eegay ayuu yiri: “Shaah ma helaysaa?” inuu yiraahdo: ‘Shaah iyo sigaar i sii…’ ayuu rabay, laakiin, Hibaaq, wejigeeda ladan iyo jaaheeda toosan markuu arkay ayuu go’aankiisii beddelay. Maqaayadda iyo magaaladaba dhowaangel buu ku ahaa, Garaad.

“Bigays miyaan ku siiyaa?” ayay weyddiisay, iyadoo ka xishootay eegistiisii dheerayd.

“Naa ii cadday, muxuu yahay bigaysku, ma annagaa abaar joogna.” ayuu geesinnimo aan tookh ka marnayn ugu warceliyay.

“Abaarta iyo bigayska, maxaa iska gelay?” ayay tiri, markay koob caddays soo hordhigtay.

“Ma geel la’aan baad nagu ogeyd!”

“Geelaadii caanihiisa halkan lagama helo.”

“Inta iga soo harta bigayska iyo biyaha aad waddo sii.”

“Waad islaweyn tahay walaal.”

Waa siduu rabay ee meeshii ayay muran iyo dood ugu billaabatay. Barqadaas ayay isbarteen, wixii ka dambeeyay, waxay noqdeen laba markasta oo ay iska soo horbaxaan is xifaaleeya. Kaftankoodii wuxuu isu beddelay hadal xodxodeed. Garaad baa lahaa damacaas sheekadu shukaansiga isugu rogtay. Isagaa xogwareysi danayni ku jirto gabadha kula sheekaystay.

Warkiisusa wuxuu ugu horrayntii wadnaqabad ku noqday Hibaaq oo ka biyaddiidday. Gaar ahaan markay soo xusuusatay jacaylkeedii Kaafi. Xiriirkooda, Kaafi iyo Hibaaq wuxuu soo jiray muddo dheer. Muddadaas oo ay Hibaaq ku mudatay dhibaato badan. Muddadaas oo hooyadeed Timira iyo ayeeyadeed Udgoonba guurkeeda ka quusteen.

Hasa – ahaatee, markuu Garaad, guur iyo guri yagleeddiis ku haasaawiyay ayay hadalladiisa u debecday. Sidaas oo ay tahay, inay Kaafi u tagto una sheegto arrinta ku soo korortay, hadduu guurka la qaato, waa jacaylkeedee, isaga guursato, muddo ayay ku himiloonaysay. Laakiin, dhiirranaanteeda dheddignimo, waxay sina ugu dhici weyday: ‘Kaafi  i guurso ama aan is guursanno.’ Afkaba way soo marsiin weyday taas.

Iyada iyo jacaylkeedii hore, markay wada joogeen, wax kasta way ka sheekasyteen, hayeeshee, marnaba guur kama wadahadlin. Hibaaq, oo inta aysan la kulmin taas uurkeeda ku soo xiri jirtay, haddana markay isu yimaaddaan, inay guur la soo qaato gadaal kala xumaan jirtay. Hadduuba isagu afkiisa ka dhawrtay: ‘guur baan kaa rabaa, Hibaaqay.’ Maxay ereygan afkiisa ka sugtay. Maxay laabta ka jeclayd kuna naalloon jirtay, inay Kaafi isguursadaan. Maxay muddo u samirtay!

Markuu Garaad si cad oo go’aan ugu yiri: “Naa guur baan kaa rabaa ee maxay kula tahay?” way ka naxday kuna nafistay. Hadalladii hooyadeed iyadoo cuskanaysa ayay si rajo leh ugu tiri: “Waan ka soo fekerayaa.”

Isagoo hubay inay ‘haye’ dhihi doonto ayuu ku sii adkeeyay: “Waqtiga ha nooga lumin, waxaan labadeennaba dan noo ahayn. Habeen dambe aan go’aan dadnnimo leh kuugu imaado.” Iyadoo ka xishoonaysa ayay madaxa u gundhisay. Kaafi ayay ku fikirtay. Hooyadeed ayay ku firkirtay. Garaad iyo warkiisa ayay markii dambe, si dhab ah ugu fikirtay.

Inuu guurku sahan ku wacanyahay iyagoon si fiican isula dhaadin ayay gurigeleen, barashadoodii oo aysan bil ka soo wareegin. Jimcadii la soo doonay Hibaaq, Arbacadii xigtay ayay dadabgeleen. Aroos ladan oo kooban baa Hibaaq loo dhigay. Kalgacal iyo ducana waa lagu soo sagootiyay.

***

Toddababaxeedii ka dib ayay habeen orod ku tagtay maqaayaddoodii ay si daran ugu xiistay. Markay cabbaar shaahii, bagaashkii iyo buuqiiba ku dhex jirtay ayay haddana dhaqso u soo baxday. Iyadoo saanta boobaysa ayaa mugdiga dhexdiisa qof ka wacay.

“Habaaqey!”

Cabsi ay la carari kari weyday ayaa jug ku siisay halkii ay taagnayd. Iyadoo weerar isu diyaarisay ayuu qofkii istaagay lana sii hadlay.

“Waa anigii. Maxaad iiga baqaysaa Hibaaqey?”

Naxdin labaad ayay la gariirtay. Waa Kaafi oo aan la ogeyn meel uu ka soo dhacay. Maxaa habeenka madow dhex taagay! Maxay isu sheegayaan, hadduu yahay. Maxaysa kala hortagi doontaa!

“Haye Kaafi.” ayay tiri, iyadoo damacsan inay dhinac dhaafto.

“Maxaad uga baxday ballanteennii?” ayuu su’aalay.

Way garaysantahay inay u geftay markay u sheegi weyday guurgeeda. Way garwaaqsantahay, inuu la soo daahay dacwadaas. Lafteedu way doonaysaa inay la garnaqsato, waayo, waa ninkii geyaysiiyay, inay nin aan isaga ahayn guursato. Iyadoo sidaas u gocanaysa ayay isqabatay iskuna noqatay. Sidee, iyadoo nin marwadiis ah ula hadashaa nin ay beri xiriir lahaan jireen. Sow ceeb iyo gardarro maaha sidaasi. Gabadh, dhaqankeeda iyo qoyskeeda qaddarinaysa, miyaa sidaas samaysa. Mar kaliya ayay intay iscululubatay si caro leh ugu tiri:

“Anigu, naag nin kale u dhexda ayaan ahay…”

“Sow ninkaas hortiis, annagu isma jeclayn!” ayuu uga dhexgelay.

“Jacaylkaas muddadiisu waxay ku ekayd, intaanan guursan.”

“Hadda, ma i jeclid miyaa?”

“Walaatinnimo iyo wanaag waan kuu hayaa, jacaylse maya.”

“Wanaaggu waan kaan isku jeclayn.”

“Kaafiyow, aniga iyo ninkayga, dhexdeenna meel kaamaba bannaana.”

“Ma anigii ku jeclaa baa dheeraad dhexdiinna ku noqday!”

“Walaal raalli ahaw.” intay tiri, ayay xanaaq la soo garabmartay.

Isagoo yaabban, yoolsan meeshiisii yaxooba ayuu gadaal si xanuun leh ugu soo eegay. Hortiisa ayay sidii hawadii ku miqirday.

***

Galabta casargaabadkan ayay ninkeedii Garaad isa soo afdhaafeen. Murankoodu wuxuu ka billowday, markuu Garaad si gensi leh u warsaday:

“Guhaad ma garanaysaa?”

Iyadoo ismaahinaysa ayay u celisay:

“Guhaad waa kuma?”

“Waa ninkaad jacaylka la soo jilaysay ee aad beenta u sheegi jirtay.”

Way galiilyootay. Magaca Guhaad awalba way ka shakisnayd. Waxay ogaaldiidaysay inuu Kaafi yahay Guhaad. Magacan Kaafina, ilbaxnimo iyo dhallinyannimo darteed ula baxay.

“Miyaad garanaysaa, waxaan Guhaad isu nahay!”

Ilmiriglays iyo tiiraanyo ayay ku eegtay.

“Guhaad waa walaalkay…”

Nuxuus iyo naxdin ayay la sii taagnaan weyday. Way qabowday.

“Markaad walaalkay igu diraysay oo aad ka dhigaysay in aan anigu kaa boobay, maxaad iigu sheegi weyday?”

Madaxwareer iyo dawakhaad ay labadii maalmood ee la soo dhaafay isku aragtay iyadoo la sirirsan ayay dhab u eegtay wegiisii ku soo jeeday.

“Naa maxaad walaalkay qoorta iigu gelisay?” ayuu si canaan iyo caro leh u weyddiiyay.

Wuxuu Garaad, aad uga ciishooday ereyadii maanta lagu dhaliilay. ‘Guur waa nasiib e, maxaad gacalkaa u boobtay?’ ayaa lagu soo xanakaadiyay.

“Nacallaa adigiyo walaalkaa iskula kiin taal.” ayay tiri, iyadoon lafteedu dhirif isla kala garanayn.

“Naayaa, ma anigaad sidaas iila hadlaysaa?” isagoo u holladay in uu dharbaaxo ayay mantag ay celinaysay ka hor keentay.

“Naa ha na hallayn, maxay tahay wuxu!” intuu yiri ayuu ka wareegay.

Sidaas ayay gurigeedii uga soo dudday. Caawana ugu cara dhexaysaa gurigoodii. Iyada iyo ninkeedii oo aan isku calool fiicnayn.

Ayeeyadeed oo candhuuf tufkeeda badan awgeed, ka shakisay inay wallac tahay baa si yididdiilo leh ugu bishaaraysay:

“Haa, waan ku faraxsanahay guurkaaga. Timirana way ku farxi doontaa, markay ogaato, in aad uur leedahay.”

Yaab kedis leh bay kala jeedsatay. Yaxyax sheex leh bay araggii ayeeyeed dib uga soo celin weyday. Cabsi, dhaxan leh bay la jiriiricootay. Oogadeedii baa dubaaxisay. Uurkeedii baa liidaanyooday.

Dhammaad

 

 

SHEEKOOYIN