Safarkeygii Dhulka ee Kenya W/Q: Rashiid Saciid

Safarkeygii Dhulka ee Kenya

Soomalidu, nin ceel guntii galay oo aan ka soo warramin kugu dun bay yiraahdaan. Waa bartamihii sannadkii ina waydaartay ee 2019-ka, xiriirka diblamaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeyey ma wanaagsaneen oo khilaafkoodu cir kuu ku shareernaa. Markaa waxaa adkeed in qof baasaboor Soomaali ah wata inuu dal-ku gal (Visa) Kenyan ah helo.

Aniguna waxaan watay baasaboor Soomaali ah oo muddo seddex bilood ah ayaan quuddareenaayay, inaan helo dal-ku galka Kenya. Dar Alleyse ka ahaan weyday oo waan ku hungoobay. Maadaama howsha Nayroobi aan ka rabay waqtiga ay ku asteesneyd fulinteeda ay kaabiga igu soo haysey. Danta iyo duruufta oo is barkan, ayaa  igu sandulleeyey inaan safar dhulka ah ku galo Kenya.

Safar ka dhulka lagu galo Kenya uma sahlana qof aan wadan kaar qaxooti, kibaandho iyo oggolaansho dal ku galeed ah oo khatar nololeed oo naftiisa uu ku weyn karo inay la soo gudboonaata suurta gal ah. Hase ahaate mukhallasiin baa jira oo waxaas kala dabbara, lacag ka badan viisaha iyo tikidkii diyaaradda ku bixi leheedna dadka ka qaata.

Bacdamaa safarkeyga dhulka ee aan Kenya ku gali rabo  bar billowgiisu yahay Dhoobley, mukhallaskii i wadey oo tikidkii diyaradda Dhoobley tagaysay soo gooyay, ayaa igu war geliyey inaan berri ku qoranahay diyaaradda  8-da  subaxnimo baxaysa. Sidaas darteedna la iga rabo inaan garoonka Aadan Cadde galo 6-dii aroornimo. Haye iyo hawraarsan ayaana ugu war celiyey.

Waxay saacaddu wareegto, qorraxduna kolba meel istaagto, ugu dambeyna godkeeda ku xarooto, habeenkuna isku dumo oo is guro. Waagii ayaa dillaacay. Maalmuhu kala duwan  waagii dillaacaaba waayihiisuu wataa. Qorraxda ayaa mar kale kaaheeda  ku baahineysa arlada  si faxalnimo ah, goor geed iyo qof la kala garan karo ayaana u ruqaansaday garoonka diyuuradaha  Aadan Cadde.

Diyaaraddii la igu yiri waxay baxaysaa: 8-da subaxnimo waxay baxday: 1-dii duhurnimo, 6-saac ayaan ku caddibnaa garoonka oo aan sugaayay dulimaadka. Waxaad ceeb u taqaan dad bay caadadood tahaye, hala yaabin waa iska caadadood, Soomalida iyo diyaaradahooduba kuma wanaagsana ilaalinta waqtiga iyo ballantaba.

Mar kale diyaaraddii ayaa cagaha dhulka ka qaadday, waxaana cagaha dhulka uga qaaday gabar dhiirran oo dhiifoon oo markaan Dhoobley caga dhiganno arki doono. Runtii aad baan ugu riyaaqay oo ugu maqsuuday gabadhaas duuliyaha ah sababtoo ah, waxaan jeclahay gabadhu inay waxbarato oo hankeeda iyo hiiraalkeeda nololeed ka libkeento,  isku filnaansho shakhsi ahaaneedna ay gaarto.

Waxay dhahaan: Gabar wax baratay waa bulsho wax baratay.

Dhoobley ayaan imid, mukhallaskii Muqdisho joogay ayaa igu xiriiriyey  mukhallas kale oo jooga Dhoobley, lambar uu isiiyey ayaan ka wacay isla markii aan imidba Dhoobley. Is helnay,  is nabdaadin, is bariidin iyo is xog wareysi safarka ku saabsan ka dib.  Annagoo 15  ah ayuu nagu guray gaari Barobokis la yiraahdo. Inkastoo dhulka Soomaalida laga helo, waxaase aad looga isticmaal badan yahay Kenya iyo agagaarkeeda. Shukaanta waxaa loo daayay wiil hoog fara fudud, oo gacan looga taagay xawaaraha iyo xakameynta.

Ilaaheey amarkii darawallada kaxeeya gaadiidka safarrada dhaadheer iyo kuwa tahriibta, aalaaba waa ka duwanyihiin noolaha kale. Waxay qabatimeen sheellaraha iyo shokaanta. Noloshaba in la socdo oo la dhibtoodo ayey ka fahmeen.

Waxaa igu soo dhacday meerisyadii ahaa:

  • Waxaan damac kaa galeen
  • Qof baa Diinaar ku raba.

Dhanka kale toddono nin annagoo ah ayaan boostakaanaha gaariga ku jirnaa. Ciriiriga iyo caddibaadda gaariga ka dhex jira ma maleen kartid, si gaar ah na kuweenna boostakaanaha ku jira. Waan isku dul fadhinnaa oo hal mar xitaa majahaaga ma fidsan kartid amase xubin jirkaaga ka mid ah, waa sidaa u fadhido uun u yuurur ilaa qaxootiga Dhagaxley la ga gaaraayo. Hase ahaate, waxaan isku qasbay inaan xaqiiqada la qabsado oo aan rag hortii caban. Mararka qaarkoodna marka aadan ogeyn cid kuu damqanaysa maba jiro  xanuun ku qabta, maxaa yeelay, naftu meel ay naxariis ka filayso ayey catoow iyo cabasho ka muujisaa.

Jabba waa kan dambeeya e, wuxuu wiil hooggii farta ka xirnaa gaarigii xaawaareeyaba, annagoo in yar sii dhaafnay tuulo yar oo la yiraahdo: Biyamadow kana tirsan ismaamulka Wajeer, ayaanu af bahal dalaq niri. Si kale aan kuugu dhigee waxaan gacanta, u galnay ciidan Millatari oo socoto ah. Waa ciidanka sannad Alle keenaba si bareera oo aan turriimo laheen ugu  xasuuqa, maatida iyo mayeeraanka ku dhaqan xudduud beenaadka aan la leennahay Kenya. Waa ciidanka sannad Alle keenaba, guryahooda ka kaxeesta dhallinyaro Soomaliyeed oo dabeeto raq iyo ruux midna lagu waayo. Waa ciidanka sannad Alle keenaba hanti Soomaaliyeed, burbur iyo baaba’ laxaad leh u geesta. Dhab ahaantii ciidankaasi gabbood fallada  iyo xasuuqa bini’aadantinimada ka baxsan ee sannad waliba soo noq-noqda ee ay kula kacaan, Soomalida ku dhaqan xudduud beenaadka Kenya, tiro ma lahan welina may helin qalin iyo qareen si sax ah uga hadla. Allahayow na soo gaar, gob baa guni rifaysaaye.

Caku ciil weynaa anoo qaran dhisan oo cudud ciidan leh, miyuu askari shisheeye sidaa arxan darrida ah  igu tacaddin lahaa! Iga walle maya, balse, Soomaalida ayaandarri weyn baa haysata  oo in dhulkeedu argigixiso xag xun jir ah iyo ciidamo ajaaniib ah ku habsadeen, badihii jarriif xun oo aan loo aaba yeeleyn ku socdaan iyo in fuustooyin qashin ah lagu duugo, dhallintii xabsiyada caalamka ku dayacan yihiin, qaar kalena badihii caalamka ku le’anayaan uma muuqato oo qabyaalad iyo kala qoqob bay qaayibeen. Waana taas halka ay sartu ka quruntay, salaaduna ka xirmi weydey. Sidoo kalena waa tan keentay maanta in aan qof soomaaliya, dunida laga qadderin. Afmaalkii weynaa Timacadde oo la yaabban aafada iyo ayaandarrida, Soomalida ku habsatayna wuxuu mar ku dhex  yiri gabay:

“SOOMAALINNIMADII WAXAY DHAAFSADEEN, BAAN LA DHEYGAGAY.”

Murtiyahan kale waa kii lahaa;

  • SOOMAALAY GEYIGU GARAADBUU RABAA
  • SOOMAALAY GEYIGU GARASHUU RABAA
  • SOOMAALAY GEYIGU GUNTASHOW RABAA.

Askartu waa kolonyo ciidan ah oo aan ku qiyaasaayo horin kala barkeed calashaan 50 askari, balse, sida ay u hubeesan yihiin iyo hubka ku jeeni qaaran yihiin, askarigiiba  aad ka argagexeyso. Inta ay isku keenna hareereeyen, gaarigiina istaajiyeen  bay iyagoo toban gaaraayo lug noogu yimaadeen.

 Dabadeetona darawalkii bay wayddiiyeen keen sharciga aad gaariga ku waddo. Ilaah amarkiis maba uu heesan oo weligiiba ma uu qaadan shan sano oo uu ka shaqeenaayay tahriibinta dadka. Markaaseey intay bog iyo beer u garaaceen liifna ugu dareen, bay gaariga ka soo dejiyeen isagoo dhiig tufaayo!

Sida jirta dad tahriibinta Kenya lagu galiyo  waxaa la siiyaa inta uu safarku socdo, kibaandho ama kaar qaxooti oo qofka la siinaayo iyo sawirka ku dhagan ay is yara shabbahaan. Inkastoo mukhallaskii na waday ay ku yaraayeen kaararka ragga ah ee uu haayey, haddana nasiib wanaag aniga iyo mid kale baa helnay laba kaar oo qaxooti ah oo sawirrada ku xardhan ina soo yara shabbahaan.

Mid sinjiyaddiisa Soomaali aan u maleenaayo oo iyaga ka tirsanaa baa Af-soomaali jajab ah na gu yiri: hadal uu nuxurkiisu ahaa;  soo daga sidaad u dhantihiin oo intii wax wadata calashaan kibaandho ama kaar Q

qaxooti dhan iskugu beyra intii aan wax wadanna dhan kale isugu taga.

Aniga iyo siddeedqof oo  toddobo ka mid ah ay dumar iyo carruur isugu jiraan baa dhan isugu leexannay. Intii aan waxba wadaninna ayagana dhan baa la isugu leexshay oo waxay kulligood ahaayeen rag.

Intii shaararkii iyo funaanaddihii ay qabeen laga bixiyey oo laba dible loogu xiray dhabar dhabarna loo seexiyey baa mid dhufuri  oo ma naxe ah,  turuqyadiisuna siduu ugaali iyo wax daran u cunaayay barareen, baa Shaabuug buuran oo ballaciisa aan  ku qiyaasayo inuu le’eg yahay laba lug oo la isku daray ku billaabay raggii. Cabbaar markuu jirdilaayay buu haddana mid isaga bara dheer, axmaqnimada, arxandarrada, cadowtinimada iyo naxariis la’aanta usii dhiibay shaabuuggii, asna kama yareesane wuu ka cabaajiyey raggii ilaa duubka iyo diirka feerahoodu  fiiqmo oo dhiig ka soo hooro! Alla xanuun weynaa shaabuug kastoo ku dhacaayay raggaas ama duubkaa ka fiiqmaayay ama wuu bararaayay.

Intaas anigu waan eegaya sida naxariisdarrada  leh ee dadkaas loo jirdilaayo,  xawligu  wadnaheygu ku garaacmaayo waxaanba ka cabsanaayay inuu bannaanka usoo baxo oo waxaan niyadda iska leeyahay; armaa adna laguugu daraa oo laba ka mid ah ayaa i kor taagan. Su’aalo safarka ku saabsan oo ay ka mid ahaayeen dareewalka xaggee ka soo raacday, xadgeedse uu idiin waday? Dhagaxley dhankee ayaaf ka daggantahay? Aniguna waxaan ugu jawaabaayay jawaabo aan sugneen oo kala hadal baa igu jiray,  waxaanna is leeyahay raggaan armay  fahmaan inaad warqaddan adigu leheyn? Waxayse ugu darneyd kii amxaarka ahaa ee ragga jirdilka ku waday markuu bastoolad la soo baxay kadibna raacsaday, nasrigii iyo galladii Eebbese  kuma ridin oo mid aan u maleenaayo horjoogihii ciidanka hadal uu dhahay, mayee amar uu faray aan dhaho buu uga baaqsaday raggaas inuu dilo. Sababtoo ah askartu waa la Amre/Hooseeye iyo Amre/Sarreeye.

Intaas ka gadaal waxay u dhaqaaqeen inay baaraan teleefannadii iyo alaabtii aan wadannay. Anigu waxaan watay Ipad aan abaal marin ku helay iyo telefan IPhone iyo mid niicle ah. Iphone-ku wuxuu iigu jiraa gumaarka, balse, Ipadkii iyo niiclihii baan u dhiibay askarigii telefannada baaraayay, markuu ka waayay ma aqaane wuxuu ka raadinaayay buu laftii (simcard-kii) ku jiray niiclaha ka qaatay.

Waa kuu sheeka boodee midkii Soomaliga ahaa oo labadii askari ee haddaaye wax i warsanaayay, ka mid ahaa baan Af-soomaali isku wareysannay oo xaggee baad daggan tahay iyo su’aalo kale oo dhowr ah buu i su’aalay, muddadii raggii kale la jirdilaayay. Markaasaan ku iri Dhagaxley. Markaasu igu yiri: Dhagaxley gabar aan jeclahay baa ii deggan oo bishan dhammaadkeeda ayaan ku han weynahay inaan imaado. Waa hadal aan loo meel dayin oo quus iyo qalbijabi keentaye  waxaan ku iri: haddii aad meeshan naga furdaamiso oo ay raggaan na dilin Ipad kan baa ku sii nayaa waa ballan si aad jeceylkaaga ugu sii haddiyeeysid. Anigu waan arkaayay inuu ahaa askari laba Alifle ah oo cududdiisay ku xardhaneyd laba Alif. Xaajadan murugsanna uu talo iyo tusmo toonna ku laheyn aan ka aheyn wixii lagu amro oo uu ku sandulleysanyahay haba la dhahee ninkan toogo! Hase ahaatee waxaan is iri: bal inuu si uun idiin xalliyo.

Iimaandarro iyo jeceyl waxa waday ma aqaane, kolleey waa iimaandarro oo ciidanka kale ee Kenyanka  ah buu kala mid yahay iimaan darrida.  Sidaasoo ay tahayna waxaa la dhahaa millatariga Kenya: laaluush iyo is-daba marin ma yaqaannaan balse, beenay run noqon weyday.

Lambarkeygii buu iga qortay, laf aan ka soo furtay Dhoobley oo kii taleefannada baaraayey uu dadka  ka qaadaayay anigana  iga qaaday,  wuu isoo celiyey, ma aqaan sida uu uga soo qaadee!

Intaas ka dib gaariga gala bay na dhaheen, intay dhexda na gashteen bay darawalkii ku dhaheen, labada gaari ee kaa horreesa xawaaraha ay ku socdaan oo kale  haddii aad in yar ka dhinto wixii kugu dhaca adaa ka shallaayi doona!

Ammintuu markaa waa casar liiq oo mu’addinku aadaanka makhrib buu afka ku hayaa, waa ammin aan is iri; caawa ayaa dunidan  kuugu dambeysa maxaa yeelay, darawalkii iyo Islaan nala saarneyd gaariga oo deegaan ku ah Xuddud beenaadka Kenya, dadna ay  horey uga maqan yihiin askartan baa na yiri; Askartaan waa dugaag ka arradan damiir dadnimo iyo diirnax,  waa ma naxeyaal u taag iyo turuqyo weyn sacbooleyda Soomaalida. Dadka ay sidaanoo kale u qabtaan waa ay u qur gooyaan oo ay silac dilaan, meydkana Eeyaha ay wataan bay u tuuraan amase Yaxaaska wobiga ku jira. Inkaastoo rejadii Eebbe aan lumin haddana  daruuro rejo beel iyo quus ah baa na dul hoganaysay,  qaarkeen waxay is warsanaynaayeen si quus iyo qalbi jabi ku dheehan tahay sida na loo dili doono. Qaarbaa waxay dhaheen, annagoo gaariga saaran bay shaandho iyo baastamiir naga dhigayaan, kuwa kale waxay leeyihiin saas ma ahee, xeradooday nagu dhex qawracanayaan, kuwaba si. Hase ahaatee sida ay sheegayaan ma ay noqone waxa ay tiisii noqotay, Allihii Muuse ka badbaadiyey gafanihii Fircoon ee arlada ku qooqay, Yunus na ka soo dhex bixiyey Nimirigii liqay calooshiisa ka dib, markuu  garwaaqsaday oo uu Eebbihiis u qeylo dhaansaday.

Annagana Eebbaahas hufan ee naxariista iyo cafiska badan, mudanna in keligii cibaadada loo gaar yeelo ayaa naga furtay, ma naxayaashii na qalan rabay. Eebow mahadaa! Maalinkaas iyo galab ay badda Boosaaso igu soo buuxsantay, anigoo  yar oo dabaal barad ah oo sidaan u biya cabaayay marna lugaha firig firig uga siinaayay aan bannaanka imid, ayaan ogaaday in dunidan uu weli bariiskeygu  dul yaallo.

In door ah markii aan soconnay bay na istaajiyeen, naguna yiraahdeen soo daga, runtii waxaan u maleeneyney kobtii ay nagu qurgoyn lahaayeen. Saan horey kuugu sheegeyba taas ma dhicin oo gaarigii aan saarneen,  intay horey usii wateen bay socdaalkoodii  iska sii wateen.

Waxay nooga tageen meel cidlo iyo ciirsi la’. Iyagu waxba nooma ay sheegin oo waa ay naga tageen. Rag waa kii arrin keena ee waxaan talo ahaan u soo jeediyeey kuna goosannay, inaan sii joogin bartii ay nooga tageen oo aan aag badalanno duurkana horey usii galno, maxaa yeelay, ciidamada Kenyanku duurka ma galaan oo waxay ka cabsadaan in loo galo. Ma anaa halkii la igu qatali lahaa qoorta dhigan! Hal cabbaar ah markaan soconay, salkana meel la helnay ayaan jug iyo gow xoog leh maqalnay,  darawalkii gaariga lahaa oo dareemay, una soo joogay sida ay askartan ula tacaamulaan gawaarida iyo dadka ay qabtaan ayaa garreystay markaas, in waddadii la mariyey gawaaridii ka horreesey asna gaarigiisa la mariyey. Yacni gaarigii bay qarxiyeen! Wuxuuse yiri: ku Allehiis e; waa caymo iyo cawracelin haddiiba ay intaas nagu simeen, mararka qaar dadka oo gaariga saaran ayey miino ugu xiraan oo la qarxiyaan ama dadka intay dilaan bay gaarigana qarxiyaan! Intaas ka gadaal waxaan is warsannay sida aan u heli karno gaari kale, si uu hayaankeenna usii dhammeesanno. Meesha ugu dhow ee laga yaabo inaan gaari kale ka helno ayaa darawalkii ula ekoonaatay  Biyamadow.

Darawalkii oo yiri: anigaa gaari naga wada kobtan cidlada iyo ciirsiga la’  ah ka doonaya Biyamadow, ayaa u baahday cid ku wehelisa socdaalkiisa, waxaana  la is weydeeyey qof ku wehel yeeli kara socodkiisa. Is eeg eegis iyo is fiir fiirin dheer ka dib anigaa iri: ina wad liibaane.

Waan guurre bahalleyney waxaana afka saarnay jid mugdi iyo qudcur ahaa, kuna qummanaa baradii aan beegsanaynay. Waxaan bacaad iyo ban cidlo ah dhex jibaaxnaba gaarnay, halkii aan hiyiga ku haynay. Xilligu waa habeen oo la heli maayo gawaari diyaarsan, mana jiro qof gaarigiisa saaraya dad tahriibaya oo sharci darro ku socda, haddii lagu qabto isagoo wadana ay la soo gudboonaan karto khatar nafeed ama ugu yaraan ku weyn karo gaarigiisa. Sidaas darteed  waa dhif iyo naadir cid u babac dhigi  kartaa khatartaas.

Darawalkii wuxuu day dayaba, qof dadka  soo daabula  wuu ku hungoobay. Jinni ninkii keena bixiya e, waxay noqotay inuu waco, mukhallaskii dadkaan usoo dhiibey ee Dhoobley joogay, ma aqaane waxay ku wada hadleene wuxuu telefankii ugu dhiibey mid markii hore ay heeshiiyeen, balse, labalabeyn iyo cabsi ku jirtay, kiina xujo iyo xeer wuxuu ka dhigey inuu dadka keenayo Biyamadow, balse, uu geyneenin Dhagaxley.

Waxba waxbay dhaamaane haye iyo hadal wanaagsan inta lagu yiri ayaa telefan lacagta loogu soo direy. Gaarigii buu furaha ku rogay oo wixii galaba galiyey. Anigu Biyamadow baan uga haray oo waxaan iri: madaxaa i wareeraayee halkanaa idin ku sii sugayaa ee labadiina dadka doona.

Madax ima wareereen oo Jinni waa ka fayoobaa ee  cabsi armaa mar kale la qabtaa ah baa igu jirtay. Sow lama oran jirin, nimaan baqin waa loo baqaa? Haa dheh.

Dadkii keeneen, darawalkiina mar kale wuxuu baadigoob iyo dayday dheer u galay gaari kale oo na geeya Dhagaxley.

Ugu dambeyn wuxuu soo helay oo hurdada ka soo toosiyey mid Alaalax ah oo siduu asagu, Alaalax u yahay gaarigiisuna la mid yahay.

Gaarigiisu waa qanaxqanax, qorshqorosh ah, daryeel iyo naashnaashidna loogu roonaan. Makaaniggii geerishkuna goor hore, gacmaha ka taagay oo u maara waayay. Waa gaari Baroobakis ah oo aad u mooddo in la soo gaday sitimaanno iyo sannaddo aan dhoweyn.

Labada fareejo ee hore  waa jajaban yihiin, kuwa dambena war kood ha sheegin! Waxaana booska fareejooyinka hore  ugu jira toosh yara  weyn oo gaariga afkiisa ugu xiran. Matoorkuna in yar markuu socdo wuu iskululeeya ama kululaadaa. Noloshu mararka qaar waxay ku siisaa hal doorasho oo aad u dabrantahay, sankana uga tolantahay qaadashadeeda iyo fulinteedaba! Annagu doorasho iyo dookh kale  toonna ma haysan, aan ka aheen inaan gaarigaas halhaleel ku fuulno. Waanu yeelnay, middaas.

Jidka aan ku soconno waa qarda jeex qoryo  miiran ah, ma aha laami liisho ah, rafna ha ku sheegin, waa bacaad muggiisu ku dhow yahay dhudhun. In yarba markuu socdo gaarigu, kaalay wad bal adigu!  Ma ba dhaqaaqaayo. Waxaana ku xigta soo daga oo riiixa gaariga. Waaba ku calool fayoobaan laheen, haddiiba uu tabtaas nagu geen lahaa halkaan rabnay. Wuxuu ka weecday oo weydaartaay, waddadii ku aaddaneyd halkii aan rabnay. Habeenkii oo dhanna wuxuu na dhex wareejinaayay keyn, sidii inaan ugaarsato nahay. Wuxuu xaalku sidaa ahaadaba, gaarigii baa istaagay, riixiddii uu awalkii hore oggolaana ku socon waayay. Intuu soo dagay tooshkiina soo haabtay, sal iyo baarna  gaarigii ka fiiriyey buu yiri: bir baa jabtay!

Laab dillaac iyo luggooyo weynaa! Furuq ku dil oo far iyo suul lagugu qaad, ayaan hoos usii oranayaa inta aan quus ahaan candhuuf qalleyl ah dib u liqo. Wareer cawo waa loo waaberiistaaye, aan u kaadinno berrito ayaa talo ku goosannay

Meeshu waa keyn awdan oo isku cufan wadiiqooyin yar yarna leh. Ci’ da bahallada iyo iyo jaqafjaqftooda badan markaad maqasho waxaad dareemaysaa, in hareeraagu tuban yihiin ama ka dhow yihiin duurjoog kala jaad iyo cayn ah. Ilaaheyse wuu nagu shartiray oo waxyeelo nooma ay geysan.

Geesta kale, waa dhab wakhtigu wuu gaabiyaa markaad dhib dhexda uga taagan tahay. Habeenkii baa ila dheeraaday! Waxaan isleeyahay habeenku muu dhammaado oo waagu dillaaco, si aad meeshan qabowga iyo qarqaryada qaabka daran lihi uga huleeshaan. Waxay daqiiqaduhu madaxa is galiyaan, saacadina saacad kale nagu ballamiso waagii ayaa soo yara caddaaday. Waa mid madax falauuq qaba e, wuxuu  Alaalixii  kutub dhaar ku maray inuusan dhanna u socon, makaanigna u yeerin oo cagtiinna maala ayuu ku indho adkaaday. Ku qabsatay iyo qaddar Alleba waa la qaataaye. Ruux iyo geed markii la kala gartay ee waagu si fiican u dillaacay ayaan cagta furnnay.  Safarku wuu dheeryahay oon surmi iyo dihaalna wuu noo weheliyaa. Waxaad u maleesa dharaartaas qorraxda in dhulka loo soo dhoweeyey oo dhimbil iyo dhammac ayey ahayd.

Dhankeyga, kabuhu ciribta iyo cagta ayey iga hayaan oo biyaa iga galay. Dhowr jeer oo aan siibeyna qodxaa i muday inna igu jabay. Bishamahaygu oon dartii bay la engageen indhuhuna la soo goteen gaajo iyo diif oo oomiti iyo oon aan afka saaro waxaa igu dambeysay subixii aan ka soo baxaayay Xamar oo aan wax yar soo taataabtay. Hase ahaate waxaan miciin bidaayay, kalyo-adeygii ina rag lagu yiqiin, waxaana cuskanaayay oraahda tiraahda: wax  lagu la qabo dhib ma leh. Taa baddalkeed mararka qaarkoodna anaa dadka dhiirrrinaayay.

Ammintu waa abbaare 12-duhurnimo. Waxaana ku soo dul dhacnay reer miyi xoolo, Ari’ u badan daajisanaya.

Dhalangaddoon baa ku dhacay dhaqankii milgaha iyo maamuska lahaa ee ahaa, in  la la naf qaybsado qof diihaal iyo diif qaba oo kuu soo martiyey. In aan goobayno meel uu darawalkii gaari kula ballamay ayaan toos ugu tebinnay iyo in  oon iyo alalad, hammuun iyo hanfi, rafaad iyo ragaad toonna yareen. Intaas ka dib bay saddexle oodkac ku jiro noo soo taageen. Cayri caymo ma diido ee halhaleel baan uga qaadannay. Dabadeetona nagu qummiyeen toobiye ku toosan halkuu wadihii gaariga kale dareewalku kula ballamay. Ma xasuusata laf (SIMcard) uu askarigii dib iigu soo celinaayay. Ayada ayaan ku fakannay oo dhibaato badan uga caymannay, sidoo kalena gaari Dhagaxley uga dalbannay. Intaas ka dib  gaarigii oo meel juq ah ku jiro ayaan u tagnay. Anagoo daal iyo dekaan daran dareemayna ayaan gaarigii isku gurnay.

Goor duhur la dhaafay casarna aan la gaarin ayaan nimid Dhagaxley. Kuleylka iyo kaliisha ka jirta Dhagaxley, waxay dib iiso xasuusiyeen magaaladeyda Boosaaso oo aan moogganahay ku dhowaad 10-sano, kuna caan ah kuleylka sidaa u daran. Dadka u badan ee Dhagaxley soo magan galayna waa Soomaali.

Waa dad baaxaa dagayaa oo gabi dhaclaynaya, duruuf iyo daranyo nololeedna  hayso. Waa dad uu u sabab  ahaa inay  ka qaxaan deegaankoodii iyo  dalkoodii siyaasi ka arradan ammaanadii, awooddii, aqoontii, dacaadnimadii iyo xilkasnimadii uu waajibkiisa ku gudan lahaa, kuna diimay dan iyo damac uun. Biyo sacabadaada looga dhargaaye. Waa dad aan nolosha ka quusan oo aroortii u foofa siday u soo dhacsan lahaayeen alyowmkooda, kuna ekaan inta yar ee hay’aduhu siiyaan. Waa dad nolosha la xarbinaaya,  guluf iyo geylan adagna kula jira. Alle ha u dhib yareeyo. Geesta kale dadkii aan wada soconnay intooda badan magaalkay gees ka galeen oo nin waliba magantiis iyo maankiis. Aniguse mukhallas sida turubka oo kale kibaandhooyinka u baandheeynaya ayaa la igu simay. Durbaba waa isaga helay Kibaandho sawirka ku xardhan isoo yara shabbaha. Waa isaga idhahay, sheego magaca ku qoran iyo haybta dadka daga deegan dhalasheedka  qofka leh kibaandhada.

Mar kale waa isaga idhahay intuu farta iigu fiiqay qol jiingad ah, waryaa waa wiilka musqushaas gal oo boorka iyo habaaska ku saaran ka qubeeso, reer magaalna iska dhig oo dhar ilwaad iyo ilqabad leh xiro. Intaas ka gadaal Caasi buu i saaray mukhallaskii iga wakiilka ahaa, kalana ballamay Kirishbooygii gaariga aniga iyo dhowr  qof oo kale isla markaana lacag furdaamis iyo  laaluush ah u dhiibay.

Kolkan xaalku sidii hore ma aha oo ciriiri iyo huur toona ma jiro, waxaana ku fadhiyaa istareex iyo cillad li’ kana fadhiyaa kursi xiga daaqadda oo aan ka daalacanaayo kana ilbuuxsanaayo doogga, dabiicadda, farshaxanka iyo falsamida uu Eebbe u dhigay deegaanka.

Hase ahaate mar aan marayno buundo u dhaxeesa Gaarisa iyo Nayroobi oo ah; meesha dadka lagu baaro laguna hubiyo sharciyadooda ayaa mid askari ah gaarigii soo galay.

Ballaysin bir ka adag e, Kirishbooyga oo oofinaaya ballantii mukhallaska, ayaa si reer magaalnimo ah ugu tilmaamaaya askariga dadka aan Kibaandhadoodu sugneen iyo inuu su’aalaha  Af-Sawaxiliga ah ku badin, ka dibna xoogaa lacag ah ayuu u laabayaa. Waxaana la dhahaa, Kenya sharci ku joog ama shilin.

Waxaan soconnaba goor barqo ah ayaan galnay magaalada Nayroobi. Nayroobi waa eray Masaay ah oo laga wado meeshii biyaha qaboobeyd. Dhanka kalena waa magaalo lagu seexsho, laguna soo toosiyo Londanta Afrika. Waa magaalo lagu karkariyo siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan midda Soomaaliya.  Waa magaalo ganacsiyo iyo hanti xoog leh u taal ajaaniib iyo Soomaali. Waa magaalo ay  inta badan ka soo duulaan tagaan, siyaasiyiinta xilka iyo xasaanad doonka ah. Waa magaalo mug weyn, macno badan, miciyana leh. Qofkii lagu sii dhex daayana uu ku wareeraayo. Durbaba waxaan la ashqaraaray ballaarkeeda iyo quruxda muuqaalka sameyskeeda! Waa magaalo dhirta iyo nadaafadda loogu roonaaday, marka laga reebo aagag kooban iyo xaafadda Islii oo ah meel dhusuq iyo dhiirri miiran. Sidaas oo ay tahayna laga qaado canshuur xoog leh. Malahayga xaafaddaa iyo suuqaa is ku dhexyaal waa la hagraday! Yeelkadeed e’ darawalkii gaariga wuxu na gu dajiyey boosteejo ku taal Islii.

Qofka dhowaan galka ku ah Nayroobi ma kala garan karo booliska iyo waardiyaasha dabaqyada oo direys  is yara shabbaha bay xiran yihiin.  Mararka qaarkoodna waxaa dhacda inaad waardiye dabaq ka cararto, sida anigaba igu dhacday dhowr jeer adoo u heysta askari boolis ah. Haseyeeshee, haddii aad sii joogto jawiga waad kala baranaysaa, xariif baad ku noqonaysaa sida askarta la iskaga ilaaliyo, xitaa waxaad baranaysaa qaabka ay u socdaan askarta dharka cad ee aan wadan direyska iyo gawaaridoodaba.

Sida aad askarta meesha joogta aad iskaga ilaalinayso, si la mid ahna waxaad isaga ilaalinaysaa Soomalida meesha ku dhaqan, in aad ku kalsoontahay maahee. Waxaa jira qaar la shaqeesta askarta oo ku jaajuusa haddii ay kaa dareemaan inaad dhowaan gal ku tahay Nayroobi amaba reer Soomaliya tahay, waana sababta loo yiri: Dad Nayroobi iyo darbi Nayroobi midna lama duggaashado!.

Geesta kale, Nayroobi gaar ahaan Islii cilmiga diiniga aad baa loogu bartaa amase looga raacdaa, dumarkuba ha u badnaadaane cidda u badan ee barata.  Waxaana ku dhex yaal maraakiz, majaallada kala duwan ee diinta lagu barto. Inkastoo maraakisyadaas lacag yihiin, haddana haddii aad tahay qof u jeel qaba barashada diinta, jeebkuna dabraayo amase ku ciilaayo. Dani waa seeto oo ceeb ma lahan. waxaa jira wadaaddo, masaajidyo iyo  wakhtiyo kala duwan  dadka kutub ugu akhriya iyagoo ay ka tahay hor Alle iyo habeen aakhiro.

Adduunyadu waa iska shuqullo iyo shaamarreer badan tahay, mana waayaysid wax kaa yaabiya intaad dulsaaran tahay. Haddii aan hal iyo laba  ka xuso wixii iga yaabiyey mudadii aan joogay Nayroobi.

 Midda koowaad: waa marka aan arkay dad cunaaya Sambab iyo Mindhicir. Kenyanku waxay aad u jecelyihiin cuntadaas, waxaase kaa yaabinaya kolka aad aragto iyagoo mararka qaar dhiiggii neefka ku karsanaaya Samababkii iyo Mindhicirtii! Waxayna inta badan ku gadaan wadooyinka kuna kariyaan.

Marka xigta, waa marka aan arkay gabar Kirishbooy ah oo Kirishbooyada Soomalida sida ay ugu qeyliyaan marka ay caasiga rarayaan Bakaaraha, Sanca, Siinaay, Suuqliif iwm. Kadibna dhahaan Sooy Sooy! gaarigana kadaba ordaan ayey ayaduna intaas oo kale! sameenaysaa! Runtii waa u qaadan waayey in ay qof haween ah shaqada sida u adag ay qabaneyso.

Ugu dambeyn waxay giraantu wareeegto, waayuhu marba cimilo yeesho, maalmuhana is daba ordaan, bilooyinkuna sanka is galiyaan. Waxaa soo idlaatay laba sano oo aan joogay Nayroobi. Laba sano oo askari ka carar iyo laaluush siin ah. Dharaaruhu waxay ku baraaan, waxaad abid jaahil ka aheyd e, laba sano oo waaya aragnimo nololeed iyo koboc qofnimeed ah. Habeen  Axad ah Isniinna soo galayso ayuu Eebbe weyne qaddaray inaan ka baqoolo oo aan ka hayaamo Kenya oo dhan.

W/Q: Rashiid Saciid.

NAGALA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN