“Safarkii Alle doonka, Curis cilmiyeysan! W/D: Xasan Cabdulle Calasow, Shiribmaal.

“Safarkii Alle doonka, Curis cilmiyeysan! W/D: Xasan Cabdulle Calasow, Shiribmaal.

Oday ayaa wiil yar dhalay, dabadeed wuxuu siiyo ayow waayay, oo hugi ama hunguri ah “xoola ma qabin” “Beerna ma tacban jirrin” Hanti kalena haba sheegin! Odaygii talo ayaa ku caddaatay, Adduunkiina waa kusoo idlaaday, raashin iyo biyo  ow wiilkiisii yaraa siiyo ma haayo,  fikir ayuu galay, Habeen barkii ayow go,aan qaatay, sidii uu naftiisa ula hadlayay, 
subixii markii uu waagu u baryay, ayow deriskii isugu yeeray,  wuxuuna u sheegay inow “Haajirayo” wiilkiisa yarkaana uu wadanayo, waxaa la weeydiiyay, halka ow aadayo,  iyo sababta ow u haajirayo? iyo waxa ku qasbaya inow isaga hayaamo halkii ow ku dhashay?”
Waxaa uu deriskii ku  yiri: Waxaan ka haajirayaa “baahi iyo hunguri la’aan hugina warkiisaba daa!’
Waxaanna u haajirayaa ama aan  aadayaa: “Eebbehii, wiilkaan yarkaa i siiyay asaanna u gaynayaa, maadaama aanan heyn maal aan ku koriyo!”

Waxaa la waydiiyay, “Allaah” halkeed u aadeeysaa? inteedse ku ogtahay? Ma meeshow ku sugan yahay ayaad heshaa, macnaha aad taqaan, mase waxaa jirta meel laguugu sheegay, oo aad ka soo helayso?’

Wuxuu ku hal celiyay “Eebbe SWT” meesha uu jiro ama uu joogo ma aqaan laakin halka loo dukado, ee Qibliada ah macnaha xagga “Kacbada” ayaan aadayaa! Sidaa ayuuna safarkiisi Eebbe doonista ahaa ku guda galay: 

Markii uu maalma socday, ayuu u tegay “Islaan” oynaysa barooraneysa, marna  “Allaah” baryaysa Tuugaysa; labada gacanna kor u taageeysa! si uu Eebbe ducada ka aqbalo, ama uu dhibka haysta ka kaafiyo, Odaygii muhaajirka ahaay Islaantii ayuu bariidiyay, markii salaantii iyo baryadii  dhamaatay ka dib ayuu Islaantii waydiisay halka uu ka yimid? Iyo meesha uu hadda u socodo, wiilkaan yariiska ahna uu u wado?”

Dhibkii iyo dhacdadii ow soo maray ayuu uga sheekeeyay iyo inow waayay wax ay liqaan, ama ay dhunxiyaan oo raashin iyo biyo ah asiga iyo wiilkiisa, go,aanna ow ku gaaray inow wiilkaan yarka ah “Eebbihii” siiyay markii hore  u geyo! Inta ow “Eebbe” ka arkayo ama uu uga tegaayana socon doono!’

Haddii uu warbixintii dhankiisa dhameeyay Odaygii ayaa uu isaguna weydiiyay sababta ihaanada u keentay, wuxuuna yiri: bal ii waran, maxaad la ooyneysay marna la calaacleysay? marna aad “Eebbe” la baryeeysay?

“Waxay tiri: waxaan dhalay (9) Sagaal carruur ah, Sagaal koodana “SINO” ayaan ku dhalay! Intaa kuma simine, mid kasta oo ka mid ah na waan dilay; anigoo ceeb adduunyo ka baqanaya, siddaana laba dembi ayaan ku galay, oo mar waa “SINESTAY! Marka labaadna waa inaan sagaal nafadood dilay oo aan “Qor, Naf” gooyay;  ee haddaad “Eebbe” u tagto, oo aad la kulanto ii weydii inow iga toowba aqbalayo, iyo inow i cadaabi doono, dembigii aan falay ciqaabtiisi. ee haddaad Eebbe la kulanto jawaabta i la soo mar oo ha i la reed marin. Waayahay iyo nabadeey ayay isku macasalameeyeen. Sidaa ayuuna socodkiisi “Eebbe” doonka ahaa u sii guda galay!’

“Markii uu maalma socday ayaa wuxuu la kulmay ama uu u tegay wadaad beer iska falanaya dhul abaar ah aadna u qallalan!” Salaan iyo bariidin ka dib; ayuu weydiiyay halka ow ka yimid? iyo halka ay ku socdaan, asiga iyo wiilkiisu? Waxii dhacay ayuu uga sheekeeyay iyo inow “Allaah” u haajirayo  ilaa inta ow ka arkaayana oo socon doono!’ Markaas ka dib ayow weydiiyay; wadaad yohoow bal adi ii waran? maxaad aheyd? Maxaase ku dhigay meeshaan abaarta Ah?

Wadaadkii ayaa yiri: Beertaan aad u jeedo (8) Siddeed sano ayay iga ba’aysay, ilaa intaana waa ku sabrayay waxaana nafta ku qasbayay sannadkaan ayeey bixi doontaa! Roob ayaa di’i doona ee “Alle” (SWT). Ha ka quusan, Alle qabaa ma qoofo’e  ee haddaad “Eebbe” u tagto ii weydii beertaan inay bixi doonto iyo in aan isaga tagi doono!’ Haddii adoo nabad ah soo laabatana jawaabta i la soo mar, haddana safar salaama!

Socodaalkiisii “Alle” doonka ahaana meeshiisii ayaa uu ka sii billoowday. Markii uu maalma socday ayuu u tegay Macallin DA’ ah oo  dugsi Qur’aan, ilma aad u tira badan ku wax baraya, ee qaarna subac ku jiraan qaarna qaar ka kale looxa u meerinayaan, ku wana ay kuwa kale u yeerinayaan higaadda, oo meel aad u barakeysan jooga. Salaan iyo bariidin ka dib; ayuu weydiiyay meesha ow ka yimid iyo meesha ow ku socoyo?’ Wuxuuna uga sheekeeyay arrintii soo wadday asiga iyo wiilkiisa yar, iyo dhacdadii qabsatay, iyo inow haajir u yahay “Eebbe” si uu mar u la kulmo ama uu wiilkaan yariiska ah ee uu Eebbe siiyay, ugu celiyo, maadaama uu waayay wax uu siiyo, iyo wuxuu hugiyo intaba. Wuxuuna u sheegay inow Eebbe baadi goobayo, ilaa inta ow ka arkaayana socon doono. Hadalkii markoow dhameeyay ayuu Macallinkii weydiiyay, adigu maxaad aheyd?’

Wuxuu yiri: anigu waxaan ahay Macallin dugsi Qur’aan dhiga, sida aad u jeeddana waa kheyreysanahay, oo Ilaahay waa ii nimceeyay, Qur’aanka dhigiddiisa ama dugsigana waxaan billaabay anoo toban iyo shan sano jir ah (15). ilaa hadda oo aan jiro Sagaashan sanona(90). Anaa dadka Qur’aan barayay: sidaa aawgeed Toddobaatan iyo shan sano ayaan dugsigaan dhex fadhiyaa intii ka horreysanaa anaa Qur’aanka baranayay. Ee haddaad safarkaaga, Eebbe doonka ah ku la kulanto, Eebbe anigu inaan janno gelayo waan ogahay oo taas shaki iigama jiro, Laakin Eebbe iigu sheeg inaanan meesha soke amma afka hore ee Jannada aanan ka yeeli doonin, maxaa yeelay (90) “Sagaashan sanno” ayaan Qur’aankiisa, marna baranaayay marna dadka barayay, ee haddii adoo nabad ah oo guul soo gaaray soo laabatana “Jawabta” i la soo mar, oo ha i la reed qaadin, sidaas ayeyna is ku mar Xabbeeyeen!”

Safarkiisii dheera ee Eebbe doonka ahaana uga sii billoowday, markii uu maalin socday ama maalin iyo maalin haafkeed ow sii moog yahay, Macalinkii ow ka soo tegay, ayaa samada looga naadiyay, ninkii socotada ahaay, ee Eebbe raadinayay, waxaana lagu yiri: ninka Eebbihiisa raadinayow noqdo adiga iyo wiilkaagu. Irsaaqaddaadinaa Eebbaa kuu ballan qaaday, mana sii waayi doontid hadda ka dib ee noqo.

Fariimihii laguu soo dhiibanna Jawaabohoodii waa sidan ee u sheeg seddaxdii qof ee kusoo dhiibay, 

(1).Waxaad u sheegtaa Macallinkii dugsiga Qur’aanka dhigayay in ku dhaw Sagaashan sano, waxaad ku tiraahdaa: Naar ayaa kuu waajibtay, oo Ehlu Naarka ayaad ka mid tahay. Ilaahoow naga kore, adaan kaa megen galnaye, maxaa yeelay wuxuu u maleeyay in uu cibaadadiisii ku fuur baxay oo ay ku filnaatay laakin is la weynankiisa dartiis ayaa Naaru ugu sugnaatay!”

(2). Waxaad u sheegtaa wadaadkii beertiisu sannadaha badan ka ba’aysay! Hadda ha abuurayo waa u soo dhalanee mana ka sii bi’i doonto, oo sabarkiisii Eebbe wuxuu ugu beddelay, barwaaqo aan mar kale ka nusqaami doonin, sidaana ugu bishaarey addoonkeygii sabray!”

(3).Waxaad u sheegtaa islaantii barooraneysay ee sagaalka carruura “Sinada ku dhashay ee haddana dishay, in “Eebbe” ka toowba aqbalay dembigii ay gashana dhammaantiis laga cafiyay; “Eebbana” ow Jannada gelin doono!”

Haddaba curiskaan, ama qisadaan waxaan ka qaadan  karnaa laba qaaciddo oo aad u waaweyn. Tan koobaad in aan marna naxariista! “Eebbe” laga quussan! sida uu Qur’aankiisaba noogu sheegay, wuxuuna yiri:

 قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّـهِ ۚ إِنَّ اللَّـهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚإِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ ﴿٥٣﴾

“Haka quusannina naxariisteeyda; Anigu “Eebbe” waxaan ahay ku naxariista oo dhaafid badan, dembiyada oo dhan!’

tan labaad in aan la kibrrin oo aan layska dhaadhacsiin in cibaadadaadu kugu filan tahay, haddaad salaad badan tahay, Qur’aan aqris badan tahay, Soon badan tahay, Sako iyo cibaadaad badan tahayba, haddaan “Eebbe SWT” kaa aqbalin anaanay waxba kuu tareyn. Sidaa aawgeed ha is dhihin adiga cibaadadaada ayaa kugu filan oo “Alle” bari kale waxba ugama baahnid saa maba ogid inow kaa aqbalayo iyo in kale’e!”

 

FG:  waa curis cilmiyeysan, waadna ku dari kartaa, waad naqdin kartaa, si la mid ahna waad ammaani kartaa ama sii wadaajin kartaa:

W/D/  Xasan Cabdulle Calasow, Shiribmaal. 

SHEEKOOYIN