SALDHIGGA MUSIIBOOYINKA UMADDEENNA W/Q Mohamed M. Sh. Noor

Nor1

SALDHIGGA MUSIIBOOYINKA UMADDEENNA

 

Mar walba oo fasahaadka iyo xad gudubka, uu umad walba ku bato, waxaa bata ciqaabaha allah ku dul rogo umaddaas, ha noqoto ciqaabtaas mid abaareed ama colaadeed,  nuuc walba ayay noqon kartaa, maxaa yeelay, Ciidamada allah nuuc walba ayay noqon karaan, sida ay wax u fuliyaana uma dhib badna oo mar walba waxay adeegsan karaan waxa ay doonaan .

Xaqiiqda marka laga hadlayo, wax walba oo ku dhaca Insaanka(DADKA) waa wax ay ayaga ka Bani aadam ahaan galabsadeen, qof walbana wuxuu maraa ficilka uu sameeyay natiijada ka dhalatay, Dulmi xag allah ka yimidna ma jiro illaa dadka ay ayaga is dulmaan mooyee, marka waxaa la dhihi karaa manta dhib walba oo ina haysta waa mid ka dhashay ficilada guracan ee aan isku gaysanay, mar walba oo uu sii bato isku xad gudubka ama is dulminta, waxaa sii bata  cawaaqib xumida laga dhaxlo.

Abul caaliya nika la yiraa wuxuu yiri “dhulka qofkii Allah ku caasiyaa wuu fasahaadiyay dhulka, maxaa yeelay, dhulka iyo cirka wanaagoodu waa in allah lagu addeeco “ hadaba, waxaan ka fahmi karnaa hadalka ninkaas wanaagsan, ee saalixiintii hore ka midka ahaa, in  umad walba oo dariiqa allah ka leexataa, ay leedahay ciqaabta dambig ay geesataan.

Inaga dad muslim ah ayaynu nahay,  haddii uu allah inoogu nimcyeeyay islaanimada, waxaa wanaagsan in aan la nimaado shukriga Allah, maxaa yeelay, allah wuu naga duway dadka u nool sida xayawaanada oo kale, oo aan lahayn dariiq ay ku noolaadaan, aananan ogayn waxa ay u taagan yihiin iyo waxa dunida loo keenay, sida duur joogta oo kale ayay inta cabaaan oo cunaan oo is fuulaan, waxay doonaana sameeyaan, ayay hadana ku dhintaan sidaa, iyada oo marka ay dhintaana ay u dambayso ciqaabta allah.

Hadaba adiga oo muslim lagaa dhigay, lagu garansiiyay waxa aad u taagan tahay, iyo dariiqa aad mari lahayd Aduunyo iyo Aakhiraba, in aad inta is indha tirto, ka dhigato Hogaan nin aan inta aad haysato haysan, oo waddo mugdi ah ku socdo,  muxuu noqonayaa markaa aayahaaga dambe ee nolosha mid aduun iyo mid aakhiraba? waa su’aal runtii la doonayo in inta maskaxda la rog rogo la is waydiiyo .

Qof walba oo Bani aadam ah, wax walba uu sameeyo waa mid mar walba uu u hayo, sabab ama mar marsiiyo, qof walbana wuxuu mar walba Dariiq ama waddo u samaystaa, afcaasha uu sameeyo, laga yaabee mararka qaar, in tijaabada ama ficilka uu qofkaas sameeyo uu ku gaaro guul, balse, asalka marka la eego uu ficilkaas yahay, mid marka dambe ku noqon kara qofkaas dhibaato galaafata noloshiisa oo dhan.

Waayadan dambe waxaan arkayay, dad badan oo Islaam sheeganaya hormoodna u ah, in la qaato fikradaha  dad aan isku nolol ahayn, oo qaabka noloshooda iyo qaabkeenaba uu gabi ahaanba kala duwan yahay, ayaga oo u cuskanaya in dadkaa ay nolosha guul ka gaareen, hadana aysan hayn wax cadayn ah, oo lagu qanci karo guushaas ay gaareen dadkaa, tilmaan bixinaysa.

Qofka guul wuu gaari karaa, nolol wanaagsana harkeedana, wuu harsan karaa, waxaase su’aal ka taagan tahay, sida uu ku gaaray heerka noloshaas looga dayanayo? qofka aad uga daynaysid noloshase, ma yahay qof ku nool nuuca noloshaada? maxaa yeelay, marka aan sidaa leeyahay waxaan ka wadaa Gaal iyo inaga oo Muslim ah, qaabka nolosha waanu ku kala duwanahay, wax badan oo inaga naga xaaraan ah ayuu isagu xalaalaystay, wax badan oo aan ku haboonayn dhaqankeena nolosha, ayuu isagu ku faanaa, una ah raaxada nolosha, marka qofka nuucaas ah, marka aad soo miin guurisid qaabka noloshiisa, aadna kula soo laabatid umadda aad ku dhex nooshahay, adiga oo waliba ku dhiiri galinaya, in ay qaataan qaabkiisa nolosha, walibana qaab nololeedka umaddan, ay soo jireenka u lahayd ee muslinimada ama soomaalinimada ku salaysan aad ka dhigtid wax hooseeya, waa maxay markaa, farqiga idiin dhaxeeya adiga, iyo ninka aad leedahay nolosha halooga daydo.

Fikirka nuucaas,  waa la qaatay hadaanu nahay Soomaali, ninka arrinkaa noo keenayana, waa ku guulaystay ayaa la oran karaa, balse, maxaa laga dhaxlay? Waxaa laga dhaxlay jahawareer ku dhacay umadda, dhaqaala ahaan, dhaqan ahaan, iyo siyaasad ahaanba, waana midda maanta ina haysata.

Umadda waxaa fiican, marka ay u istaagayso Aaya ka talinteeda in ay laahaataa, saldhigyo noloshoodu u ah tiirar ayna fahamsan yihiin, Tiir walba waxa uu u taagan yahay nolol ahaan, haddii la taabto tiirarkaasna ay noloshooda burburayso, balse haddii aan la fahamsanayn middaas, waa mid dhibaatadeeda leh, waana xaqiiqda dhabta aan maanta ku noolnahay, hadaanu nahay umadda soomaaliyeed.

Ma jirto meel lagu dhisay, tiir nololeed oo Assal u noqon kara qaabka nolosha umaddeena, waligeena waxaanu ahayn, umad hayi raac ah, oo waxa loo keeno oo kaliya qaadata, balse aan su’aal iska waydiin waxan ma yihiin, wax la jaan qaadi kara qaabka nolosheena, mase yihiin wax  wax u dhibi kara aayaheena dambe ee nolosha? waxaa muuqata in su’aalahaas oo dhan ay meesha ka maqnaayeen waligood, ilaa hadana aan si dhab ah la isku waydiin.

Hadaba, qof noloshiisa dariiq uu u maro aanan aqoon, mar walbana noloshiisa ay tahay qanadaraaskii la keenaba, in uu fuliyo isaga oo dhaqaala ugu xilanaya, balse aanan eegiin isla isaga noloshiisa iyo ubadkiisa, waxa mustaqbal ahaan ay noqon doonaan.musiibooyinka dadkeena ku dhacaya maanta, waxaa saldhig u ah sida saxda ah, sadex qaybood oo kala ah

1 jaahilnimada, oo umaddeena aad ugu badan, ayada oo jaahilnimadaas ay tahay mid Diimeed mid dhaqan, iyo mid nololeedba, sida saxda ahna umaddeena, waa umad sida badan wax dhagaysata, kuna camal fasha wixii loo sheego, balse aan aragtida wax ku qaadan, taas oo runtii ah dhibaato xoog leh, oo natiijada ka dhalatana aan xalkeeda mar walba, in la helaa aysan sahlanayn .

Qofka in uu wax arko iyo in uu wax maqlo, waxaa muhiim ah mar walba aragtida, maxaa yeelay aragtida aad wax arkaysid, waa mid mar walba kaa kaafin karta, wax badan oo maqal kugu soo gaari lahaa .

Maqalka waa sida wax laguugu sheego, mar walbana xaqiiqda uma dhawa sida aragtida ay xaqiiqda u tahay, maqalka wax lagu maqashiyo, mar walba wuxuu ku salaysnaan karaa, fikirka uu qabo qofka wax ku maqashiinaya, ama wax kuu sheegaya, marka maqalka waa mid aan sida badan wax lagu cabiri Karin waxna lagu qaadan Karin, wax walbana sida loo maqlaa marka la arko waa ka duwan yihiin, fikrka kugu dhashaa wax aad maqli jirtay, marka aragti ahaan laguu horkeenana wuu ka duwan yahay, mar walba sida aad ku maqashay.

Marka dhibka ina haystaa ayaa ah, in diintana aan barasho wanaagsan ka wada haysan, dhaqankana uu naga noqday wax asalka ka xumaaday, oo mar walba iska ahaa mid la iskugu kaalmeeyo waxa xun oo dhan, dhaqaala ahaana umaddena ay u badatay umad iska faqri ah, oo qofka faqriga ah mar walba waxaa laga samaystaa sida la doono, maxaa yeelay, jiritaanka qofka ee mustaqbalkiisa dambe, waxaa ka xoog badan baahida markaa haysata, ee ku hareeraysan isaga iyo dadkiisa, taasina runtii waa meelaha ugu xun ee ay cadowga jaaniska ka heleen, waana midda sababtay in la waayo umad isku wada toosan, oo dhinac walba jirta, marka aan leeyahay dhinac walba jirtana waxaan ka wadaa qof walba oo masaaliix ka leh dalkan iyo umaddiisa, waxaad ka helaysaa in dad soomaali ah ay la safan yihiin, waana qodobkaas dhaqaalaha, waxa sababta ah u ah.

2 Dunida oo aan aad u jeclaaanay, taas lama dhihi karo waan ku qaldanahay, oo waa daciifnimada allah nagu abuuray, balse, meesha aan qaladka ka leenahay ayaa ah, in dunida inaga oo jecel, kuna riyoonayna nolol wanaagsan oo raaxa leh, in aan hadana isla anagii aan sabab u noqonaa, ka gun gaarid la’aanta hadafkaas aduunyo jacaylka ah.

Gaalada, waa dad sida inaga oo kale aduunyada jecel, dariiqii ay u mareena, waxaa la oran karaa waa ku guulaysteen, kadib markii ay ku heshiiyeen qodobka ah, aan wada noolaano, isna nabad galino, balse inaga qodobkaas, si ka duwan kooda Ayaan u qaadanay kaas oo ah, aan wada noolaana kala noolaano yaanan is nabad galin, taasna waa midda sababtay, in nolosha dhinac walba, aan uga guul daraysano, maantana aan noqono, Qoomka ugu dullaysan dunida, ilaa aan gaarno heer nala ku magacaabo umaddii guul daraysatay.

3 waxaan hilmaanay, waxa aan u taaganahay nolol ahaan,  sidee ku hilmaanay? Waa su’aal meesha ku jirta, marba haddi maslaxadda noloshaada aadan u taagnayn, oo mar walba waxa aad u taagan tahay ay yihiin masaalix dad kale,  miyaadan hilmaamin waxa aad u taagantahay? haa waad hilmaantay, maxaa yeelay qof adiga oo kala ah, lehna hammiga aad dunida ka leedhaay mid la mid ah, ayaa inta kuu yimid dhaqaalo yar ku siiyay, kuguna yiri ii fuli arrinkaa, waliba arrinka uu ii fuli ku leeyahay, waa arrin wax u dhibaysa jiritaankaaga dambe, adigina kama aadan fakarin, mayana ma aadan aron oo waad u fulisay, marka miyaadan ahayn qof garan la’ waxa uu u taagnaa iyo waxa uu  yahayba?

Sharafta umadda, waxay soo laaban kartaa kolka ay umaddu gartaan qiimaha noloshooda, kana gil gishaan wax walba oo dhaawici kara masaalxidooda, waxaa jirtay hadda ka hor, Waddanka Shiinaha in xiligii Jabaanka ay kusoo duuleen, ay wadddada ka heleen, nin reer miyi ah iyo wiilkiisa oo meel lama dagaanka shiinaha ku safraya, markaas ayay inta jabaankii qabteen ku dhaheen, maxaad dalban laheedeen waa idin dilaynaa ileen anag iyo shiinaha wax naxariis ah nagama dhaxaysee?

Markaas ayay ku dhaheen wiilkii iyo aabihii, na dila haddaad doontaan, balse, hadda maadaama aad ina waydiiseen waxa aan rabno na siiya, Biyo aan cabno, kadibna nafta naga qaata, inta aan haraadkan kusii jiri lahayn.

Sidii ayay biyihii ku siiyeen, kolkaas ayaa waxaa galay askartii jabaanayska ahayd hammi ah, in nimankaan ay Sir badan oo ku saabsan halgamayaashii shiinayska ka heli karaan, haddi ay u bandhigaan cafis ah in ay sii daynayaan, sidii ayayna ugu bandhigeen dalabkoodi ahaa, in ay sii dayn doonaan haddi ay sirtaas bixiyaan,kolkaas ayay wiilkii iyo aabihii midba gooni ula hadleen, ayaga oo is oranaya midba gooni wax ha idinkugu sheego.

Wiilkii wuu aamusay, oo wuxuu ku gaabsaday in wax uu ogyahya uusan jirin, uuna yahay wiil yar waxa ay waydiinayaana uusan waxba kala socon, halka odaygii markii ay la faqeen uu ku yiri “haddaad rabtaan in aan wax idiin sheego, fadlan wiilkaas dila, si uusan bari ka maalin ii sheegin waliba hortayda ku dila si aan u xaqiiqsado, in aad disheen uusan nolol dambe kusoo laaban doonin”.

Sidii ayay askartii jabaanka suubiyeen, markii uu xaqiiqsaday in wiilkiisi la dilay ayuu ku yiri” anigana I dila, in aan wax idiin sheego lagama yaabee, inta sirta dadkayga aan faafin lahaa, aadna ku dulaysan lahaydeen dadkayga wax aan aniga idiin sheegay, aniga dhan hala I waayo, malaayiin badan oo shiinays ah ayaa jirta, anigana kaligey ayaan ahay, in ay ayaga bad baadaan ayaa iiga qiima badan, in naftayda bad baaddo,”  sidii  ayaa lagu sii daayay ninkii, kadib markii uu taliyihii jabaanka sidaa amray uuna ku yiri “waad naga raysay, wax walba oo aad doonto qaado, xornimana waddada ku mar, waana ka xun nahay wiilka aan kaa dilnay,mana ahayn,  in wax ay ahayd in aan bani aadanimo, kuugu suubino aan kaaga dalbano wax kugu wayn.

Hadaba qisadaas yar, ee ninkaas Shiinayska iyo askarta Jabaanka dhex martay maxaan ka faaiidi karnaa?waxaan ka faaidi karnaa, in sharafta umadda ay qof walba xil ka saarantahay ilaalinteeda. iyo iyada oo aan marnaba cadowga loo muujin naxariis  ah, in lalal shaqeeyo oo aan lagu dhiiri galin shaqada ay hayaan in ay tahay mid wanaagsan, lana tusin in bulshada ay markaa dhibka u gaysanayaan qaarkood ay taageero ka heli karaan iyo in kale.

Waxaa kale oo meeshan aan ka fahmi karnaa, in aan loo hogan cadowgaada, oo mar walba madaxaada kor ahaado, cadowgaada inta uu kugu shaqaysan lahaa, in aad adiga ku shaqaysatid, laakin maanta waxay taagantahay in aan cadowgeena u hogonay, iyo in aan garan waynay meesha nala ka soo weerarayo, oo uu cadowgu jaaniska inooga helay,  waxaana garan waynay waxa aan u taaganahay, caqligeena ha shaqeeyo aana isku laabano, hurdada aan ku jirno aan ka kacno, isku jeedka aan isku jeedno, aan iska dayno cadowgeena aan garano.

Cadowgeena waa midka midnimadeena ay dhibayso, cadowgeena waa midka ay diinteena dhibayso oo dadka islaamka ah kula xarbinaya meel walba,  waana midka inoo kala yeelay magacyada kala duwan, aan ka fogaano waxa uu cadowgeenu abuurayo oo aan noqono kuwa u shaqeeya diinteena iyo danta dadkeena, dadku dulli kama baxaan ilaa ay ka xoroobaan, cabsida ay ka qabaan cadowgooda, dantoodana ma gaaraan ilaa ay gartaan dantooda waxa ay tahay, iyo danta duulka ku adeeganaya, qofka marka uu fahmo u jeedadada duulka uu u shaqaynayo, ayuu garan karaa waxa ay dantiisu tahay. haddii uu intaas ka warqabinna,  waa qof iska hurda, qof hurdana waa qof sidii la doono laga yeelan karo, aan hurdada ka kacno dibna isku eegno muraayadda.

 

W/Q Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN