Sanad guurada mareegta W/Q. Ahmed Hayow

logo1

Mareegta laashin ujeedada loo aasaasay waxay aheyd kobcinta iyo dhiirigelinta qalinka iyo qoraalka, waxaana loogu tala galay in lagu soo bandhigo hidaha, dhaqanka, fanka iyo suugaanta, oo ay ka mid yihiin curinta sheekooyinka, qoraalada, hal moceedyada suugaanta, barashada afka, guud ahaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, iwm, danta guud ee laga lahaana waxay aheyd dhallinta Soomaaliyeed in qalinkooda laga hadalsiiyo, si ay u soo bandhigaan awoodooda maskaxeed iyo aqoonta ay u leeyhiin dadkooda, diintooda, dalkooda iyo caalamka intiisa kalaba.

Mareegtu ma aha web uu qof leeyahay ama koox ay leedahay, kooxdaasoo waxa ay rabaan ku soo bandhigta, laakiin waa mareeg u furan dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed, kuwaasoo ku soo qori karaan qormooyin tayaysan oo ah wacyigelinta bulshada ama dhiirigelinta barbaarta, ha ahaadaano sheekooyin taxane ah ama taariikhda caalamku soo maray, ha ahaado qeybaha suugaanta ama silsilad loo furay dhallinyarada.

Mareegtu ma laha war maalmeed sida WAR DEG DEG AH, KASHIFAAD, SIR CULUS IWM. Laakiin waxay si taxadar leh uga hadashaa waxa ummadda Soomaaliyeed u qabsoomay, waxa looga baahan yahay inay qabsadaan mustaqbalka dhow iyo midka dheer, waxaa kale oo ay ka hadashaa caalamka aan ku noolnahay iyo sida dadkoodu isugu xiran yihiin, si ummadeenu u ogaato inay jiraan bulsho meel ku wada nool oo aan isku af iyo diin ahayn iyo sababta keentay inay nabad ugu wada noolaadaan, taasoo lagama maarmaan ay u tahay inay ummaddeenu ogaato.

Mareegta waxaa ka howl gala Rag iyo Dumar badan, kuwaasoo isugu jira dhallinyaro iyo waayeel, qof walbana wax buu mareegta ku soo kordhiyay.

Muddada sanadka ah oo ay mareegto jirtay, waxay soo gudbisay qoraalo wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed, waxayna leedahay dhowr kun oo qofood, kuwaasoo ku taxan sheekooyinka iyo qoraalada cilmiyaysan oo ay soo bandhigaan dhallinta fara ku tiriska ah oo isku xilqaamay inay aragtidooda soo gudbiyaan, waxayna mudan yihiin in looga mahadceliyo siday heeganka ugu ahaayeen maslaxada ummadooda.

Maanta waa sanadguurada koobaad ee Mareegta laashin, waxaana rajeeyneeynaa in sanadkan ay laba kacleyn sameyn doonto mareegta, maadaama ay weli heegan ugu jiraan dhallinti aasaastay oo u soo dhabar adeygtay iyo inay jiraan dhallinyaro diyaar u ah inay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta iyo waxbarista ummadda.

 

Hambalyo laashin.

SHEEKOOYIN