Sanadihii dugsiga Faarax Oomaar Q-2AAD W/Q: Maxamed Heebaan

Sanadihii dugsiga Faarax Oomaar Q-2AAD

Maalin ayaa aniga oo safka hore fadhiya, ayuu Cali Xuseen, macallinkii suugaanta dhigi jiray, igu yidhi: “sabuuradda masax.”  Waan istaagay oo sabuuraddii ayaan masxaxay, kolkaas ayaan kursigaygii kusoo laabtay oo fadhiistay. Malaha sabuuradii si fiican uma aanan masixin? Macallinkii wuu ii yeedhay, wuxuuna ila istaagay albaabka agtiisa oo ka yare durugsanaa ardayda fasalka ku jirta, wuxuuna igu yidhi: “Ma maqashay wuxuu Cali-dhuux ku yidhi; dadka dhaadheer?” (Aniga dhererkaygu waa dhex-dhexaad, laakiin waxaan xidhnaa kabihii wakhtigaa socday oo dadka u muujiya inay ka dheer yihiin itaalkooda caadiga ah.) Waxaan ku idhi: maya ma maqal.  Wuxuu igu yidhi:

  • Haddii dherer wax taro naagahaa dhici lahaa geele   
  • Iyaba aabbahood oo dhinteey dhaxal ka waayeene
  • Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada eh
  • Haddaanay dhiilka caano ah lahayn laguma dhaarteene!”  

Wuxuu ku daray, “markaan kuu sheego inaad shaqo qabato, si sax ah u qabo.”  Waxaan ku idhi: “waa hagaag!”  Dabadeedna kursigaygii ayaan kusoo noqday oon fadhiistay.                                                                               

In kasta oo dhibkiisu mararka qaarkood uusan yarayn, haddana Cali Xuseen xiisadiisu waxay ahayd tan igu xiiso badan, marar bandanna waxay dhammaan jirtay oo firimbigu dhici jiray iyada oo aad is odhanayso, alla fiicnaan lahaydaa hadduu sii wadi lahaa.

Qaybaha aan wali ka xusuusto waxaa ka mid ah qaybo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo  ka dhacay Berbera, markii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan kasoo noqday Xajka ee uu kasoo degay dekadda Berbera.  Waxaa la sheegay in markii uu Sayidku kasoo degay Berbera, in Ingiriiskii dadka canshuurta ka qaadayay ay waydiiyeen Sayidka inuu canshuur ka bixiyo alaabtii uu watay ee uu Xijaaz kala yimid.  Waxaa la sheegay Sayidku inuu diiday inuu canshuur bixiyo isagoo ku dooday in Ingiriiska laftigoodu ayna wax canshuur ah bixinin markay kasoo degayeen Berbera!  Markay arrintii qir iyo qir gaadhay, ayaa ninkii Somaaliga ahaa ee turjubaanka ahaa oo ay muuqato inuu Sayidka u xaglinayay ama hoosta kala jiray, arrintii soo dhex galay oo isku dayay inuu Ingiriiskii qanciyo, kolkaasaa wuxuu yidhi: “waa wadaad waalane iska dhaaf!” Naanaystii wadaadka waalan (The Mad Mullah) Sayidka halkaas ayey kasoo raacday oo way ku dhegtay.

Markuu Sayidku Berbera yimid, wuxuu billaabay inuu dadka wacdiyo.  Wuxuu cambaareeyay sigaar cabidda, qaad cunista iyo habac-sanaanta.  Sida ay caadadu tahay ee lagu yaqaan meel kasta oo isbeddel-bulsho ka billaabmo, Sayidka fariintiisii waxaa la dhacay dadkii reer Berbera badankoodii oo isugu jira dadkii dan-yarta ahaa iyo dadkii mururq-maalka ahaa, IWM.  Dadkii ladanaa ee lacagta lahaa iyo kuwii madaxda ahaa ee ay Ingiriiska isku xidhnaayeen, waxay u arkayeen Sayidka inuu yahay Fidmo-wade!

Maalin ayaa nin baaderi ah oo degganaa Masaajidka Berbera agtiisa, ayaa usoo dacwooday xafiiskii Ingiriiska ee degmada Berbera laga xukumay.  Ninkii wuxuu ku dacwooday oo yidhi: “Habeen walba marka ay hurdadu meesha ugu fiican ii marayso, ayuu ninka Masaajidka hiraabtii ka aadaamaa hurdadana iga toosiyaa.  Marka ninkaas ha la iga qabto.”  Waxaa loo yeedhay mu’addinkii Masjidka Berbera oo loo sheegay gocoshada kasoo yeedhay ninkaas Masjidka agtiisa deggan.  Mu’addinkii wuu yaabay oo wuxuu yidhi: “Oo ma salaadda Ilaahay ayaan u daynayaa ninkaas hurdadiisa?”  Mu’addinkii arrintii loogu yeedhay kuma qancin, wuxuuna u arkay inay tahay sheeko aan rag loola imannin.

Subaxnimadii dambe, ayuu mu’addinkii, sidii ay caadadu u ahayd, minaaraddii fuulay oo salaaddii subax addimay.  Ninkii gaalka ahaa ee Baadariga ahaa ee dacwada soo oogay, qori ayuu lasoo baxay oo mu’addinkii oo minaaradda saaran ayuu toogtay oo minaaradda kaga soo tuuray, mu’addinkiina halkaas ayuu ku dhintay! Magaaladii Berbera ayaa isla kacday!  Dadkii Berbera badankooda oo ay hoggaaminayaan Sayidkii iyo Culimadii kale waxay yidhaahdeen: “Ninkii mu’addinka dilay waa in la dilo.  Haddii kale wax kala soconaya ma leh!” Wadanka Ingiriiska berigaa qofkii qof dila, waa la dili jiray.  Laakiin Ingiriisku wuxuu soo jeediyay inuu qadiyaddii ku dhameeyo Xeer-Somaali, wuxuuna soo bandhigay seddex arrimood inuu xal-ku gaadho:

  1. Mu’addinkii magtiisa inuu Ingiriisku bixiyo oo uu boqol halaad la siiyo ninka reerkiisii.
  2. Wadaaddada Soomaaliyeed in xaal la siiyo.
  3. Ninkii Baaderiga ahaa ee mu’addinka dilay in waddanka laga masaafuriyo.

Sayidkii iyo dadkii taageerayay gaashaanka ayey ku dhufteen oo waxay ku adkaysteen in ninkii mujrimka ahaa la dilo.  Laakiin, qorshihii Ingiriiska ayaa meel maray oo Ingiriiskii mag baa laga qaatay.

Waxaa la sheegay, markii ay arrintani la gaba-gabeeyay kadib, ayaa nin reer Berbera ah oo aanan hadda magaciisa xusuusanin ayaa wuxuu arkay Sayidka hinfirka kasoo kacayay iyo nacaybka qotada dheer ee uu Ingiriiska u hayay, marka ninkii wuxuu u tegay Ingiriiskii oo ku yidhi: “Ninkan ina-Cabdille Xasan hadduu dhow yahaye ha la qabto!” Waxaa la sheegay in madaxdii Ingiriisku ay taldaas iska dhega-tireen oo ay ninkii ku yidhaahdeen: “Naga dhaaf, waa wadaad waalane, melihiisaa ha ka qaylyee.”  Ninkii reer Berbera wuxuu ku jawaabay: “Wallee haddii aan ninkan maanta la qabanin, meel fog baa loo raadin donaa!”  Markii ay dagaalladii Daraawiishtu daba dheeraadeen ee Ingiriiskii khaati istaagey, ayey u yeedheen ninkii odayga ahaa ee ay taladiisa diideen, waxayna u aqoonsadeen inuu yahay Indheer-garad!

Sayidku isagoo ka xanaaqsan dilkii xaq-darrada ahaa ee mu’addinkii loo gaystay iyo sidii dhibka yarayd ee baadarigii dilay u fakaday, ayuu maalin Axad ah soo maray meel la yidhaahdo Dhaymole oo Berbera u dhow oo koox kiristaan ihi ay xarun ay diinta kiristaanka ku faafiyaan ka fureen.  Sayidkii wuxuu la kulmay carruur badan oo Somaali ah oo saf ku jira, wuxuuna carruurtii waraystay qolada ay yihiin.  Waxaa la sheegay inay ugu jawaabeen inay yihiin “Reer Father!” Sayidkii wuxuu markiiba fahmay in kiristaanka meesha xarunta ka furtay ay dhaqan-rog iyo diin baabi’in ay kula kaceen ummadda Somaaliyeed.  Dabadeedna Sayidku wuxuu go’aan saday inuu ka dhiidhiyo. Muddo yar kadibna Berbera wuu iskaga baxay, isaga oo ay ka go’an tahay inuu olole kaga hortago gumaysiga iyo ujeeddooyinkiisa.  Labada arrimood ee halgankii Daraawiishta baaruudda-qarxisay u ahaa waxay ahaayeen labadaas arrimood ee Berbera ka dhacay: Dilkii mu’addinka bilaashka lagu toogtay iyo kiristaamaynta carruurta Somaaliyeed.

Midnimada ummadda waxaa lagu adkeeyaa in la adkeeyo oo la bad-baadiyo waxa ummadda mideeya oo diintu ugu horrayso. Wadamada kale ee Afrika waxaa la kiristaamiyay waqtiyadii gumaystayaasha Yurub ay soo galeen Somaaliya. Marka inayna kiristaanku ku faafin Somaaliya waxaa u sabab ah halgankii ay wadaadada Somaaliyeed sida Sayidka, Sheikh Bashiir, Sheekh Xasan Barsame iyo kuwo kale oo fara-badan kala hortageen gumaystayaashii Yurub. Si aan taas u fahanno, bal ka feker arrintan: innagoo Somaali ah oo isku af ah, isku diin, isku isir ah, ayaan kalladhka is wada haysannaaye, bal ka warran Somaaliya oo 20% kiristaan ah oo xukunku inta kiristaanka ah gacanta ugu jiro! Bal ka warran Somaaliland oo 15% kiristaan ah oo xukunku inta kiristaanka ah gacanta ugu jiro oo Ingiriiska, Maraykanka Iyo reer galbeedka oo dhanna ay taageerayaan kiristaanka tirada yar, itoobiyana intaas u jirto oo ay bad u baahan tahay? Shaki kuma jiro in kooxdaas kiristaanka ahi ay Somaliland ku dari lahaayeen Itoobiya, koonfurtuna sidaas ayna waxba ka duwaanaateen.  Waxay ummadeennu ku badbaaday galladda Ilaaheey iyo dadaalka wadaaddada Somaliyeed woqooyi iyo koonfur labadaba.

Gabayada uu Cali Xuseen noo dhigay waxaa ka mid ahaa gabay dheer oo qiimo badan oo uu tiriyay (AHUN) Xaaji Aadan Af-Qallooc.  Gabaygaas wax yar ayaan ka xusuustaa:

  • Duhur baa Bashiir lagu daldalay daar agtiinna ahe
  • Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
  • Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duu-duuban
  • Duulkii uu necbaa iyo kufraa daawasho u yimide
  • Isagoo dulmiga aad qabtaan dood ka celinaaya
  • Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye
  • Loo diid dadkii uu dhaliyo duunyaduu dhaqaye
  • Ma duugoobin Qaybdiid lafuhu waana duxayaane
  • Waa duubay Faransiis dhulkii Suuriyuu degaye
  • Dajla iyo Furaat Faranjigii kama dakeeyaane
  • Ingiriis siduu damacsanaa reer Hindiya diidye
  • Sidii Gaandi doonaayay baa haatan daalacaye
  • Damaashaadku waa Maxamed Cali loo dabaal dagaye.

(Bashiir: Sheekh Bashiir Yuusuf, Faarax: Xaaji Faarax Oomaar, Qaybdiid: Sayid Maxamed Cabdille Xasan).

Halkaas intuu joojiyay ayuu Cali Xuseen yidhi: “Ma garanaysaan Maxamed Caliga uu gabyaagu ka hadlayo?”  Dhammaan gacmaha ayaan wada taagnay oo waxaan nidhi: “Wuxuu ula jeedaa Maxamed Cali Kalaay!”  Wuxuu yidhi: WRONG!  Wuxuu u jeedaa Maxamed Cali Jinaax oo ah ninkii Pakistaan madaxbanaanida u horseeday.

Faarax Oomaar laba dhibaato ayaa aniga si gaar ah ii haystay oo aan kaga duwanaa ardaydii aan iskuulka la dhigan jiray:

  1. Qaadka oo aan aad ugu waallaa.
  2. Luqadda Ingiriiska oo aanan xabbad ka aqoonnin.

Ingiriiska aqoon la’aantiisu waxay igu ridday kalsooni darro. Marka maadaama aan ogaa inaan dugsiga sare ka qalin jabin karo, xataa haddii aanan galin imtixaanka Ingiriisiga, waxaan goostay inaan ka baxo ama gooyo xiisad kasta oo ingiriisi ah.  Taasi waxaan u arkayay inay xal u noqotay kalsooni darradii aan ka qabay luqada Ingiriiska, laakiin taasi way iga daba timid oo meel aana ka filayn ayey gadaal igaga soo baxday.  Ardayda aan iskuulka la dhigan badankoodu way qayili jireen, laakiin toodu waxay ahayd iska caadi.  Haddii ay qaad helaanna way cuni jireen, haddii kalena mushkilad wayn kuma ahayn.  Anigu maalin walba waan qayili jiray.  Hadii aan maalintii waayana waxaan isku dayi jiray inaan habeenkii qayilo.  Arday iskuulka dhigta taasi way ku adakayd. Noloshayda oo dhan waxay ku wareegaysay qaad iyo cunistiisa.  Halka ay dadka kale ka fekeraan inay iskuulka dhameeyaan, jaamicad galaan, shaqaystaan, guursadaan, nolol samaystaan, aniga fikirkaygu wuxuu ku salaysnaa maalin-walba haddaan helo laba-minjood oo qaad ah, adduunka wax iga maqan inuusan jirin. Maalin ayey taasi ii sii caddaatay.

Waxaa Hargeysa timid (AHUN) Canab Sheekh Cabdullahi oo ahayd xaaskii adeerkay Cabdullahi Heebaan. Canab dukaan yar ayey ku lahayd magaalada Garbo oo waxay u timid inay alaab iibsato.  Canab waxay ahayd qof gancan furan, anigana si gooni ah ayey ii dhaqaalayn jirtay markay timaado Hargeysa.  Maalin ayey iga codsatay inaan alaab la soo iibiyo. Qofka dhalin yarada ah ee qaad cunka ah maalamahaas oo kale waa kuwa ugu wanaagsan, sababtoo ah qaadkaagu waa bannaanka oo waxaad ka wer-weraysaa ma jiro.  Bas ayaan kasoo raacnay Iftin, waxaana ku degnay magaalada badhtankeedii, dabadeedna waxaan u lugaynay suuqii kabaha oo u dhowaa daartii Ina-Xasan-Rakuub. Waxaan galnay dukaan ay Canab ballan la lahayd oo waxay ka iibsatay laba-darsin oo kabo ah. Kolkii Canab iyo islaantii dukaanka lahayd ay kala tirsanayeen lacagtii, ayey gabadh dhallinyaro ah oo da’dayda ah soo gashay. Sida ay gabadhii iyo islaanta dukaanka leh u wada hadlayeen waxaan ka fahmay inay islaantu gabadha dhashay. Kolkaas ayey fikradi igu soo dhacday: waxaan is idhi: “Haddii aan gabadhaas guursado, maalin walba laba-minjood oo qaad ah diyaar bay ii ahaanayaan oo aniga iyo wer-wer waan is daynaynaa!”

Dumarka Hargeysa qaadka ku gadi jiray waagaas laba ayey u qaybsameen. Qayb waxay ahayd kuwo buur-buuran oo inta ay gambadhyo is bar-bar-dhigtaan oo ay si teed-ah u fadhiistaan sheekada isu cammira.  Kuwani ma ahayn dumar walbahaarsan oo ka baqaya in qaadka laga iibsan waayo, qaad iibintana waxay ugu jireen baayac-mushtar ahaan.  Qaadka ay dumarkani gadaan toos ayuu wajaale uga iman jiray, tayadiisuna waxay ahayd heer-sare, qiimahiisuna waxaan la goyn karin!  Dumarkani waxay lahaayeen macaa-miil gooni ah oo dad lacag leh ayaa wax gadan jiray. Dumarka kale ee qaadka gadi jiray waxay ahaayeen kuwo dan-yar ah oo ay duruuftu ku kalliftay inay qaad gadaan. Qaadka ay kuwani iibiyaan tayadiisu waxay la mid ahayd qaadka raggu gadaan, qiimahiisuna ama shilin ama laba ayuu ka sarreeyay kan ragga, intaas ayeyna kasoo saari jireen biilka carruurta iyo kirada guriga ay deggan yihiin.

Maalin ayaa aniga iyo wiil aan saaxiib ahayn oo la odhan jiray Maame ayaa waxaan tagnay xeradii qaadka.  Maame wuxuu la hadlay gabadh dheer oo qurux badan oo ka mid ahayd dumarkii dan-yarta ahaa, wuxuuna ku ydihi: “Haddii aan qaadka kaa iibsanno, gurigaaga ma ku qayili karnaa?”  Hadalka saaxiibkay yidhi ma ahayn hadal nadiif ah ee wuxuu ahaa hadal mal-dahan oo ujeeddo leh, gabadhiina way fahantay.  Waligay illoobi mahayo jawaabtii ay siisay: waxay ku tidhi: “Haddii aan ku kacayo waxa aad maldahayso, qorraxdan aad aragtid kulaylkeeda kolba dhinac uma aanan carareen oo dhididku labada dhaban igama daateen!  Aniga oo gurigayga jooga oo raaxaysanaya ayaan waxaan rabo ku kici lahaa!”  Haddii uu qof ceeb u dhiman, wallee saxiibkay saaruukh baa ku dhacay!  Mar kasta oo aan xerada qaadka tago oo aan gabadhaas arko waxaan niyadda iska odhan jiray, “Waa gabadhii gobta ahayd ee sharafta lahayd.” 

Fasalka 12aad markuu badhtamaha noo marayay, ayuu maamulihii meeshii ogaysiisyada kusoo dhejiyay warqad ay ku qoran yihiin 10 (toban) arday oo iskuulka laga caydhiiyay, sababtuna ahayd in habsaankoodii uu aad u batay. Warqaddii ayaan akhriyay, marka waxaan arkay in ardayga kowaad ee tobankii arday ee la caydhiyay ugu habsaanka badnaa inuu ahaa aniga!  Talo way igu caddaatay!  Magacyadii ayaan mar kale akhriyay bal inaan cidna ka garto.  Waxaan liiska ka helay oo igula jiray ardaydii la caydhiyay saaxiibkay Mustafe Cabdi Xasan oo aan isku fasal ahayn, kana mid ahaa ardaydii Itoobiya ka timid.

Aniga iyo Mustafe waxaan ku tashannay inaan qiil raadsanno.  Waxaan soo dhisannay sheeko aan run-ahayn, laakiin macquul ah, had iyo jeerna dhici jirtay.  Waxaan u tagnay ninkii haystay guddoonka waxbarashada gobolka Woqooyi Galbeed oo magaciisa la odhan jiray Saciid oo la sheegay inuu ka yimid Gobolka Sanaag.  Markaan xafiiskiisii galnay waan isu sheegnay inaan ka mid nahay ardaydii iskuulka looga caydhiyay habsaanka faraha badan dartiis.  Kolka waxaan ku nidhi: “Qaybta ugu weyn ee habsaankaas faraha badan noo keentay waxaa weeye, sannadkii hore fasaxii waxaan aadnay Somaali-galbeed oo ah halkii aan ka nimid. Dabadeedna ciidamadii Itoobiya ayaa xidhay waddadii-Caddayd ee baabuurta Somaaliya soo aada soo mari lahaayeen. Dee marka meel aan soo marno ayaan waynay oo halkaas ayaan ku caddilannay oo  bad-xidhan ku noqonay.”  Ninkii Saciid jawaabtii uu nasiiyay waxay noqotay mid aanaan filaynin haba-yaraatee.  Wuxuu yidhi: “Waxba igama galin haddii ay waddo idinku xidhantay iyo haddii kale!” Aniga iyo Mustafe waxaan ku hadalno ayaan garan waynay.  Kolka si uu noogu muujiyo mowqifka uu taagan yahay, wuxuu hadalkiisii raaciyay: Halkaas aad leedihiin waan aadnay, ma aniga ayaa idiin diray?!  Aniga iyo Mustafe intaan is fiirinnay, ayaan xafiiskiisii iskaga soo baxnay.

Hal meel ayaan rajo ka filaynay.  Meeshaasina waxay ahayd, tobanka arday ee laga eryay iskuulka waxaa ku jiray wiil uu adeer u ahaa ninkii la odhan jiray (AHUN) Ina-Baranbaro oo ahaa guddomiyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Somaaliyeed ee Gobolka Woqooyi Galbeed.  Nabad-Sugiddu waxay ahayd hay’ad aad u xoog badan oo laga  baqo, saraakiisha hoose ee yar yar ayayba dadku ka baqi jireen, ninkanina wuxuu ahaa kii gobolka oo dhan haystay. Marka waxaan is nidhi, haddii Ina-Baranbaro uu qiil u helo wiilka uu adeerka u yahay, dee innaguna halkaas ayaan ka faa’iidaysanaynaa.  Maamulaha Faarax Oomaar waxaa la odhan jiray Maxamed Liibaan.  Wuxuuna ahaa nin gaaban oo cod-kar ah oo hadli og.  Waxaa kale oo  uu ahaa nin isku kalsoon, siyaasadda kacaanka u dhuun-daloola oo aan cidna ka baqin. Ina-Baranbaro wuxuu u tagay maamulihii Faarax Oomaar oo uu kala hadlay dhibaatadii wiilka uu adeerka u yahay haysatay.  Maamulihii wuxuu u sheegay guddoomiyihii Nabad-sugidda inay arrintani tahay wareegto kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Muqdisho, isaguna wax uu ka qaban karo aysan jirin. Maadaama Ina-Baranbaro ahaa nin sharciga yaqaanna, wuu fahmay inuusan maamulaha ku qasbi karin wax sharciga kasoo horjeeda, kolka wuu iskaga soo tagay. Wuxuuna ku yidhi: wiilkii uu adeerka u ahaa, dariiqa kaliya ee idiin furan waa inaad iska maslaxdaan maamulaha oo aad laaluush siisaan. Laba todobaad kadib, waa naloo yeedhay oo waxaa la yidhi iskuulkii waad kusoo noqon kartaan!  Maxaa dhacay? Maamulihii ma laaluushbaa la siiyay?  Maya.  Wasaaraddii waxbarashada ee Xamar ayaa go’aankii adkaa ka noqotay.

Maalin ayaa markaan iskuulka ka imid aan suuqa aaday si aan qaad u raadsado.  Meel walba waan maray, wax walba waan sameeyay, laakiin wax qaad ah waan soo waayay.  Aniga oo ay iga jajaban tahay, ayaan galabtii gurigayagii kusoo noqday, waxaana fadhiistay jaranjaradii gurigayaga irridkiisa ahayd. Markaan cabbaar fadhiyay oo ay iga qasan tahay, ayaa waxaan arkay Mukhtaar Gurey oo qaad gacanta ku wata oo soo socda Masaajidka ilma-Bootaan dhinaciisa, markaas ayaan farxad kala bad-batay, sababtoo ah waxaan ogaa in Mukhtaar uu ila qaybsan doono wax kasta oo uu haysto.  Mukhtaar waxaa dhashay eeddaday Eebbe naxariistii Janno ha geeyee, Qeex Heebaan, aniga iyo isagu waxaan nahay isku da’, saaxiibna waan ahayn, labadayaduba waxaan la joognay habar-yartiis Cudbi Heebaan (AHUN) oo anigana eeddaday ah.  Intii uusan Mukhtaar isoo gaadhin ee uu dhexda soo socday, ayey su’aali igu dhalatay oo aan is waydiiyay, “Haddii uu Mukhtaar fadhiyi lahaa halkan aan fadhiyo, aniguna aan ahaan lahaa midka qaadka soo wata, tolow Mukhtaar ma u farxi lahaa, sida aan u farax sanahay?” Su’aashaas jawaabteedii runtii way iga nixisay!  Sababtoo ah waxaan ogaa haddii aan wato mijin ama laba-minjood oo qaad ah, Mukhtaar inuusan hunguri ka galeen, habayaraatee, farxad uu ku farxo warkeeda iska dhaafe!  Taasi waxay ii caddaysay inaan ahay danayste naftiisa kaliya ka fekera.  Arrintaasina waxay I tustay weji aanan jeclaysanin oo ka duwan sidii aan naftayda u haystay.  Maalintaas laga billaabo waxaan go’aansaday inaan is daba qabto oo aan Mukhtaar la qaybsado wax kasta oo aan helo.

Waxaa Xamar ka yimid oo Faarax Oomaar usoo badashay saaxiibkay Axmed Warsame Jaamac (Axamed Gadhwayne).  Axmed wuxuu watay buugga caanka ah ee Saaxiibo-kasbo ee uu qoray Dale Carnegie cinwaankiisuna yahay, “How to win Friends and Influence People” oo uu af-Somaali u turjumay nin aan magaciisii illoobay oo Qaadi ka ahaa maxkamadda Rafcaanka ee magaalada Jowhar.  Buugaasi aad iyo aad ayaan uga helay, runtiina maskaxdaydii wuu badalay.  Waxaana is weydiiyay, haddii buugga qiimahan leh uu af-ingiriisi ku qoran yahay, baaxadda ay leedahay aqoonta iyo xikmadaha ku qoran luqda Ingiriisiga ee aan ka oomanahay?  Maalintaas laga billaabo waxaan go’aan saday inaan barto luqada Ingiriisiga, maalintii xigtayna waxaan aaday Samatar’s Bookshop oo ahaa dukaanka ugu weyn ee buugaagta oo aan kasoo iibsaday Qaamuuskii ugu horreeyay ee Ingiriisi iyo af-Somaali ah oo ka koobnaa ilaa lix-kun oo kalmadood.

Imitixaankii fasalka 12aad ayaa la keenay, waxaana u malayn inaan ku galnay dugsiga sare ee First July.  Waxay ahayd Ramadan.  Ninka imtixaanka waday ee Xamar ka keenay wuxuu ahaa nin haybad, Sharaf iyo diin-ku-dhaqan ay ka muuqdeen. Imtixaankii wuu dhamaaday. Waqtigiina deg deg ayuu isu guray.  Habeen anigoo intaan soo qayilay hurdo iska raadinaya oo saacaddu ay dhaaftay 11:00 habeenimo, ayaan radiowgii furay oo aan geeyay Radio Muqdisho. Waxaa soo galay muusikadii kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada, dabadeedna ninkii barnaamijka waday ayaa hadlay oo sheegay inuu halkaas ku hayo barnaamij gaar ah oo ku saabsan inuu soo gudbiyo magacyada ardaydii ku guulaystay imtixaanka fasalka 12aad.  Dabadeedna inta Somaaliya oo dhan dugsi sare ku taalla, ninkii barnaamijka waday wuxuu yidhi: “Waxaana ku billaabaynaa dugsiga sare ee Faarax Oomaar!” Wadnihii ayaa gariiray! Sida barnaamijkani u shaqeeyo wax la iska yaqaan ayey ahayd: haddii magacaaga la sheego, waad gudubtay.  Haddii magacaaga laga boodo, waad dhacday. Kolkaas ayuu akhriyay ardaydii gudubtay magacyadoodii, wuxuuna ku billaabay: “Anna Maxamed Cali way gudubtay. ”Magacaygu wuxuu ka mid ahaa magacyadii la sheegay.

Waxaan galnay Xalane.  Habeenkii naloo xidhayay tababarkaas, ninkii ka socday wasaaradda waxbarashada ee tababbarka noo xidhayay wuxuu noo sheegay in macallimiin aad waddanka looga baahan yahay, wuxuuna raaciyay: “Seddexdii bilood ee aad halkan ku jirteen, sagaal-iyo-toban Dugsi oo sare ayaa waddanka laga furay, marka aad ayaa la idiinku baahan yahay.” Aroortii markaan soo toosnay, waxaa diyaar noo ahaa warqaddii aqoonsiga Bare-shaqo-qaran iyo qof walba iskuulkii iyo maaddadii lagu qoray.  Anigu maaddada aan ugu jeclaa waxay ahayd kimisteri, waxaana maaddadaas galay kaallinta 2aad gobolka Woqooyi Galbeed oo dhan, waxaa iga sarraysay gabadh ka baxday dugsiga sare ee Xalane.  Marka waxaa la igu qoray inaan kimisteri ka dhigo fasalka 9aad ee iskuulkii aan ka baxay ee Faarax Oomaar!  Anigu laakiin qorshe kale ayaan watay oo waxaan doonayay inaan sannadka shaqada qaraka joogo Muqdisho. Haddii aad hesho qof kale oo doonaya inuu aado gobolkii lagugu qoray, way dhib-yarayd inaad is waydaarataan oo mid walba lagu qoro kan kale booskiisii.  Waxaan joogay guriga adeerkay (AHUN) Maxamed Diiriye oo gabadhiisii Faa’iza (AHUN) ay doonaysay inay woqooyi galbeed kasoo shaqayso, halkaas oo ninkeedii Cumar Gaagaale oo  sarkaal ahaa loo baddalay. Marka aniga iyo Faa’iza ayaa isu raacnay Wasaaraddii Waxbarashada, dabadeedna waa laysku kaayo baddalay: iyada waxaa lagu qoray Woqooyi Galbeed, anigana waxaa laygu soo wareejiyay Banaadir.  Waxaa laygu qoray Dugsiga Dhexe/Sare ee Badh-tamaha Xamar.  Ardaydii aan wax u dhigi jiray waxaan ka xusuustaa afar gabdhood: Shamsa, Asli, Racwi iyo gabadh dhuuban oo Reer woqooyi ahayd. Gabadhaasi waxay ahayd gabadh deggan oo waxbarashada ku fiican, waxaan u malayn inuu aabbaheed askari ahaa.  Dadka qaar ayaa markaad aragto caqligooda iyo kartidooda aad is tidhaahdaa, haddii wax kale uusan ku dhicin, qofkaasi waxuu u eg yahay qof meel gaadhi doona.  Gabadhaasi noocaas ayey ahayd.

Markaan ilaa laba bilood iskuulkii dhigayay, ayaa aniga iyo toban (10) arday oo aan ku jiro nalooga yeedhay Radio Muqdisho oo naloo sheegay inaan nimaadno Wasaaradda Waxbarashada, laakiin wax naloogu yeedhay lama sheegin. Waxaan tegay Wasaaradii Waxbarashada, markaan xafiiskii noo yeedhay galay, ayaa ninkii dhallinyarada ahaa ee xafiiska joogay I waydiiyay magacayga, waan u sheegay.  Wuxuu i waydiiyay magaca hooyaday, waan u sheegay.  Kolkaas ayuu qoslay oo yidhi: “Waxaad heshay Scholarship!!”  Wow! Waxaan waydiiyay, “Oo xageen ka helay?” Wuxuu ku jawaabay: “Waxaad ka heshay wadanka Talyaaniga.”  Aniga iyo wiil kale oo tobankii arday ka mid ahaa waan ku liidannay luqada Ingiriisiga, Carabigana waxaan ka mid ahayn kuwa ugu sarreeyay ardaydii qalin jabisay sanadkaas. Marka aniga iyo wiilkii kale waxaa naloo diray Masar.

La soco qormada dambe ee cinwaankeedu yahay: Qaahira! Haddii Eebbe idmo.

SHEEKOOYIN