SANBUUS BALLAC AH W/D: Bashiir M. Xersi

SANBUUS BALLAC AH

 

Horta weli cunto ma idiin kaga sheekeeyey? Ma jecli, balse, aan inyar siyaasadda idin ka nasiyo. Rag iyo dumar, aniga ayaad ii casuuman tihiin, ee faallan ku soo dhawaada, aqrin, aragtiyeyn iyo falcelinba, si gaar ah gabdhaha.

Maanta waxaan ayaan u helay, in aan dhadhansho wax aan ku tilamami karo SANBUUS BALLAC ah, balse, dhexda aad uga duwan.

Markii hore aad baan uga cabsanayey, in kah, kulayl iyo qamiir badan uu yeesho. Ayaan wanaag maba noqon.

Dhadhamo iyo calalin ka dib, waxoogaa waxaan ka aqoonsaday walxaha qaar, ee uu ka kooban yahay muuqan kore ee horteyda yaal cadna aan ka goostay.

Mar kale ayaan ku celiyey, oo dhadhamin iyo calalo isugu daray, waaba sii macaansday. Mar saddaxaad ayaan cad kale ka goostay, oo markan aan dhadhasho iyo cacalin uga gudbay cunid caadi ah.

Marba marka ka sii dambaysa cabtuugo iyo waxaan isugu darayey calool ka buuxin. Ar macaanaa, udgoonaa, oo kahasho yaraa. Ways ka ruug.

Inta aan cuniddiisa waday ayaan waxaan weydiiyey inta walax ee uu ka kooban yahay, ee laga sameeyey. Mise, waaba walxo aan joogto ugu adeegsanno jikada, balse, sidan aan u ahayn. Wuxuu ka kooban yahay, marka dabcan burka kore laga soo tago;

 

-hilib u jarjarsan suqaar ah.

-yaanyaayo noolnool, een ahayn shiishiid.

-basal guduud.

-kabsar caleen.

-basarbaar.

-iyo carfisayayaal sida: xawaaji iqk.

 

Waxa uu ka kooban yahay waxaa ka muhimsan qaabka loo diyaarshay, oo run ahaan cajiib ah. Intan sare ku xusan, oo la is ku jarjaray, la is ku walaaqay, ayaa waxaa lagu ridayaa digsi ama weel kale oo godan, hilibka oo ciiraan ah, oon sina loo karin, dabna loo taabsiin.

Waxaa lagu dhaafayaa in ka badan toban ama labo iyo toban saac, oo dabcan uu ku jiro qaboojiyaha (faranjiyeerka).

Marka uu is ku dhacaamo, oo oo is ku biyodhaco, ayaa burka oo gaar u rafaaqan, weliba bur qamadi ah, -dabcan nooca aad doontana waad ka dhigan kartaa burka-, waxaa loo fidinayaa qaab wareeg ah, ka dib waxaa gees looga shubayaa, inta aad uga baahan tahay in aad la ekaysiiiso xajmiga sanbuus ballaclaha, oo dabcan wareeg canjeero waxoogaa ka yar.

Marka aad ku shubto ayaad soo laabee, ood is ku daboolee, ka dib, afka aad isa saartay, ayaad faraha fooddooda iyo ciddaha afkooda ku garee, haddana, dhinaca kale ayaad u gaddinee sidoo kale ayaadna u garaacee, sidaa ayuuna isugu dhagayaa, adoon afka ka marin bur, sida aan anagu yeelno marka aan sanbuuska is ku laabaynno.

Intaa ka gadaal, waxaad ku dubee birtaawo canjeerada oo kulul, ee aan saliid lahayn, -dabcan dufanaysan, si aysa ugu dhegin-, micnaha la ma shiilayo, ee keliya waad dubaysaa.

Marka uu guduuto ayaad dhanka kale u geddinee, oon ammin badan u baahnayn, haddii aad koronto ama gaas aad wax ku karinee, sidaana uga dejinee, asoo is ku bisil, oon dab iyo karin kale kaaga baahnayn.

Haddii dabka laga soo dejiyey, maxaad sugaysaa? Dhadhani, ham sii oo cun. Caafimaad ku cun.

Halkaa waxaad ku cuntay, cunto waqtiyeed qado ama casho, oo aadan wax kale u baahnayn, aan ka ahayn cabitaan, shaah ama kaffee.

Ka sokow, waxaad cuntay cunto caafimaad ah, oo aan caloosha kaa qaban, bogga kaa xanuujin, gaas kugu kicin, laab jeexna kugu ridin. Yaaba heli kara.

Kolleey, sanbuus waad taqaan, marka aad cunto maxaad dareentaa? Ka hor sidee u samaynsan yahay? Walxo ahaan ways ka agdhaw yihiin, balse, waxay ku ka la duwan yihiin hilibka shiidan, ka hor la kariyey, saliidda iyo basbaaska.

Ogow, walxaha ku jira labada sabbuus mid walba waxaa ku badan kahda, sida basasha, basalbaarka iyo kabsar caleenta, haddana, sidii in aysan ku filnaan waa la sii BASBAASEEYEY, oo dabcan qofkii awooddeeda leh ay u furan tahay!

Jikadu ma urin shiilid iyo saliid guban awgeed, dhar shirif badan baddalid kaa ma rabo, mararka qaarna inaad qubaysato aadba ku mudanee, ka muhimsane, cunto cudurran dadka ma siin.

Taa baddalkeed waxaad dubtay ood birtaawaysay is la sanbuuskii aad shiili jirtay, haddana, ka caafimaad badan, ka carfoon, cunto ahaan ka quudsan.

Dunida BURKU wuxuu yahay dhextaal cunta walba oo ay karsadaan, ka sokow, ROOTIGU wuxuu u yahay miis ka ma maqne, ay cuntada ay cunayaan ku cadgoostaan, anaguna canjeero shabaq ah, jileec badan, oo wada qamiir  iyo dhanaan ah ayaan la taagannahay, weliba afbillow noo ah, oon lahayn iidaan, dufan iyo dux, kuuna noqonayn tamar iyo enerji aad kaashato.

Tolow sidani si ma ahane, aan wax ka badalno cuntacunkeenna iyo karinteedaba, oon ku dedaal in aan karsanno cuntooyin dheellitiran oo naqafasho iyo jadiin leh, aanna u karsanno hab caadimaad leh, oon lagu xanuunsanayn. Waxa aan la wada luga xiitxiito nahay malaha waa cuntuxmo!

Aryaa ina ragow, sawnigaa jikadii idin dhexgeeyey, ee horta sida cuntada loo cunno waan naqaane, sida jiko loo galo, oo cunto loo kariyo ma naqaan? Ba’aa! Oo anigu xaan idin dhaamaa! Hooqay!

 

W/D: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN