Sandareertadu ma ku filan tahay? W/Q:Khaliif Maxamuud Cilmi

Bribery

Sandareertadu ma ku filan tahay?”

Dowladdii Islaamka ee wayneed ee ka dhisnayd Spain, waxaa burburiyey markii loo kala qaybiyey dowlado yar yar oo midiba calan gaar ah leh, uuna xukumo Atoore Magaciisu weyn yahay sida al-Muctasim Billah iyo wax la mid ah,kuwaasoo dhexdooda is cunay weliba isu adeegsaday gaalo ka liidatay iyaga.Taasi waxay keentay in markii mid lagu soo duulo ay tan kale fiirsato iyadoo shacabkii Islaamka hortooda lagu laynayo ilaa laga sifeeyo Islaamka Mandiqada Iberiya ama halka loo Potuqal iyo Spain.

Haddaan u soo laabto Jamhuriyaddii Soomaaliya ee mar geeska afrika ahayd waddan laga haybaysto oo weliba u hanjabta France cadowgeeduna ka cabsado oo ay dowlaha Kenya iyo Itoobiya ka samaysteen Isbahaysi ciidan cabsi awgeed maanta xaggee xaalkeedu marayaa ? waa cad yahay cidna caad kama saarna, balse aan wax ka tilmaamo oo aan boorka ka jafo ammuuruhu siday u dhacayaan maanta.

Federal Foolxun

Waxaa la soo rogay federal,Dalkii waxaa loo qaybiyey Gobol Gobol iyo Magaalo Magaalo ay ka taliyaan madax goboleedyo la magac baxay Madaxweynayaal(Galmudug,Puntland,SomaliLand JubbaLand,Koofur Galbeed,Hiran&Middle Shabelle Land,Benadir Land) iyadoo loo sababaynayo Soomaali wey is dishay. Ma xuma laakiin sidee loo dhigayaa ma la oran karaa waa la is garab yaacay?.

Waxaa ka dhacday “Anaa ammiir wa anta amiir waman yasuuqu al ximaar “Madaxbaad tahay anna Madax baan ahaye yaa dameerka soofinaya”

Waxyaalaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in madax goboleed kasta looga yeero Addis Ababa iyo Nairobi iyagoo kala socda oo mid walba sheeko gaar ah loo sheegayo ujeedada guudna ay mid tahay, taas oo ah inaan Soomaali dambe isku imaan oo ay sii kala tagto si hoggaankeeda looga hayo wadamada dariska ah oo horeyba wax loogu tabaayey.

Ma waxay ka madax bannaan yihiin Dowladda Federaalka oo mar walba ma sax baa inay Dowladdey doonaan qaabilaan iyadoon looga sarreyn ama aan federaalka kala tashan safaradooda ujeedada qalloocan leh.Haddii ay taasi jirto ma wax caalami ama distuuri ah baa, mise waa wax madax goboleedyada soomaalida u gaar ah.

 

 

Si aan arrintaas jawaab ugu helno bal aan isweydiino Su’aalahaan:

  1. Dowladda Itoobiya waa Federal ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Madaxdeedu ma booqan karaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoon amar ka haysan Federaalka Itoobiya? mise annaga ayey nagu gaar tahay?
  2. Federaalka Itoobiya iyo Dowlad Degaanadeedu si siman ma fariistaan shirarka Caalamka?mise Federaalka Itoobiya ayaa Keligiis ku matala Shirarka?
  3. Maxaa annaga nagu Gaar ah oo Is daba yaaca keenay?
  4. Ma madax Goboleedyada ayaa arrinkaas Sharaf mooday?

GaboGabo

Bal aan soo qaadano odaygii Soomaaliyeed ee la dardaarmayey carruurtiisa ee u diray ulo dabeedna yiri isku xira ulaha deedna yiri jabiya ee ay jabin waayeen markaas ka bacdi u sheegay inay kala furaan ee yiri mid mid u jabiya ee ay sahal ujabiyeen.

Odaygaasi wuxuu dabadeed yiri haddaad isku duubnaataan waad adkaanaysaan oo la idin jabin mayo Haddaadse kala tagtaan mid walba sahal baa looga adkaan oo waad jabaysaan.

Walaalayaal waxaa taariikhda loo bartaa in laga faa’iidaysto oo aan loo noqon khaladaadkii dunida soo maray laguna daydo guulihii la soo maray iyo sifaalihii lagu gaaray. Soomaaliduna kama duwana kamana caqli yara umadahaas ka faa’iidaysanaya taariikhda.

Waxaan leeyahay Soomaalida, madaxdooda iyo culimadooda aan iska dayno wixii sharafka iyo Cududda Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah baabi’naya ama hoos u dhigaya sida Isqaybinta,isnacaybka iyo kala tagga.

Walaalayaal aan Xukuumadda Midnimo qaran ee hoggaamisa ummadda Soomaaliyeed daba soconno oo aan garab galno oo aan tiirino si awoodeenu isu kaabto oo aan iska dayno keli aroorka iyo sandareertada aan soorta ahayn ee sirta ah. Aan nacabka iyo nasteexaba ku qaabilno hal cod oo matala Jamhuuriyadda Soomaaliya intii aan madal kasta ku tegi lahayn beelbeel iyo gobol gobol oo codkayagu meeshaas ku baabi’i lahaa.Dowladda Federaalku ha nagu matasho Xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha dibadda si arrinkeenu mid u noqdo.

Sandareertuu soor uu cuno mooday waase lagu siray

 

Khaliif Maxamuud Cilmi

Shacbaan10@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN