Sanadka Gaalada! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)

Sanadka Gaalada!

Cid aan kaa xigin ha u saarin sannad-qorraxeedka miilaaddiga. Ma jiro sannad ay leedahay gaaladu, balse, maadaama ay ka mid yihiin bulshooyinka carra-edeg na gula nool waxay diiradda saarteen inay weeleeyaan sannd qorraxeedka miilaaddiga ee ka soo billowda dhalashadii Nabi Ciise (CS).

Haddaba, bilasho-sanadeedka bulshada carra-edeg waa ay ku kala duwan yihiin, waxaase ugu xoog badan maanta seddax shintiris oo mid ka mid ah ay Soomaalidu gooni u leedahay. Seddaxdaas xilli tirsi waxay kala yihiin:

1. Sannad bileedka Hijriga.
2. Sannad qorraxeedka miilaaddiga.
3.Dabshidka.

  • Sannadka Hijriga:

Taariikhda sannadka Hijriga waxaa laga billaabaa sannadkii 622 ee miilaadiga kaas oo ku beegan amminkii Suubbanaha (SCW) iyo asaxaabtu ay ka hijroodeen magaalada barakeysan ee Maka una hijroodeen magaalada barakeysan ee Maddiina. Sida la ogyahayna waxa allifay sannad-bileedka hijriga ee islaamka: Cumar binu Khadaab Alle ha ka raalli noqdee. Haddaba sannadka hijriga bishiisii shanaad ee bandambo (Jamaaddul-Aakhir) ayaa maanta toddobo ah. 07-05-1444 kuna beegan: 01-01-2023

  • Sannad-qorraxeedka miilaaddiga:

Sannad qorraxeedka miilaaddiga waxa looga shintiriyaa billoowgiisa dhalashadii Nabi Ciise (CS) balse, Soomaalidu badiyaaba waxay u yaqaannaan sannadka gaalada, taas oo ah: mid xaqiiqada ka fog, sababtuna waxay tahay: “Mar haddii laga soo billaabo dhalashadii Nabi Ciise (CS) nabi Ciisena uu ahaa nabi waxyi Ilaaheey kusoo degayay oo islaam ah, sidaasna annaga islaamka ah ayaa uga xaq leh cid walba. Haddii qorraxda laga fiiriyana ma jiro qof naga mudan tirsiga qorraxda. Haddaba, sannadka miilaaddiga oo maanta maraya 01-01-2023 cid nooga xaq lihi ma jirto.

  • Dabshidka:

Soomaalidu waxay leeyihiin xilli tirsi gooni ka ah labada aan kor kusoo tilmaamay. Dabshidka ama xilli tirsiga Soomaalidu wuxuu ku qotomaa maalmaha isbuuca. Tusaale: sannad-tirsiga Soomaalidu maanta wuxuu maryaa: 27-05-1113-dabshid. Waana sannad AXAD ah. Aadanuhu meelo badan ayey ka simanyihiin meelo badanna waa ay ku kala tagsan-yihiin, waxana la weriyaa in neyruusku uu asal ahaan kasoo jeedo dhulka Faaris ee hadda loo yaqaanno Iiraan. Isku soo wada duub oo dabshidka Soomaalida oo bishiisii shanaad ay maanta 27-toddobo tahay, sannadkuna yahay: 1113. Magaciisuna uu yahay: “Sannad axad ah”. Kuna beegan miilaaddiga 01-01-2023.

Haddaba, maxay ku kala duwan yihiin, sannad-bileedka iyo midka qorraxdu?

Xilli-tirsiga hijriga oo asal ahaan bisha ku aroora, waa kaltiriska ugu gaaban seddaxda xilli-tirsi ee aan soo tilmaamay. Tusaale: sannadka bishu wuxuu halkii qarni ka yaryahay sannad-tirsiga qorraxda 3-sano. Sabab kale maahan ee tirsiga bishu intiisa badan wuxuu kusoo idlaadaa; 29 ama 30-maalin, halka sannad qorraxeedkuna yahay: 30 ilaa 31-maalin. Haddii aan caddeyn kusoo hordhigo, bal aayaddaan ila fiiri:

ثَلَاثَ مِائَةٍ سِنِينَ وَازْدَادُوا تِسْعًا.

Asxaabul Kahfi waxay hurdeen: 300- oo sano marka bisha laga xisaabo, ama 309-sano marka qorraxda laga xisaabo. Suuradda Al-kahfi, aayadda: 25-AAD.

Labadaas xilli-tirsi haddii aad garatay aan haddana ku tuso midda Soomaalida ee bisha iyo qorraxda ka duwan kuna qotonta maalmaha ama isbuuca. Bal aayaddaan ila fiiri:

سَبْعَ لَيَالٍۢ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ

Habeenno toddobo ah iyo 8-maalin. Waa dharaarihii ay socdeen ciqaabkii reer Caad. Haddii aan inyar sii ballaariyo halkaan; “Toddobo habeen iyo siddeed maalmood oo aan hakad iyo kaadsimo midna laheyn ayaa reer Caad ciqaabtii Eebbe ku socotay. Waxa lagu halaagay dabeyl, waxaana la soo weriyay inay dabeyshu ku billaabatay maalin jimco ah, qolo kale ayaase qabta inay ku billaabatay maalin Arbaco ah, waxaana xoog badan oo sugnaansho u dhaw qolada qabta inay billaabatay maalin Arbaco ah”. Ciqaabku wuxuu ku socday: “Arbaco, arbaco ka sideed”. Ama Habeen qamiisaad ilaa habeen arbacaad isbuucii xigay, taas oo iyana ah: “Toddobo habeen”. U fiirso halkaan Soomaalidu waxay yiraahdaan marka ay xisaabayaan:

  1. Isbuuca:

Axad, axad ka siddeed.

2. Bisha:

Axad, isniin ka soddon.

3. Guga:

Afar axadaad labaatan iyo labo, isniin labaatan iyo seddax talaado 24-gu’. Haddaba qofkaasi da’diisu waa 24-gu’ ama sano. Haddaba ha ku kadsoomin gaalo wax u yaal ama ay gooni u leedahay ma jiraan. Xilliyada lagaama xigo ee ama u dabbaal-deg ama iska daay, balse, wax aad qeyb ku leedahay cid kale marti ha uga noqon!.

Gunaanad:

Waxaan kusoo gunaanadayaa shirib aan hore u tiriyay, kaas oo ah:

Toban walxaato SIIN ku taal
Iyo toban kalaan sugaa.

Seynki tegaan sagootinnee
Sannadkaan farxadaan sugaa

Sammaan inaan ku seexannoo
Qaranku sal dhigtaan sugaa

Soddon sanaa na seegtayee
Siminkaan nabadaan sugaa

Soomaali isa saa maxdee
Sacabka is gelshaan sugaa

Salaadya soon in loo saftoon
Sunnada qaadannaan sugaa

Salaxi ciiddi suubbaneyd
Surweynto ka baxdaan sugaa (Amisom)

Sabarnee sannadkaan curaa
Inuu na saacidaan sugaa

In saaka ducadaan sidaa
Saaddirku aqbalaan sugaa

Saqiir kabiirya sowjadoo
Saafi isu naqdaan sugaa

Sarkaalya ciidan saad helee
Saxiix qarannimaan sugaa.

Afmeer:

Sagootin sanadkii horaan
Sii haaya kanna soo dhawayn!

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD