SAWIRKA MAANTIYO SAADAASHA DOORASHADA 2016-KA

Cirguje

SAWIRKA MAANTIYO

SAADAASHA DOORASHADA 2016-KA

Hordhac

Bulshada soomaaliyeed waxay soomareen waqtiyo aad u adag oo waayahooda lahaa, waxaa laga joogaa 24 sano markay jabhadihii mucaaradka ahaa ee yoolkoodu koobnaa, ay qori caaradii ku fashiliyeen xukuumadii militariga ahayd ee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre, sidoo kale xilligaas jabhadu kahor intaysan dagaalka bilaabin waxay bulshada Soomaaliyeed inteeda badan ku qanciyeen in Siyaad Barre yahay kaligii talis aan dhib mooyee wax dheef ah uhaynin dalka iyo dadkaba, sidaa darteedna uu mudan yahay in la iska hor dhaqaajiyo si hormar loogaaro, balse jabhadihii Mucaaradka ahaa inay hogaankii dalka fashiliyeen marka laga tago kumaysan guulaysan inay badalkiis keenaan amaba iska dhexdoortaan hogaamiye umada soomaaliyeed guul horseeda, isku duubnidoodana ilaaliya, dalkana kusoo celiya xasiloonidii iyo kala dambayntii.

Dhacdadaasi waxay Soomaaliya uhorseeday: dagaalo sokeeye oo aan dhamaad lahayn, barakac aan jid iyo jihatoona lahayn, qax aan qiil loohayn, mijo aan madax lahayn oo jihadii kaluntay, xabad aan cidna reebayn iyo qalalaase siyaasadeesan oo wali socda hadana madaxa lagalay sanadii 24aad. Dhanka kale waxay soomaalidu isugu timid amaba la isugu keenay shiarar badan oo dib uheshiisiineedoo caalami ah, walina waxaa muuqata inaan xal laga gaarin masiibadaan dalka lahartay.

Soomaalida Maanta

Hadaba kadib burburkii dawladda soomaaliya iyo musiibadii dadkeena asiibtay waxay bulshada Soomaaliyeed kadhaxleen dhibaatooyin badan, oo inay sii kordhaan mooyee aan wax kasoo rayn ahi wali muuqan. Marka maadama ay soo dhawdahay doorashadii dalku, cidda wax loo qabanayaana tahay bulshadaan daalka iyo diiftu kamuuqato, waxaan rabaa inaan sawir yar kabixiyo xaaladda ay ku suganyihiin ummada Soomaaliyeed ee maanta joogta, wax uqabadkana u ooman maxaa yeelaya markii boogta lahelo ayaa la daweeyaa, hadaba bulshadda Soomaaliyeed ee maanta jirta waa sidaan:-
​Rajo kunool aan cidi umaqnayn:

Waxay usoo joogeen dhibaatooyin badan, dagaalo aan waxba reebayn, gaajo iyo haraad lagu qur baxay, dadka oo naxariistii ka dhamaatoon isku turayn oo dabka la isugu dhiibay, dadkaan qaarkood waa isaga qaxeen dalka, waxayna ka doorbideen inay qaxooti amaba magan ku ahaadaan dalalka shisheeye, qaarna waxay ku hareen dalkii oo wali ay ku suganyihiin, waxa kaliya oo ay wehshadaan dhamaantood maanta waa rajo, waxayna naftooda usheegaan markasta in dhibtaan laga baxayo, dowlad dadka u cadaalad samaysana ay heli, sharafkii, maamuuskii iyo magacii ay dunida kulahaayeena soo noqon, balse taas wali uma
romoobin, walina isma dhiibin ee way aaminsanyihiin riyadooda, wayna sugayaan waqtigay ahaataba! Hadaba su’aashu waxay tahay;-

Goormay rajadoodu u rumoobi? Qaabkee bayse ugu rumoobi kartaa? Yaase umaqan oo laga rabaa inuu ku hogaamiyo bulshada wadada guusha?

Maquustayaal aan talo hayn:

Waa taan tuducda hore kusheegay ummadeenu inay Rajo kunool yihiin, hase yeeshee hadana waa Maquustayaal aan talo hayn, waayo qofku markuu xanuusado, ugu horeyn waxuu iswaydiiyaa: maxaa kuhelay? xageese lagaa hayaa? Waxuu ka fakaraa oo naftiisa waydiiyaa meeshuu xanuunkaan kasoo qaaday iyo waxa sababay, kadib markuu helo ayuu daawayntiisa guda galaa, Hadaba umadda Soomaaliyeed marka laga tago inay rajo qabaan, ma maraan wadaday riyadoodu ugu rumoobi lahayd amaba xal ugu heli lahaayeen “Aaafadaan ku 24 jirsatay” wali isma waydiin, xagee lagaa raacay? Maxaan ku mutaystay ciqaabta intaa leeg? Waayo su’aalahaas oo aan jawaab loohelin, daawadeedu way adkaanaysaa! Hadaba iswaydiintu waxay tahay:-

Goormay tashan oo iswaydiin meeshay sartu ka quruntay? Goormayse garawsan aafadaan kadibna daawadeeda raadsan? Yaase mudan inuu ka caawiyo xal uhelida su’aalashaas?

Dad lawada doonayoo dagan: Bulshada soomaaliyeed waa hal qowmiyad oo isku luuqad kuhadla dhaqan mid ahna leh, hadana waa wada Islaam misna wada suni ah, dhaqankoodun waa mid diinta Islaamka waa faqsan, waana bulsho xurmayn jirtay culumadooda waxay faraana qaata, sidoo kale arintii ay xal uhelidoodu adkaato waxaa looga dambayn jiray loona celin jiray culumada diinta. Marka sifooyinkaas dartood ayayn ugu suurtoobi wayday xilligii dawladda iyo kahorba inay inbadanoo kamida dawladaha reer galbeedka iyo isbahaysiyadooda iyo kuwo kaloo badanba far ku darsadaan ummaddeena oo fikirkooda kahirgaliyaan dhulkeena, haday diin ahaan lahayd, haday dhaqan ahaan lahayd iyo haday fikradooda siyaasadeed ahaan lahaydba. Hadaba burburkii xukuumadda iyo boholyawgii ummaddeena, waxay unoqotay fursad wayn oo dahabi ah, waxayna ugusoo qamaameen si aan hagrasho lahayn: Qaar waxay usoo raaceen bulshadeena raashin ama cawimo, Qaar waxay ugu yimaadeen qaxootiyada, Qaar waxay isusoo magacaabeen Hayado samo fal ah oo daawooyinkay ku gabanayeen, Qaar waxay dhaheen xuquuqda bini’aadamkaa ilaalina oo waxay latageen maatadii oo ah meesha ugu nugul ee ay wax kabadali karaan waxna ku shuban karaan, Qaar way soo dalbadeen ayagoo jeega ujiifa oo bartoodaa loogu geeyay, dhamaantoodna yoolkoodu waa inay helaan bulsho dhaqankooda haysata, waxay aaminsanyihiina la aaminsan oo Soomaali ah, kuna nool geeska Afrika, “Sida uu daqsigu labadiisa garab midna sunta ugu wato mida daawada” si lamida ayaa waxay natarayaan uu barkood yahay sun daawayntiisu adagtahay, taasna waxay keentay inay dalkii isugu yimaadeen bulshadeenii oo mid walba isagu isla qumanyahay fikir ugooniyana wato, waayo shiinuhu kay qaateen shuuci buu layimid, kii maraykanku qaatayna dimuqraadi buu layimid, kay iiran qaadatayna inkastoo ay dhawaan bilawday fikir shiici ah buu layimid iyo kuwa kaloo badanba. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:
Goormay umadaydu is garan? Goormay ogaan in fikradahaan ay wadaan yihiin kuwo loosoo dhiibay? Goormay xalka udaba fariisan culumada diinta taqaan iyo xeer beegitideenii? Yaase mudan inuu wax fahansiiyo?

Bulsho iswada diidanoo la isku diray: Dhamaan dhaqamadaas iyo fikradahaas aan kor kuxusay, waxay soo kordhiyeen dhibaato hor leh, waxayna isku direen dadkeenii, waxay kala fogeeyeen laba hooyo wada dhashay oo midba fikirkiisu ugooni yahay, waa sababtii kuuriya labada loogu kala qaybiyay! hase yeeshee fiidnaam ay kadirirtay, waatay dhalinyaradii Jarmalkuna taariikhda baalka dahabkaa ka galeen kadib markay jabiyeen darbigii lakala dhex dhigay intay fikirkoodii mideeyeen, waana tan maanta mar horeba dalkaygii laga bilaabay. Allaw dadkayga wax fahansii! Hadaba Su,aashu waxay tahay:

Cudurka noocaan ah maxaa lagu daweeyaa? Yaase laga sugayaa inuu dadka isu keeno?

Dad wada bukoo aan dabiib lahayn, Waa bulsho wada bogtoo aan dabiib haysan, Midbaa dagaaladii sokeeye ku jiraday oo rasaastu madax martay, haduusan maqalna aan seexanayn oo nabaduna cudurkiisa tahay!! Midbaa xoolihii dadwaynuhu kaqaxay isa siiyoo ka tabcaday, kuna carruuro dhalay, oo isu arka inuu nasiib badan yahay, waxayna kunoqdeen cudur xaaraantii xalaal uga dhigay! Caruurtii ku dhalatayna maanta waxaa adag in la marsiiyo gurigaan dad kalaa iska leh! Reerkaasna nabadda dani uguma jirto! Midbaa reer dabkoodu isu muuqdo waagi baryaba colaadooda lagu abuuraa oo ladhahaa awawyaashaa ayagaa laayay! Wuu is xanaajiyaa markuu qof ayagaa arkaba, reerka kalena mid ujooga baa markuu dhowr jeer arkay inankaan cabursan geestiisa ka xanaaqay oo difaac ka galay, labadaa nin waa isku cabursanyihiin oo mid walba kan kaluu iska ilaalinayaa, garana maayaan sababta ay iskugu caraysanyihiin, waase la isku diray. Hadaba su’aashu waxay tahay:-

See la isku fahan siiyaa labadaan nin? Yaase mudan inay usheegaan in la isku diray, laakiin aysan colaadi kadhexeen ee ay walaalo yihiin?

Bulsho wada dulmanoo garab wayday, sida aad kawar haysaan in badan oo kamida dawladaha caalamka burbur wuu soo maray, hase yeeshee waxaa badbaadiyay dawlado kale oo saaxiibadood ah ama ay isku mawqif yihiin, amaba ay diin kadhaxayso, una diiday inuu dhinacooda dhulka taabto, hase yeeshee soomaalidu mahelin garab walaal iyo mid sxb toona, kadib burburkiina mid danihiisa kafushada oo cuno ay eedeen ukeenay mooyee mid ayaga wax taray oo garab ay ka heleen majirin, cawimo la iikeeno iyo qaxooti la iga qaado dhib mooyee dheef kuma qabo laakiin garabkaan ka hadlayo waa mid la iga caawiyo inaan dib cagahayga isugu toosiyo. Hadaba Iswaydiintu waxay tahay:

Goormay garan in Ilaahay Swt mooyee aan cid kale u maqnayn? Goormayse isu kalsoonaan oo awoodooda aaminin? Yaase Mudan inuu runta usheego?

Hogaan Aan Kala Sarayn

Umaddii soomaaliyeed waxay kujiraan waqti aad u adag oo ay ubaahay garab ama geesi kasoo dhex baxa oo kasaara xaaladaan adage e ay ku suganyihiin, maahan xilli ay xamili karaan khilaaf iyo buuq hor leh oo lagu dulfuro, hadaba markaad eegto xaaladda ay kujiraan, amase jaleecdo diifta iyo daalka kamuuqda ummadaan jiilaalku ku dheeraaday, dhanka kalena eegto hogaankaan ay udoorteen inuu kasaaro waqtigaan adag iyo abaarta “Dabadheer” una raro meel baad iyo biyo leh, waxaad arkaysaa inay yihiin kaaf iyo kala dheeri, waayo hogaan lasugayo waa kuwo iyagu isku muuqda oo midba midka kale iska eegayo “Ma xilli la is xiniya qaloocsadaa lagu jiraaba?”

Hadaba markaan qiimeeyay xaaladaan sidoo kalena iswaydiiyay meesha salaadu iska qaban la,dahay, waxaan iisoo baxaday inuu dhacay qalad dastuuri ah, iyadoo magaca “Qabiil Laqincinayana qarankii lagu tuntay! Waayo markaad eegto qaabdhismeedka dawladaha caalamka sidoo kalena aad taariikhda dib uraacdo waxaa kuusoo baxaya, Madaxwayne awood buuxda haysta iyo kuxigeenkiis, sida Maraykanka, Kenya iwm, Raysul wasaare awood buuxda leh iyo Madaxwayne magac sharafeed un haysta sida: Ruushka, Turkiga, iwm. Laakiin majirto dawlad leh Madaxwayne iyo Raysul wasaare isku awood ah Soomaalida mooyee, waa halkay Soomaalidu ka lahayd doon laba naakhuuda leh waa dagtaa.

Marka soomaalidu intay islahayd dhamaan qabiiladoo laqinciyo buu xalku kujiraa, baa xaaladdii ku xumaatay, oo waxaa dhacday “Hagaaji baan lahaayee Mahooji baa udambeesay” waayo meeshii horusocod laga sugayay baa waxay la kulmeen khilaaf aan dhamaad lahayn, halkii dabiib laga sugayay bay boogihii naga danqiyeen, dhaawaciina nagu fogeeyeen, halkii ;aga sugayay inay dhiiri galiyaan ciidanka qaranka say hiigsi uyeeshaan, bay jihadii ka khaldeen jahwareerna kurideen, taasna waxay dhalisay in nabadiidku heleen dhiiri galin ay madaxtooyadii iyo xaruntii golaha shacabka gudaha ugaleen. Waxay keentay xukuumad aan dhamaystir lahayn oo had iyo goor labadalo iyo hawshoodoon qabyo dhaafin. Waxuuna waxqabadkii xukuumaddu noqday “ Xukuumad cusub baa la ansixiyay iyo mid baa kalsoonidii lagala noqday”.

Waxaanse iswaydiiyay in badan dawladihii burburka laga soo bilaabo Dawladdii Carta ee Mad.C/qaasim Ma sharci kaligood loodhiibaa dhigaya inuusan midna xilka ka dagin ilaa uu Saddex Raysulwasaaro soo magacaabo?

Talo iyo Toosin

Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha daneeya arimaha soomaaliya waxay carabaabeen in Soomaaliya ay ka dhici doonto doorasho xor ah, hase yeeshee iyadoo markii horeba aan lamarin wadadii lagu gaari lahaa amaba hanaankii loogusii gogol xaari lahaa doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, hadane dhanka kale waxaad arkaysaa in rajadii laga qabay ay sii lumayso kadib is jiidjiid dheer iyo khilaaf lagusoo dhisay qaar kamida maamuladii dalka halka qaar kalena hogaan saree dalku xal uwaayay soo dhisidooda, taas ayaana hada umuuqata mid ku dambayn doonto in lagu qasbanaado hanaankii wax lagu dooran jiray ee baarlamaaniga ahaa.

Hadaba Isimadu waa ergayda soo xusha golaha wakiilada amaba baarlamaanka ee matala bulsho waynta Soomaaliyeed, kuwaasoo iyaguna soo doorta hogaanka dalka ugu sareeya, marka maadaama Isimadu yihiin halka ay kasoo dhismato dawladdu, waxaan kula talinayaa inay aad uga taxadaraan soo xulida golaha wakiilada, ayna kusoo doortaan astaamahaan xubnaha ay usoo dirayaan inay ka talinayaan masiirka umadda Soomaaliyeed:-

Waa inay noqdaan xubnaasi kuwo leh aqoon diimeed iyo maadi. Waa inay noqdaan xubnahaasi kuwo wadaniyad iyo dal jacayl leh, ayna ka go’antahay xal uhelida dalkooda iyo samata bixinta umaddoda.Waa inay noqdaan kuwo ilaaliya kana taliya danta qaranka balse aysan noqon kuwo u adeega dano shisheeye iyo mid qabiil toona.

F.G. Marka aad soo xulaysaan ergada kamid noqonaysa golaha wakiilada ee matalaya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ini saaran masuuliyad aad uwayn maalin maalmaha kamidana la idin kala xisaabtami doono.

Xal/Gunaanad

Hadaba waxaan maanta qalinka uqaatay si aan wax uga iraahdo arintaan sii murgaysa ee Dalkayga ku habsatay, Qarankaygii dumisay, Dakaygana ka dhigtay magan aan ehel lahayn, sidoo kale waxaan rabaa inaan wax katibaaxo amaba ka tilmaamo qodobo aan u arko hadaynu raacno inaan xal uhelayno dhibkeena, anoo kusalaynaya fikirkayga iyo khibradaan kahelay baaritaano aan ku sameeyay wadamo soomaray xaaladda aan maanta kujirnoo kale iyo siday uga baxeen, waxaana kubilaabayaa sidatan:-

Si guud

Waxaan usoo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed si guud mijo iyo madaxba inay sameeyaan dhowrkaan qodob xal waan helaynaa Ilaahay idankiisee: Marka hore aan unoqono Iaahay swt, si wada jir ahna inta isu soo baxno aan barino inuu naga dulqaado musiibadaan 24 jirsarsatay ee nala hartay wuu na ajiibiyee. Marka xiga waxaan bulshadeena ugu baaqayaa inay 24 sano kadib xalay dhalay kanoqdaan waxii dhacay oo ay is cafiyaan, isuguna yimaadaan geed hoostiis iyagoon lagu dhex jirin, kana wada xaajoodaan dib udhiska dalkooda iyo samata bixinta dadkooda. Dagaalkii sokeeye ee Ruwaandha ka dhacayna waa inaan ka baranaa cashar, waxaa kudhintay kala bar/badh dadkii dalkaasi kudhaqnaa, dhamaantoodna waxay ahaayeen hal qoys/qabiil, waana qabiilka layiraahdo Tuutsi, waxaana xasuuqa gaystay qabiilkii talada hayay xilligaa ee ahaa Huutuuga, Bal eeg wadaday kusoo afjareen ugana hortageen inuu dagaalkii sokeeye ee dalkoodu siisocdo. Waxay si looga gudbo xaaladaan adag horumarna loo tiigsado isku raaceen, Inay is Cafiyaan, natiijaday kadhaxleena waa mid aan maanta cidna ka qarsoonayn, waayo Ruwaandha waxay kamid tahay maanta wadamada Africa Hogaanka uhaya, Horumar dhan kasta ahna ku talaabsaday, Koonfur Africa iyo Siiraliyoon waa lamid oo dagaalkii sokeeye ee soomaray dalalkaas iyaguna waxay ku xaliyeen in la is Cafiyo waxii dhacayna xalay dhalay laga noqdo.

Ugu dambayn Umadi hogaan kama maaranto, hogaankuna kama maarmo qof ugu sareeya oo talada ugu dambay isagu leh, Hadaba hogaan wanaagsan oo hiigsi leh umadiisana u adeega ee aan u adeegin dano shisheeye, sidoo kalena kashaqeeya horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa ee aan kashaqaysan iyo Bulsho hogaansan oo garab istaagta hogaanooda waxaa isku hela dad iyo dal nasiib leh, inagana hadaan Soomaali nahay farqi wayn baa inoo dhaxeeya wqtigaan lajoogo astaamahaas aan kor ku xusay. Muhiimadda uu hogaanku uleeyahay bulshada waxaa ka fahmaysaa qawlkii rasuulka NNH ee ahaa “Saddex meeshaad kujoogtaan midkiin hogaamiye udoorta.

Waxaan qalinka kusoo xirayaa: Allaw Dalkoo nabada, Dadkoo isjec Iyo Hogaan Daacad ah.

W.Q. Cabdifitaax Xasan Cirguje

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.