Maxaan U Liicnay? Qore; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

Maxaan U Liicnay? 

somali-flag-old-isolated

somali-flag-old-isolatedSoomaalida maanta nool waxay ka mid tahay ummadaha adduunkan ku imtixaanan ee kunka nooc oo saxariir iyo silic ah muta maalin iyo habeen kasta. Qof kasta oo Soomaali ah ee miyir qaba maanta waa ka warhayaa in dalkiisu sifo kastoo xun saami ku filan uu ka haysto -dhaqaale xumo, caafimaad darri, nabadgalyo la’aan, dheg xumo, dawlad la’aan (dawlad magac-u-yaal), IQKB[1].

Heerkaas hooseeya ee quuska iyo rajo-beelka ah maxaa ugu wacan Soomaalida? Haddii si kale aan u dhigo, Soomaalida maxay, sida asaaggeed, u noqon la’dahay dawlad sharaf leh oo dadkeedu si sharaf iyo maamuus leh ugu noolaan la’yihiin? Maxay mar walba la gaajeysantahay? Maxay dadkeedu marna abaar u dishaa marna fatahaado? Maxay maalin kasta u qaxaan? Maxay dibadaha la dawarsadaan? Maxay bannaanada la dagaagaan?

Weydiimahaas iyo kuwo la mid ah aqoonyahan fara badan oo Soomaali iyo dad kale leh yaa qoraallo, buugaag iyo daraasado ciiddaas ka badan ka sameeyay. Balse qormadan si kooban waxaan ugu qaadaadhigi doonaa hal dhib oon isleeyahay Soomaalida maanta nool saxariirta, darxumada iyo dulliga meel kasta ku heysta isagaa ugu wacan.

Soomaaliya 1.6% oo ka mid ah bedka guud ee dalka, lana eg 10,320 km2 ayay biyo fadhiyaan, dhulkaasi qiyaastii gobolka Taksas ee Maraykan yuu wax yar ka yaryahay. Ka kaalay biyaha. Dhulka wax laga beeri karo waa 1.64% bedka guud. Balse waxaa la beertaa wax la eg 0.04%. Dhererka xeebta waxuu gaarayaa 3025 km, biyaha Badweynta Hindiya ee Soomaalida ku xisaabsanna waa 200 meyl-badeed[2].

Bal malee gaajada ummaddaan ay la miyir la’yihiin iyo dhul beereedka intaa la eg oy heystaan. Bal malee baahida, shaqo la’aanta iyo dibad wareegga ay dadku la dayeysanyihiin iyo badda mugga weyn oo wax la yaqaan iyo wax aan la aqoonba  dhex ceegaagaan. Bal malee xoolaha tirada beelay ay ummaddani sadka u heysato iyo aqool xumada lagu habaaray.
Intaasi waa dul-ka-xaadsi iyo guudmar kooban oo ku saabsan kheyraadka faraha badan oy Soomaalidu heystaan. Ganacsi, macaadin, dhuxul, hawd,…iwm kamaan hadlin.

Ummadda Soomaaliyeed iyadoo waxaasi oo barwaaqo ah hanatay yay haddana baahantahay ooy diif iyo cudur la liidataa.
Sida la ogyahay ummadaha waxaa haga ooy ku daba saftaan dadka talada u haya (hoggaan). Himilooyinka ay higsanayaan iyo riyooyinka qurxoon oo ummad kasta u hira waxay ku gaaraan dadaal, agaasin iyo aqool habboon oo lagu biiriyay hoggaamin qumman iyo waddaniyad laga helo gar-wadeenkooda (hoggaamiyeyaashooda).


Sida ay ila tahay oon aamminsanahay Soomaalida (sabab kastoo kale marka laga yimaado) waxaa la haray hoggaan xun.
Hoggaamiyeyaasha Soomaalida intii astaan xun uu hoggaamiye lahaan lahaa yaa isugu tagay. Wax ma qabtaan! Dalka ma jecla! Dadka ma jecla! Danahooda (malee inta dan qofeed ay la ekaan karto!) yay danta guud ka hormariyaan. Waxaan la shahmaadsanahay oon dhabannada la haystaa waxa loo la’yahay hoggaamiye inta xafiis qabta haddana ka dega oo markii la cabbiro wax qabadkiisa -intuu xilka hayay- la ekaado 50%. Tiradaasi haddii ay  badantahay dheh 10%! Haddaan aad u niyad wanaagsanaaday aan dhahno 5% iyo wax ka yar.

U fiirso hoggaamiyeheenna, maalintuu xilka qabtay (noocuu doono ha noqdo xilka) iyo maalintuu ka dagay maxaa FARAQ ah oo muuqda? Muxuu soo kordhiyay? Maxaa la taaban karaa oo uu ISBEDDEL sameeyay? Muxuu boog dhayay? Muxuu dhaawac bogsiiyay? Muxuu…? Muxuu…? Waa ‘waxba’ ama ‘waxba ka-warqab.’

Haddii aad u malayso Soomaaliya waxay la hagaagi la’dahay in ay tahay gacan shisheeye, qorsho silloon oo habeen meel mugdi ah lagu maleegay IWM, is weydii sixirka noocaas ah hoggaamiye kaste yaa ku wareema. Soomaaliya dad fiican oo hoggaamiyo ma laha miyaa? Haddey jiraan maxaa loo la’yahay? Hoggaamiye waddanka jecel oo danta ummadda ay madaxa u saarantahay, sharafta dalka iyo dadka dhawraya oon dan kale lahayn lama helayo  miyaa? Ma noolo miyaa? Ama tolow hadda kaddib buu calool gali doonaa?
Ummadda oo dhan in ay wanaagsanaato shardi uma aha dib-u-soo hinqashada Soomaalida. Balse waxaa shardi ah, si Soomaaliya ay sharaf u yeelato sharafna ugu naalaato in la helo HOGGAAMIYEYAAL WANAAGSAN. 

Tirada guud ee dadka haddii laga helo boqolkiiba laba (ama ka yar) oo hoggaamiye wanaagsan ah ummaddani dib ayay usoo fufi doontaa. Inta laga helayana sidan uunbey ahaaneysaa haddaan mucjiso Ilaahey dhicin ama dad kale u talin.

.

Shaakir Maxamed Cabdullaahi
shaakirmc@gmail.com
https://www.facebook.com/shakirmc
https://twitter.com/Shaakirmc

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.