Shakhsiyadda sanadka (Prof.Cali Jimcaale Axmed)

Prof.Cali Jimcaale Axmed, Waa aqoon yahan wax ka dhiga Queens College ee Jaamacadda Magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxuu dhigaa maaddada isbarbardhigga suugaanta dunida (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo tan caalamka Islaamka. Prof. Jimcaale, waxaa uu shahaaddada Ph.D ka qaatay Jaamacadda UCLA, Kalifoornia. Waxaa uu ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda.

Prof. Jimcaale, waxa kale oo uu qoray, gabayo iyo sheekooyin ku qoran Af
Ingiriis. Buugaagtiisa, waxaa ka mid ah: The invention of Somalia, Daybreak is Near, Fear is a Cow, Diaspora Blues, The Road less Traveled, Silence is not Golden, When Donkeys Give birth to calves (iyo sheeko ku qoran Af-Soomaali oo la yiraahdo Gaso, Ganuun iyo Gasiin).


Prof. Jimcaale, waxaa gabayadiisa iyo sheekooyinkiisa loo tarjumay afaf ay ka mid yihiin kuwa Jabbaanka, Turkiga, Bosniyaanka iyo Burtuqiiska. Prof. Jimcaale, waxaa kale oo uu ka mid yahay aasaasayaasha iyo tifaftirayaasha Journal of Somali Studies (JOSS) oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. Waxaan erayada kor ku qoran ka soo xigtay Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee uu qoray Prof. Jimcaale. Gaso waa sheeko-suugaaneed daah-furaysa ama billaabaysa qaab iyo hab cusub oo loo qorikaro sheekooyinka. Mufakkirka iyo qoraaga weyn ee Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayaa sidan uga hadlay Gaso: ”waxaa lagu tilmaami karaa waa cusub oo u beryey fanka sheeka-qorista Soomaalida. Waa sheeko hodon ku ah aqoon ballaaran iyo erayo dhumuc weyn. Waa sheeko jiilka cusub indhaha u furaysa, hal-abuurka Af-Soomaaliga wax ku qorana waddo cusub u jeexaysa. Waddo jid-bixiyeennimo oo ka duwan tii la isla yiqiin.”

Run ahaantii, Prof. Jimcaale, waa aqoonyahan si weyn looga yaqaan maxfallada iyo goobaha aqoonta ee caalamka, si gaar ahna kuwa khuseeyo suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasaddaba, si weyna looga qaddariyo dunida. Waa aqoonyahan wax badan og, lana socda xaaladaha kala duwan ee dunida, waa aqoonyahan bartay Cilmi adduun iyo mid Diimeed labadaba. Waa su’aale, maxaa igu kallifay in aan qoro qormadaan kooban? Waxaan arkay sawirka Prof. Jimcaale oo suran Albaabka Jaamacadda uu ka shaqeeyo, weliba sawirka oo aad loo weyneeyay oo ay ku qoran tahay ( Build your future) ama ”mustaqbalkaaga dhis,” yacni, adiga oo wax ka baranaya macallinka sawirkiisu uu kuu muuqdo. Kolkii aan arkay sawirkaa iyo hadalka kooban ee ku qoran farxad aan la koobi karin ayaa i saaqday, yididiilo hor leh ayaana i gashay. Waa taariikh cusub, waa maqaam hor leh oo aan gaarnay… Waxeey ila tahay waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ay jaamacad weyn oo ku taal Maraykan ay muujiso in ay ku faaneyso, si ay ardayda galayso ay ugu soo jiitaan.

Prof. Jimcaale, waxuu u muuqdaa, aragtideyda, shakhsi ay Soomaalidu ku faani karto. Mana aha muggaan markii ugu horreysey oo uu guulo ka soo hooyo jaamacadaha ku yaalla Maraykanka: waxa uu hore u soo noqday tifatirihii sare ee joornaal ka soo baxa jaamacadda UCLA oo la yiraahdo Ufahamu. Waa Soomaaligii ugu horreeyay ee jornaalkaas madax ka noqda. Waxaanse anigu ogaa berigii aan wada joognay Soomaaliya: halkaas oo uu tifatiri sare ka soo noqday: Codkii Xalane iyo joornaal ka soo bixijirey kulliyaddii waxbarashada ee Lafoole oo lagu magacaabi jirey ”The Educator” ama ”Baraha.” Sumadda Soomaalinimadu, waa sheey qaaliya, kolka aad aragto Calanka Soomaaliya oo ka dhex muuqdo calamo kale, waxaa dareentaa farxad iyo reynreyn. Kolkii aad aragto qof adiga ah oo ay xarun cilmiyeed Jaamacad weyn ku faaneyso aad aragtana waa in aad ku faantaa, una hambalyeeysaa qofkaas ku metala.


Hambalyo Prof. Cali Jimcaale Axmed, waan kugu faaneynaa, waana noo sharaf in sawirkaagu suran yahay Albaabka weyn ee Queens College ee Jaamacadda Magaalada New York (CUNY).


W\Q. Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN