Shallowga Soomaali lagu wado, Shalaytaa ka dambayn! W/Q Saciid Muuse Axmed

Sac

 

Shallowga Soomaali lagu wado, Shalaytaa ka dambayn!

 

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii lumaya rajadii laga qabay ineey soomaaliya middowdo,waxaana ugu wacan oo laf dhuun gashay shacabka ku noqday, kooxo sadbursiga iyo dano gaar leh, beelo kala qaybsan, sidoo kale siyaasiinta uu shisheeyaha dhagta wax ugu sheego.

 

kuwaasoo markii aad dhab ugu fiirsato,hadaladooda aad ka qaadeyso madax xanuun, kuguna reebaya tiiraanyo aad dareemayso mugdiga Siiyaalka umadda Soomaaliyeed gelayso iyo shalowga laga ridayo qaranimadii Soomaaliyeed.

 

Arrimahan waxaa iyaguna qayb lixaad ka qaata, dacaayadda iyo ku tirkuteenka Ay faafinayaan Mareegaha (Website) Af soomaaliga lagu qoro ee Google biilka looga helo.

Haddaba war aan saakay aqriyay ayaa ahaa mid miisaan kii sa leh.iina muujiyey xaalad iyo marxalad adag oo ku soo wajahan mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

In dowladda Soomaaliyeed shacabkeedu la xisaabtamo, maadaama Xukuumaddu tahay adeegaha bulshada oo ay yihiin dad u dabran fullinta danaha guud, waa mid cad oo cid weliba xaq u leedahay la xisaabtan iyo la xaajood.

 

Balse in gobol ka mida dalka ula dhaqmo dowladda Soomaaliyeed sidii dowlad kale oo la deris ah oo xariir saaxiibtinimo ama dano darisnimo kala dhaxeeyaan waa mida keentay inaan warqada iyo qalinka is dul saaro, kana hadlo dareenka ay igu abuurtey.

Aqbaarta aan aqristay ayaa waxaa ciwaan u ahaa “dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland oo ka wada Hadley danaha labada umaddood.

 

Waa iga su’aale Puntland ma maamul goboleedyada ka tirsan dalka Soomaaliya mise waa dowlad la derisa, Maamulka Punrland waxuu ahaa meeshii ugu horeysay oo si rasmi ah, nidaam maxali looga sameeyo marka laga reebo Gobollada waqooyi oo iyagu Jamhuuriyad la magac baxay si toosana u caddeystay bareerahooda iyo rabitaankooda.

 

Haddaba Puntland ayaa aas aasantahay xilligii lagu jiray fowdada,ayaa waxgarad deegaankaasi isku afgarteen inay deegaamadooda xasiliyaan nabadna ku wada noolaadaan waxaana madax looga dhigay, Madaxweynihii horre ee Cabdulaahi Yusuf Axmed.

 

Xiligaas ayaa loo sameeyay nidaam kooban oo ay dadka deegaankaas ku dhaqan ee beelaha walaalaha ahi ku kala ammaan helaan kuna fushadaan, adeegyada bulsho ee maamul looga baahan yahay maxaliya.

 

Sida Nabadgelyada, ganacsiga iyo wixii kale ee la halmaala.

Haddaba aas aaska Puntland magacoodu wuxuu ahaa, Maamul Goboleed iyagaana u baxshay dadkii aas aasay, waxaase dhawaanahan soo baxay magac kale oo ah dowladda oo xitaa aan ahayn Dowlad goboleed(Reginal state).

 

Waxyaabaha yaabka igu dhaliyey ayaa waxaa ka mid ah,Puntland oo ku doodeyso,in shahaadooyinka dugsiyada sare ee laga bixiyo gobolkaasi uu noqdo mid ka madax bannaan dowladda dhexe,oo aan marnaba lagu xuseynin Magaca dowlada Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada ee u xilsaaran toona. Bal adba?

 

 

Sidoo kalena ay jiraan qoddobo xasaasiya, dhinacyada heshiiska caalamiga ah, ergooyinka ka qaybgalaya dib u dejinta gobollada iyo heshiiska Gobollada waqooyi iyo Dowladda Soomaaliya,Maamul u sameynta gobolka Mudug oo qeybo ka mid ah ey illaa hadda puntland maamusho,walow heshiis hore loo galay uu ahaa,in Mudug iyo Galgaduud hal meel laga arrimiyo lagana dhigo maamul u gaar ah gobollada dhexe qoddobadan iyo kuwa kale ayaa ku doodeen, Madaxda maamulka Puntland, xaalkuna waa “ Warankii cirka loo gamay nin walboow filo.

 

Shaki kuma jiro,in maamul gobeleed kasta uu Dowlada uga fadhiyo waxii eey Puntland u oggaalaato, haddaba saw Soomaaliya cagta ma saarin wadadii burburka iyo kala qaybsanaanta taasoo u baahan ka fiirsi iyo feejignaan badan.

 

Raisul wasaaraha Cabdi Wali oo ah xubinta Gollaha fullinta u fadhiya maanta madasha arrimahan lagu lafa gurayo ayaa looga fadhiyaa inuu si masuuliyadi ku dheehantahay u guto waajibaadkiisa shaqo iyo maamul, isagoo aan eed ka gelayn, Maamulka Puntland sidoo kalena aan Eex ku falayn maamullada kale.

Arrimahan aan ka hadlayo haddiiba la isku afgarto arintaasi,Umase maleynayee,Miyey siyaasiinta puntland u muuqaneynin kuwa horseedayo,kala qoqobka bulshaweynta soomaaliyeed?Maadaama eey maahmaahdu aheyd “Ratiga hore, ratiga danbe,saanqaadkiisuu leeyahaY”.

 

Haddaba waxaa is weydiin leh,”Jamhuuriyadda beelaha Soomaaliyeed “Imisa shahaado ayeey bulshada caalamka iyo qaramada midoobey la hortagi doontaa?Beesha caalamkuse ma aqbali doontaa in qabiil walbo uu shahaado madax bannaan iskiis u lahaado?ileyn aqoontu waxay u baahantahay aqoonsi, aqoonsiguna wuxuu u baahan yahay mid dowladeed iyo mid caalamiye?

 

Aan ku soo afmeero tix uu tiriyay,Abwaan Ahmad Hayow.

Tix la yiraahdo (Yaa ceelka ila shuba)

 

Sheeka horaa waxay tiri.

Shan nin baa walaala ah

Shaxbeey wada cayaaraan

Labaa ugu sharaar badan

Mid baa sheeda kaga jira

Labadii kaloo shidan

Shib inay yiraadaan

Sheekadu ma noqotaa?

 

Ninamkii sharaaraa

Ee shabeelka wadan jiray

Shaxdi way ilduufeen

Qaflad laba shaxaadla ah

Shisheeyuhu irmaanee

Shaandhadu waxay tahay

Afargees la shaaximay

Iyo shiishliheedii

Shanlihii la soo saar

Shibanaana lagu riday

Sharadkii inoo yiil

Shilintiyo abboodigi

Oo wada shuraaka ah

Shamal inay cayaaraan.

Shabti sooma ay gelin

Shaarbaha la miiqyoo

Sharuurkii la dubayoo

Seddex shaahid loo arag

Shakigiina laga saar

Shaarkii la feeree.

 

Afar shaalihiibaa

Shirka soo fariistoo

Shaahii inuu cabo

Ama shii inaga dhigo

Sharka cowdu laga yiri.

 

Haddeey sheeko baraleey

Shabadeedi waagii

Shucaacii iftiimaye

Aan shaalka qaatee

Yaa ceelka ila shuba?.

 

Shacab wada walaala ah

Sheekh iyo aqoonyahan

Shaab iyo ciroolaha

Dumar iyo shaqaalaba

Aan shuushka bixinee

Yaa ceelka ila shuba?

 

Sheekh iyo nugaal iyo

Marka iyo shalaanbood

Kismaayiyo shiniiliyo

Ilaa sheeda hiiraan

Aan shuushka bixinee

Yaa ceelka ila shuba?.

 

Shillankii cadaadiyo

Shaxdi ceeragaabiyo

Shabeelada irmaaniyo

Shacnigii tayeegloow

Aan shuushka bexenee

Yaa ceelka ila shuba?.

 

Isku shuban halkeediyo

Shacabkii warsheekh iyo

Shanti tuuladeediyo

Jilib sheedaheedaba

Aan shuushka bixinee

Yaa ceelka ila shuba?

.

Calankii shisheeyaha.

Ku shaxaadtamaayeen.

Waa kaa shucaacaye.

Aan sii shutuxinoo.

Shacabkii mideynee.

Yaa ceelka ila shuba?.

 

By:Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.