Shan dabeeco oo ay leeyihiin dadka guuldarreystay! W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Shan dabeeco oo ay leeyihiin dadka guuldarreystay!

Wax badan ayaa laga Hadley guuleystayaasha, sida guusha loo gaadho, astaamaha ay leeyihiin guuleysayashu, sidaa si la mid ah ayaa qorayaasha Soomaaliyeed qalinka ugu qaateen, inay farta ku fiiqaan  guuldarrada iyo waxa ay tahay. Anna qormadeydu, kama beydhin sunnaha ay jideeyeen qalinleyda soomaaliyeed, balse, waxaan doonayaa inaan ka istaago dhan aan wali laga istaagin; inaan ka eego dhan aan wali laga eegin. Waxaan diiradda ku saari doonaa, dad haya dariiqii guuldarada, balse, aan dareensaneyn ba oo u heysta inay jidka guusha ku joogaan!. Wali hore ma u aragtay akhristoow dadkaa?

Wax badan ma ka fikirtey, waxaa guuldarrada kugu wacan? Ma aragtey, inaanad sannadahan ba wax guula urinba? Ma garanweyday halka wax ka khaldan yihiin? Marar badan ma go’aansatey inaad is-beddel sameysid, balse, ma kariweyday?

Haddaba, haddii jawaabtaadu ay haa tahay aan kuu sheegee, waxaad leedahay dabeecadahan aynu ka warrami doonno. Aan hadalka kuu jilciyee, haddii qof xannuunsanayo sida kaliya ee uu isku daweyn karaa sow maaha, inuu dhakhtar tago; dhakhtarkuna uu sheybaadho. Dabadeed uu ogaado cudurka haya, ugu dambeyna uu siiyo dawo uu ku bogsado; balse, ka warran hadduuna qofku aanu iskuba qabin, inuu xannuunsanayo? Miyuu is-daweyn? Waa MAYA. Waxaa gaddaan oo kale ah, lagana garan dadka aynu ka warrameyno, kuwaasi oo ah kuwo lugaha kula jira guuldarrada, balse, aan garaneyn.

Dadku waxay u kala baxaan guuleystayaal iyo ma guuleystayaal. Waxaa inta badan la yidhaa: waxaa badan dadka guuldarreystay! Haddaba, waxaa jiro astaamo ay leeyihiin dadka guuldarradu ay ku badan tahay, waana kuwan ee iska eeg inaad ka mid tahay:

  1. Qorshe la’aan:

Waa dadka aan laheyn wax qorshe ah. Waxaa lagu magacaabaa caajislayaal. Waxaa kale oo lagu magacaabaa dadka riyooda; waxay leeyihiin riyooyin, balse, ma hirgaliyaan riyooyinkaas! Riyadda aan ka hadlayaa maaha tii hurddada; waa tii hadafka iyo hirgelintiisa. Maxaa u hirgali ba, waxaa ka maqan noloshooda qorsheynta. Qorshuhu waa dhaqaajiye, wuxuu qeexaa halkaad taagan tahay iyo halka aad u socotid. Dadkan noocan ahi, waxaa caado u ah, iney nacaan waxa qorshaha la yidhaaba. Haddii aad maqli jirtay, qorshaa lagu meel maraa ama meel lagu gaadhaa; kuwani uma arkaan QORSHAHA inuu wax muhiima leeyahay!.

Maalinta, wuxuu qaban lahaa uma qorsheysna. Todobaadkii wuxuu qaban lahaa uma qorsheysna; Qorshe sannadle ahna, maxaad ka sheegi ba! Haddaba, sababaha ay dadkani qorshaha u sameysan waayeen, waxaa ka mid ah:

  • Waxay ka baqaan iney qorshe sameystaan, iyagoo naftooda ku qanciya inay qorshoyaal hore ay sameysteen aaney u hirgelin, sidaa awgeed ay ka baqanayaan inay ku guuldarreystaan.
  • Waxay aaminsan yihiin, inaanu qorshuhu wax muhiimadda aannu laheyn.

Dadkani, waxay caan ku yihiin dayacaadda waqtiga, maxay yeeley malaha wax qorsho ah. Afar iyo labaatanka saac ee ay hastaan, sacad badhkeed kama faa’iideystaan! Sida dabeyshu ugu xeyso qashinka, kolba jihada ay ka dhaceyso, ayey dadkanina u dhaqaaqaan, kolba halka ay naftoodu doonto!  Si kale kuma garatide; “waa dameeri dhaan raacdey”. Hadallada ay mar walba afka ku hayaan, waxaa ka mid ah: halkeen waqtiga ku lumiyaa? Inamari, aynu iska damashleynee. Saacadda aan iska soo gaabiyo. Qorshe la’aantu, waxay keentaa in la garan waayo qiimihii waqtiga. Haddaad leedahay sifadan aynu soo sheegney, ogow guuldarrada walaalo ayaad tihiin. Tusaale ahaan, waxaa ka mida ah riyooyinkooda: howshan barri baan qaban doonaa. Balwaddaan bishan soo socota ayaan joojin doonaa, arday wanaagsan baan noqon doonaa. Sidan iyo sidaa ayaan yeeli doonaa. Wax walba dhag iyo dhag ayaan ka siin doonaa.

  1. Howl yaraan inuu guusha helo:

Waa mid aan dooneyn inuu halgamo, wuxuu raadiyaa hab gaaban uu guusha ku gaadho. Safarka guushu wuu dheer yahay, wuxuuna wataa daal, harraad iyo hagardaamo.

Taasi waa mid la isla wada-yaqaan, balse, qofka aynu ka warrameynaa; wuu innaga fikir duwan yahay. Ma aammisana waxaa aynu ka dhureyno! Wuxuu naftiisa ku qanciyey inuu Iska seexdo, iskana soo tooso; guushana uu aayar hortiisa ka qaato.

Ma ogaba, in hore loo yidhi: “lama helo wadaadoow, waxaan cidi ku howshoon”. Isaga dhaguhu uma doloolaane, waxana dhageysan maayo; wuxuu wax ku doonayaa inuu ku helo, ishaa biligteed. Wuxuu baadi doon ugu jiraa, dariiq gaaban oo uu guusha ku helo. Haddaba, haddii aad ka mid tahay, dadka dabeecaddaan leh, ogow inaanad guul gaadheyn!.

  1. Ka baqidda khaladka:

Waa kuwo ka baqa inay sameeyaan khalad. Qaladka waxay u arkaan fashilaad. Waxay ula muuqataa ceeb. Tani, waxay dabar adag ku noqotey inay gaadhaan guul.

 Haddii ay marka kowaad khalad sameeyaan, iskuma dayaan inay mar labaadka saxaan; kamana bartaan cashar iyo cimri qaadasho. Iska daa iney wax ku qaataane, waxay ka cago jiidaan isku deyga. Waxay naftooda ka dhaadhiciyaan, haddii hadafkan ama howshaan qaldaan, inay dadka kale, kala kulmi doonaan fadeexad ama bahdil!.

Dadkan, waxaa lagu yaqaan, kuwo qarsada qaladka ay sameeyaan. Ma jecla inay bulshadu ogaato. Waxaa dhiba in la yidhaahdo: “hebel wuu guuldarreystey ama heblaayo ma guuleysan”.

Taasina, waxay dhaxalsiisaa iney caawin, tallo iyo tusaale ka helaan dadka aqoonta ama waayo-aragga u leh dhibtooda. Haddaba, haddii aad tahay dadka sifaddan leh, ogow in guuldarrada aad gacantaada ku dooratay!.

  1. Kama faa’iideystaan fursadaha:

Waa kuwo ammisan fursadda, balse, iskuma diyaariyaan inay soo qabsadaan. Waxay rabaan in fursaddu iyadoo cagaheeda ku socota ay soo istaagto iridda aqalkooda hortiisa. Kadib ay ku tunto ama ku garaacdo albkaabka; kama  qasnaba oo kama furaan albaabka. Fursaddii  ayaa ku noqota , halka ay ka timid. Way maqlayaan jabaqda ay sameynayaan kabaheedu  iyo  sii socodkeeda, jaqaf, Jaqaf, balse, dhagahoodu uma doloolaan. Dareenkoodu uma soo jeedo; diin baa hadduu dhaqaaqo dhul dhan maree, bal ka warran fursadda oo dabeysha ka dheereysa?

Markey fursaddu galbato, ayey sidii kuwo soo miyirsadey, madaxa lasoo boodaan. Dhankan iyo dhankaa ayey u boodaan.  Waxay garwaaqsadaan, inay fursaddii waa hore dabeyshatay.

Niyad jab awgeed ayey jilbaha u dhacaan! Waxay ku calaacalaan: AH! “Maxaan fursadda u dayacnay?” Ma mid bay aheyd; fursad iyo badhbey aheyde… Yaa dib usoo celiya…alla waan ka daa’iideysan lahaa. Waxaa kale oo jira dad yaqaan qiimaha fursadda, balse, mooggan sida loo abuurto. Haddaba, haddii aad tahay qof leh dabeecaddaan, ogow, adaa doortay dariiqii guuldarrada!.

  1. Dib dhigasho:

Waa kuwo summadoodu ay tahay astaanta dib u dhigashada. Wax kasta oo ay qabso leeyihiin, dib ayey u dhigaan. Hammigooda iyo hiigsigoodaba waxaa halis ku noqday dib u dhigashada. Markii uu qofku arko, halka uu shan sanno ka hor taagnaa, inuu maantana taagan yahay, waxaa naftiisa ku abuurma ciil iyo caloolyow. Sababaha ku keena inay hadafkooda iyo howshooda dib u dhigaan, waxaa ka mid ah:

  1. Waxay amminsan yihiin in howshan hor taallaa ay adag tahay. Sidoo kale, hadafkan uu xarriiqday, wuxuu ka baqayaa inuu ku guuldarreysto. Hal-ku-dhigyada ay dadkani ku caan baxeenna, waa kuwan: “howshani way adag tahay, kuma guuleysan doono”. “Hadafkan ma hirgelin karo.”
  2. Waa kuwo aan laheyn go’aan. Waa kuwo aan lahayn kalsooni ay go’aan ku gaadhaan. Waxaa ugu wacan kalsooni la’aanta, shiki!  Waxay shiki ka qabaan naftooda iyo kartidooda. Waa kuwo aan ku dhiirran inay ku dhaqaaqan hadafkooda. Haddaba, haddii aad tahay qof leh sifadan sare, ogow, inay guuldarradu gondahaaga taal, mar walba!.

Guntii iyo  gabagabadii, waxaad akhriste ogaatay khatarta ay leeyihiin sifooyinkaa aynu soo dhex mushaaxnay. Waxaad dareentay, halka ay guuldarradu kasoo shidaal qaadato. Sidaa awgeed, waxaan kugu la talinayaa, inaanad yeelan dabeecadahaa.

Haddii aad leedahay, mid ka mid ah ama qaar kood, fadhi kuuma yaalee, waa inaad dhakhso u badaddashaa!  Qof kasta oo iska ilaaliya caadooyinkaas, waxaan u damaanad qaadayaa inuu noqdo GUULEYSTE.

Waxaan rajeynayaa in qormadani noqon doonto, qormo wax lagu qaato. Mid u horseedda dhallinyarrada Soomaaliyeed, inay noqdaan guuleystayaal.

FIIRO GAAR AH:

Akhriste, arrinta cajiibka leh ee aan kuu hayaa waxa weeye, in qormadan aniga oo qore ah, ay saameyn igu yeelatey! Waxaa saameyn igu yeelatey qormadan dhammaanteed, gaar ahaan qodobka 5-aad (Dib dhigashada). Haddaba, siduu iigu yeeshay? Intii aan ku gudo jiray qoraalkeeda, mar kasta oo aan caajiso ama aan arko anoon qormadii inaanan dhammeyn, waxaan nafteyda ku odhan jirey: ma adigii baa wax dib u dhigtay? Ma adigii dadka dib dhigashada ka dardaarayey ayaa wax dib u dhiganaya?!

Runtii, qodobkaasi joog iyo jiifba wuu ii diiday, ilaa ugu dambeyntii aan dhammeystiray oo idin soo gaadhsiiyey. Akhristoow, adiga qodobkee ayaa saameyn kugu yeeshay? Waxaan kaga baxayaa, guushu sahal kuma timaado ee waxay ku timaadaa dedaal. Waxaan jecelahay guusha, dadka kalena waxaan la jecelahey guusha.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Igala xidhiidhmo.haibe03@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.