Shaqo Adag
Guusha laguma gaaro xaglo laaban balse waxay kaaga baahan tahay shaqo adag. Qof walba wuu jecel yahay in uu iska guulaysto laakiinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay imisa qof ayaa diyaar u ah in uu halgan iyo waqti dheer ku bixiyo sidii uu u hanan lahaa guusha uu markaasi dalbanayo?
Aan tusaale usoo qaadano bulshadeenii dhawr qodob oo ka hadlaya, xoola dhaqashada, Beerashada iyo gobonnimo doonka. Geelleyda ayaa ku heesta markay waraabinayaa iyagoo isku guubaabinaya inaan hawsha adag ee geela loo kala tegin.
- Nin ludaa jecel
- Oo lurkaa neceb
- Haw labeynoo
- Haw lammaaneyn?
Waxaa lagu guubaabinayaa dhallinyarada iyo ninkii raba geel inuu hawl u maro, inuu ilaalintiisa, raacidiisa, aroorintiisa, waraabintiisa, baadigoobkiisa iyo cadow ka jirkiisa u diyaar noqdo, haddiise kale uusan geel helayn. Ninka geela hawshiisa neceb ayaa laga habaaray taasoo ka dhigan inaanu helayn weligiina geel yeelanayn ileeyn kuma hawshoone sideebuu ku heli karaa.Beeralayduna waxay murtidaas ku soo koobtey: “ Nin weliba geedkuu beerto ayuu mirihiisa gurtaa”. Haddaadan waxba beeran hubaal inaadan helay miro bisil oo aad gurato.
Haddaba guusha dhayal laguma helo noocay doontaba ha ahaatee, aan ku xasuusiyo guusha gobonnimada iyo madax bannaanida waxaa uu ka yiri Abwaan Soomaaliyeed:
- Baaruuda qiiqdiyo haddaan, Baawer lagu raadin
- Gobonnimo bilaash laguma helo, Ban iska taaltaale.
“Shaqo waa xuriyad”
Wuxuu yiri Hendry ford “Si adag u shaqeyso si aad nasiib badane u noqoto.” Waxay la mid tahay qofna ma guulaysan isaga oon qaban shaqo adag. Yusuf Garaad mar asaga oo ka hadlaya sidii uu shaqada ku soo bilaabay wuxuu yiri “Lacagtii iigu horraysay ee aan shaqeystay [Waxaan] ka soo saaray harqaan kaddib markii aan dhammaystay waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamuud Xarbi.”
Waxaa jirta sheeko Soomaaliyeed oo dhexmartay wiil iyo aabihii oo Maxamed siibed ku qoray buuggiisa (Himiladaada Hano). Wiil kuray ah ayaa maalintii uu garaadsaday wuxuu aroor walba la kallahayay aabbihiis una kallahayay badda si ay u
kalluumaystaan… wuxuu maqlay in aakhiro dadku labo u qaybsamayo marka asaga oo raba in uu hubiyo in jannada iyo cadaabta subax walba shaqo loo kalalhayo ayuu aabbihiis waydiiyay “Aabbow akhira shabaag ma la dhiganayaa?”
[Wuxuu u la jeeday] aakhira ma la xoogsanayaa ama shaqo ma jirtaa? Haddaba, si uu su’aasha uga jawaabo ayaa odaygii cabbaar fekeray markaas ayuu ku yiri “Maandhow ninna macna la’aan meel uma fadhiyo.” Jawaabtiisii waxay noqotay in uu yiraahdo wiilkaygiyow u malayn maayo in qofna macno la’aani meel isaga fadhiyo, aakhirana waa qof walba iyo abaalgudkii uu mutaystay intuu ifka joogay.
Haddaba, murtida ku jirta sheekadu waxay tahay sida ay muhiim u tahay in qofku uu xoogsado meel kasta oo uu joogo sidaas ayaana la isugu dardaarmi jiray dhaqankii hore ee Soomaalida.
“ Dantii mooge mara duug ah horteed ayuu idlaada”
“Nimaan dhaqanini ma dhergo”
“Waxaan loo dhiddin laguma dheefsado”
“Qofna ma guulaysan isaga oon qaban shaqo adag”
Adigaba garo oo ogow in aad heer sare gaarto kuma xirna nasiib ee waa natiijo ka dhalatay shaqo adag. Sidoo kale, wax walba oo aad maanta ku raaxaysanayso ama aad isticmaalayso, waa wax ku yimid dadaal iyo shaqo adag. Qof walba wuxuu helaa talooyin ku saabsan dhanka nolosha, weli waan xusuustaa waagii aan kurayga ahaa hooyaday waxay talo igu siin jirtay in aan shaqeysto oo aan xoogsado.
WQ: Hassan Mudane
Buugga Sirta Guusha, cutubka 3aad, bogga 53aad.