Shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed. W/Q: Barkhad Cabduqaadir Awcali & Cabdiweli Cabdullaahi Waaberi

barkhad-waaberi

Shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhallinyaradu waa tamarta jihaysa bulshooyinka awooddooda ku baraarugsan, waana faca ugu aqoonta, firfircoonida, xoogganaanta iyo hawsha badan ee bulshada.Dhallinyaranimadu waa marxaladda ay dadku ku garwaaqsadaan inay nolosha wax ku leeyihiin, waana xilli ninkeedu uu ka itaal, mintidnimo iyo naf-hur badan faca ka-weyn iyo kuwa ka yar.

Dhallinyaradu waa faca maqaamkooda laga cabiro qiimaha bulshooyinka, tusaale; waxaa jirtay xilligii dowladaha islaamku ay qabsadeen dhulkii Andalus, in reer galbeedku ay damceen inay ku duulaan Muslimiinta oo ay ka saaraan dhulkaa. Balse waxaa dhacday inay u dirsadeen rag khuburo ah oo soo indha-indheeya jawiga nololeed ee dadyowgii islaamka ahaa ee dhulalkaa ku dhaqnaa, way soo laabteen iyaga oo ka-madax-ruxaya xaaladda Islaamka, waxayna sheegeen in ayan garaad-gal ahayn inay ku duulaan islaamka, waayo dhallinyaradooda oo ahayd qaybta u badan ee bulshada, oo noqday kuwo ku baratamaya xifdinta Qur’aanka iyo Axaadiista iyo ku-celcelinta tijaabooyinka cilmiyada sayniska (Physics iyo Chemistry).

Muddo dheer kadib ayey raggii dib ugu direen dowladihii Islaamka, nasiib-darro waxay keeneen war farxad geliyay gaaladii, kaas oo ahaa inay suura-gal tahay in islaamka la weerari karo oo weliba la qabsan karo, waayo waxay soo arkeen dhallinyaradii islaamka oo marxalad xun maraysa, ilaa wiilka muslimka ahi uu ku dameeyay mid u ooyaya gabadh jacaylkiisa ah oo ka safartay.

Marka ay dhalinyaradu caafimaad qabaan, bulshadu way ku naalootaa hal-abuurka iyo hanqal-taaggooda miisaaman. Sidoo kale dhallinyaradu marka ay yihiin kuwo waaci ah oo baraarug aqooneed iyo mid xirfadeed leh, kana fayow buufiska nolosha, bulshadooda ayaa ku intifaacda oo kaga gudubta harraad, halamash iyo humuunyo daran.

Caafimaad qabka dhallinyaradu waxa uu ciriiri-geliyaa ilaa uu dhexda ka saaro cuqdadda iyo aragtiyaha gurracan, ee bulshada ka toogta himilada iyo han-tiigsiga nolosha.

“Aamusnaanta dhallinyarada waxaa ku naaxa gafanayaal aanan arxan lahayn ee bulshada gaarsiiya nabarro xanuun badan, guuxoodana waxaa ku nasta maatada nolosha ku liidata”-Dr. Sadiq Enow

Dhallinyarada Soomaaliyeed, waa xoogga keliya ee riyooyinka bulshadeena waaqac u bedeli kara, waa iyaga kuwa dalka ku difaaci kara qori caaraddii, dabuubkooda dihan, damiirkooda xalan iyo danimadooda hagaagsan. Waana iyaga kuwa buuxin kara dhinacyada aynu ka dheelliyeyno sida; nadaafadda, ammaanka, iyo baraarug-xumida bulsho…

Dhallinyarada iyo shaqo la’aanta

Shaqo la’aantu qeexid ahaan waa marxalad dhacda marka qof si-mintidnimo ah u raadinayo shaqo uu qabashadeeda karo, aqoon ahaan iyo awood ahaanba, asii aysan u muuqan fursadeedi.Hadii aan si kale u dhigno waxaa la oran karaa shaqo la’aantu waa barbar li’i ku timaada xadiga lab iyo dhedig ee u diyaarsan qabashada shaqooyinka iyo fursada shaqaalennimo ee jirta.Hadaba innaga oo ka cabir qadanayna qeexida, waxaa muuqata in ayan soomaaliya ka jrin shaqo la’aanta waallida ah ee suuqa lagu faafiyo balse ay kajirto shaqeysi la’aan baahsan. Taa macnaheedu waxa weeye fursadaha shaqo ee yaal dalka ayaa intii ladoono ku-labalaabma shaqaalaha diyaarka u ah qabashadooda.

Waa xaqiiq, majiraan xafiisyo kursaas raaxo ah iyo mukayf qabow leh oo inawada deeqa, asii waxaa buux dhaafay fursado shaqooyin oo inawada kaafiya, bal inakaba badan. Waayo inta u dhexaysa cir iyo dhul, bad iyo bari waxaa hareeyey dhulkeena jaanis shaqo-abuur oo dad badani ay ka hawl gali karaan, haddii laga faa’iideystana hoos loogu dhigi karo heerka baagamuudo ee da’ yarta aqoonta amba xirfadda leh.

Waxaase nasiib-darro weyn ah, iyadoo fursaduhu ay badan yihiin, in dadkeenna oo aan badnayn, hadana xaddiga shaqo la’aaneedi, uu kor usii-sikanayo, halka kheyraadka ceegaaga dalku ay boqolkii sagaashan iyo dheeri yihiin. Layaab, runtii waa dharag iyo gaajo is-garab-yaal, oo aan lagaranayn xilliga laga baahi beeli doono.Kororka ku yimid dambiyada ay kamid yihiin; dilka, dhaca, boobka, kufsiga, daabulka iyo kaganacsiga dadka oo ah kuwo laga dhaxlay burburkii dowladnimadeenii ee sida daran inoo haleeyay ayaa niyad jab baaxad leh ku reebay dhallinta, isla-markaana kaalin weyn ka-cayaaray shaqo la’aanta baahsan.

Kadib qaran-jabkeennii ummadnimo, balwadda oo ah aafo weyn, ayaa dhallinyara badan u noqotay hoy iyo maaweelo ay kaga dhuuntaan tiiraanyada shaqo la’aanta. Arrintaasina waxay sababtay in da’yar badani ay ka dhacaan daliigta toosan ee nolosha oo kadhigtay aqoonyahan/xirfadle aan ka faa’iidin aqoontiisa/xirfadiisa.

Sidoo kale wadaniyaddii oo yaraatay, sharciga oo aan si buuxda loogu hoggaansamin iyo cadaladdii oo aan ladabakhin ayaa in badan waayeel ka noqday shaqo la’aanta xargaha goosatay. Sidoo kalena is-huruufka iyo nacab hoose oo dhex yaala bulshada Soomaaliyeed ee deegaan ahaanta kala duwan, oo laga dhaxlay dagaalkii sokeeye, ayaa san-dulle ka dhigtay in dhalintu ay ku oodmaan maamulka ay hayb ahaan kasoo jeedaan una ogolaaneyn in ay ay isu-gudbaan hadii qaar noloshu ku aadkato halkii ay markii hore kunoolaayeen ama fursad-abuur shaqo u raadsad lahaayeen goobaha kale ee soomaalidu dagto.

Guud ahaan sababaha shaqo la’aanta horseeday dalka oo dhan intaas ayey kubiya shubtaan lakiin marka weynaysada ladul dhigo waxaa soobaxaysa sababo kale oo il-ma-aragtay ah oo daaha hoostiisa ku lammaan. Inta badan waxaa dhacda in dhalinyaraddu aysan aqoon habkii iyo nidaamkii ay shaqada u raadsan lahaayeen waana xaqiiqo dhaba oo haysata, hadaysan dhamaan ahayen, badi dhalinyarada shaqo doonka ah. Sababta ugu weyn oo arintaan keeni karta ayaa labo lookala qaadi karaa oo kala ah :-

“ badi ardeyda kasoo qalinjabisa jaamacadaha oo yimaada suuqa shaqada iyagoo aan lahayn wax xirfad ama tababar shaqo ah.

Maxaa sababi kara shaqo la’aanta dhallinyarada ?

Aqoon xirfad iyo firfircooni la’aan
Dhallinyaradu marka ay yihiin kuwo ka malaasan xoogeysiga xirfadeed iyo ku-shaqaysiga aqooneed, waxaa sahal noqota inay sheeko eber nimo ah iyo shaqo la’aan lasoo kaba-luudsadaan.Waxaa la yiraahdaa si-kasta oo qofku uu aqoon ama xirfad u leeyahay, haddii uusan lahayn ruuxdii dhaqdhaqaaqa iyo dhiirranaanta, waxa uu lamid yahay cidla hungo ah iyo caalim-raac bilaash loo caleema-saaray.Hanaanka baadi goobka shaqada oo aadan aqooni, waa qeyb kamida shaqo la’aanta.

Aragtida taban ee waalidka
Waxaa jira mixnado iyo naxli aynaan ku baraarugsanayn oo dhallaankeenu ay bilowga la-koraan, kuwaas oo hirbaca gooya kolkii ay weynaadaan. Waaalidku iyaga oo ilmahooda ku adkaynaya raacashada iskuullada iyo jaamicaadka ayey ku yiraahdaan; “Haddii aydaan baran aqoonta, noqon meysaan madax iyo dad la sharfo ee waxaad ku-dameyneysaan dhagax-jebinta, waardiyeynta asaagiin, nadiifinta waddooyinka, kuulinimo, kabal-yeerinimo…

Runtii ilmaha oo lagu beero afkaar caynkan ahi, waxay u horseedaan caruurnimadiisa inuu nolosha ka qaato manhaj qaldan oo nac iyo kibir huwan, kuwaas oo hadhow shaqooyin badan isbaaro kaga noqda, ilaa ay ceeb u arkaan shaqooyinkooda qaar inay ka xamaashaan.

Dicaayadaha bulshada
Dhallinyaradu waa fac xooggooda iyo xeeladdooda ba ay jiho walba kaga furan yihiin buuq aan innaba caadi ahayn, balse markii ay yihiin kuwo nufuus ahaan u dhisan waxay iska gaashaamaan wax badan oo weerarada waaweynka iyo waayaha adduunba ah.Dicaayaddu waa fikrad fil-weyn oo ummado badan lagusoo qasay, dhallinyaraduna waa qaybta bulshada ah, ee awoodahooda maqal iyo aragi ay u dhow yihiin aragtidaa luqun-jebiska ah.

Haddii aan ka nimaano naxligeeda gaarka ah, haddana waa tu dhallinyarada ku noqota culaab culays keeda ayan xamili karin, oo dhallinyarada u-xirta ookiyaaleyaal laandheerenimo, oo ceeb iyo inayan u cuntamin ugu muujiya shaqooyinka badidood.

Qabyaaladda
Qabyaaladdu waxay noqotay geed iyo sanam cuqdad iyo cadaawad huwan oo ka-lusha laabaha bulshada dhexdooda, waana caqabad culaabteeda wadata, sidoo kale waxay kalliftay dhallinyaro tira-badani inay cadaaladdeeda ku-shaqo-waayaan. Qabyaaladdu waa midda dhashay bulshadu dhinac walba oo nolol maalmeedkeeda ah inay ku kala qoqobmato, oo ay kala xayirmato. In-kastoo aan ognahay qabyaaladda iyo sida ay shaqo la’aanta dhallinyarada uga qayb tahay, haddana ma noqon karto isbaaro meel walba taal oo qiil buuxa u noqon karta dhallinyarada badan oo andacaadahooda u cuskada.

Qab-weyni iyo han-yari
Qabku waa tilmaan adeegsigeedu uu si qaldan ugu dhex-faafay bulshadeenna, waxaad arki nin aan waxba isla hayn oo haddana sanka ka taagaya baahiyihiisa qaarkood. Hay’adaha aan dowliga ahayni waxay kamid yihiin xarumaha shaqaaleysiintoodu ay qab-weyn ku riddo dhallinyaro badan, waayo waxaad arki nin dhallinyaro ah oo $2000 mar kagasoo shaqeeyay mashruuc hay’adeed, oo hadiiba qandaraaskaasi uu kasoo dhamaaday, noqday mid goobaya boos intii hore la mushahar ah amaba ka sarreeya. Aakhirkana waxa uu noqdaa mid u arka shaqooyinka qaar inayan isaga mushahar u cuntamin.

Waxan u fiirsaday dhallinyaro badan oo jaamicaadka dhigta, waxanna arkay qolyo badan oo kamid ah oo heerkooda aqooni uu meel hoose joogo, kuwaas oo aan awood u lahayn inay report diyaariyaan, cilmi-baaris sameeyaan oo xataa buugaagtooda qalanjebinta loo diyaariyo, oo markii aad hawlo shaqo kala sheekaysato ku oranaya anigu takhtarnimo, injineeriya, dhaqaale ama siyaasad ayan ka qalanjebiyay, sidaa darteed mushahar $1000 ka hooseeya ma doonayo inan ku-shaqo bilaabo.

Waxan qabaa dhallinyaradaa tirada badan ee jaamicaadka kasoo qalanjebiyay ee oranaya shaqo la’aan ayaa jirta iyaga oo go’aankaa mushahar badnida ah aaminsan, iyaga qudhoodaa qayb ka ah shaqa la’aanta haysata, haddii aad indha-indheyso shaqooyinka degmo kasta yaalla iyo qaab-fekerka dhallinyarada khafiiftay, waxaa kuu soo bix inay jiraan shaqooyin badan oo dhallinyaradu ay yasaan oo shaqaalahooda meelo kale laga dalbo, iyo yaraanta xafiisyada mukayfka leh ee ay uwada baratamayaan.“ Dalka kama jirto shaqo la’aan weyn oo baahsan, ee waxaa yar shaqooyinka lawada eryoodo”

Iimaan la’aan dalka ah
Nebi Muxammed (shacni iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) markii uu ka haajiray degmadiisii (Maka), wadaniyaddii iyo daljacayl nimadii uu u muujiyay, ayaa tusaale wax ku oola u ah muslimiintu inay caashaq u muujiyaan dalalkooda.Arrinta iimaan la’aantu waa qodobka u badan ee ay rumaysan yihiin dhallinyarada badan ee ku doodda dalka waxba ma yaaliin (shaqo). Dicaayaddaa iyada ah waxaa suuqa ku fidiya oo qiil shaqo la’aaneed ka dhigta, qaar ka awdalan aqoon, xirfad iyo dadnimadii shaqada iyo qayb xataa shaqaysata.

Hal-abuur iyo hindise la’aan
Waxaa la yiraahdaa qof walba oo banii aadam ahi waa hal-curiye, ruuxda dhiirranina ninkeeda waxay dabada kaga riixdaa hindisid iyo hawlgelin. Waxaad arki dhallinyaro badan oo aad mooddo in lagu yiri waxba ma curin kartaan iyo hindise nimo idiima bannaana.

Dhallinyarada barata caafimaadka badidood ma aaminsana inay kuulinimo ku xamaalan karaan haddii ay aqoonta caafimaadka waxba ku waayaan, sidaa si lamid ah kuwooda injineeriyada, dhaqaalaha iyo maamulka bartaa, ma aaminsana inay gaar-hayn, kabal-yeerinimo iyo nadiifiye nime toonna ku shaqaysan karaan. Arintanina waxay caqabad weyn ku noqotay dhallinyarada ayan aqoontoodu furnayn ee halka il wax ka arka, halka dhagna wax ka maqla.

Wiilka ama gabadha dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo bartay takhasuska sare ee aqoonta qalalan (shahaada-site), way adagtahay haddii uu cilmigiisa wax ku waayo inuu wax ka raadiyo meelo kale iyo shaqooyin yaryar oo isaga qudhiisu uu farsamaysan karo.

Jiritaan la’aanta waqti hawl’gabnimo ee waayeelka
Waayeelku waa caqabad iyo gidaar qallafsanaantiisa leh oo dhallinyarada ka hortaagan shaqooyinka muhim ah. Walow dadka shaqeeya ee dalka badidood ay yihiin duqay, haddana deegaannadu way is-dhaamaan, oo haddii aad u dhug-yeelato xafiisyada shaqo ee dowliga ah, waxaad arki waayeelku inay ku barraaqsadeen kuraas deeqi lahaa dhallinyaro badan oo cidlo taagan.

Mid kamida ragga qurbaha waxbarashada u aaday ayaa yiri; oday duq ah oo kamida waayeelka shaqeeya ee maamulka Puntland ayaa muddo tobaneeyo sano kahor intaanan jaamacadda aadin, annaga oo ku sugan xarunta ayaa waxan xusuustaa isaga oo naleh; “Dhallinyaroy waxaa tihiin mustaqbalkii berri ee dadaala oo meesha iska qaada” Muddo dheer kadib markii an jaamacadda soo dhameeyay, cimrigayguna uu is-gurayo ayan isla goobtii seminar ku imi, mise odaygii oo xataa sunniyaha ka cirraystay ayaa taagan oo weliba nagu akhrinaya hadalkii uu maalintii hore nagu lahaa. Markaas ayan odaygii qabsaday oo ku iri adeer waa goorma berridayadu, waa adiga tan iyo gugaas ba nagu lahaa dhallinyaroy mustaqbalkii berri baa tihiin?

Waxaad arki oday duq ah oo haddii la doono aan aqoon iyo xirfad toonna lahayn oo fara-maroojistay boosas dhowr ah, oo kaaga-darane ay guriga u fadhiyaan dhallinyarao hablo iyo inamaba ah oo soo toosa, cuna oo cabba , deetana sidaa ku laxleeya.

Baraarug la’aanta dawladda ee faca dhallinyarada
Inta badan dowladeheennu kuma baraarugsana xoogga, xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada, waxaad marar badan arki masuuliyiinta oo madaxa u salaaxaya dhallinyarada iyaga oo oranaya mustaqbalkii berri ayaa tihiin

Maamullada dalku wax badan kamasoo qaadaan dhallinyarada badan ee hurdada iyo sariirta ku xayraamay, ee mustaqbal-xumada iyo shiidka shaqo la’aantu ay lafaha ka tumeen.Waa macquul inaad aragto masuuliyiin u tacsiyeynaya dhallinyaro tahriib ku dhimatay, balse way adagtahay inaad aragto iyagoo shaqaaleysiinaya tiro dhallinyaro la sheegi karo ah, kuwaas oo aqoon ama xirfad leh.

Cawaaqib-xumada shaqo la’aanta dhallinyarada

Mar walba oo dhallinyaradu ay noqoto tu bayhoofsan oo la liicaysa garasho-yari u gaar ah iyo daryeel la’aan bulsho iyo dowladeed, waa marba marka ay kordhaan dheef-xumadoodu.Walow ay jiraan boqno-goys iyo beer-goys aan tira lahayn oo shisheeyuhu uu doc walba inakaga hayo, haddana waxaa jira khuraafaad badan oo tashwiish ahaan la inooku furo, si innaga qudheenu aan u-kala didno. Sidaasna aan ku noqonno bulsho kala-shekisan oo u nugul wararka cid walboo wax inaka tiraahda amaba wax inoo yeerisa.

Haddaba walow ay dalkeenna ka jirto xaddi shaqo la’aan oo aan la inkiri-karin, haddana reer galbeedka iyo cidaha wax inaka qoraa marar badan ayey ka been-sheegaan xaqaa’qda. Bulshadeenuna waa tu badow gu uu ku batay, sidaa darteed waxan ku gawracmannay in an si fudud ku aaminno wacaalka iyo cilmi-baarista shisheeyaha oo waayadan dame noqotay hanaan casriyeysan oo lagu harowsado bulshooyinka badowga ah, bal’e lagu ba guumeysto.

Waxaa la yiraahdaa mar walba oo shaqo la’aantu ay kororto, waa mar walba oo ay kordhaan shiddooyinka naafeeya bulshooyinku.Shaqo la’aantu waa bullaacad quruntay oo soo butaacda musiibooyin iyo mixnado badan oo dhala caruur aan la mahdin oo ay kamid yihiin; Aragagixiso nimo, daroogaysi, tahriib iyo weliba burcadnimo leh bad iyo berri.

Dhallinyarada oo ah facca ugu nugulsan dabaylaha arxan-darro ee shaqo la’aanta. Kuwooda xaraabada iyo xiisaha salka jilicsan u qaba diinta ayaa marka ay wajahaan marxaladdan shaqo la’aanta ah, waxay ku-dhiiradaan la-qaraabaysiga kooxaha xagjiriinta ah ee ku-suuq mara afkaarta diimeed ee durugsan.Kuwooda mukhaadaraadka, fisqiga, iyo tumashada habaarka ku qaba ayaa iyagu mararka ay wajahaan shaqo la’aanta, waxay fursadda fiican u-arkaan inay musaska iyo meelaha baas iskaga marqaamaan, sidaas na kaga dhaca masraxa nolol-wanaagga.

Dhallinyaro badan ayaa markii ay shaqo la’aanta galaan, iyagu waxay si fudud ugu sannifaan dalka, gebi ahaanna joogitaankiisa iimaan la’aanna ka qaada.Dabcan waa macquul qaarkood inay qaatiyaan ka taagan yihiin odayaal baas oo is-haybaysi wax ku shaqaalaysiiya, oo aanan arag awoodda maskaxeed iyo midda muruq ee dhallinyaradaa shaqada ugu martida ah. Balse waxaa jira xarfaan badan oo awal ba aan waxba isla hayn oo reer hebel baa dalkiiba haysta iyo cunfi hoose fursad marmarsiiyo shaqo la’aaneed ka dhigta.

In-kastoo ay jiraan mooryaan badan oo ka faa’iideysata dheelliga shaqo la’aaneed ee dalka, haddana waxaa jira qolo tiro ahaan badan oo iyagu ku xayraama jidadka berri iyo kuwa badeed ee dalka. Qoladani waxay isugu jiraan dhallinyaro xoogeysato iyo xirfadley ba, iyagu waxay nolol maalmeedkooda karaadiyaan jidgooyooyin ka, waana qolo qahar badan ku haysa cid waloo dalka ku dhaqan.

Waa maxay xalku ?

Dhallinyaradu si ay uga baxsadaan shaqo la’aanta la sheego, waa inay noqdaan kuwo leh shakhsiyad isku-filan oo aqoonteeda, xirfaddeeda iyo damiirkeeda suubbani ay u ehel yihiin, si ay u noqdaankuwo ku hawl-gala aqoon maaddi iyo tu diimeed midkood oo ay leeyihiin, kuwo quutul-yoomkooda ka hela xirfado ay leeyihiin (mowhibo amaba tu aybarteen). Iyo qolo saddexaad oo iyagu aanan lahayn aqoon iyo xirfad toonna balse dhiirranaan hawleed iyo af-miishaarnimo xaqooda ku dhacsada. Kuwaas oo aqoon iyo xirfad ahaan isku-filan, welibana ka caaggan dicaayadaha raqiiska ah ee jaalkooda jirran iyo facaadda ciilka iyo rajada kunool.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay ku baraarugaan inay ka qaangaareen caruurnimadii iyo xilligii loo arrimin jiray cududdooda curdanka ahayd iyo caqligooda la harowsan jiray, oo ay ogaadaan inay wax ku leeyihiin dhismaha iyo dheelli-tirka nolosha bulshadooda.

Dhallinyaradu waa inay noqdaan kuwo indha-furan, waaci ah oo waabsi iyo booto aan lagu banjarin karin xooggooda xasilan iyo xiskooda xishoodka badan. Kuwaas oo markii la luggooyo aan miciinsan ciil-qab iyo boohintii caruurnimo, isla-markaana aanan u cararin xasaska, xagjirnimada iyo ku-xayraamidda jidadka.

Dhallinyaradu waa inay noqdaan kuwo taxadar dhow iyo mid dheer kaga jira xubnahooda u wagwag leh xumaanta ku-meel-gaarka ah iyo ganac-goyska waayaha, isla-markaana gaashaan adag iska-beekhaamin kara cawaaqib-xumada iyo calowga adduunyo iyo midka aakhiro ee sugaya haddii ayan maankooda iyo muruqooda miiran.

Dhallinyaradu waa in ay noqdaan kuwo soo jeeda oo la socda ilbaxnimada ay asaagood gaarayaan iyo asaasaqnimada ay dhex-dabaalanayaan. Waana inayan laabtooda u ballaqin duqeyda badidood kharribantay ee dibna-goyska kuhaysa, isla-markaana tartanka dabiiciga ahi uu ka dhexeeyo.

Dhallinyaradu waa inay helaan fursad ay kaga badbaadaan naxliga iyo nifaaqa duqeyda, oo weliba ay kaga nefisaan buufiska iyo beenta qowleysatada siyaasadeed iyo urur-diimeedyada aanan is-arki karin. Haddaba si-arrintani ay u-suura-gasho waa in dowladdu ay dhallinyarada ka dejisataa qorshe dhigan oo la dheehan karo, isla-markaana ka samata-bixin-kara xaaladda kala-guurka ah ee ay la luudayaan.

W/Q: Barkhad Cabduqaadir Awcali & Cabdiweli Cabdullaahi Waaberi

SHEEKOOYIN