Sharciga Aamminaadda! W/Q: Hassan Mudane

Sharciga Aamminaadda!

 

Haddaad aamminsan tahay in aadan gaari doonin yoolkaaga ama hammigaaga ogow ma gaari doontid balse haddaad aamminsan tahay in aad xaqiijin karto yoolkaaga ogow waad xaqiijin kartaa. Haddaba, si aad u gaarto yool walba ama himmilo walba waa in aad marka hore aammintaa kuna dhaqantaa sharcigaan adiga oo raacaya talaabooyinka iyo talooyinka uu aan kuu tilmaami doono.

Shaki kuma jiro in aad xaqiijin doonto yoolkaaga waa haddii aad isku kalsoon tahay 100% una bandhigto maskaxdaada sawir ama hummaag muujinaya adiga oo gaaray yoolkaagii, isla markiiba maskaxdaada ayaa la qabsan doonto hummaagaas kaddibna iyada ayaa u beddeli doonto sawirkaas mid run ah. Ogowna wax walba oo maankaagu janto aammintana in aad heli karto murti baa tiraahda:

Hammigaaga waad hanataa, Haddaad u hawshoodo, Hammigaaga waad ku hungowdaa, haddaad ka harto.”

Aamminaadda waa awoodda labaad ee maskaxda kalsooni siin karta. In kasta oo ay muhiim tahay in aad aamminto wax walba oo aad ku hamminayso haddana ha quusan oo aammin in aad xaqiijin karto wax walba oo maankaaga janto waayo markaad aamminto in aad wax qaban karto ayay maskaxdu helaysaa awood badan iyo kalsooni ku filan waxayna inta badan isku shuqlin doontaa sidii ay u raadin lahayd sawiradii qurxoonaa ee maskaxdaada ku dhex jiray.

Dr. Murphy wuxuu yiri “fekrad walba waa sabab xaalad walbana waa natiijo.” Haddaba, ma sawiran kartaa adiga oo ku guulaystay yoolkii aad dhigatay? Intaad dhowr daqiiqo indhaha isku yara qabato niyada gasho adiga oo xaqiijiyay oo ku guulaystay yoolkaagii, iskuna day in aad maskaxdaada ku dhex abuurato hummaag maskaxeed ku salaysan waxa aad dareemayso, guusha aad dalbanayso, sidii ay noloshaada isku beddali lahayd iyo gaariga aad ku socon lahayd waa haddii aad gaarto yoolkaaga’e.

Lama rabo oo kaliya in aad sawirato balse waxaa kaloo loo baahan yahay in aad samaysato dareen ku dhisan dhaqdhaqaaq sida adiga oo gaariga isteerinkiisa ku dhagan, adiga oo ku socdaalaya waddada Maka Al-Mukarama una socda xafiiskaaga shaqada ama xeebta liido.

Si kastaba, joogtayso hummaag maskaxeedkaas illaa ay maskaxdaada kala qabsato kana soo saarto awoodii kugu kaydsanayd. Haddaad sidaas fasho waxaa la hubaa in ay maskaxdaada si xoog leh u aammini doonto sawirkaas iyada oona kaa caawin doonto sidii aad ku xaqiijin lahayd himiladaada una gaari lahayd guusha aad u qalanto.

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraaga Buugga Sirta Guusha

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

SHEEKOOYIN