Sharciga Joogteynta! WQ: Hassan Mudane

 

 

Sharciga Joogteynta

Sharcigan joogtaynta waa waxa dadka guulaystay u sahashay kana dhigtay kuwa ka duwan dadka kale ee caadiga ah. Isweydii su’aasha ah immisa jeer ayaad joojisay isku dayga markii aad dhowr jeer guul darraysatay? Himilooyinka aad leedahay inta ay rabaan ha la’ekaadaan, waxaad ku baraarugtaa in ay waddada guusha kaaga horrayso qodxo badan taasina waa qeyb ka mid ah nolosha, marka waa in aad u sahay qaadataa oo aad soofaysataa faaskaaga, si aad u xaqiijiso yoolkaaga.

Waxaa jirta sheeko ka dhacday dalka shiinaha, sheekadaasi waxay ku saaabsan tahay geed ka    baxa dalkaasi oo lagu magacaabo Bamboo. Geedkaas waxaa beeran jiray qoys beeraley ah. Way daryeeli jireen maalin walba ayay waraabin jireen balse muddo afar sanno ah dhulka muusan ka soo bixin, laakiinse markii la gaaray sanadkii shanaad ayuu mar qura dhulka ka soo baxay isaga oo u koray sida geed afar sano baxaayey oo kale.

Geedka Bambo ee Afarta sanno la sugayey eeg halkuu dhererkiisu gaarey!

Haddase, xiisaha ay sheekadu leedahay waxay tahay qoyskii beeranaayay marnaba maysan isdhiibin mana aysan ka caajisin joogtaynta, dhowrida iyo waraabinta geedkaas muddadii afarta sano ahayd, waxayna sheekadu gaartay dadkii tuulada deganaa waxayna noqotay mid xiiso badan reebtay. Sikastaba, sheekadu waxay nabartay saddex shay oo guul oo dhan saldhig u ah waana: go’aan, dulqaad iyo joogteyn.

Nin dan leh ma daalo
“Waxwalba oo nagaada way miro dhalaan”

Adeegso fikradaan aan ugu magac daray ‘Feker oo gadaal soo eeg! Waa fikrad awood badan ku siin karta haddaad la qabsato oo aad dhaqan geliso waxaa la hubaa oo aan shaki ku jirin in aad guulaysan karto, waana hab feker ku dhisan dabeecad wanaag, laqabsi iyo joogteyn. Samayso qorshe nololeedka shanta sano ee soo socota kaddibna abuuro humaag maskaxeed kaddibna muuqaalayso iyada oo shantii sano kuu dhammaatay. Soo qaado buug iyo qalin iskuna day in aad u diyaariso maskaxdaada ka jawaabida su’aalahan:

  1. Sidee noloshaada isku beddali lahayd?
  2. Maxaad qabsan lahayd?
  3. Shaqo noocee ah ayaad haysan lahayd?
  4. Nolol noocee ah ayaad ku noolaan lahayd?
Ha daalin ee dulqaad yeelo, si aad dantaada u gaarto oo aad door u ahaato lagu daydo.

 

Si kastaba, u abuur noloshaada muuqaal ama hiraal ku dhisan waqti dheer sidoo kalena ku dhex abuuro maskaxdaada humaag la xiriira meesha aad hiigsanayso. Ogowna haddaad sidaas fasho waxaad noqonaysaa qof dhiiran una firfircoon xaqiijinta hamigiisa.

 

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 2aad, bogga 28aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

 

 

SHEEKOOYIN