Sheeka Gaaban: Dhiig haw daadin waxaad nabad iyo nidaam ku heli karto. W/Q: Cabdullaahi M. Maxamuud(Siyaasi)

11136657_10153234259435900_2305092892496430724_n“Dhiig ha u daadin waxaad wada hadal ama aad qaab kale ku xalin karto”

Goor ku aadan 1952di,nidaamka koofurta dalka Soomaliyana uu gacanta ku haayay isticmaarki Talyaaniga, ayaa dhul Baadiyaha Waqooyi Bari kaga aadan Degmada Jowhar waxaa ka dhacay, Sheeko in badan darsi u noqon karto,dadkana ka baran karo in mar mar loo baahan yahay kaashiga Caqliga Ilaahey nagu manneystay si looga badbaado ama looga koro dhiig ku daato khilaaf lagu xalin karo wada hadal ama qaab kale oo xal u noqon karo khilaafkaas.

Oday la yiraa Xaamud Irille ayaa wuxuu Diir ama Digir ku beertay Dhul Ballaciisa uunan sidaas u weyneyn ,dhanka galbeedna kaga aadan dhulka beesha reer Budoole ee oday Xaamud Irille uu ka soo jeedo, dhulkana wuxuu dhacaa gudaha xuduudka Beesha reer Karuure oo ay bah-wadaag yahiin Beesha reer Budoole ama wada dhasheen ,dadka kale ee deegaanka degganne ay iska xigaan, Jufo hoosana isku yihiin.

Oday Xaamud Irille kolki beerta u baxday ,gurashada dhamcasadeedana aynan wax badan ka dhineyn, ayaa bxitaanka beerta Xaamud Irille uu ka war helay oday qaswade ah oo deegaanka laga wada yaqaan ,balsa makrikiisa aan laga digtoonaan ilaa iyo inta uu dhib ka dhax abuuro dadka walaalaha ah ee wada deggan deegaankaas, odayga qaswadaha awaxaa la yiraa Xaaja-diid.

Xaaja-Diid wuxuu odayaasha reer Karuure oo iyaga aad uga tira badan reer Budoole dad ahaan u sheegay ama dhaxdooda ku faafiyay war ah in dhulkooda uu iska beertay Xaamud Irille isaga oo aan iyaga ku wargelin ,ka ijaaran dhulka ,isaga oo is leh wax kalama ogo ciddaan ee iska beero.

Meeshaas waxaa ka bilawday Dhiilo kicisay quluubta Reer Karuure iyo dhallintooda ,odayaashooba taabtay, arrintan waa ka wada fadhiisteen,kuwooda aad u kulkulul ee miisaanka xooggan ku leh reerka dhaxdiisa waxay go’aamiyeen in Oday Xaamud Irille aan Beerta lagu dhax arag mar dambe ,Diirtana laga guro,lagana gubo ,dhulkana laga r o laga eryo,maadaama uu heybada reer Karuure uu hoos dhigay ,si ula kac ahna u yasay jufada Reer Karuure.

Reer Budoole warkaas dhiilada ah waa gaaray ,sida uu isla warkaas u gaaray Oday Xaamud Irrile ,Reer Budoole iyagana waxay waceen Oday Xaamud Irille iyo igaartiisa ,waxayna fadhi dheer keddib go’aan ku gaareen in ay Reer Karuure iska dhicayaan, Beerta wiilkoodana aan la baab’in karin inta beerta ay ka gaareyso gurashada dhamcasadeeda, keddibna uu oday Xaamud Irille dhulkooda uga guurayo ama uga baxayo, Go’aankaas keddib ayaa Oday Xaamud Irrille jufadiisa ku yiri:

“Beerteyda anigaa beertay,waana ku mahadsan tihiin garab istaagiina,dhiiga dad wada dhashayna loo daadin-maayo Beerteydaas yar darteed,idinka ii daaya anigaa iska daafacayo reer Qorrax,Ballane waxaan idinka qaadaa in Beerta wixii faa’iidao aan ka heli lahaa aan soo ceshanayo ,dhiigna uunan u daadaneyn beerta Darteed”

Buuq badan iyo warar xooggan oo lays dhaafsado keddib Reer Budoole waa qaateen taladi Oday Xaamud Irrile , iyaga oo weliba ka xun ,kuna kalsooneyn warka oday Xaamud Irrille u sheegay ,dareensane in berri lagu sheekeysan doono in ay daafici waayeen wiilkooda.

Reer Karuure go’aankoodi ku aadanaa gubista Beerta waa ka dhabeeyeen, waxay isugu tageen Beerti Oday xaamud Irrille dhaxdeeda ,laakin Xamud Irrile waqtigaas ay tagayaan beerta ,habeenimada ka horeysay ayuu beerta tegay ,wuxuuna ka soo gurtay dhawr geed oo Digir ah, dhamcasadina ka raaracdo ,kolki ay Reer Qorrax yimaadeen Beerta waa tirtireen Digirti ,waana gubeen ,waxayna ku Shireen Beerta dhaxdeeda iyaga oo leh ,awalba waa ogeyn in Oday Xaamud Irrile iyo ciddiisa lugta la galeen waxaan tabartooda ahayn ,maadaama aynan ku dhicin in ay iska kayn dhiciyaan.

Warkaas Oday Xaamud Irrile dhegahiisa ayuu ku maqlayay waayo, wuxuu saarnaa geed Garas ah oo aan ka fogeyn Beerta ,dusha ayuuna ka fiirsanayay sida ay wax yeelayaan Reer Karuure ,ka dib reer Karuure shir ,dig-dig iyo booto keddib waa iska baxeen,waxayna gurya noqdeen aqaladoodi , Oday xaamud Irrile isagana juuq uma dhihin ,wuxuuna soo qaatay Dhawrki geed ee digirta ahaa ,dhamacasadina ka raaracdo ,wuxuuna aaday Saldhig ay isticmaarki Talyaaniga ku lahaayeen Degmada Jowhar ,isaga oo mar hore sii qorsheeyay in uu dacweeyo reer Karuure haddii ay dhabeeyaan baab’inta Beertiisa .

Askarti Talyaaniga waxay Oday Xaamud ku dareen Askar kala saaran laba Jiib ,askarta waxay ku hubeysnaayeen qoryo Lixlayaal iyo kaarabiino ah, kolki ay gaareen deegaanka Baadiyaha ee labadan reer deganaayeen, waxay guryahooda ugu tageen Duqowdi Talyaaniga u diiwaan gashanaa in ay madax u yihiin reer Karuure ,waxay weydiiyeen: “Ma jirtaa inaad gubteen beer uu lahaa Xaamud Irrile oo deegaankan ku taalay delegna uga baxayey?2

Waxay odayaashi yiraahdeen: “Waa dhacday arrintaasi waana gubnay, waayo dhulkeena ayuu beertay idin la’aan”

Askarti waxay mar kale odayaasha weydiiyeen: “Ma u soo dacwooteen saldhiga uu maamulka talyaaniga ku lahaa degmada Jowhar ,masa ku wargeliseen Beelaha kale ee idin la deggan si khilaafkaas loogu dhameeyo wada hadal ?”

Odayaashi reer Karuure waxay yiraahdeen: “intaasba ma yeelin,mana dhicin” kolki ntaas lays dhaafsaday Odayaashi reer Karuure iyo oday Xaamud waxaa la wada geeyay Saldhiga Jowhar ,waxaana reer Karuure lagu xukumay qiimihi lagu qiimeeyay beerta baxday ee la arkay geedaheedi oo dhamcasa leh,guristeedana wax yar ka dhinneyd iyo masaafada ay ku tiil oo askarta soo cabireen kolki ay tageen deegaankaas.

Reer Karuure waa ku qasabanaadeen in ay iska bixiyaan lacagti lagu xukumay, sidaasna Oday Xaamud Irrile wixi dadaal ka galay beerta waa soo dhacsayay ,iyada oo aynan isu gacan qaadin labada reer, Reer Budoole iyo reer Karuure oo labadaba dadkiisa ah, dhiigan aan loo daadin beertaas darteed.

Mudda gaaban keddib kolki ay ka soo wareegtay qisadaas, waxaa dhacday colaad labadan reer ku qasabtay in ay meel ka soo wada jeestaan.

W/Q: Cabdullahi Macalin Maxamuud.

 

SHEEKOOYIN