SHEEKADA TEDDY | TURJUME: IBRAAHIN-NOLOSHA

Markii ay soo hor istaagtay ardayda fasalka shanaad, oo aheyd maalintii ugu horreysay ee ay dugsiga tagto, waxa ay carruurta u sheegtay hadal aan run aheyn. Si la mid ah bareyaasha kale, waxa ay wada eegtay ardaydii fasalka, waxa ayna u sheegtay in ay si isku mid ah u wada jeclaan doonto. Si kastaba ha ahaatee, taasi maangal ma aheyn. Waxaa jirey wiil fasalkaas dhiganayey oo lagu magacaabo Teddy Stoddard, oo dadaalkiisu aad u liitay.
 
Marwo Thompson, muddo sanad ah ayey u fiirsaneysay Teddy, waxa ayna ogaatay in uusan carruurta kale la mid aheyn lana ciyaarin, taas oo ay u dheereyd in uu ahaa mid uskag badan. Aad bey ula yaabi jirtay sababta uusan u qubeysan iyo daryeel la’aanta ka muuqata. Ku darsoo, Teddy wajigiisa wax farxad ah lagama dareemo. Taasi waxa ay keentay in Marwo Thompson ay ardaygan dhibsato, maaddaama uu waxbarashada ka sii jeeday, waxa ayna waraaqihiisa imtixaanka ka buuxin jirtay qalin casaan ah, iyada oo jawaabihiisa ku dul qori jirtay ‘X’ weyn, ka dibna F [failed] bey ku abaalmarin jirtay qeybta sare ee waraaqda, ee natiijada lagu qoro.
 
Maalin maalmaha ka mid ah, maamulkii dugsiga ayaa Marwo Thompson ka codsaday in ay dib-u-eegis ku sameyso, diiwaannadii hore ee ardayda. Howshii ardayda kale kolkii ay gabogabeysay bey soo gaartay keydkii gaarka ahaa ee Teddy, markii uu dugsiga soo galay illaa laga soo gaaro fasalkii uu markaas dhiganayey, ayey baartay dhibcihii uu keeni jirey. Wey qaadan weysay! Wixii ay aragtay baa lamafilaan iyo amakaag ku noqday.
 
Macallinkii fasalka koowaad ee Teddy wax u soo dhigi jirey baa qoray faalladan kooban, oo u dhigneyd sidan: “Teddy waa wiil aad u wanaagsan oo mar kasta faraxsan. Si nidaamsan ayuu uga shaqeeyaa layliga loo diro, dabeecad ahaanna waa mid aad u deggan, misna furfuran oo akhyaar ah… mar kasta wuu iska faraxsan yahay…”
 
Macallinkiisii fasalka labaad ayaa isna qoray, “Teddy waa arday wanaagsan, waana mid aad looga jecel yahay fasalka oo dhan, laakiin waxaa buuq ugu filan xanuunka hooyadiis la soo dersay, dabcan, nolosha guriguna waxa ay markaas u baahnaaneysaa halgan aad u adag, oo isaga ka da’ weyn.”
 
Macallinkiisii fasalka saddexaad ayaa sidoo kale qoray, “Geeridii hooyadiis baa xaaladdiisa aad u adkeysay. Si kasta oo uu isku-day u sameeyo, aabbihiis baan u muujin wax daneyn iyo daryeel ah, nolosha qallafsan ee gurigooda ka jirtana dhawaan wey saameyn doontaa, waa haddii aan la qaadin tallaabo isbeddel leh oo sidan dhaamma.”
 
Macallinkii fasalka afaraad ee Teddy ayaa isna qoray, “Teddy waxa uu ku dhow yahay in uu dugsiga isaga baxo, aadna uma daneeyo waxbarashadiisa. Jaalleyaal badan ma haysto, mararka qaarna, waxaaba dhacda in uu fasalka dhexdiisa ku hurdo.”
 
Markan, Marwo Thompson waxa ay ogaatay halka ay dhibtu ka jirto ee ardaygan laga haysto, waxa ayna dareentay yaxyax iyo xishood, iyada oo falkeedii hore ka qoomameysay. Xitaa waxa ay dareentay in ay geysatay xumaan aan ubad loo quurin. Ardaydii fasalka ayaa maalin ciid ah oo la dabaaldegayey, waxa ay macallimad Thompson u geeyeen hadiyado aad u qurux badan oo qaali ah, balse Teddy tiisu wey ka duwaneyd.
 
Waxa ay aheyd hadiyad uu ku duudduubay warqad duug ah oo sida kartoonka u adag, taas oo uu ka dhex helay dambiil gurigooda taallay. Hadiyaddan uu geeyey, waa xusuus ay hooyadiis ka tagtay oo aad ugu weyn. Intii ay macallimaddu fureysay bey ardaydii fasalku billaabeen in ay qoslaan. Markii ay furtay bey ka dhex heshay jijimo jajaban oo qeybo badani ka maqan yihiin, iyo dhalo barafuun ah oo in yari ku jirto. Iyada oo niyada u dhiseysa ardaygeeda, ayey xustay in hadiyaddu qurxoon tahay, dabadeed, waxa ay soo bixisay barafuunkii oo ay gacanteeda bidix ku biifisay, si ay udgoonkiisa u uriso. Carruurtii baa mar kale ku qoslay hadiyaddan aad u yar ee kala dhimman, iyo barafuunka haafka ah, balse macallimaddu wey ka carootay habdhaqankooda, aad beyna u canaanatay.
 
Teddy Stoddard oo hadiyaddaas u arkayey middii ugu qaalisaneyd ee uu macallimadda guddoonsiin lahaa, baa maalintaas ka dibmaray dhammaan ardaydii kale, waxa uuna ku haray dugsiga, si uu u yiraahdo, “Marwo Thompson, maanta waxa aad u carfeysaa sidii hooyadey macaan oo kale.” Waa uu yiri.
 
Markii ay carruurtii kale bexeen, bey kaligeed oohin jabsatay. In cabbaar ah markii ay oyneysay oo ay is tiri waad nafistay, bey go’aan qaadatay. Maalintaas wixii ka dambeeyey, waxa ay gabi ahaanba joojisay dhigistii maaddooyinka akhriska, qoraalka iyo xisaabta ee dadka waaweyn, taas beddelkeedana, waxa ay billowday sidii ay carruurta oo kaliya wax u bari laheyd. Marwo Thompson, waxa ay il naxariis leh ku eegi jirtay oo ay ku dadaali jirtay Teddy. Intii ay garabtaagneydna, waxa uu noqday arday aad u firfircoon. Markii ay dhiirrigalisaba, su’aal kasta oo la weydiiyo, waxa uu uga jawaabaa si degdeg ah oo xilkasnimo leh. Dhammaadkii sanadkaas, Teddy waxa uu noqday mid ka mid ah ardayda ugu xariifsan fasalka. Marka loo eego beenta Marwo Thompson, wey wada jecleyd carruurta, laakiin Teddy ayaa ahaa kan ay ugu jeceshahay.
 
Sanad ka dib, waxa ay iridda gurigeeda ka heshay xaashi iyada ku socota, oo ka soo gaartay ardaygeedii Teddy, waxaana ku qorneyd: in ay tahay macallimaddii ugu wanaagsaneyd abid ee wax soo barta.
 
Lix sano ayaa ka soo wareegatay ka hor inta aysan dhambaal kale ka helin, Teddy. Markanna waxa uu ogeysiinayaa in uu dhammeystay dugsiga sare, kaalinta saddexaadna uu ka galay fasalkii uu dhiganayey, waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku xusay, in ay weli tahay macallimaddii ugu wanaagsaneyd abid ee wax soo barta.
 
Afar sano oo kale ka dib, waxa ay heshay farriin kale oo Teddy ka timid, taas oo sheegeysay in uu dhawaan ka qalinjabin doono jaamacadda, isaga oo ka mid noqday ardayda ugu dhibcaha sarreeya ee sida gaarka ah loo maamuusay. Sidii caadada u aheydna, waxa uu qeybta dambe ee dhambaalkiisa ku soo gunaanaday, in Marwo Thompson ay tahay macallimadddii ugu wanaagsaneyd ee abid wax u soo dhigta.
 
Afar sano oo dheeraad ah ayaa ka soo wareegatay, haddana dhambaal kale ayuu u direy. Markan waxa uu sharraxayaa, markii uu qaatay shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka dib, in uu go’aan qaatay, kaas oo ahaa in uu waxbarashadiisa sii wato. Waxa uu xusuusiyey in Marwo Thompson ay weli tahay macallimaddii ugu wanaagsaneyd ee wax soo barta, oo uusan illaawi karin. Ku darsoo, markan magaciisa wax baa iska beddelay oo ku soo biiray… warqadda hoosteeda waxaa ku saxiixan magaciisa oo ay raacsan tahay MD, oo laga soo gaabiyey Doctor of Medicine.
 
Sheekadu intaas kuma ekeyn. Bal eeg, warqad kale ayuu isla jiilaalkaas u direy. Teddy baa farriintiisa ku sheegay in uu guursanayo, oo ay jirto gabar ay si aad ah isku fahmeen. Waxa uu intaas ku daray in dhowr sano ka hor uu aabbihiis geeriyooday, isaga oo ka codsaday Marwo Thompson in ay arooskiisa ka soo qeybgasho, oo ay u buuxiso booskii hooyadiis. Dabcan, Marwo Thompson wey aqbashay codsigaas. Maxaad u maleyneysaa in ay soo xiratay? Jijimihii uu u hadiyeeyey bey soo gashatay, oo ay qeybo badani ka maqnaayeen. Waxa ay sidoo kale isku soo biifisay oo aad uga soo kamkamayey, barafuunkii uu siiyey ee haafka ahaa, oo ay keydsatay.
 
Qacdii ay is arkeen bey laabta is galiyeen, ka dibna Dr. Stoddard baa dhegteeda afka u dhaweeyey oo ku yiri, “Marwo Thompson, waad ku mahadsan tahay in aad i siiso kalsoonidan aadka u ballaaaran, oo aad i rumeysato. Qof muhiim ah in aan ahay baad i dareensiiyey, waxaadna i tustay in aan is beddeli karo, aad baan kuugu mahadnaqayaa.”
Wey ilmeysay, ka dibna afkeeda ayey dhegtiisa u dhaweysay, sidii in ay la showreyso oo kale. Waxa ay ku tiri, “Wiilkeygiyow, middaas waad ku qaldan tahay. Waxa aad aheyd qofkii aniga i baray in aan noqon karo qof ka duwan qofkii aan ahaa. Ma garaneyn sida carruurta wax loo baro, illaa aan adiga kula kulmo. Sabab baad u aheyd in aan beddelo habdhaqankeygii xumaa.”
 
Xusuusin: Sheekadan ay qortay Elizabeth Silance Ballard oo Mareykanka u dhalatay, asal aahaanteeda waxaa lagu daabacay markii ugu horreysay wargeyska Home Life Magazine, sanadku markuu ahaa 1976-dii.
Turjume: Ibraahin-Nolosha

 

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN