Sheekadii SODDOHO Q.11aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Guriga markay ku soo laabteen Daahir iyo Baariis, waxaa loo sheegay in uu Aabe soo wacay shan jeer in ka badan, Daahir oo qolkiisa ku jira oo dharka iska soo beddelaaya, ayuu telefoonki soo dhacay, marki loo yeeray ee uu qabsaday, ayuu Aabihii cara kala dul dhacay, wuxuu ku canaantay in uu wakhtigiisa ku lumunaayo islaan kal ku dhufatay oo gaariga ka jejebisay taasina aanay aheyn arrin uu aqbali karo.

Daahir si deganaansha leh marki uu Aabihii u dhegeystay ayuu ku yiri: “Aabe waxaa baabuurka iga jebiyay ciyaal is tuuryeeynaaya ee ma aha in ay hooyo Cambaro iga jebisay” intaa markuu yiri ayay hooyo Barni oo qeylineysa telefoonka ka daftay waxayna tiri: “been ayuu sheegaa, waayoo gaariga waxaa lagu soo jebiyay Qoryooleey, kashi lagu jebiyay ayaana lafteeda lagu dakhray Daahir”.

Hooyo Barni oo su’aal weydiineeysa Daahir ayaa ku tiri: “miyaanay Codweyn ku dakhrin?” Daahir marki uu “haa” yiri, ayay hooyo Barni ku tiri: “haa miyaad tiri? waaba inti aan la’aa in aad galabta qirato ee Aabahaa u sheeg”.

Telefoonki ayay u dhiibtay, markaa ayuu yiri: “Aabe ula kac iima dakhrin, laakiin ayadoo careysan oo rabta in ay igu cabsiiso, ayay kashi igaga fakatay, laakiin dhib badan igama soo gaarin” Aabihii ayaa ku yiri: “wax dambe oo aan kaa dhegeysanaayo ma jiraan, haddiiba ay islaantaas kal kuu soo qaadatay”.

Daahir ayaa yiri: “xaqiiqda dhabta ah soow ma dheysaneysid?” Aabihii ayaa ku yiri: “aan ku maqlo ee iska hadal, waxaadna ogaataa in aad wax iga beddeli karin”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo Cambaro maalin dhaweyd ayay gurigeena timid, taa ma og tahay?” Aabihii ayaa yiri: “maxay ka soo doontay?”.

Hooyo Barni ayaa telefoonka marka kale ka daftay, waxayna odayga u sheegtay in ay Codweyn guriga soo weerartay, laakiin waxaa hadalka ku celiyay Aabe Xaaji Cabdi, oo dhowr jeer ku yiri: “islaantaa in ay guriga timid hore iiguma aad sheegin ee ku celi telefoonka Daahir” intay telefoonki dhiibtay ayay qolki fadhiga ka baxday.

Daahir wuxuu Aabihiis u sheegay, qorshihi uu Aamina ugu dirsaday hooyadeed iyo qaabki uu u dhicisoobay, ka dib ayuu yiri: “Raxmo hooyadeed waxay soo qaaday dahabki aan Aamina u celiyay iyo lacag 8000 oo shilin ah, lacagtaas oo ay ku sheegtay in ay tahay dhaqaalihi nooga baxay labadi xafladood ee dhicisoobay, waa mag dhow ay soo qoondeeysay, maxaa loogu abaal guday! in ciidan loogu yeero si xabsiga loogu taxaabo, laakiin marki la ogaaday ujeedada ay u timid, ayaa hooyo lagu yiri: (islaantaan way saxan tahay, haddii ay kuu soo celisay kharash kaa baxay iyo dahab aad leedahay, sidaa daraadeed xoolahaaga qaado) arrintaa ayay Raxmo hooyadeed ka carootay”.

Aabe Xaaji Cabdi oo dhegeeysanaaya ayay Baariis telefoonka ka qaadatay Daahir, waxayna Aabaheed ku tiri: “Aabe inta uu Daahir kuu sheegay waa runtiis, Raxmana ma aha gabar leyska heli karo, waayoo aniga ayay caawa dersi i siisay”.

Baariis oo sii hadleysa ayaa tiri: “Aabe waxaa maskaxdeeyda lagu shubay in aan guursan karin nin ay hooyo ii soo xulin, haddii aanan ula baxsaneyn sidi walaasheey Basra, waxaan jiraa 21 sano, waxaana mustaqbal ii ah nin ay hooyo ii soo aragto, Raxmo waa iga yar tahay, waana 17 jir, laakiin way ka maskax weyn tahay Basra oo fahmi weyday inta ay gabadhaa fahamsan tahay”.

Baariis oo hadalki sii wadata ayaa tiri: “Raxmo waxay ku fekereysaa sida ay u wanaajin laheyd xiriirka labada hooyo, kuwaas oo ah kuwa iskaga soo horjeeda dhismaha mustaqbalkooda, ayadoo caawa horteyda ka caddeysay in ay walaalkeey jeceshahay, laakiin ay isku guursanaayaan rabitaankooda oo kali ah”.

Baariis oo rabta in ay sheegto mowqifka Codweyn, ayuu Daahir ka diiday oo telefoonki ka dafay, Aabihiis oo ku soo dabcay hadaladooda, ayaa wiilkiisa weydiiyay waxa uu diidan yahay in ay Baariis u sheegto.

Daahir ayaa Aabihiis ku yiri: “Raxmo waxaa i siisay hooyadeed, howshaasna way dhan tahay oo aniga ayaa la iga sugaa in aan wakhti qabsado, anigana waxaa la iiga baahan yahay in ay hooyadeey ka raali noqoto, in aan guursado Raxmo, laakiin waxaa sir noo ahaa qorshe aan hooyooyinka ku heshiisiin laheyn” sidaa ayuu Aabe Xaaji Cabdi ku qancay oo telefoonki kaga baxay.

Ka dib Daahir wuxuu Baariis ku yiri: “yaan lagaa maqlin sirta noo qarsoon, midda kale Raxmo miyaa indhaha kuu furtay?” Baariis ayaa tiri: “caawa ka hor doqon ayaan ahaa, mana fahamsaneyn waxa aan rabo in aan waalidkeey weydiisan karo, kuna mintidi karo sidi aan ku heli lahaa, laakiin waxaa i geesinimo geliyay Raxmo oo ballan qaaday in ay hooyadeed soo ogoleeysiiso in ay hooyo Barni arooska ka qeyb gasho, haddii ay ku guuleeysatana duruusta si fiican ayaan uga qaadanaayaa”.

Daahir intuu ilka caddeeyay ayuu yiri: “anigana waxaa la iga rabaa, in aan hooyo Barni ogoleeysiiyo in ay rabitaankeeyga iigu ogolaato Raxmo”.

Daahir ayaa si toos ah u aaday qolka hooyadiis ay deganeyd, ayada oo sariirteeda ku fadhida ayuu ag fadhiistay, intay soo fiirisay ayay ku tiri: “maxaad iga soo doontay?” wuxuu ku yiri: “maxaan kaa soo dooni waayay soow hooyadeey ma tihid?!”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “hadda ma hadli karayee orod qolkaaga aad” Daahir ayaa yiri: “adiga oo ku jira xaalad aadan hadli karin, sidee kaaga tagaa?”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “waxaad og tahay sida aan kuu jecelahay, waana sababta aad iiga hiilineeyso islaanta tuulada degan” Daahir ayaa yiri: “hooyo raali ahaaw, haddii aan khaldamayna i saamax” wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Raxmo waxay hooyadeed ku tiraahdaa, waxaad iiga hiilisay Daahir hooyadiis, adigana sidaa oo kale ayaad igu tiraahdaa, annagana waxaan rabnaa in aan idin hishiisiino”.

Hooyo Barni ayaa wejiga Daahir fiirisay, markay ka aragtay in uu ka xun yahay Codweyn diidmada ay diiday in ay ka soo qeyb gasho nikaaxiisa, ayay wiilkeeda u gar dhigatay: “Codweyn marka aan gabadheeda wax ka sheegay, oo ay ayadana gabdhaheeyga wax ka sheegtay, aniga ayaad khaladka i saartay….sax” waxay ku andacootay: “Codweyn waxna kama jebin, gabadhaheedana kama dilin, laakiin adiga ayay ku dakhartay oo gaariga kaa jebisay, weli aniga ayaad khaladka i saartay…sax”.

Waxay su’aashay: “sidee baan laba hooyo idiinku noqon karnaa aniga iyo islaantaas aad gar iyo gardaraba ugu hiilineeysaan?”.

Daahir waxaa lagu helay gar wuxuuna yiri: “hooyo waa runtaa, khaladki hore adigaa lahaa, midkaana waxaa leh Raxmo hooyadeed, laakiin waxaad ku sabirtaa in ay Raxmo u sheegtay hooyadeed khaladka ay gashay iyo in la weydiiyay su’aasha aad i weydiisay oo kale” Daahir wuxuu hooyadiis ka soo tegay ayadoo aan wax ka yeelin, laakiin ka raja qaba in mowqifkeeda ay beddeleyso.

Aamina oo aan wax ogeyn ayaa Daahir ugu tagtay shaqadiisi, markay aragtay dakharka ku yaal ayay tiri: “Dumaashi yaa sidaan kuu dakhray?” markuu jawaabta ka warwareegay ayay tiri: “ma jiro nin hooyadeey weydiistay Raxmo oo aanay wax ku dhufan, malaha ayadaa ku soo dakhartay”.

Markuu Daahir uga sheekeeyay wixi dhacay oo dhan ayay Aamina tiri: “waan ku farxay, laakiin waxaan ka baqaa in hooyo ay Raxmo ka ogolaan weydo in ay hooyadaa u ogolaato xafladda in ay timaado” Daahir ayaa yiri: “hooyadeeyba way iga diidan tahay in ay tagto gurigaas, in kastoo aan weli quus ka gaarin”.

Aamina intay xoogaa shaxaadka ah ka qaadatay Daahir, ayay isku sii deysay Qoryooleey, si ay Raxmo uga kaalmeeyso ogolaanshaha hooyo Codweyn.

 

La soco. ….12aad.

 

 

SHEEKOOYIN