Sheekadii SODDOHO Q.12aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Xaafadda Codweyn oo laga faraxsan yahay ayay Aamina timid, waxay aragtay Raxmo iyo hooyadeed oo howsha guriga wada haaya, waxay is laheyd waxaad u tegeeysaa ayagoo kala boodsan, waxayna damacsaneyd in ay walaasheed ku kaalmeyso qancinta hooyadood.

Raxmo oo faraxsan ayaa soo dhaweeysay Aamina, xoogaa markay xaalada daristay ayay tiri: “hambalyo waan soo maqlay in ay hooyo ogolaatay guurka adiga iyo Daahir” Codweyn oo degsi dhaqeysa ayaa tiri: “adiga maxaad afar iyo labaatan saac uga hadashaa howl aan laguu dirsan?”.

Aamina ayaa ku dooday: “hooyo maxaad saa ii leedahay, waad og tahay in aan jecelahay horumarka walaasheey Raxmo” Codweyn qosol jees jees ah intay qososhay ayay tiri: “walee horumar ayaa iska ba’ay, haddii aad u taqaano mid reer aan ogahay laga gaaraayo”.

Aamina oo markaan shaki ka galay ogolaanshaha hooyadeed ayaa tiri: “hooyo reerku waa reer fiican ee u ogoloow eedo Barni in ay xafladda arooska ka soo qeyb gasho” Raxmo oo rabta in ay hadalka xirto ayaa tiri: “sheekadaa way dhammaatay, hooyana waxba kama qabto arrintaas”.

Aamina intay sacbisay ayay tiri: “waa khabar fiican oo lagu farxo” Codweyn ayaa weydiisay: “yaa khabarka kuu soo dirsaday?” Aamina ayaa ugu jawaabtay: “qof ii soo dirsatay ma laha, laakiin Daahir ayaa ii sheegay in ay asaga iyo Raxmo ku heshiiyeen, midba hooyadiis inuu ku soo qanciyo ogolaanshaha ka soo wada qeyb galka xafladda”.

Codweyn oo joojisay surfiyad ay dhaqeysay ayaa tiri: “maxaad tiri oo ay ku soo heshiiyeen!?” Aamina ayaa tiri: “Raxmo in ay adiga kaala hadasho arrinta eedo Barni oo aad u ogolaato guriga in ay timaado, Daahirna uu hooyadiis ku qanciyo in ay xafladda timaado, laakiin eedo Barni ayaa harsan oo Daahir ka diiday in ay gurigeena timaado”.

Codweyn digsigi ay dhaqeeysay ayay tuurtay, si deg deg ahna waxay uga soo kacday gambarki ay fadhiday, intay labada gacmood gadaal ku qabsatay, ayay billoowday in ay deyrka ku gaardiso.

Gabdhihi shib ayaa ka soo hartay, waxay indhaha ku haayeen hooyadood oo niyada iskala hadleysa, dhegahoodana waxay sugaayeen go’aanka afkeeda ka soo bixi doona.

Codweyn ayaa tiri: “ma anigaa islaantaas lay soo tuugaa in ay gurigeeyga timaado! waa yaab, waxaas oo dhan waxaa ka masuul ah Raxmo” waxay sii raacisay: “anigana waa diiday in ay gurigeeyga timaado, aslan ma ogoli in ay agagaarkeeyga ka soo dhawaato”.

Aamina oo hadli rabta ayay warka ku celisay, Raxmo oo hadal laga sugaayay ayaan juuq dhihin, markaa ayay Codweyn tiri: “kuma weydiin baabuurka dhexdiisa wuxuu ninku kuugu sheegay, sababta oo ah ma aaminsaneyn inuu kaa caqli badin karo” Raxmo ayaa tiri: “hooyo anigaa soo jeediyay qorshahaas, Daahirna waa igu raacay, waxaana rabay in ay goobta joogaan labada reeroodba, aniga taydi haddii aan ka soo baxay, oo aad iga ballan qaaday in aad ii ogolaatay, waxba igama gelin Daahir hooyadiis haddii uu keeno iyo haddii ay ka diido”.

Codweyn waxay ku fekertay in ay haysato qorshe ay dhiiga ugu karin karto hooyo Barni, ayadana ay sabab u noqon karto kala fogaanshaha Raxmo iyo Daahir, sidaa daraadeed ayay u tiri: “in aan ka boxo ballan aan kaa qaaday way i dhibeeysaa, waxaa kale oo i dhibaayo islaanti tuugtami jirtay oo hadda is xariifineyso, laakiin baas ma leh, wax walba waxaan ugu sabraa ballanta aan kaa qaaday” markaa ayaa la wada qoslay.

Hooyo Codweyn subaxaan way ka tagtay kiishki ay qaadan jirtay, Raxmo oo u maleysay in ay illoowday kiishka iyo cuntada ay ku qaadan jirtay, ayaa Raaxo ugu dhiibtay si ay beerta ugu geeyso.

Codweyn waxay aaday guriga reer Xaaji Cabdi, markaan waxay albaabka u garaacday si edeb leh, waxaana ka furtay islaan guriga ka adeegta, islaantaas oo markay Codweyn garatay gudaha ku caratay, ayadoo reerka u sheegeeysa in ay timid Codweyn.

Ayadoo weli aan guriga lug soo gelin, oo fiirineeysa cidda guriga ka soo baxda, ayaa markii ay aragtay hooyo Barni ayay soo gashay, ayadoo ay Barni leedahay: “ha soo gelin gurigeena, maxaa noo kaa keenay?” Codweyn ayaa tiri: “is deji adiga kuuma socdee” hooyo Barni ayaa tiri: “cid kasta oo aad u socotaba gurigeena ka bax oo bannaanka kula hadal”.

Codweyn oo xanaaqday ayaa tiri: “miskiin idin soo tuugsanaayo maan ahay markaan bannaanka ka soo hadlaayo?” hooyo Barni ayaa ugu jawaabtay: “soow tii aad bannaanka ka qeylin jirtay, hadda maxaa iska kaa beddelay?”.

Codweyn ayaa tiri: “hadda nin aan ballan laheyn aan u socdaa” hooyo Barni oo garatay ayaa tiri: “hadda ma joogo Daahir oo shaqo ayuu jiraa ee nooga bax guriga” Codweyn waxay fidhiisatay jaranjarada barandada waxayna tiri: “intuu ka yimaado, ayaan halkaan u sii fadhinaa”.

Hooyo Barni ayaa ku tiri gabdhaheeda booliis noogu yeera, Baarliin oo wici rabta ayay Baariis ka siibtay fiiladi telefoonka, waxayna ka dhaadhicisay inuu walaalkood jecel yahay Raxmo, waxayna ku tiri: “waa ceeb waxa aad sameeyneeyso, hooyana ha u sheegin in aan telefoonka kaa demiyay, waxaad ku tiraahdaa ciidanki way soo socdaan”.

Codweyn ayaa hooyo Barni weydiisay: “aniga oo aan kuu ogolaan gurigeeyga ma imaan karid, waayoo gabadheeyda wax kaala dhexeeya ma jiraan, laakiin aniga wiilkaaga ayaa wax igala dhexeeyaan, xurna waa u ahay in aan u imaado” hooyo Barni ayaa tiri: “gurigaaga maxaan ka soo doonaa?” Codweyn oo su’aashaa jecleysatay ayaa tiri: “hadda adigoo socoto haddii aad imaan weydo, maalin dhaw adigoo garguuranaayo ayaad imaanee”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “cusbo ii keena islaantaan habaar ayay meesha iila soo fadhiisataye” Codweyn ayaa tiri: “ha habaar lahaane, yaan ku arkin adigoo diraca tafta haysta oo gurigeeyga u soo socda”.

Waxaa timid Baariis oo wada galaas canitaan ah iyo kursi ay Codweyn ku fadhiisato, intay barandada u dhigtay ayay tiri: “eedo kursigaan soo fadhiiso, biyahaana cab” Codweyn oo danteedi gaartay ayaa tiri: “meel aan la iga rabin, cid aan ku sugaaya ma jirtee, waxaad u sheegtaa walaalkaa inuu iga soo daahay, oo aan wax badan sugaayay ee ha ii yimaado”.

Markaa ayay salka ka dhabaandhabatay (ka jafatay) jaranjaradi ay fadhiday, ayadoo Baariis ay leedahay: “eedo sug anigaa Daahir shaqada kuugu geeynaayee” ayay Codweyn ka baxday albaabka.

Raaxo markay beerta ka soo laabatay ayadoo alaabti wada, Raxmo way garatay in ay hooyadeed aaday magaalada Muqdisho, waxayna qiyaastay in ay billaabi doonto mushkilad cusub.

 

La soco. ……13aad.

 

 

SHEEKOOYIN