Sheekadii SODDOHO Q.18aad. W/Q. Ahmed Hayow

Galabnimadi ayuu Daahir ka soo baxay Afgooye, markuu Qoryooleey soo galay, ayuu fiiriyay meeshi ay Raxmo uga degatay, markuu ka soo jeestayna, wuxuu arkay mootadi oo god ku sii socota, wuxuu deg deg ku qabtay bareega, ka dib mootadi ayaa dhinac ula dhacday, waxaa dhaawac ka gaaray xusulka midig iyo lugta midig, dhaawaca waxaa uga daran jugta gaartay, oo xabadku la xanuunaayo, Ciidamo booliis ah ayaa geeyay cisbitaalka, mootadiisiina geeyay saldhiga, si uu uga qaato marka uu soo caafimaado.

Isteerinka ayaa xabadka uga dhacay, markay mootada dhinac u liicdayna, wuxuu laamiga ku dhufsaday xusulka iyo jilibka midig oo murxay, ka dib marki mootada ay ku jiiday laamiga.

Codweyn oo casarki wixi ka dambeeyay eegeeysay albaabka, ayaa markay qoraxdu dhacday waxay is tiri: (Daahir armuu reerkiisa aaday?) ayada oo og in aanu Raxmo la hadlin ayay weydiisay: “Daahir inuu imaaneynin miyuu kuu sheegay?” Raxmo ayaa tiri: “wax aan aheyn inuu weligii iga tageynin iima sheegin ee maxaad hooyo aragtay?” Codweyn intay madaxa ruxday ayay tiri: “Raxmo rag aamin ma galo, caawa ayaan ku tusaa inuu Daahir been kuu sheegay”.

Raxmo ayaa tiri: “Daahir haddii uu been ii sheego, nin dambe been iima sheegaayo, waayoo mid ka dambeeyo guursan maayo” Codweyn oo hadalkaa ka naxday ayaa tiri: “Daahir haddii uu ku furo nin kale ma guursaneysid!?”.

Raxmo ayaa ugu jawaabtay: “sidaa ulama jeedin hooyo, waxaan ula jeeday Daahir haddii lagu khasbo inuu i furo”.

Way garatay Codweyn waxa ay gabadheedu ka hadleyso, ka dib ayay weydiisay: “Daahir haddii ay reerkiisa khasbaan ka waran?” Raxmo ayaa tiri: “reerkiisa uu ka yeeli waayay in aan gurigooda degno, kama yeelaayo in aan is furno”.

Codweyn oo hadalkaa ka carootay ayaa tiri: “reerka Daahir anigaa ku khasbay inuu inan la yaal noo noqdo, waana ogtahay sababta aan u rabo inuu inan la yaal noo noqdo, laakiin waxaan ku weydiiyay maxay tahay sababta aad Daahir u difaaceeyso?” Raxmo ayaa tiri: “waa nin daacad ka ah in aan wada noolaano, waxaana caddeyn kuugu filan guriga uu ka soo tegay iyo guriga uu yimid, waxaana markhaati kuugu filan sida uu kuu ixtiraamaayo iyo sida uu go’aamadaada u fulinaayo”.

Codweyn ayaa ku dooday: “xayaysiinta aad Daahir u sameyneyso bes iga dheh, muxuu yahay go’aamada aan gaaray oo uu ii fulitay?” Raxmo ayaa tiri: “hooyo runta ma rabtaa?” Codweyn ayaa tiri: “haa, sheeg xayaysiinta Daahir, ileyn middaa ayaad run u hatsataaye” Raxmo ayaa tiri: “reerka Daahir ayaad ku khasabtay inuu gurigeena soo dego, sida ay arrinkaa u diideen, haddii uu Daahir ula diidan yahay, aniga iyo asaga isma guursaneen, taa waxay micnaheedu tahay inuu Daahir fuliyay go’aankaaga”.

Codweyn ayaa tiri: “wagagac, maba ogeyn in aad Daahir intaa u jirtid, laakiin waxaan kuu sheegaa qorshaha aan damacsanaa” Codweyn oo ka laba labeysay in ay u sheegto iyo in kale, ayay Raxmo agteeda ka dhaqaaday, ayadoo aan jecleysan in ay maqasho qorshaha cusub oo ninkeeda looga furaayo.

Marki ay saacadu ku dhawaatay siddeedi habeenimo, Daahirna aanu weli imaan, ayay Codweyn qolka ugu gashay Raxmo oo sariirteeda xabad xabad ugu jiifto, waxay ku tiri: “laba saac ayaa la gaari rabaa, waana ogtahay in albaabka uu xiran yahay laba saac wixii ka dambeeya, haddii aad ii sheegin wax macquul ah oo aad isku ogeydeen adiga iyo Daahir” Raaxo oo hadli rabta ayay Codweyn hadalka ku celisay, ka dibna Raxmo ayay deyrka ula soo baxday.

Raxmo ayaa tiri: “Daahir ma oga laba saac inuu albaabku xiran yahay, haddii uu yimaado wixi ka dambeeyana, waxaad u sheegtaa sharciga guriga” Codweyn ayaa tiri: “Daahir caawa muraad ayaan ka leeyahay” Raxmo ayaa tiri: “muraad sidee ah?” Codweyn ayaa tiri: “adigaa arki doono”.

Sideedii oo daqiiqada dhiman ayuu Daahir tagsi uga soo degay guriga albaabkiisa, wuxuu soo galay asagoo gacan iyo lug ka duuban yihiin oo dhutinaaya, wuxuu watay bac ay daawooyin ugu jiraan.

Raxmo markay aragtay ayay garabka ka soo qabatay, ayadoo weydiineeysa waxa ku dhacay, Daahirna wuxuu sheegay in ay mootada la dhacday, kuriga markay ku fadhiisisay ayuu hooyo Codweyn salaamay, markay ka qaadi weyday, ayay Raxmo waxay hooyadeed ku tiri: “hooyo, keen furaha qolka sariiraha yaalaan” Codweyn oo rata in ay ogaato ujeedada Raxmo, ayaa u keentay furihi, Raxmo waxay furtay qolki, markay soo gogoshay ayay Daahir u timid, waxay ku tiri: “biya kulul iyo casho ayaan kuu keenaayaaye, qolka aan ku geeyo”.

Sariirta markay soo saartay, ayay jikada soo aaday, waxayna u saartay biyo kulul, ka dibna waxay gashay qolka hooyadeed, waxayna ka soo qaadatay boorso lagu shubo biyaha kulul oo ay hooyadeed leedahay.

Intaa ay Raxmo shaqeyneyso, hooyadeed ayadoo aan la hadlin ayay fiirineysay, Raxmo oo howsheeda wadato ayaa Daahir u geysay boorsadi, waxayna ka saar saartay xabadka oo xanuunaayay, si uu dhiiga uga kala koco.

Waxay Raxmo u soo baxday in ay Daahir casho u soo gurto, markaa ayay Codweyn weydiisay: “anigu waa seexanaa ee sariirtaada soo seexo” Raxmo ayaa tiri: “Daahir inta uu ka casheeynaayo ayaan la soo joogaa”.

Codweyn markay qolkeeda gashay oo ay Raxmo cashada u geeysay Daahir ayuu ku yiri: “casho aan caadi aheyn ayaad ii karisay, waana marki iigu horeeysay oo aan cuno raashin aad gacantaada iigu karisay” Raxmo ayaa weydiisay caafimaadkiisa, wuxuu ku yiri: “marki aan dareemay in ay gacantaadu taabatay xabadkeeyga, markaa ayaa iigu dambeeysay xanuun”.

Raxmo intay qososhay ayay tiri: “boorso ayaa xabadkaaga taabatay” Daahir ayaa ku tiri: “niyadaydu waxay dareemeeysay gacanta boorsada haayso” Raxmo ayaa tiri: “ma saasaa, ha sugi weynin gacmeheeyga, waayoo adigaa iska leh, berrina nabarada ayay kaa dhayi doonaan” Daahir oo faraxsan ayaa yiri: “intaa ayaan caawa ku seexan doonaa”.

Raxmo ayaa uga hadashay hooyadeed in ay rabtay in ay arrin kala hadasho, ka dib waxay mala maleeyeen arrinta ay kala hadli rabtay, laakiin waxay u badiyeen in ay aheyn mid ku ogolaaneyso guurkooda, ka dib wuxuu Daahir u diray in ay hooyadeed la seexato, asagana albaabka u sii laabto.

 

La soco. ……19aad.

SHEEKOOYIN