Sheekadii SODDOHO Q.21aad. W/Q. Ahmed Hayow

Raxmo ayaa hooyadeed weydiisay qadada waxa la karinaayo, Codweyn ayaa ugu jawaabtay: “waxa uu Daahir jecel yahay kari” Raxmo ayaa tiri: “Daahir wuxuu jecel yahay soor iyo calooleey oo lagu cunaayo kable iyo caana garoor ah”.

Codweyn oo la yaabtay sida ay isugu mid yihiin ayada iyo Daahir, ayaa qolkiisa u dhaqaaday, waxayna weydiisay wuxuu jecel yahay in loo kariyo.

Daahir ayaa yiri: “wax walba oo la kariyo waa isugu keey mid” Codweyn ayaa tiri: “wax gaar ah oo aad jeceshahay miyaa jira?” Daahir ayaa yiri: “waxaan xiiseynayaa soor oo aan gurigeena laga karin” Codweyn waxay ka tagtay ayadoo yaaban oo u qaadatay in ay Daahir iyo Raxmo iska war qabaan, oo uu gabadheeda kala wareegay, balse wuxuu u sheegay ayay garan la’dahay.

Qadada ka dib Raxmo ayaa Daahir weydiisay: “masruufka aad dhiibtay waa mid reerka ku filan in ku dhaw sitimaan, maalin walba in aad intaa dhiibto miyaad rabtaa?”.

Daahir ayaa ugu jawaabay: “Aabe Xaaji Cabdi ayaa igula dardaarmay in aan masruufka ku daro xaqal marti, oo aan dhiibin lacag ku filan aniga iyo xaaskeeyga, waayoo marti iyo meerto ayaa iska imaan kara, wuxuuna ii sii raaciyay faa’iidada ku jirata masruufka la badiyo” Raxmo oo dhegeeysaneysa ayuu Daahir uga sheekeeyay faa’iidada ku jirta masruuf kordhinta.

Wuxuu yiri: “Aabe wuxuu hooyadeey guursaday ayadoo 18 jir ah, waxay ugu curatay wiil iga weynaa, marki aan dhashay ayuuna dhintay isagoo laba sano jir ahaa, ka dib laba jeer ayaa hooyo ilmo ka soo hallaabeen, daaweeynteeda ayaa Aabe lacag badan uga baxday, ilaa uu gaaray inuu lafihi ganacsiga u isticmaalo daaweeynta hooyo, markay caafimaaday ayay ogaatay in reerka dhaqaalo xumo soo gaartay, waxayna Aabe siisay lacag fara badan oo uu ku farxay, waxayna u sheegtay in ay lacagtaas ka aruurisay masruufki dheeriga ahaa, hooyo Cambarana waxa aan u dhiibo, annaga ayay noo haysaa oo meel nagama jiraan”.

Codweyn oo hadalkaa ka dhegeysaneysay albaabka gadaashiisa, ayaa garatay wanaaga Daahir uu u haayo, markaa ayay kushiinka ku laabatay, waxayna u soo karisay shaah casiriye ah, oo markay u keentay ay yaabtay Raxmo oo ku tiri: “hooyo maxaad isu soo dhibtay, aniga ayaa shaaha karin lahaaye!” Codweyn ayadoo u jawaabin ayay ka dhaqaaqday.

Habeenkaa marki ay Raxmo soo gashay qolkeeda, hooyo Codweyn ayaa weydiisay: “nabarada Daahir ma ka soo daaweeysay?” Raxmo ayaa tiri: “haa hooyo” Codweyn ayaa ku tiri: “jelemed biyo ah qolka u dhex dhig, si uu u isticmaalo markuu u baahdo”.

Raxmo waxay soo baxday ayadoo garatay in hooyadeed uu isbeddel ku dhacay, Daahir markay biyaha u keentay, ayay u sheegtay ifafaalaha isbeddelka hooyadeed, asagana wuu ku farxay sida sahlan oo howshu ugu fududaatay.

Subaxdi waxay Raxmo soo kacday, Codweyn oo quraacda diyaarisay, waxay ku quraacdeen baar ari iyo canjeero.

Raaxo dugsigeeda markay aaday, ayay Codweyn qaadatay kiishkeeda, waxayna Raxmo u sheegtay in ay beerta aadeeyso, ka dibna albaabka ayay ka baxday.

Guri cidla’ ah oo aan cid kale la joogin, ayay Raxmo iyo Daahir heleen, qof u timaada waxaa ugu soo horeeyay Sheekh Cusmaan oo albaabka u soo garaacay, si uu u siiyo warqadda nikaaxa oo uu maxkamadda ka soo sameeyay, ka dibna waxaa timid Raaxo, markay walaasheed weydiisay halka ay hooyo aaday, oo ay Raxmo u sheegtay in ay beerta aaday, ayay Raaxo tiri: “waxaan arkay hooyo oo idinka dhegeysaneysa albaabka laabkiisa, markay idinka soo laabatayna, waxay laheyd Daahir sidaan moodaayay ma aha”.

Galabti ayay hooyo Codweyn guriga timid, ayadoo khudaar badan wada, habeenkaana waxay albaabka qolkeeda ka xiratay Raxmo, oo markay aragtay inuu xiran yahay, Daahir ay wada seexdeen, waa habeenki ugu horeeysay oo ay xurnimo dareemaan.

Subaxdi ku xigtayna waxay Codweyn keentay fuundi albaabada qolalka waasiciya, si loo geliyo alaabta bannaanka taalo.

Daahir oo qolka ka soo baxay, si uu deyrka soo fadhiisto ayay Codweyn kula hadashay, hadalki ugu naxariis badnaa oo uu afkeeda ka maqlo, waxay ku tiri: “Daahir waxaan soo maray saldhiga booliiska, waxaana u sheegay in ay mootadaada guriga keenaan, waxayna igu yiraahdeen galabta ayaan keeneeynaa”.

Daahir oo ku faraxsan is beddelka Codweyn ayaa ku yiri: “hooyo, waan iibin rabaa mootada, oo dib dambe in aan u wado ma rabo, haddii ay keenaan waxaan u raadinaa qof iibsada” Codweyn ayaa tiri: “beeraleeyda way jecel yihiin mootooyinka, waxaana u soo sheegaa dad laga yaabo in ay gadanaayaan”.

Reerkiisu in ay arkaan mootada oo burbursan, ayaa Daahir wax walba uga daran, waayoo wuxuu ka baqaa in halkaas buuq ka billoowdo, oo ay hooyadiis iyo Codweyn isku kacaan, taana ay sababto inuu halkiisi hore ku laabto, sidaa daraadeed wuxuu ku fekeray inuu saldhigga aado, si ay galabta guriga ugu keenin mootada iyo inuu helo qof ka iibsada.

Codweyn ayaa aaday guriga Aw Baale oo ah dallaal wax kala iibiya, isla markiiba waxay soo heleen nin raba mootada.

Codweyn ayaa soo tustay halka ay taalo, laakiin waxay go’aan ka gaari weyday lacagta lagu iibinaayo, sidaa daraadeed ayay u soo waday guriga, si ay isu arkaan Daahir iyo ninka mootada iibsanaayay, 35,000 ayaa mootada laga bixiyay, waxaana lacagta loo dhiibay hooyo Codweyn.

Daahir wuxuu qorshihiisu ahaa, in reerka marki ay yimaadaan uu hal gaari kala haro, una sheego inuu mootadi iibiyay, laakiin in la qarinaayo in ay la gadoontay, ma oga hooyo Codweyn iyo Raaxo.

Qolalki waa la sharaxay oo qol walba alaabtiisi ayaa la dhex dhigay, galabtaasna waxaa sheeh lagu wada cabbay qolka fadhiga.

Codweyn weji farxadeed ma ugu imaaneeysid, mana qososho, mar haddii ay raali ka tahay wadajirkooda, Daahir wax dacwad ah kama qabin wejigeeda aan faraxsaneyn, inkastoo uu qorshihiisu yahay inuu Codweyn is bartaan oo is dhexgalaan.

Hooyo Barni waxay gashay qabanqaabo weyn, si ay ula kulanto wiilkeeda, oo ay war iyo wacaal u hayn muddo hal sitimaan ah, ayadoo wadnaha ku haysa, oo ka baqeysa in ay wax ku dhufato Codweyn, waxaa kale oo walaalkood u xiisay Baariis iyo Baarliin.

Aabe Xaaji Cabdi inkasta uu ogyahay in wiilkiisu is deberaayo, haddana wuxuu jeclaa in xaaladiisa uu ka war haayo, Baariis oo u sheegtay in ay u dirtay Daahir walaashiis, oo u sheegtay in xaaladoodu hagaagsan tahay maahee, wax kale Aabe Xaaji Cabdi kalama socdo wiilkiisa curadka ah, wuxuuna ka mid yahay dadka sugaaya todobada marka la gaaro, xilligaas oo ay reerka uga soo warami doonaan, una geyn doonaan fariin ay Aabihii uga sidaan, oo ah in ay Daahir u sheegaan inuu Aabihii la soo hadlo.

Wuxuu Daahir u egyahay, wiil reerkiisa xabsi uga jira, ayna sugaayaan maalin ballan loogu qabtay in ay qaabili doonaan.

 

La soco. ………22aad.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.