Sheekadii SODDOHO Q.22aad. W/Q. Ahmed Hayow

Maalinti todobada, waxay Codweyn diyaarisay casuumaad ballaaran, islaamaha deriska la ah ayay soo casuuntay, waana marki ugu horeeysay ee ay deriska weji wanaagsan ku qaabisho, isla markaana ay ugu yeerto in ay gurigeeda yimaadaan, kana soo qeyb galaan shaash saarka gabadheeda.

Reer Xaaji Cabdi waxay yimaadeen galabti, ayagoo hore u soo qaaday Aamina Shuceyb, waxayna yimaadeen guri la habeeyay oo wax alaab ah aanay bannaanka oolin, way garteen in reerku isku fiican yihiin, hooyo Barnina way ku faraxday soo dhaweynta ay reerka kala kulantay.

Wakhtigi shaash saarka markii la gaaray, ee Raxmo la soo fadhiisiyay halki shaashka loogu saari lahaa, ayaa lays weydiiyay islaanti ku billaabi laheyd, markaa ayay hooyo Barni tiri: “aniga ayaa u saaraayo shaashka ugu horeeya”.

Markay fadhiga ka soo kacday, ayay Codweyn tiri: “Barni sug sug, waa lagaa leeyahay billoowga” hooyo Barni ayaa tiri: “yaa iiga xaq leh oo soddon sano la qabaa?”.

Codweyn ayaa tiri: “qabid kaliya lama fiiriyo, waxaa la fiirinaayaa ilmo in ay kaa soo hallaabeen iyo in kale, adigana ilmo ayaa kaa soo hallaabay” hooyo Barni indhahaa guduutay, waxayna tiri: “Daahir, reerkeena miyaad uga sheekeeysay gabadha xunta ah, oo warkeena wareejineeyso”.

Hooyo Barni markay intaa tiri, waxay ka dhex tafatay ayada hooyo Codweyn, si dhib leh ayaa lagu kala qabtay, laakiin caay ayay is weydaarsadeen.

Hooyo Barni oo dulqaadki ka dhammaaday ayaa wiilkeeda ku tiri: “i maqashii dalqadda Raxmo, haddii kale deyro ayaad iga tahay” Daahir wuu ka naxay hadalkaas, asagoo marki hore ka naxsanaa hadalka hooyo Codweyn.

Markuu hooyadiis u jawaabi waayay ayay tiri: “albaabka haddii aan ka boxo oo aad iga soo daba bixi weydo, waa is aragi noogu dambeeyay” markay dhaqaaqday ayay isku dayday Baariis si ay u celiso, laakiin gacanteeda ayay iska fujisay, ayadoo ku leh: “soo baxa adiga iyo Baarliin”.

Codweyn ayaa Daahir ku tiri: “haddii aad ka daba baxdo, waa sida aad uga daba baxday” Daahir wuu ka daba dhaqaaqay hooyadiis, ayadoo Raxmo ay ku leedahay hooyadeed: “hooyo, haddii uu ka daba boxo, soow hooyadiis maaha?” Codweyn ayaa tiri: “hooyadiis waaye, laakiin kibir ayay u bexeeysaa, sababtoo ah waxa aan ka sheegay been maaha, runta ayaana dhibeeyso”.

Raxmo ayaa tiri: “hooyo, yaa kuu sheegay hadalkaas? waayoo waxa laysku haysto, waa cidda kuu sheegtay”.

Codweyn lagama yaabo in ay tiraahdo waa idin dhegeystay, Raxmana laga yaabo in ay sheegto hooyadeed sida ay ku ogaatay, xaalad adag ayaa la galay.

Raxmo ayaa tiri: “hooyo, si xun ayaad ula hadashay hooyo Barni, waxaa ka fiicneyd in aad tiraahdo, aniga ayaa billaabaayo, haddii aad arrintaas isku qabsataana, xal ayaa loo heli lahaa” Codweyn ayaa tiri: “qareen miyaa u tahay naagta ku caaysay?”.

Raxmo ayaa ugu jawaabtay: “maya, laakiin sida uu Daahir kuu xushmeeyay, adiga oo xitaa kal la dhacay, ayaa waajib igu ah in aan hooyo Barni u xushmeeyo” Codweyn hadalki waa ka xirmay, waayoo waxay dareentay qaska ay talisay, inkastoo ay Daahir kalsooni ka heshay, waxay weli cabsi ka qabtaa reerkiisa, oo ay u aragto in aan laysku aamini karin.

Daahir markuu hooyadiis ka daba yimid ayuu ku yiri: “hooyo, taariikhda laba reer ayaan ka wada sheekeeysanay, aniga ayaana u sheegay Raxmo hooyadeed, laakiin ayadu shaqo kuma laheyn” hooyo Barni ayaa tiri: “reeraha islaameed in aad nooga sheekeeyso, oo islaanta waalan ay aniga igu caaydo, wax aan qaadan kara maaha, ee ama Raxmo ama aniga”.

Daahir ayaa ku calaacalay: “hooyo, cid aan kugu doorsanaayo ma jirto, adigana waan ogahay cid aad igu doorsaneyso in ay jirin, sidaa daraadeed waxaan kaa baryaa in aad fursad kale i siisid” hooyo Barni gaarigi ayay gashay, waxayna Daahir ku tiri: “soo raac gaariga, haddii kale meeshaada ku har”.

Daahir oo talada ka wareersan tahay ayaa yiri: “i suga” wuxuu ku laabtay guriga oo ay ku hareen reer Codweyn oo kali ah oo ay ku jirto Aamina, waxay wejigiisa ka akhristeen inuu dhiileeysan yahay.

Raxmo ayaa ku tiri: “Daahir, hooyo Barni ma baxday?” Daahir u sheegay in ay bannaanka ku sugaayaan iyo haddii aanu raacin hooyadiis in ay kala go’aayaan.

Raxmo ayaa ku tiri: “raac ilaa aad ka soo heshiisaana la soo joog” Daahir wuxuu fiiriyay Codweyn, ka dib ayuu fasax weydiistay, Codweyn ayaa tiri: “maxaad fasaxa iga weydiisaneeysaa?” Daahir ayaa yiri: “in ay Raxmo i raacdo, ka dibna isla soo laabano” Codweyn ayaa tiri: “Raxmo ma raaceeysaa?”.

Filan waa ayay Raxmo ku noqotay, ayadoo jawaabin ayay Codweyn tiri: “waan kuu jeedaa in aad rabto in aad raacdo, laakiin seddex maalmood ayaad haaysataan, wixi ka dambeeya haddii aad imaan weeysaan, guriga waa aqaanaa meesha uu ku yaal”.

Daahir oo gacanta ka haysta Raxmo, ayaa guriga ka soo baxay, markaa ayuu muran hor leh billoowday, ka dib markii ay hooyo Barni diiday in ay Raxmo raacdo, waxaa ku wada goobtay Daahir, Baariis iyo Baarliin oo markaan walaalkeed la jirsatay.

Hooyo Barni oo aan raali ka aheyn, ayay Baariis gaarigeeda ku soo qaaday Raxmo iyo walaasheed Aamina.

Marki guriga la tegay, waxay hooyo Barni bannaanka ku sugtay gaarigi Baariis intuu ka imaanaayo Xamar weyne, oo lagu soo dejinaayay Aamina.

Waxay rabtay in ay Raxmo u diido in ay guriga soo gasho, Daahir ayaa ku yiri: “hooyo, waan ku raacay oo amarkaaga waan fuliyay, laakiin haddii aad guriga u diido xaaskeeyga, anigana guriga sooma gelaayo”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “ayada raac oo meeshi aad ka keentay ula laabo” ganjeelada ka xiratay asaga iyo Baarliin.

Markay yimaadeen Baariis iyo Raxmo, ayay albaabka ku garaacday, habeenkaa dhib badan ayaa laga maray sidi hooyo Barni loo ogoleysiin lahaa, in ay Raxmo guriga soo gasho, ka dib waxay ku ogolaatay shardi ah in ay berri subax reerkeeda aadeeyso, Daahirna uu ka haraayo.

 

La soco. …….23aad.

SHEEKOOYIN