Sheekadii SODDOHO Q.23aad. W/Q. Ahmed Hayow

Daahir iyo Raxmo waxaa loo banneeyay qolka Baariis oo ay u taalo sariir laba qof ah, iyadana waxaa loo qorsheeyay in ay seexato qolki hore uu Daahir deganaa, qolkaas oo martida loogu tala galay.

Daahir wuxuu hooyadiis ugu tegay qolkeeda si uu u maslaxeeyo, wuxuuna ku yiri: “hooyo, Raxmo waa gabar fiican, wayna i jeceshahay, anigana waan jecelahay, haddii aan kala tagno, labadeenaba waxaa nagu dhacaaya qalbi jab, waxaana dhici karta in aan guur iska illoowno”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “sheekadaas iguma soconeyso aniga, waa in aad fulisaa ballanti aad guriga ku soo gasheen, caawana ay gabadhaas nagula joogto, haddii aad ka baxdayna ay gabadhaas hadda guriga ka baxdo” Daahir oo hadli raba ayay hooyo Barni tiri: “war kaloo imaraaya ma jiro”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo, go’aanka adigaa iska leh, cid kugu haysatana ma jirto, laakiin waxaan kaa baryaa, in aad hal sitimaan na siiso, si aan aniga iyo Raxmo go’aan u gaarno, waayoo labadeena weli kuma heshiin in aan kala tagno” hooyo Barni ayaa tiri: “berri siddeeda subaxnimo, saacad idiinku darimaayo” Daahir ayaa yiri: “hooyo, ceeb soow ma aha in aan Raxmo gurigeeda ka soo wadno, oo ay ku noqoto ayadoo aan kala tagnay, soow ma fiicna in aan si deganaan ah arrinta ku dhammeeyno”.

Hooyo Barni oo raja ka qabta in qorsheheedu guul ku dhow yahay, ayaa tiri: “seddex maalmood ayaan ku siiyay” iyadoo hadalka sii wedi rabta, ayuu Daahir ku yiri: “seddex maalmood oo gurigeena ah iyo afar maalmood oo gurigooda ah ayaan u baahanahay, waayoo waxaan rabaa in aan Raxmo ka dhaadhiciyo wax walba, oo ayada oo raali ah aan kala tagno” hooyo Barni waa ogolaatay dalabkiisi.

Muraadka Daahir wuxuu yahay inuu wakhti helo, si ay reerkiisu u bartaan Raxmo, iyadana wuu ogyahay in ay reerka iska gadi karto.

Waxaa kale uu rabaa, in asaga iyo Baariis ay howshaas ku kaalmeeyaan Raxmo, qorshahaasna uu la socodsiiyo labadooda.

Markuu qolka Raxmo ugu yimid, ayaa xanuun narada ah qateen, reerkiisu weli kama war qabaan dhaawiciisa, asagoo dareemaayo ayuu is giijinaayay, laakiin waxaa ku soo baxay daalki.

Raxmo ayuu ku yiri: “waxaan soo illoobay in aan daawadi nabarada soo qaato” intay ilka caddeeysay ayay ku tiri: “taas waa shaqadeyda, aniga ayaana noo soo qaaday” markaa ayay furtay bac ay wadatay oo ay ku soo ridatay dhar ay beddeshaan kuwa ay sitaan iyo bacdi daawada.

Daahir ayaa yiri: “Raxmo weligeey kuma gaaraayo, waxaan kaa codsanaa in aad iigu sabarto khaladaadka aan kaa gelaayo, oo aad u qaadanin in aan kas u sameeynaayo” Raxmo shaqadeeda ayay iska sii wadatay, waxayna billoowday inay nabarada faashadi hore ka furto.

Daahir ayaa mar kale yiri: “Raxmo, waxaan ka xumahay shuruuda aan guriga kugu soo geliyay, sababta oo ah ma aheyn in aan raali ka noqdo in aan kala fogaano, balse waxay aheyd in aan hooyadeey u sheego, in aan aniga iyo adiga aan nahay geed iyo xididkii iyo in aan kala maarmin”.

Daahir oo fiirinaaya indhaha Raxmo oo nabarada daaweeyntooda ku mashquulsan, ayaa gacantiisa kale ku soo qabtay garkeeda, indhaheedana ku soo jeediyay indhihiisa inay arkaan u baahan, Raxmo ayaa tiri: “hee aboow” Daahir ayaa yiri: “xagee iga aaday?” Raxmo ayaa tiri: “inteen kaa aadaa oo aan kaa aadi karaa, naftaan ii ogolaaneyn in aan meel kale kaa aadee”.

Daahir ayaa ku yiri: “anigaba sidoo kale ayaan ahay, laakiin waxaan ka waday, hadalkeeyga lama socon miyaa?” Raxmo ayaa tiri: “waan la socday, laakiin waxaan haayay shaqo iiga muhiimsan, ee ii ogoloow in aan dhammeeyo”.

Markaa jilibka ayaa u harsanaa, markay dhammeeysay Daahir oo eegaayo, ayadana ay eegmadiisa ku raaxeeysaneeyso, ayay ku tiri: “mar walba hooyadeey waxaan u sheegi jiray, sida ay rabto inay wax walba noqonaayaan, adigana sidaa oo kale ayaad sameeysay oo kuma khaldanid, waxa kaliya oo nalooga baahan yahay ayaa ah, sidi aan ku xallin laheyn, xalkeedana aniga ayuu markaan isaaran yahay, adigana waxaa ku saaran, in aad aamuska igu taageerto, sida aan anigaba kuugu taageeray”.

Daahir intuu qoslay ayuu yiri: “aniga guriga oo lagaa saaraayo, ma aamusnaan karo” Raxmo ayaa tiri: “imisaa gurigeena lagaa soo saaray? midda kale guri layska saaray miyaa aniga iyo adiga na kala fogeyn kara?” Daahir ayaa yiri: “xariga aan iskula xiranahay, wax goyn kara ma jiro, ilaa uu Rabbi naga kala oofsado, laakiin dadku waxay awoodaan inay maalmo nakala fogeeyaan, middaa ayaana dhib noogu filan”.

Raxmo ayaa gacanteeda midig u taagtay Daahir, markuu qasaday, ayay ku tiri: “ballan ayaan kaa qaadaa in aan hooyadaa ka dhigto hooyadeey oo kale, aabahaana waa aabaha noo nool labadeena” Daahir ayaa ku yiri: “hooyo waxay iga soo ogolaatay inay sitimaan na siiso, seddex maalmood oo gurigaan ah iyo inta kale oo gurigeena ah, aniga iyo Baariisna waan kaa kaalmeeyneeynaa, sida aad hooyo u kasban laheyd”.

Subaxdi ugu horeysay Raxmo waxay kala baratay guriga, Daahirna wuxuu reerka u sheegay inuu mootadi iibiyay, maalintaana wuxuu aaday shaqadiisi, Baariisna wuxuu uga tegay inay Raxmo kaalmeeyso.

Inkastoo ay howl badan guriga ka qabatay, haddana hooyo Barni iyo Raxmo wax aan indhaha aheyn iskama fiirin, xataa salaanta kama qaadin markay Raxmo tiri: “hooyo subax wanaagsan” intay kor iyo hoos ka fiirisay, ayay hore uga sii socotay.

Maalinti labaadna wax isbeddel ah ma jirin, inkastoo ay Baariis ku dadaashay inay hooyadeed u ammaanto Raxmo, laakiin dheg jalaq waa u siin weyday.

Maalinti seddexaad waxay hooyo Barni iyo Baarliin iska aadeen islaamo qaraabada ah, duhurki ayaa telefoon guriga loo soo diray, Baariis oo ka qabatay ayaa loo sheegay inay hooyadeed iyo walaasheed shil baabuur galeen, hooyadeedna ay roon tahay, balse walaasheed lagu qaaday ambalaas.

Waxay tagsi ku aadeen cisbitaal digfeer oo reerka loo qaaday, waxayna u tageen, hooyo Barni oo aan dhib gaarin, balse la ooyneeysa dhaawaca soo gaaray Baarliin oo saalada qaliinka saarneyd.

Hooyo Barni ayaa tiri: “Baarliin aad ayay u dhiig baxday, dhiigi ka baxaayayna waa la joojiyay, laakiin waxaa loo waayay dhiig lagu shubo, haddii aan deg deg loogu helina, rajadeeda way xun tahay”.

Daahir ayaa asagana yimid cisbitaalka, waxaana seddexdooda laga qaaday baaris nuuca dhiigooda, waxaa isku nuuc noqday Raxmo iyo Baarliin oo wada ahaa nuuca AB.

Raxmo ayaa lala orday, waxaana laga shubay 500 cc oo dhiig ah, midkaas ayay Baarliin indhaha ku soo kala qaaday, Raxmana waxay qolka ka soo baxday ayadoo wareereeyso, oo suuf gacanta ku haysato.

Markay u soo dhawaatay Daahir ayay dawakhday, garabka ayuu ka qabtay, Baariisna waxay u raadisay cabitaan lagu qabto.

Hooyo Barni oo qolka Baarliin ka soo baxday, ayaa aragtay Daahir oo dhabta ku haaya Raxmo oo dawaqsan, markay u timid ayay Baariis cibitaanki yoogada ahaa keentay, hooyo Barni ayaa intay ka qaaday afka ugu qabatay Raxmo, ayadoo ku leh: “hooyo, cabitaanka cab waad ku roonaaneeysaaye”.

Isla markiiba Daahir ayaa guriga u qaaday hooyadiis iyo Raxmo, Baariisna waxay la sii joogtay Baarliin.

Guriga markii ay tageen, wuxuu Daahir la yaabay hooyadiis oo Raxmo afka ugu gureeysa raashinka, waxaa loo soo geday cabitaan nooc walba leh Vimto, Yoogo, waxaa kale oo loo soo geday hilib ari, waloow baar la soo waayay.

Saacado badan ayay hooyo Barni wax siineeysay Raxmo oo leh: “hooyo, waa dhergay ee bis iga dheh” hooyo Barnina waxay ku laheyd: “halkaan mar lee cun”.

Albaabka ayaa xoog loo soo garaacay, hooyo Barni oo ka naxsan waxa la soo sheegi doono, ayay adeegtadi ka furtay hooyo Codweyn.

Reerku waxay wada joogeen barandada guriga, intay Codweyn soo gashay, ayadoo labada simood haysata ayay tiri: “saacadi fasaxa aad soo qaadateen, saacadeedi ayaa la joogaa, maxaad gurigaan ka dhex sameeyneeysaan?” hooyo Barni ayaa tiri: “xaajiyo, horta soo fadhiiso, waxa jira aan kuu sheegnee”.

Codweyn ayaa tiri: “wax sheegid uma imaan, ee Raxmo ihor kac, ninkaan haddii uu rabo reerkiisa hala joogee” hooyo Barni ayaa tiri: “horta sheeydaanka iska naar, waxaa jira in aan galnay shil baabuur, oo ay gabadheeydi Baarliin ku dhaawacan tahay” hooyo Barni oo hadalka sii wado, ayay Codweyn tiri: “sheeydaan adiga ayoow ku haayaahe iska naar, midda kale maxaa iga galay shil ay gabadhaadu gashay, macaadallaahi Daahir shilka mootada ku galay, ayaan ka nixi waayay” ka dib intay Raxmo ku jeesatay ayay tiri: “Raxmo fadhiga ka kac oo warkeeyga maqal, mise adigana waa kaa tagaa?”.

 

La soco. ……..24aad.

SHEEKOOYIN