Sheekadii SODDOHO Q.24aad. W/Q. Ahmed Hayow

Hooyo Barni ayaa tiri: “Daahir, maxaad ii tiri mootada waan iibiyay? oo aad iigu sheegi weyday in aad shil ku gashay?” Daahir ayaa yiri: “hooyo, waa run in aan iibiyay, shilkana wax khatar ah iguma gaarin, oo mootadaa ila dhacday oo kali ah”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “waxaan ka shakiyay shaarka ay gacmihiisu badhamada kuu xiran yihiin, ileyn waad laalaaban jirtaye” waxay sii raacisay: “shaarka bixi si aan u arko waxa ku gaaray” markuu shaarki siibay, ayay hooyadiis aragtay faashad gacanta uga duuban, markaa ayay tiri: “hoognay oo ba’nay, waryaa dhakhtar ma tagtay?”.

Daahir ayaa u sheegay inay Raxmo daaweeysay, ka dib ayay weydiisay lacagta uu mootada ku iibiyay, ayadoo aaminsan inuu iibinin oo uu reer Codweyn siiyay.

Hooyo Codweyn ayaa intay boorsadeeda furtay, waxay ka soo saartay lacagti mootada, waxayna ku tuurtay miiska ay fidhiyeen, waxayna ku tiri: “waa taas lacagti oo aan shilin ka maqneyn, dadka miyaad u maleeysay sidi adiga inay yihiin!” hooyo Barni ayaa tiri: “maxaad iigu soo sheegi weydeen shilka Daahir?” Codweyn ayaa ugu jawaabtay: “ma adigaan kuu shaqeeynaa?”.

Hooyo Barni oo xanaaqday ayay Raxmo soo baxday, markaa ayay Codweyn ku tiri Daahir: “meeshaada miyaad joogi rabtaa?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “hooyo, waa ku raacaayaa” isagoo uga dan lahaa, markay baxaan inuu cudurdaarto.

Hooyo Barni oo jawaabta Daahir ka xanaaqday ayaa tiri: “Daahir, xagee u socotaa! waad ogtahay inay walaalahaa ku jiraan cisbitaalka iyo inay Baariis u baahan tahay qof caawa ka beddela la joogista Baarliin” waxay sii raacisay: “gaarigi weynaa waxaa loo qaaday garaash, midka carolada ahna ma wadi karo oo weli waxaa igu jirta naxdinti shilka”.

Raxmo ayaa tiri: “Daahir reerka lajoog, waayoo aad iyo aad ayay kuugu baahan yihiin” Daahir wuxuu fiiriyay hooyo Codweyn, isagoo ay u jeedo hooyadiis, markaa ayay hooyo Barni tiri: “haddii uu nala joogaayo, Codweyn miyaa fasax laga qaadanaa?”.

Codweyn ayaa tiri: “marki aad hadasho, hadalkaaga xasaasiyad ayaan ka qaadaa, waxaa kuu fiican in aad iska aamusto” hooyo Barni ayaa ugu jawaabtay: “ma aniga ayaad gurigeeyga igu aamusineeysaa? islaantu edeb daranaa oo anshax xumaa”.

Codweyn ayaa tiri: “soddoh xun ayaa tahay, mana kugu daysanaayo, waxaana ixtiraamaa dhibka idin haysto iyo xaaskiisa oo u fasaxday inuu idinla joogo” Daahir intay ku jeesatay ayay ku tiri: “Raxmo waan kaaga tegi lahaa, laakiin waxaan arkay gabadheeyda inay si u il go’antahay, waayoo aniga gacanteeyda ayay ku soo kortay, anigaana u ah adeegto, una ahaandoono inta aan noolahay, gabadheeyda cuntada aan u kariyo ayay wax walba ka jeceshahay, sidaa daraadeed reerka lajoog inta ay wax iska beddelaayaan”.

Barni oo la yaaban isbeddelka ku dhacay islaanta, ayaa u qaadatay inay Raxmo amarkeeda yeeshay, markaa ayay tiri: “Raxmo waxaan kuu rajeeyay kheyr badan” Raxmo ayaa tiri: “hooyo, kaama wada tegin, waana idinka soo wardooni doonaa, inta Baarliin cisbitaalka ku jirto”.

Codweyn waxay gacanta ka qabsatay gabadheedi, markay bexeen ayuu telefoonki guriga soo dhacay, waxaana laga qabtay Baariis oo ku qeylineeysa: “saaka maanaan quraacan, maantana maanaan qadeyn, maxaa idin helay oo aad raashin noogu keeni la’dihiin?”.

Aabe Xaaji Cabdi wuxuu ku maqan yahay Mareykanka, wuxuu u qaaday dhagxaan Tanzania laga keenay, sooma hadlin, telefoonkiisana lama yaqaano, sidaa daraadeed waxaa lagu khasban yahay in layska sugo.

Daahir ayaa raashinki cisbitaalka u qaaday, wuxuuna u tegay Baarliin oo sheekeeyneysa, markuu galay ayay Baarliin weydiisay: “ma runbaa in aan aniga iyo Raxmo isku dhiig nahay?” Daahir ayaa yiri: “haa, adiga iyo dumaashidaa isku dhiig ayaad tihiin” Baarliin ayaa ugu jawaabtay: “mar haddii aan isku dhiig nahay, Raxmo waa walaasheey, marna waa dumaashideey” xaaladeeda caafimaad ayuu weydiiyay, waxayna u sheegtay inay fiican tahay.

Daahir oo fekeraaya ayay Baariis aragtay, sababta uu u fekeraayo marki ay weydiisay, ayuu uga sheekeeyay waxa guriga ka dhacay, ka dib ayuu ku yiri: “Raxmo waxaa wadatay hooyadeed, sidaa daraadeed, waxaan rabay in aan siiyo masruufka inta aan idinla joogo” wuxuu u sii raaciyay: “hal gaari naguma filna, waa in aan gaari labaad iibino, sababta oo ah shaqada, cisbitaalka iyo guriga ayaa talantaali nooga baahan”.

Baariis ayaa tiri: “Daahir, waad fasaxan tahay, Baarliin anigaa la joogaayo caawa, wixii ka dambeeyana inay fiicnaato ayaan rajeeynaa, sidaa daraadeed waxaad aadaa Qoryooleey, hooyana u sii sheeg sidaas iyo in aad subaxdi ii keento, si ay Baarliin ula joogto” Daahir oo fasaxa ku farxay ayaa yiri: “berri inta aan shaqada aadin, ayaan idin soo maraayaa” wuuna ka soo tagtay.

Gurigooda ayuu yimid, markuu hooyadiis u sheegay qorshihi ay ku soo heshiiyeen asaga iyo Baariis, waxay ka xanaaqday mudnaanta la siinaayo reerkaas, waxayna ku tiri: “islaantaas waalan iyo gabadheeda ayaa naga karaamo badan miyaa? maxay ku dhacday, mar aad iyada fasax ka qaadato iyo mar aad Baariis weydiisato in aad raarkaas aado?”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo, walaasheey iyadaa ii ogolaatay in aan Qoryooleey aado ee aniga ma weydiisan, Raxmo hooyadeedna waxaan rabay in aan tartiib ula hadlo, laakiin ma rabin in aan amardiido ku sameeyo ayadoo careysan” hooyo Barni ayaa tiri: “hadda meel aad aadeeyso ma jirto, sababta oo ah kama aadan fekerin, haddii aad nagala tagto halka gaari waxa na qabsan kara, kamana fekerin in aan aniga kaligeey guriga joogo, waayoo qalbigaaga cid aan Raxmo ka aheyn kuma jirto, gabadhaa oo aan hadda wanaageeda arkayna ha i nacsiin”.

Daahir wuxuu ku khasbanaaday inuu joogo, habeenkaana wuxuu seexday isagoo cidla dareemaaya, waxaana ugu darnaa nabaradi ay ka daaweeyn jirtay, oo uu isagu si dhib ah iskaga daaweeyay, howsha ay Raxmo u haysay, waxaa uga muhiimsanaa xanuunka ay illoowsiin jirtay marka ay gacanteedu taabato.

Raxmo waxay u seexatay si wanaagsan, waayoo waxay niyadda ku haysay inuu ninkeedu ku maqan yahay howl ay reerku u baahan yihiin, waxa kali ah ay fekereeysay ayaa ahaa xaaladda Baarliin iyo caawa waxay ku sugan tahay, waxayna ka welwelaysay haddii dhiig loo baahdo halka looga helaayo, maadaama ay iyadu meesha joogin.

Aamina oo waxa dhacay war iyo wacaal toona ka heyn, ayaa timid guriga reer Xaaji Cabdi, waxaa u warantay hooyo Barni oo dacwooneeysa hooyadeed iyo dabeecadaheeda qallafsan, waxay ku tiri: “runtii raali kama aheyn guurka Daahir iyo Raxmo, mana rabin inay gurigeeyga soo gasho, laakiin waxaan wanaageeda arkay, markay Baarliin dhiigeeda u hurtay, balse hooyadaa waa xarig lama sitaan, waxaana mararka qaarkood ka baqaa, in aan dagaalano oo ay ceeb halkaa naga raacdo”.

Aamina ayaa tiri: “adiga kaa hor, weligeey ma arkin naag iyo hooyadeey oo is af dhaafay, oo aanay hooyo la dagaalin, gacanta waa ka soo horeyn jirtay, laakiin waxaan aaminsanahay inay hooyo ku ixtiraamto, haddii aad heshiisaana ay saaxiib kaa dhiganeyso”.

Aamina waxaa loo sheegay inuu Daahir aaday xafiiska iyo inuu sii maraayay cisbitaalka oo uu Baarliin ka soo saaraayo, ka dib markuu dhakhtarku u soo fasaxay inay daawadeeda ku qaadato guriga.

Aamina waxay sugtay inta uu Daahir ka imaanaayo, iyadoo uga baahneyd inay xoogaa ka qaadato.

Daahir markuu yimid isagoo xafiiska u deg degsan, ayuu Aamina u oofiyay muraadkeedi, wuxuuna lacag iyo fariin uga dhiibay xaaskiisa.

 

La soco. ………25aad.

SHEEKOOYIN