Sheekadii SODDOHO. Q.7aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Waxaa la isku dayay in islaamaha la kala maslaxeeyo, laakiin qeyladi waxay sii badatay markay hooyo Barni tiri: “wiilkeega idiin noqon maayo inan la yaal, gabar loo noqdana meesha kuma haysid”.

Codweyn intay baxday ayay soo qaaday dahabki oo dhan, waxayna farta ka saartay Daahir, ka dib ayay tiri: “maxaa isugu keen haray? waa waxba, haddii aad moodeeysaan in aan dhaqaala doon nahay, waa kaas inta aad noo keenteen”.

Waxay sii raacisay: “dhammaan guriga noo firaaqeeya, inta ay qarasteydu soo gaddoomin, haddii kale baabuurta ayaan idinka jejebinaa”.

Marka ay hadleyso waxay gacanta ku qabsatay kasha badarka lagu tumo, kala carar ayaa meesha ka dhacay, waxayna baabuurti ka ordeen dad raaci lahaa, oo ay u istaageen meel guriga ka fog.

Aamina lafteeda way baxday, waxay la baxsatay katiinad iyo dhego ay ka soo sameysatay, xoogaagi suunka laga gooyay, intaa oo ay hooyo Codweyn illoowday.

Daahir asagoo niyad jabsan ayuu reerka raacay, marki guriga la tegay ayuu hadal la’aan land cruiserki soo qaatay, wuxuuna soo aaday guriga Raxmo.

Codweyn oo bannaanka ugu soo baxday ayaa ku tiri: “maxaad naga soo doontay?” Daahir ayaa yiri: “hooyo waxaan kuugu imid in aan kuu sheego, gurigaan in aan rabo Raxmo in aan la dego”.

Codweyn ayaa tiri: “hooyo ha i dhihin, ileyn hooyo kuuma ihiye, midda kale haddii aad rabto iyo haddii kalaba, gurigaan wax dambe oo kuu yaal ma jiraan”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo….” markuu intaa yiri ayay Codweyn oo qeylineysa ku tiri: “hooyo ha i dhihin kuma dhihinoo, soco, soco gurigaagi aad, gabadheeydana mar dambe lama hadli kartid”.

Daahir ayaa yiri: “waan ogohay Raxmo haddii aad adiga ii ogolaan in aan heleynin, mana la hadlaayo, laakiin waxaan rabaa in aad fursad i siiso oo aan reerkeena u soo sheego gurigaan in aan idinla degaayo” Daahir oo taagan ayay Codweyn albaabka ka xiratay.

Waxay Codweyn u tagtay Raxmo oo fekereysa, waxay ka fekereysay dharki arooska loogu soo iibiyay, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ay weligeed gashan, duruuc khafiif ah, kabo taaka leh oo ay ku jiraan kuwa dhaadheer iyo kuwa leh suuman lugta lagu duubto, waxaa intaa uga daran, waxaa loo soo iibiyay kayshali (rajabeeto) aanay weligeed xiran, barafuuno iyo kareemooyin ay ka mid yihiin kareemka lagu cadaydo oo loo yaqaan Colgate iyo buraashkeedi, Raxmo weligeed kuma cadayan wax aan aheyn caday, dharka waxaa ku jira bijaamooyinka jiifka iyo shukumaano.

Markay Codweyn tiri: “Raxmo maxaad ka fekereysaa?” ayay Raxmo tiri: “reerka waxay ka tageen dharki iyo alaabti la ii soo iibiyay”.

Codweyn oo warkaa ku faraxday ayaa tiri: “berri anigaa u geynaayo, oo gurigooda raadinaayo ee ii seexo”.

Daahir inti uu ku maqnaa Qoryooleey ayuu Aabihii guriga soo wacay, waxay hooyo Barni u sheegtay sida ay wax u dheceen, ka dib ayuu asagana ku mowqif noqday hooyo Barni, sababta oo ah wuxuu ka xanaaqay inuu inankiisu inan la yaal u noqdo reer Codweyn, markuu rabay in uu Daahir la hadlana, waxaa loo sheegay in uu gaariga qaatay, laakiin aan la ogeyn in uu Qoryooleey aaday iyo in kale.

Subaxdi markay alaabti oo dhan bacyaal ka buuxisay, ayay soo xasuusatay katiinadi iyo dhegihi Aamina, waxayna ku tala gashay in ay Aamina ku hor marto, si ay dahabka haray uga soo qaado iyo tilmaanta guriga reer Xaaji Cabdi.

Aamina dahabki ayadoo ka xun ayaa laga soo qaaday, waxayna isku dayday in ay hooyadeed ka beddesho mowqifka ay qaadatay, laakiin markay ku adkeysatay ayay guriga Daahir u tilmaantay.

Talada ay Aamina u soo jeedisay hooyadeed, waxaa ka mid ahaa, inay walaasheed jeceshahay Daahir, haddii ay caqabad ku noqotana laga yaabo in ay la baxsato, waxayna tusaale u soo qaadatay sheeko ay Baariis uga sheekeeysay, oo ku saabsaneyd walaashood Basra iyo waxa ku kalifay in ay ninka la baxsato, sababtana ay laheyd hooyadood Barni, ayadoo diiday gabadheeda in aan lagu guursan guri aan gurigooda aheyn, reerka wiilka dhalay markii ay diideen in wiilkoodu inan la yaal noqdana ay Basra la baxsatay.

Aamina waxay sheekadaas uga sheekeeysay waxay aheyd, in hooyadeed ay libta ka jirto oo Raxmo reerkeeda u ogolaato, laakiin Codweyn ayaa tiri: “Raxmo waxay ku jirtaa dhabarkeeyga, cid kala soo bixi kartana ma jirto”.

Markay soo aaday guriga reer Xaaji Cabdi, dhowr qofood ayay waydiisay, ka dibna waxay timid ganjeelada guriga oo xiran, waxay xoog ugu garaacday ushi ay gacanta ku sidatay, aydoo ku qeylineeysa: “soo baxa, soo baxa, soo wada baxa, waxaan idiin sidaa alaab aad nooga soo tagteene”.

Dadki jidka maraayay waa istaageen, deriskana waa soo bexeen, waxaa albaabka furtay Baarliin, markaa ayay gacanta u saartay bacyaashi, katiinadi iyo dhegihi, waxayna weydiisay: “aaway hooyadaa? waxaad u sheegtaa in aan wax isu soo raacan karin”.

Codweyn waxay aragtay hooyo Barni oo ka soo degeysa barandada guriga, markaa ayay kiishki ay sidatay iska dhigatay ganjeelada dhineceeda, si dagaal haddii lagu soo qaado ay diyaar u ahaato.

Hooyo Barni ayaa tiri: “gabadhaadi waan kuu deynee, maxaad naga soo doontay?”.

Codweyn ayaa tiri: “gabadheeydu ma aha sida gabadhaada Basra oo kale oo nin la fakatay, waa gabar edeb leh ee afkaaga mar dambe ha ku taagin, u tasho kuwa hadda guriga kuu jooga”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “haddii aad albaabka nooga tegi weydo, booliis ayaan kuugu yeeraa”.

Codweyn ayaa tiri: “u yeer booliis, muxuu iga qaadaa booliis, ileyn alaabtaadi ayaan kaaga keenay Qoryooleey, marqaatina waa haystaa in aan kuu keenay”.

Ganjeelada marki laga xirtay, ayay Codweyn meesha isaga tagtay, ayadoo ku faraxsan in ay Barni ka aarsatay caaydi ay caaysay gabadheeda.

Gaariga markay Qoryooleey uga degtay, ayay soo xasuusatay in ay kiishkeeda ka soo tagtay, marki horaba khalad ayay u soo qaadatay, waayoo waxay kiishka qaadan jirtay kolka ay beerta u socoto, si ay ugu soo shubato digirta, khudradda, habuuqa (sabuulka) iwm oo ay guriga ugu tala gashay, waa kiish laga tolay marada burka oo siddo loo yeelay.

Daahir oo gurigooda yimid ayaa loo sheegay inay Soddohdiis timid, sababta ay u timid iyo waxay reerka ku dhigtay, markuu ka hadli waayay, ayaa loo sheegay in ay kiish ay wadatay ku illoowday ganjeelada dhinaceeda, isla markiiba wuxuu soo qaaday kiishki.

Raxmo oo xaaladu rajabeel la noqotay iyo in ay Daahir dib dambe isu arkeynin, ayuu albaabka soo garaacay, markay furtay ayay ka soo dhaqaaqday.

Daahir intuu soo galay ayuu Raaxo ku yiri: “hooyo iigu yeer” Codweyn oo careysan ayaa qolka ka soo baxday, waxayna Daahir ku tiri: “maxaad noogu dul meereeysaa?”.

Daahir ayaa ugu jawaabay: “kiish aad ka soo tagtay ayaan kuu soo qaaday”.

Codweyn ayaa tiri: “marmarsiinyo aad gabadheeyda kula hadasho ayaad rabtaa, laakiin waxaan kuu sheegaa in ay kuula baxsaneyn, sida walaashaa Basra ay ninka ula baxsatay”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo waxaan kaa ballan qaaday in aan rabitaankaaga Raxmo ku guursado, lagamana yaabo in aan ballantaa ka boxo”.

Codweyn ayaa tiri: “waan kuu diiday gabadheeyda, mana kuu ogolaanaayo weligeey, intaa ma ku qanacday?”.

Daahir ayaa yiri: “inta aan noolahay Raxmo ayaan sugaa, waxa i qanciyana waa ayada oon helaa iyo adiga oo raali iiga ah”.

Codweyn kiishki intay Daahir ka qaadatay, ayay albaabka ka saartay, waxayna u sheegtay in uu dib dambe ugu soo laaban gurigeeda.

Guriga markay dib u soo gashay, ayay aragtay Raxmo oo soo fiirineysa, waxay weydiisay: “maxaad daamanka la buureeysaa oo ku haayo?” Raxmo ugu jawaabtay: “hooyo in aan nin la baxsanaayo miyaad iga aaminsan tahay?”.

Codweyn intay is ku noqotay ayay tiri: “maya hooyo, kaama aaminsani, laakiin waxaan aaminsanahay in uu Daahir sidaa rabo” Raxmo ayaa tiri: “wax aad raali ka aheyn ma dhacaayaan, Daahirna wuu og yahay sidaa, raalina wuu ku yahay, sababta oo ah markaan albaabka ka furay ilama hadlin, anigana lama hadlin, waayoo waan ogaa in uu kaa ballan qaaday in uu ila hadlin”.

Codweyn ayaa tiri: “dadka in aad dheysato miyaad baratay? oo aad albaabka gadaashiisa naga dhegeysato aniga iyo Daahir?” Raxmo intay qososhay ayay tiri: “hooyo ma og tahay in ay deriska maqlaayaan hadalka aad hadda igula hadleyso”.

Codweyn ayaa tiri: “naa iga aamus, afku ku go’ye, ninka haddii aad rabtana la dhuumo ee aniga iga aamus” Raxmo waxay billoowday in ay hooyadeed maslaxeeyso, oo korka intay saliid macsaro u mariso in ay u riixriixdo.

 

La soco. …….8aad.

 

 

SHEEKOOYIN