Sheekadii Soddoho Q1AAD iyo 2AAD W/ Q Axmed Xaayoow

 

quotescover-JPG-32

 

 

 

 

 

 

 

Sheekadii Soddoho Q1AAD.

Waxaa laysku afgartay in arooska Raxmo iyo Daahir uu ka dhoco degmada Qoryooleey, waana sida ay codsatay Raxmo hooyadeed Cambaro oo loo yaqaano Cambaro Codweyn, Cambaro waa islaan kulul oo ay gacanta ugu jirto talada reerka, iska daa marka ay xanaaqsan tahaye, haddey caadi u hadlayso, ayaa dadku ka argagaxaan oo ka amakaagaan.

Waa islaan uu hadalkeedu mar walba qeylo yahay, wejigeedana ay ka muuqato caro, qosolkeedana uu inta badan jeesjees yahay, waa islaan aan ka baqin kana hamran inay ku hadasho waxa ay doonto, qof yaqaan iska daaye qof aan weligiis arkin oo maqla ayadoo hadleysa ayaa la yaaba.

Daahir wuxuu ku khasban yahay inuu noqdo inan la yaal, sababtoo ah halka gabadha laga soo guurin jiray, ayaa asaga laga soo guurinaayay magaala madaxda Muqdisho oo 117 km u jirta degmada Qoryooleey, taana waa mid ka mid ah shuruudaha guurkooda ay ku xirtay hooyo Cambaro.

Shuruudahaas inay raacaan waxaa qoyska uu daahir ka soo jeedo ku kalifay wiilkooda oo jecel Raxmo, reerkiisana u sheegay inuu la’aanteed noolaan karin, sidaa daraadeedna ayey ku ogolaadeen shuruudaha Codweyn, xafladaan arooska waa midii seddexaad ee loo dhigo Daahir iyo Raaxo, ayadana waxaa laga cabsi qabaa inay u burburto sidi labadi ka horreeyay, waayo hooyo Codweyn ayaa laga filan karaa inay la timaado shuruud dadka ka yaabisa iyo inay fajac iyo argagixiso ku rido arooska.

Daahir Xaaji Cabdi waxaa uu ka dhashay reer maalqabeen ah, waxaana la walaal ah saddex gabdhood oo ay mid ka weyn tahay, taasoo inta nin loo diiday markii dambe iska raacday, reerkana waxay ka cabsi qabaan inay gabdhaha kalana wadadeeda maraan, laakiin waxaa uga sii darnaatay inuu wiilkoodu guursado gabar ay hooyadiis u ogoleyn, isla markaana ay hooyadeed ku yaqaanaan inay qeylo badan tahay, amarkeeda waxaan aheyna uu soconeyn.

Raxmo Khaliif waxaa la dhashay gabar iyo wiil ka weyn oo labadaba reer leh iyo gabar ka yar oo guriga joogta, walaasheed Aamina Khaliif waxaa guursaday ina adeerkeed Cabdullaahi, xilligaana waxaa noolaa Aabe Khaliif oo shil baabuur ku dhintay.

Daahir iyo Raxmo waxay isku barteen guriga walaasheed Aamina oo ku yaalay degmada Xamar weyne, kadib markuu Daahir si kedis ah ku tegay gurigaas, waxaa geeyay wiil saaxiibkiis ah oo saaxiib la haa ninka Aamina oo la yiraahdo Cabdullaahi.

Raxmo waxay gurigaas u timid inay walaasheed soo salaanto, Daahir markuu Raxmo arkay wuu ka sii jeesan waayay, waxayna indhihiisu ku dheygageen Raxmo oo ula muuqatay inay tahay qeyb ruuxdiisa ka mid ah, waxaa lagu yiqiinay inuu yahay nin xishood badan oo af gaaban, lagamana filaneynin inuu salaamo gabar aanu aqoon iyo inuu gacanteeda sii deyn waayo.

Walaasheed Aamina iyo ninkeeda oo dhinac taagan walaashood ayuu Daahir, Raxmo ku yiri:

“Weligeey kuma arag, waxaana la yaabahay sababta ay nafteedu kuu taqaano”

Raxmo ayaa intay qososhay waxay tiri:

“Ma sidaasaa!”

Daahir ayaa ku dhaartay inuu run sheegaayo, markaa ayay Raxmo tiri:

“Waa laga yaabaa inaad hadda ka hor i aragtay”

Aamina Khaliif ayaa tiri:

“Gabadhaan waa walaasheey, waxayna degan tahay Qoryooleey ee Xamar ma degana, waxaana u maleynaa inaad ku riyootay” kadib ayay qosol raacisay, Daahir oo weli ku dhegan gacanta Raxmo ayaa yiri:

“Haddii aan ku aqoonin, maxay tahay sababta ay nafteydu kuu taqaan?”

Raxmo way la yaabaneyd, waxayna fiirineysay indhihiisa ku soo maqan, Aamina ayaa ku xujeysay: “haddii aad taqaan sheeg magaceeda” Daahir ayaa yiri:

“Magaceeda Raxmo haddii aanu aheyn ma aqaan”

waxaa lagu dooday inuu magaceeda soo xansaday, laakiin Daahir ayaa ku dhaartay inuu cid kale ka soo maqlin, Aamina ayaa tiri:

“Cabdiraxmaan ayaa kuu sheegay ee beenta iska daa”

markaa ayuu Daahir daayay gacanta Raxmo, wuxuuna Aamina ku yiri: “Magaceeda cid ii soo sheegtay ma jiro, mana garanaayo sida aan ku sheegay ee hala iga raali ahaado”

Raxmo waxay la noqotay inay la kulantay mucjisadi ugu horreeysay, dib ayayna u sii fiirisay wejigiisa ay murugada ka muuqato, waxayna soo baraarugtay Daahir oo ka sii baxaaya guriga albaabkiisa.

Cabdiraxmaan ilaa labo ama seddex goor ayuu Raxmo arkay, xilliyadaas oo aad u kala fogaa, mana xasuusto magaceeda, waayoo ma aheyn magac niyadda ugu qoran, wuxuuna guriga Cabdullaahi u soo aaday, inuu ka soo qaado lacag deyn ah oo ay ku lahaayeen, deyntaas oo ay reer Cabdullaahi ka soo qaateen dukaan lagu gado alaabta guryaha la dhigto oo ay leeyihiin Cabdiraxmaan reerkooda, muddo seddex bilood ahna laga sugaayay.

Aamina iyo odaygeeda waxay ku mashquuleen inay Cabdiraxmaan wax ka weydiiyaan Daahir, asagana wuxuu uga sheegay inta uu ka yaqaano oo ah inay Xamar weyne ku leeyihiin dukaan jumlo looga qaato badeeco kala duwan iyo inuu Aabbihii leeyahay shati ama rukhsad (import export) ah, xafiisna uga furan yahay Dubai, Aamina waxaa u muuqatay inay heshay fursad ay deymanka isaga dhiibto, walaasheedna ay kheyraadkaas u dhex dabbaalato, waxayna isu diyaarisay inay isku raadiso Daahir iyo Raxmo.

 

 

Sheekadii Sodoho Q2AAD.

 

 

Daahir wuxuu soo baxay asagoo ka fikiraaya siduu ku sheegay magaca gabar aanu aqoon, balse wuxuu isku dayay inuu isku qanciyo inuu mala’awaalay, waayoo wuxuu dadka qaarkood kula doodi jiray: (magacaaga uma ekid, waxaadna ku fiicneyd in hebel laguu bixiyo) laakiin Raxmo way kala duwan tahay dadkaas, sababta oo ah wuxuu magaceeda u sheegay sidi inuu yaqaano, waxay ula ekaatay inay tahay qof ka maqneyd uu helay oo kale.

Sababta oo ah naftiisa ayaa raali ka noqotay arageeda, markuu salaamayna neecaaw saxansaxo ayaa wadnihiisa gaartay, inta uu gacanteeda hayayna saxansaxadaas waxay (sii saaqeysay) sii dhex mareysay dhiigiisa, markuu gacanteeda daayayna waxay la noqotay in laga siibay faleebo ku socotay.

Wuxuuna isaga soo tegay saaxiibkiis Cabdiraxmaan oo ay ku ballansanaayeen inay caawa wada caweysimaan, malaha wuxuu ka carooday markuu sheegay Raxmo magaceeda oo ay Aamina ku tiri: (been baad sheegeeysaa) asagoo hubay inuu runta sheegaayo, taa ayaana sabab u aheyd inuu sii daayo gacanta Raxmo iyo inay faleebada ka istaagto, caradaas ayaa illoowsiisay ninki uu la socday iyo muraadki ay isu soo raaceen oo ahaa inuu reerka gurigaas lacag ka soo qaado, ka dibna ay magaalada mushaaxaan.

Cambaro Codweyn waxay carruurta ku korsataa beer ay ku abuurato khudaar kala nuuc ah, fasal kasta (xilli beereed kasta) waxay madaxa isla galaan wakiilka wasaarada beeraha u jooga gobalka Shabeelada Hoose, kaasoo ay qeylo ku gasho xafiiskiisa, ayadoo uu muraadkeedu yahay inay hesho makiinad beerta u fasha iyo inay ayadu ugu horreyso,beeraleeyda  oo loo makiineeynaayo beerahooda.

Marka la maqlo dhawaaqeeda fadhi ma jiro, waayoo Codweyn kama beqeyso in la xiro, lagumana handadaayo waa ku xiraa oo diyaar ayay u tahay in xitaa gaalshiro loo qaado, laakiin waxay dowladdu ugu naxariisaneeysaa inay tahay islaan weyn iyo inay haysato carruur agoon ah, sidaa daraadeed ayaa ayada loogu hormariyaa falida iyo waraabinta beeraha, ileyn waa islaan qarsho u jaban tahay oo waxay ka nexeyso laheyn.

 

Toban daqiiqo haddii ay soo daahi lahaayeen Daahir iyo Cabdiraxmaan, guriga uguma imaan laheyn Raxmo, sababta oo ah waxay isu diyaarineysay inay baxdo oo gaari u socda Qoryooleey ay ka raacdo boteejada Ceelgaab, markii dambana waxaa sii dhaweysay walaasheed Aamina oo wax ka weydiisay inay is yaqaanaan Daahir, Raxmo ayaa tiri:

“Iska daa inaan aqaane, xataa magaciisa waxaan ka wada maqalnay ninki la socday, waxaana la yaabanahay siduu magaceyga ku sheegay”

Si kasta oo ay Aamina u qodqoday walaasheed, waxay ka weyday wax xiriir ah oo ka dhexeeya ayada iyo Daahir, markaa kadib ayay ku tiri:

“Waxaan u maleeynaa inuu Daahir kaa helay” Raxmo ayaa tiri:

“Ka helid sidee ah? maba aqaanee sidee iiga helaa…hay” Aamina ayaa ku tiri:

“Gacantaada siduu ugu dheganaa ayaad ka garan kartaa inuu ku jecel yahay, midda kale ma taqaan waxa micnaheedu yahay: (nafteeyda ayaa ku taqaano) meceheeda waxaa waaye (waa ku jecelahay)”

Raxmo ayaa ku dooday inay sidaa aheyn oo ay dhici karto inay Daahir ula ekaatay gabar uu yaqaano, Aamina oo rabtay inay arrintaas ka salgaaraan ayaa walaasheed ka codsatay inay laba maalmood kadib ku soo laabato Xamar, ayadana ay maalmahaas ku soo ogaato xaalada Daahir.

Raxmo waxay baxday ayadoo diidan inay muddadaas ku soo laabato, laakiin markay raacday baski u socday Qoryooleey ayay feker gashay, waxaana horteeda soo istaagay sawirki Daahir oo gacanta uga dhegan iyo indhihiisi aan libiqsaneyn oo indhaheeda eegaayay, way hubtaa inuu gacanta xoog uga haysan oo ay gacantiisa iska sii deyn kartay, sababta ay u sii deyn waydayna ay tahay naxariis ay indhihiisa ka dareentay, markay indhihiisu ka jeesteen oo uu gacanteeda sii daayayna ay la noqotay inay cidla taagan tahay, kuna soo baraarugtay markuu guriga ka sii baxaayay.

Raxmo waxay falalkaas ula ekaadeen inay is yaqaanaan ayada iyo Daahir, laakiin aanay ogeyn goorta iyo goobta ay isku barteen, fekerkaasna wuxuu nafteeda ku xiray nafta Daahir, waayoo waxay jecleysatay inay mar kale aragto, si ay u ogaato goorta ay is barteen, waloow ballanta walaasheed ay la fogaatay, haddana waxay ka fursan weyday inay maalintaa iska sugto.

Subaxdi xigtay ayay Aamina soo aaday dukaanka Cabdiraxmaan, ayadoo ka rabta inuu u tilmaamo halka ay Daahir ka heleyso, xoogaa markuu ku dhibay inay u sheegto sababta ay Daahir u raadineyso, ayadana ay ku gaabsatay inay barato oo kali ah, ayuu u tilmaamay halka ay ugu hagaageeyso Daahir.

Waxay timid dhismo laba dabaq ah oo dabaqa hoose ay ku yaalaan makhaasiin alaabta lagu keydiyo, dabaqa sarana ay dad ka degan yihiin, markay gashayna waxaa loo sheegay inuu xafiiska ku jiro Daahir, waxaana la geeyay qol xafiis u ah oo ay kula jiraan dad sugaayay inuu boonooyin u qoro, markuu Aamina arkay ayuu Daahir fadhiga ka soo kacay, intuu salaamay ayuu ku yiri:

“Dadkaan ayaan howl yar u dhammeeynaahe ii sii fadhiiso”

Markuu howshi dhammeeyay ayay Aamina ku soo fadhiisatay kursi ka soo horjeeda midka uu Daahir ku fadhiyo, waxayna hadal uga billoowday:

“Hadda waa isnaqaanaa” Daahir ayaa yiri:

“Sax beentaa maaha” Aamina intay qososhay ayay tiri:

“Runta ii sheeg, Raxmo xagee isku barateen?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “Walaashaa isma naqaano, shalay galabna waan iska kaftamaayay” eraygaas wuxuu Aamina ka dumiyay sar baraf ka dhisneyd, markaa ayay tiri:

“Haddii aad iska kaftameysay, maxaad walaasheey beenta ugu sheegtay?

” Daahir oo hadalkaa dhibsaday ayaa yiri: “walaashaa been uma sheegin, mana jecli inaan been u sheego, laakiin adiga ayaan kula kaftamaayay” Aamina ayaa tiri:

“Waxaan kuugu imid, haddii walaasheey ay kugu jeclaato ficilki shalay aad ku suubisay oo aad wax la qaban weydo, waxaad ogaataa inaad geerideeda adiga masuul ka tahay”.

Daahir inta aanu Aamina ku arkin xafiiskiisa, waxaa qorshaha ugu jirtay maalin maalmaha ka mid ah inuu Cabdiraxmaan u wato gurigeeda, si uu u soo ogaado halka uu Raxmo ugu hagaagi karo, makay xafiiskiisa soo gashayna arageeda wuu ku farxay, haddana waxaa daayay walbahaar uu ka qabay siduu ugu sheegan lahaa inay u tilmaanto wadada uu u maraayo Raxmo, sidaa daraadeed wuxuu ku yiri:

“Walaashaa Raxmo wax dhib ah magaaraayaan inta aan ifka joogo, haddii ay i jeceshahayna jacelkeeda kuma khasaareeyso” Aamina intay qososhay ayay tiri: “Daahir waan kula kaftamaayay” misana intay baqday ayay raacisay:

“Raxmo waa gabar yar, waxayna iga tagtay ayadoo rabta inay mar kale ku aragto” Daahir ayaa yiri:

“Sidaa haddii ay tahay, markaan anigaa u tegaaya ee gurigeeda ii tilmaan” Aamina intay madaxa ruxruxday ayay tiri:

“Maya, maya, maya gurigeeda uguma tegeysid, waayoo ayada ayaa maalin kadib imaaneeysa gurigeeyga”

Aamina danti ay laheyd way gaartay, Daahirna danti uu lahaa way sahlanaatay.

 

La soco qaybaha dambe……..

W/Q  Axmed Xaayoow(Ahmed Hayow)

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.