Sheeko gaaba: Kabo Qaate W/Q: C/fitaax Maxamuud Dhegobaaf

image
kaba qaade.

Waxay ahayd  goor  cilcilow ah, Cirku waa madoowyahay waa xiligii Salaadda Subax adinkii hore wuu dhacay  markaasuu wadaadku. aqiimkii isu taagay,  iftiinbaa soo socda kaaha waaberi, welise qoraxdu weli ma soo bixin. jawigu waa qabaw xoogaa, oo dhaxan yal ah ayaa dhacaysa. isagoo hurda ayaa waxaa loo kiciyey axmed salaada subax.
Axmed baa halhaleel u kacay, Axmed ma haysan kabbo fiican uu ku tago, balse dacas dhammaada  oo guriga ooli jirey ayuu hore usii gashtay , masaajidku kama foga aqalka ay deganyihiin.

Axmed oo yara hurdeysan ayaa soo galay masaajidka,wuxuuna la xirtay salaadi jamaacadii , goorti laga baxay salaadana, islamarkiiba wuu ka soo baxay kadinka masaajidka, wuxu ku arkay Axmed kabo badan  oo kala duwan,  isla markiiba wuxuu go’aansadey inuusan Dacaskii saddexda jeer jidka ku kala baxay uusan dib u sii gashan,beer kabo Sandhal ah buu hore uso gashadey uu ka xushay weliba , aqalkiisii ayuuna iska aaday dib buu hurdo dheer camirtay .
Mooge waa wiilka  dhallinyaro ah waana ninka  leh kabbaha   uu Axmed qaatay,  waa isku xaafad kama foga agagaarka masaajidka waa deris , markii dadkii oo dhan soo faaruqiyeen masjidkii cadceedina so if baxday, oo si wanaagsan waagii u baryey, Moogena uusan weli helin Kabbihiisii, marnaba kuma ayaan soo dhicin waa kagaa xadey, kaaga darrane wax kabbo ah ma hayo weli oo laga tagay ,aan ka ahayn dacas duug ah, awel wuxuu u haystay inay ruux kaga badalmeen kabbuhu, kuwii laga tagay gasho buu is lahaa , laakin wuxu cid sugaba kolkii uu waayey nina , iska garowsay in la xaday kabihiisi.

Mooge wuu maqli jirey kabbo ayaa lagu xadey masaajid welise kuma ayaan dhicin, iska Samir hadda oo cid uu eedo iyo cid uu tuhmo midna ma yaqaan.Maalinimadii ayuu kabbo cusub buu suuqa ka soo gatay,  Axmedna waaba shidibaaba shidan maba u arko inuu cid wax yeelay ee
waxuu iskaga mushaaxaya magaalada kabihii  uu saaka ka xadey  ninkii islaamed ee ay dariska ahaayeen, laftiisu ma oga mana yaqaan qofkuu xadey, wuxuuna u haystaaba,hantidiisi.

Gacan qaadqaad baratey ma deysee, Isla maalinimadii ayaa laysugu soo noqdey Salaadii Casar masaajidkii,  mid ba geestiisa ka soo galay masaajidka , kii hore u qaatay kabbaha waa ahmed , galabtana dacas buu xiran yahay,oo kuwii uu hore usoo xaday saaka wuxu soo dhigtay aqalka, salaadi ka dib, isla sidii buu  albaabka uga boodey masaajidka, oo hore kabo kale oo aad cusub u sii iladay, balse, ayaandarro  kabbaha cusub uu iladey waxaa iska leh ninkuu saaka xadey, oo kuwan cusub inuu iibsado ku kelifey.

Wiilkii kabbaha laga qaatay illaahay baa yaab u keenay fajac , qaadan waa baa ku dhacay ,dacaskii duuga amahaa ayuu goor dambe hore isaga sii gashtay oo aqalkiisi ku aaday,isaga madluubsan.

Subixii dambe baa waxa masaajika soo aaday, Axmedkii tuuga ahaa abtigiis ah oo ay wada degan yihiin guriga , abtigii wa nin DR ah .
Sida caadiga ahna dhallinyarada guriga ku wada nool, waxyaabo badan ayay wadaagaan, Axmed Abtigii, markuu soo baxayey wuxu hore usoo gashadey, Kabbihii axmed  xadey labada Beer kii  dambe, waxba kama oga meesha kabbahani ka yimaadeen, masjidkii ayuu iska galey lana tukadey jamaacadii.
Mooge maanta oo qudha ayaa labba jeer la xadey  oo waa feejigan yahay, qofkii soo agmarana kabbihiisa ayuu eegayaa,  ayaa isla markiiba dadka ugu soo hor baxay , isagoo is leh bal eeg saaka cida ku gaada, ee kabbaha xada, dadkii markay soo dareeren, ayuu isha qac ku siiyey nin kabbihiisii  xidhanaya oo jafjafanaya.

Dr waa nin degan oo aan ahayn dadka dhacdhaca, Moogena wixiisii ayuu arkay, ” Nin iyo Xoolihiisa aragti baa ka dhaxeysa”  Yaab iyo amankaag bay noqotay, Mooge ayaa intuu i yimid Drkii ku qabsaday, wuxuu yidhi:

“Adeer kabbahan anigaa leh :ee waa sidee xaalkaagu, ma sidaana alle kuu qadaray, nin weyn baad ahayde, maxaad kabbahayga ku tusay ood uga dhammaan la’dahay  ee i kaa daba dhigay, minu subax walba maxaad noo xadaa horta, miyaadan nin xishoonaya ahayn ?! ”

DR kii oo yaaban isaguna baa ugu jawaab celiyey, ” ma aniga walaal , maxaan kaa qaatay, kabbahan ma kuwa aad lee dahay bay ahaayeen ? war uma hayo wax leh  , laakin gurigaan ka soo gashadey, habaar qabahaan abtiga u ahaa baa xidhnaa kabbaha , ee ina keen u tagnee isaga bal .” waxaa loo tagay , waxa la weydiiyey meesha uu kabbahan ka keenay,tuugi qir buu soo istaagay ma aniga? maba ogi hawlahan iyo kabbahaad ka hadleysaan buu yiri , abtigii iyo xaqlihi waa is fiiriyeen iyagoo yaaban!

Sidii hadalkoodi u socday baa mar qudha wuxu arkay  Mooge beerkiisi kabbihii kale ee cusbaa oo laabka albaabka qolka yaala! wuxu la soo booday , alla kuwana aniga leh, bal eega tuugtan!  waa kuwii shalay laga iga soo xaday waa idin sidee niman yohow?Xaqq  ummada islaameed miyaad usoo tafa xadaydateen ,haddii ay sida tahay maad isbaaro jidka dhigataan ?, kan wax xaday axmed abtiigii waa is baddaley oo  qosol gariiray, arintii ba anfariir ku noqotay iyo indho gabax .
wuxu weydiiyey wiilkiisi war maxa kabaha ummada masaajidka uga soo xaday miyadan wax isku falayn? tuugi wuxu soo istagay meel baad iga dhacaysaan ma aniga ? war ordaya shaqo yeesha .
Qir iyo qir , dafiraad buu soo istaagey cad , markii dambe ninkii wax laga xaday isagoo yaaban , quus ah, oo cawdu billaysanaya ayuu isaga huleeyey goobtii, labadiisi beer oo kabbaha ahaana labadda gacmood ku sii qaatay,
kuwi isku abtiga ahaa muddo wax la murmaba markii uu dafiraadiisi ku adkaystay Axmed oo dhaar ku daray weliba . markaa kad dib isaga dhaqaaji abtigiina isagoo leh , wajigaaga iga hor leexi wajigaa gubaye waad na ceebaysay maante, ileeyn Kabbo qaataha umadda dhibeyba guriguu ila joogaa!ileyn dad ba waxa ugu daran , Tuug aan baqin xishooona .

dhammaad

WQ/ ABDI FATAH MAHAMOUD DHEGBAHAAF.

SHEEKOOYIN