Sheeko Gaaban; Xaaskayga waxaan furay Lix sababood! W.q; Cabdullaahi M. Maxamuud(Siyaasi)

broken-marriage-13675609

Sheeka Gaaban. Xaaskayga waxaan furay Lix sababood!

(U Carbi Ubadkaaga Nolosha Guurka iyo Guriga cusub.)

Mid ka mid ah sheekooyinki hore ee berisamaadka nalooga sheekeyn jiray iyo xikmada laga rabay oo ahayd in gabdhaha iyo wiilashaba lagu barbaariyo barbaarin hagaagsan guurka ka hor.

Maantoole: Waxaa jiray Wiil dhallinyar oo aad u deggan, reerkiisana ay aad ugu tiirsanaayeen kartidiisa iyo waxgalnimadiisa,gaar ahaan xoola dhaqashada iyo daryeelkooda iyo guud ahaan dad la dhaqankiisa wanaagsan oo lagu qadarin jiray..

Wiilki ayaa reerkiisa waxay u dooneen Gabar ka soo jeedo reeraha la yiil reerkooda oo iyaga ahaa reer aad loo qadariyo.

Wiilki iyo gabadhi waa la isu guuriyay ,habeenki aqal galka subaxdeedi ayaa wiilka wuxuu gabadhi xalay loo guri-geeyay u sheegay in ay ku noqoto reerkeeda,kolki ay weydiisay sababtana wuxuu ku yiri ,warkeyga maanta duhurki ayaad heleysaa ,wiilki cidna uma sheegin dhacdadaas ,Gabadhina waxay aaday reerkooda oo yiil meel aan sidaa uga fogeyn reerka wiilka ,Wiilki maalinimadi amminka dhaxe oo hooska isla sinmay ayuu gabadhi ka dabageeyay farriin ah in ay furan-tahay. Gabadhi aad ayey uga nixisay farriintaas xambaarsaneyd in la furay,waxay ku riday argagax,yaxyax,xishood ,waxay sheegto waa garan weysay oohin ayey meel la fadhiisatay ,Hooyadeed ayaa ku soo baxday sida ay u ogaato maxaa gabadhoodi helay, maxaa soo celiyay maxay tahay farriinta u timid ee murugada ku beertay ,kuna qasabtay in laba maalin ay hadliweyso.

Laba maalmood keddib gabadhi waxay u warrantay reerkooda, waxayna u sheegtay in la furay ,waxa uu ninkeeda ku furayna aynan aqoon ,Reerki gabadha ka soo jeeday aad ayey uga caroodeen arrintaas ,waxayna u tageen odayaasha reeraha kale ee deegaanka la yiil, gaar ahaan xigtadooda hoose, si ay ugala tashadaan sida arrintan culus ee madax xanuunka ku keentay laga yeeli lahaa, reerki ay gabadha ka dhalatay iyo xigtadeedi waxay isla garteen in ay gogol u dhigtaan reerka uu ka dhashay willka,si reerka wiilka ka dhashay ay u furaan xujadan iyo gabadhooda maxaa lagu furay iyada oo aynan is arag ninkeeda.

Waa la ballamay in gogol ballaaran la isugu yimaado, Reerki wiilka ka dhashay waxay isku dayeen fadhi ka hor in ay wiilkooda uga warrama asbaabta keentay furriinkaas degdega ah, balsa waxba uma sheegin ,wuxuuna ku yiri gogol la wada joogo ayaan ka sheegayaa.Kolki la gaaray waqtigi lagu ballamay in la wada fadhiisto,waa la kulmay iyada oo ay gogoshaa wada joogaan odayaasha labada reer iyo reeraha kale ee la yaal deegaankaas.

Waxaa wiilki la weydiiyay ,maxaa dhacay oo gabadha aad ugu furtay dhaqsidaas, wuxuuna ku jawaabay, waxaan u furay Lix Asbaab oo aan Heblo ku arkay fiidki hore ee habeenki lay guri keenay , wuxuuna yiri,

  • Aqool xumo
  • Dhaqaale Xumo  
  • Sabar la’aan
  • Habaar badni
  • Caro fudud
  • Xoolo Xunno.

Waxaa wiilki lagu yiri ,sidee intaas ku oggaatay,una kulmisay iyada oo aan gabadhan kula joogin hal habeen, wuxuuna yiri isaga oo faahfaahinayo asbaabta.

1-Aqool xumadeeda waxay doontay in ay shidato dabki ay ku Karin lahayd soor iyo Hilib ,waxay soo qabsatay jaabo tiil Bowtka guriga ,jaabadina sal ugama dhigin dhagxaan ay dheraga kaga tiiriso dabka si uunan ugu fadhiisan dabka ,keddibna u nuxuusin ama dabka u damin.

2- Dhaqaale xumo,Dabki ayaa u bixi waayay, kama fikirin halka dhibka ka jiro, waxayna doontay jaabo kale mar,labo iyo saddex si ay u sii dul saarto jaabadi hore oo aan dab fiican weli bixin.

3-Sabar la’aan, waxay bilawday in ay afuufto Dabki si isdaba joog ah oo aan kala go’a lahayn, iyada oo aanan weli caqligeeda ka doonin asbaabta hortaagan in uu dabka u baxo ,holacna keeno.

4-Habaar Fudud, kolki afuuf ay ku daashay,aad u tabar yareysay,waqtigiina ku socdo ,aragtayna in dabki u bixi la’ayahay  ,waxay tiri ,Balo ha aragtee,Dabkan Baas qabka ah muxuu ahaa,waxaana durbadiba yimid roob weyn oo in yar socday oo dabki ka damiyay.

5-Caro badni, kolki dabki bixi-waayay ,roobna helay qaaci yaraa oo baxayay, way xanaaqday ,waxayna carro ama ciid ku shubtay dabki , halkaasna laga seexday iyada oo aan wax Karin habeenkaa.

6- Xoolo hunno(dayacnaan), subaxdi kolkaan soo toosay ,oo aan maagay kabbahaada horay u illo, kabo ma yaaliin ,oo xalay kolki aan iridka hore ku siibtay ,Heblo sooma xareyn ,sidaas ayaana fududeysay in la xado kabahi.

Labadi reer iyo korjoogtadi fadhigaan, indhaa ka soo haray ,sidaana waxaa ku dumay gurigaas inta aanan salka loo dhigin tiirarki lagu adkeyn lahaa aasaaska gurigaas.

Reer walba waxaa lagu gudboon ,in ay wiilashooda iyo gabdhaooda ku tarbiyeeyaan in ay  iman karto in la kala soconayo ,ruux walbana laga sugayo dhisida reer hor leh iyo oodida guri cusub ,Reer Walba waxaa laga rabaa in wiilasha iyo gabdhaha lagu tarbiyeeyo in ay noqdaan kuwa kala saari karo wixi xun iyo wixi san ama xummaha iyo sammaha ,ogyihiin kolki guur la galo in is fahamkooda uu fadhi u yahay gurigooda,mas’uulna ka wada yihiin wixi ka xumaado iyo wixi u samaado gurigaas iyo ogaanshaha in mid walba oo iyaga ka mid ah uu leeyahay waajibaad u gaar ah iyo waajibaad guud ee ka wada dhaxeeyo.

Waxaa reeraha laga rabaa in ay carruurtooda baraan ilaalinta asraarta gurigooda iyo in aynan bannaanka u bixin,ka warheynta gurigooda dhan walba, inta uu ninka ku maqan yahay u soo adeegida reerkiisa ,gabadhana ku hawlan tahay daryeelka gurigeeda.

Abdallah Moallim Mahamud.

Moallem10@hotmail.com

SHEEKOOYIN