SHEEKO IYO SHACTARO: Maadeeye iyo Warmoog W/Q Bashiir Cali Barre

12003339_724315297700386_2943150725644594645_n

SHEEKO IYO SHACTARO, Maadeeye iyo Warmoog”

Warmoog waa gabar aad u qurux iyo qaayo badan, waxaana eebbe ku galladaystay dabeecad dulqaad iyo dadnimo aad u heersarreysa.

Warmoog waxay is barteen wiil ka mid ah dhallinyarada ay isku magaalada deganyihiin oo magaciisa ay ka sarreyso naynaastiisu, waxaana lagu naynaasaa “MAADEEYE”.

Sida naynaastiisaba ka muuqata waa nin aad u shactaro iyo maaweelo badan hal abuurnimana ku darsaday oo waa afmaal farta ka xiran, goobta iyo gollaha uu yimaadna afkiisuun baa la dhawraa, dadkoo dhami waa tixgeliyaan, waa nin bulshaawi ah oo codkara, hase yeeshee Maadeeye, waa nin dhallinyaro ah oo aan hanti lahayn, shaqona hayn oo fara madhan, ciladaas oo Maadeeye u diiday inuu wax badan u hirgalaan. Haddana waa nin isku kalsoon oo hayn la’aantaasi kama dhigin qof wax ka dhiman yihiin, ee si buu u dhiirranyahay oo maahan shaqsi isku dhiibay sida uu wax la’yahay.

Maalmo ka dib isbarashadoodii, ayuu isku dayay inuu xodxoto warmoog, dalabkiisa iyo doonistiisa ayuu farta ka saaray gabadhii warmoog ahayd asagoo wax baqdin ah aysan ka muuqan iyo filasho xumo toona.

Warmoog oo maalmihii koobnaa ee ay taqiinay aad u xansatay xaaladda dhabta ah ee Maadeeye soona oggaatey inuu yahay nin jeeb maran, ayaa dalabkiisa ka biyo diidday waxyaalo aan jirinna u sheegsheegtay sida si ay u qanciso maadaama ay u aragtey ineysan ka helayn waxay rabto maaha dhanka qofnimadee xagga dhaqaalaha, waxay billowdey inay cudurdaaro badan u sheegto.

Ninbaan u doonanahay, mid dhalashada Jarmalka qaatay ayaan saaxiibo isku dheer nahay, mid kaloo eeddo dhashay ayaa reerku isiin rabaan iyo qaarkale oo dhammaantood is wada burinaaya.

Maadeeye waxaa u caddaatay in gabadhu is dhaafis wado, ee aysan wax saxan lasoo shirtegin, markaa ayuu si cad u yiri ”Naa heedhe hadba dhan ha u dilaamin oo darbi haysku qaadine, wax isku aadan ii sheeg ama ugu yaraan ii sheeg waxaad igu diidayso oo gaar ah haddii ay jiraan”.

Warmoog oo markaan jaha kale oo u furan arki la’ ayaa bareereheeda caddaysatay tirina ”Maadeeyoow haddaan hadda ku qaabilo, ma tahay nin is meel marin kara oo leh awood iyo dhaqaale uu reer ku dhidbo”?.

Alleylehe hadda ayuu maadeeye ogaaday halka sartu ka quruntay, oo ah in gabadhu xogtiisa dusha ka hayso waxa ay la dig iyo dam leedahayna ay tahay saluug ay ka qabto jeeb marnaantiisa, waa nin aan suugaantu dhibin kuna darsaday qaab shactaro ah u xareedinta suugaanta.

Maadeeye asagoo doonaya inuu warmoog dareensiiyo in jacaylka iyo reer wada unkiddu aysan jeebka ku xirnay, ee shardiga kaliya ee loo baahanyahay uu yahay in israbis iyo isku kalsoonaan ay jirto, kuna sii daraya tusaalaha ay ku wada noolaan karaan haddii ay aqbasho ayuu ku maasooday sidatan:-

 

  • Middi seedo goysiyo
  • Yaa masaaro kuu gada
  • Kuyiraa war moogeey
  • mulaciyo abeesada
  • muska soo galee nagi
  • madaxa uga soo goo
  • macashooda noo kari
  • aan maraqa koodaa
  • mayrax jeerin iyo labi
  • jilabkiyo murcoodkaba
  • maxabba ugu dhuuqno
  • masaariif ka dhiganee.
  • Maja dhooqaleeyeey
  • hadaa maya tiraahdee
  • ismaqiiq billowdoo
  • masruufkeygii aawiyo
  • magaalaan degaa iyo
  • meedhiyaan dhageystiyo
  • mushaaxiisa facebook
  • kama maarmi karayiyo
  • muraniyo dhib keentana.
  • Sida awr madoobaan
  • qabir kuu miq siinoo
  • Isku mari lugaha oo
  • Miig baaban kuu xiri. 
  • Adoon iba mucaaradin
  • maya mayana igu oran
  • haddaad milicda suudiga
  • masruufkaaga halaqiyo
  • maska iyo abeeska ah
  • maasheed ku qanacdoo
  • maygaag cadceediyo
  • karar aan midnaba celin
  • hoostiisa mudaneey
  • meel nooga xaartoo
  • miyir iigu joogtana. 
  • Maansooyin badanoo
  • Dadku wada mashraxado
  • Miisaan leh baan curin
  • Murti waxaan ku dhihi laa
  • marwo qaaliyaa tahay
  • malyan dumara tii aan
  • marxababa ka iriyeen
  • kaga maarmay baa tahay
  • magacii xumaayeen
  • maja dhooqo kugu iri
  • marraa waaxid waa qalad
  • mudankaana maahayn
  • Maal iyo adduuniyo
  • Waxba moodku maahe
  • Maadeeye baa mudan
  • Adna muran la’aan yeel.

W/Q Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN