SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q12AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

 

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q12AAD

Arrin culul oo dhalanteed ayay igu noqotay, wax aan dhahana ma garanayn, waxaan isku dayay in aan is moogayso oo ku dhaho “haddaad iga tagtid Naag dambe maba rabo” waxayse tiri “waan ku aqaanaa, aqoonna waan kuu leeyahay mana ihi midda kaa dhagaysanaysa warkaas, sida aan kuu aqaan una dareemi karo baahidaada, ma jirto cid kuula fahmi karto, waan aaminayaa marka aad I leedahay Naag kale ma rabo oo aan adiga ahayn, balse, tan ma ahan adiga, ee waa aniga, wax walbana waxaa u suubinaysaa dartey, Riya ayaan lahaa, riyada aan lahaa haddii ay meel dhex ku hartana qof dhamays tira ayaa la doonayaa, qofkaas qofka uu noqonayana aniga yaa go’aansanaya adiga mid ii balan qaad, mar walba sida aad iigu qadarin jirtay talada iyo go’aanka nolosheena waxba haka badalin, waana kugu jeclahay middaas, fadlan hadal hasoo celin macaane.

Waxaan ku iri “wax wanaagsan ayaa allah xagiisa laga rajeeyaa, waa maxay waxa aad ku riyoonayso ameeba jirada qalbigaaga wax u dhibtay. Sidee ku keentay arrimahan ah in aad adiga oo nool aad I dhahdo Naag kale oo waliba hebla ah guurso?

Daymo dagan ayaa sidaas la iigu eegay, hadal kooban ayaana la  igu yiri “xil ayaa iga saaran noloshaada iyo taydaba, waxa aan suubinayana waa wax aan u arkay maslaxaddena, sidaa darteed muranka badan iga dhaa,f waxa aan suubinayo waan kaaga xog-ogaalsanahay, mar walbana waad ogtahay in aan sax Sanaa jiray, calooshaada adkee Karaama, ee telka lacag igu filan iigu soo shub khayr allaha ku siiyee.

Waayahay ayaan iri, inta aanan dhaqaajin ayaa kal-kaalisda keentay qadadii ay cuni lahayd, waxaana ka codsaday in aan qadada siiyo kadibna aan baxo, waa igu qadarisay oo gacantayda ayan ku siiyay si fiican markii ay uga bogatayna waxay igu tiri “waqtia yaa igu socda fadlan ha I daahin orodoo kaar fiican ii soo gad aan kula hadlo Ayaan.

Waan kasoo dhaqaajiyay, wax yar kadib waxaan u keenay kaarkii ay iga codsatay waana ka tagay, maadama ay sidaa horey iiga codsatay, wax ay kuwada hadleenna ma aqaan runtii labada gabdhood, balse, waxaan dareemayay in sheekada ay qabyo uga go’day oo la iga dalbaday in aan keeno kaar kale, si loo dhamaystiro arrinka, anigana maba daahin oo mid kale ayaan keenay ilaa lakala sheeko bogay.

Markii la kala bogtayna waxaa xoogaa yar oo waana ah ii gashay Nimco, waxayna iila hadlaysay runtii sida qof la sagootinayo, balse, marnaba niyadayda kuma jirin in wax ku dhacayaan xaaskayga aan jeclahay, ayna igu cidlayn doonto dunida, balse, iyada sida iiga muuqatay waa qof  garatay halka ay u jihaysantahay, hadana go’aansatay in aysan qorshe la’aan iga tagin, oo meel wanaagsan oo ay hubto cid waxyeelo iigu gaysanaysana aysan jirin I dagsato.

Maalinkaa aniga oo sidaa u yaaban ayuu dhamaaday, Allah mahaddiis caafimaadkeeda wuu kaso raynayay, iyadase waan ka dareemayay in ay waa hore hubsatay in aysan joogi doonin dunida oo xilli walba ay ka hayaami karto, maalinkaa waxay codsatay in aanan ka dhaqaajin caawo oo aanla joogo waana ka aqbalay oo kama tagin, aniga oo kursi ku aaddan madaxeeda marna quraan ku aqrinaya marna u sheekaynaya ayuu waaga noo baryay, qof labadeenaba seexday ma jirin, waxaase allah Mahadii  ahayd in wax xanuun ah uusan qaban.

Habeenkaana waayo waayo sheekooyin ah ayaa la galay, oo waxaa la go’cday xusuus hore, qof walbana wuu macaansanayay Taariikhda lasoo maray, subixii markii uu waaga baryay ayay iga codsatay in aan iska sii baxo oo xaafadda aado si aan usoo seexdo, iyadana ay doonayso in ay seexato, duhurka xiliga qadada aan u imaado telkana lacag badan lagu soo shubo si loola hadlo Ayaan oo ay balansanaayeen.

Waan ka aqbalay, oo maba ka diidi Karin hadal, maadaama waxa aan meesha u joogo u adeegiddeeda ay kow ka ahayd iyo farxad galinteeda, wax walba oo ay doontana aan u sameeyo inta karaankayga ah.

Sidaas ayaan kusoo dhaqaajiyay, xoogaa markii aan xaafadda imidna isku tuuray sariirta,xilligii qadada markii la gaarayna sida balantu ahayd waxaan u dhaqaajiyay xagaa iyo halkii ay ku sugnayd xusuusta xiskayga.

waxaana u tagay iyada oo qadaysay oo I sugayso, markii aan soo galayna waxaa la ii muujiyay xoogaa in la iga xanaaqsanyahay oo aan soo daahay, maadaama ay hortey qadaysay lana doonayay in aan qadada gacantayda ku siiyo, balse, waxaan ugu cudur daartay in cariiri badan oo xaga waddada uu dib ii dhigay, ee aan soo baxay waqtigii munaasabka ahaa.

Raali galin iyo cafisna waan dalbady, si wanaagsan ayaana la iiga aqbalay, waxaana la iisii raacshay duqa telka lacag ma kasoo buuxisay? haa “ayaan ku iri” halkan soo fadhiiso, telkana igu soo wareeji,  amar dowla mudeec ayaan iri aniga oo sujuudda ka dhunkanaya, amarkii la I siiyay ayaan fuliyay oo waan wareejiayy telkii, halkii la ii tilmaamayna waan fadhiistay aniga oo eegaya xageeda gudahana iska leh maanta maxaa la damacsanyahay!

Telkii ayaa la garaacay waxaana salaan kadib ii muuqatay, in labada qof ee hadlaya ay ahaayeen laba qof oo wixii qorshahooda ahaa ku heshiiyeen lana doonayo in la I maqashiiyo oo kaliya go’aankooda, balse, waxaa lagu yiri Ayaan, waan kugu soo celinayaa telka ee fadlan meelna ha aadin.

Xagayga ayaa loo soo jaleecay, la iguna yiri “soo istaaga” waan soo istaagay, waxaa la igu yiri “waxaan kaa doonayaa in aad ii balan qaaddo in aad ii suubinayso wax walba oo aan doono.

Oggol ayaan la soo booday wax lagaa diidi karo ma jirto adiga, waxaa la iigu xijiiyay aaminka ma igu qabtaa oo ma ii qirsantahay in aan anig ku leeyahay oo meesha aan ku dhigto aad raali ku noqonayso? waxaan ku iri “haa nacam wax dood ah kama qabo”.

Waxaa la igu yiri “macaane warkayga maqal, waan soo dadaalnay, safar dheerna waan soo galnay, waxayse u muuqataa in la gaaray meeshii uu qof walba safarkiisa ku ekaa, waana safarka nolosha,  haddii aan noolaado waxaa noolaanayaa aniga oo xaaskaaga ah kuna qanacsan waxa aan doortay, haddii aan dhintana waxaan doonayaa aniga oo gutay waajibkayga gacan aan aaminka ku qabana kugu og in aan dhinto, adigana inta noloshaada ka dhiman aadan I hilmaamin oo noloshaada oo dhan dhinac walbe aan u daboolo, waana doorashadayda arrintan, fadlan igu raac, waligaa ima aadan qilaafi jirin, balse, xiligan waa xiliga aan ugu baahi badanahay codsiga aan kuusoo bandhigtay  fulintiisa, marka ay sidaa u hadlaysana iliiinta waa buuxisay barkinta ay ku haysatay lugaha korkeeda.

LA SOCO Q13AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN