SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q3AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q3AAD

 

Aniga oo fadhiya halkii lagu balansanaa kana fakaraya wax badan oo aan dhihi lahaa gabadha, watana markaa raadiya yar oo cajal iigu jiro dhagahana ay markaa iigu jireen sameecado, dhagaysanayana markaa heeso aad u qiimo badan oo aan ugu tala galay in aan ku sugto inta gabadha iiga imaanayso ayaan waxaa si lama filaan ah dhinaca aan ka filayay maahee dhinaca kale iiga yimid qof taabasho yar garabka iga taabtay iguna oranaya duqa waa soo dhaqsatay yaah anaa soo daahay miyaa?
Dhoola cadayn aad u macaana ku laraysa qaabka hadalkeeda, labiskana ma ahan labiskii xalay oo wuu ka badalan yahay qaab ahaan iyo nuuc ahaanba, sidaa markaan usoo jaleecayna waxaa indhahayga soo dhaafay dareen runtii iga ilmaysiiyay, bal cabir aqriste waa habeenkii labaad ee kulanka walina eray kale ma aanan dhihin markii ay illinta indhahayga soo dhaaftay farxad iyo qanaaco aan gabadha ku qanacsanahay darteed.
Aniga oo is adkaynaya la igana dareemayo in aan xoogaa qalbi ahaan daciifay ayaan ku iri “waaw maashaa allah waaba ka duwantahay sidii aan xalay kugu ogaa? si tartiib ah oo edeb iyo asluub ku dheehantahay ayaa agtayda loosoo fadhiistay iyadoo si dagan la iigu muujinayo in sida aan u qanacsanahay kadaran loo qanacsanyahay, is mahdin iyo isi salaamed kadib waxaa la guda galay sheekadii habeenkaa noo qodbanayd ee ku saabsanayd mustaqbalkeena dambe.
Wax sheekadu socotaba waxaa ugu muhiimsanaa oo ilaa hadda marka aan soo xasuusto iskula yaabaa su’aal ahayd “abaayo ka hor aniga wali sheeko ma idin dhex martay wiil aniga oo kale ah” kkkkk oo aan aniga waydiiyay?
Inta si dagan loo dhoola cadeeyay ayaa la igu yiri “aboowe adig ayaa la ii kaa sameeyay macna badan kuuma suubinayso hadaan ku dhaho haa iyo maya, xaqiiqda ayaasa ah in marka ay munaasab tahay aan kaaga jawaabi doono su’aashaas, waxaasa kuu qirayaa aniga oo kaa xishoonayn in aan kalsooni badan kugu qabo, wax walbana aan kula wadaagi karo, marka iska dhaaf su’aalaha aan waxba kusoo kordhinayn xiriirkeena, waxaana la igu dajiyay erayadan macaan ee maankayga runtii wax badan ku abuuray waxayna erayda u dhacayeen sidan.

Sabanadan ragaga kacay
Saamiga adiga u sito
Sinta laguma qaban
Midaan kula simo
Saakadan marka u waaga ii baryay
Suuradaaada ku sifaysan soo jeedkaaga
Sadrigayga ayay ku tiil
Sama qabe karaamow
Sowtkaaga wacan markaan maqlo
Saabta ayuu u daa dagaa
Waxaa tahay sareeya
Samada la iigasoo diray
Saami qabow macaanow
Sadrigayga ha dilaacin
Ubaxaan sidaa surinkaad martaba ku dul seeriyoo
Sidaa tahay amiir boqor iyo suldaan ku salaamayee
Sadrigayga ayaad ku taalaa
Saacaddan la joogo
Sokeeyo aan adiga ahayn
Saabkayga kuma jiro
Ee sokorow macaanow
San ku neeflo iyo soomaali baan kaa sahansadoo
Saacaddii la joogaba saadirkaan sacabada u hoorsadaa
Saablayda iyo seedaha jirkaad ku samaysantahee
Ee sama badane in aad tahay suuraddaada ayaa ii tilmaanto

Erayadaas markii dhagahayga ay ku dhaceen xaqiiqdii waxay ila noqotay in meesha aan joogo iyo qofka an hortaaganahay uu yahay qof kale oo uusan ba ahayn qofkii aan xalay bartay, aniga oo la yaabana marka hore sida fudud ee ay indhahayga illinta uga soo qubatay, ayaa hadana waxaan arkay aniga oo inta jilba jabsaday madaxayga dul saaray jilbaha gabadha, iyadana ay markaa tintayda marba dhinac u faliirinaysay, iyada oo I Samirsiinayso kadib markii ay aragtay in aan ka baxay qadka!
Xaqiiqdii labadeenaba qof walba marka uu hadlo qofka kale wuu dabcayay, oo jileec saa’id ah ayaa ka muuqday haba u badnaado jileeca xagayga.

LA SOCO Q4AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN