SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q8AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q8AAD

Waxaana go’aansaday in aan fadhiga ka kaco oo wax raadsado, dadaal aan yaryn ayaan u galay sidii aan shaqo ku heli lahaa, nasiib wanaag shaqo ayaan ka helay Dakadda Ceel Macaan oo alaab adeerkay usoo dagaysay ayaan xisaabiye ka noqday, runtiina waan ka heli jiray waxa uu allah iigu tala galay, ugu yaraan markan waxaa noqday nin wax soo saarto haba yaraadaan waxa uu soo saaree, waxa aan soo helana hooyadey iyo gabadhaas xaaskayga ah ayaan u kala qaybin jiray.
Waxaa dhamaaday waqtigii balanta ee wadashada gabadha, hooyadey oo horey u maqashay waxa aan suubiyay balse aan waxba ka oran,hadal kooban oo si dadban ay ii tiri mooyee, kaas oo ahaa Nin Rag ah ayaa tahay caqliga aad Naag guurkeeda ku garatay, waxaan filaa in aad dhaqiddeedana ku garan karto.
Jawaabta aan siiyayna waxay ahayd, haa hooyo waan dadaalayaa, hadaldaas kooban ayaan isku tuurnay wax ka bandanna nama dhex marin, waxaana mar walb iska ilaalinayay in aan hooyo ka codsado in gabadha ay ii dhisto maadaama aan xoogaa dhaqaala ah ku tuhmayay, balse, markan duruuf adag maadama ay I haysay ayaan gartay in aan iska tijaabsho hooyo oo ku dhaho hooyo markan waa lagaa maarmi waayay, jawabta aan kala kulmay hooyana waxay ahayd adiga ayaan kuso korshay, ilmahaaga koriskooda tabar uma hayo, Nin rag ah ayaa tahay ee is dabar.
Kama xumaan runti hadalka hooyo, ugumana cilloobin oo runteed ayay ahayd, hadalkaa ay I tirina waan dareemayay in uusan xumaan gaamurtay ka ahayn, ee ay ka ahayd tusmo ay I tusayso in nolosha guurka aysan ahayn wax fudud oo ku dag-dagiddoodu fududdahay.
Waxaa ilasoo darsay caqabado xanuun badan, aabe ayaan u tagay mowqifkiisuna wuu caddaa, wuxuna igu yiri “haddii aad doonayso maandhow dhaqashada xaaskaaga soo dhawowo, qol waa kuu diyaar inta kalana qayb ayaan kaala qaadanayaa, gabadhana waa gabadhayda wax naga halaabaya ma jiraan, wixi aan cunno ayaad labadiinaba cunaysaan, soo dhawow ee go’aan qaado.
Haddii aad hooyadaa la joogaysana waa adiga, haddii kalana guriga waa gurigaaga, aabo wax ka badan oo aan kuu suubin karo ma jirto aan intaa ka ahayn, waana ogtahay dhaqaala ahaan iyo tabar ahaanba sida aan ahay ,runtiis ayayna ahayd dhaqaalaha ma buurnayn, oo waxaa meesha lagu ahaa gaashaan buur ka koobnayd wax uu dhalay iyo wax qaraabo ku ah meesha.
Xiriirka iyo kal-gacalka naga dhaxeeya aniga iyo xaaskayga maalin walba wuu soo siyaadayay sidaas si la mid ah caqabadaha nasoo wajahayay, waxaan madaxa meelaha ku dhuftaba marki dambe waxaan is iri u guur xaafadda aabe maadaama ay qayb wayn ka qaadan karto midnimada labadiina, waaxaana gartay in aan u soo bandhigo arrintaa hooyo, maxaasa iga raacay!
Aad ayay uga xumaatay hooyo, waxay tiri “sababta aad u guurayso gabadhaas aad guursatay ma darteedbaa? maxaa aabaha ugu tagi waysay inta aan kuso korinayay hadii aan rabase in aad u wareegto xaafadda aabahaa maxaan kuula wareegay maalintii aan is furnay aabahaa ? waxayna aad u muujisay hooyadey calool xumo daran, waxaana go’aansaday in aan iska dhaafo, xaalkaygu wuu cuslaaday, aniga oo taa la daala dhacaya walina aan xalkeeda gaarin, ayaa waxaa dhacday maalin aniga oo ku maqana shaqada Ceel macaan in la ii soo sheegay in xaaskii ay kasoo dhaceen ilmihii oo ay dhashay gabar mayd ah.
Waxay ahayd murugo kale oo igu soo korortay, waxaaba taa iiga sii darnaa xaaska oo aad u dhiig baxday kuna sigatay in ay ka hayaanto dunida,waxaan is waydiiyay dhowr su’aalood oo ku saabsan dhibka na haysta labadeena, balse waxaan mar walba isku samirsiinayay in wax ay kala fududaan doonaan dhibkuna uusan ahaan doonin mid joogta ah ee uu la tagi doono waqtiga awal keenay.
Waxay ii ahayd maalin adag, hadana ma gacan marnayn waxaan isbitaalka ka baxshay xaaskii, waxaana ku qasbanaaaday in aan si wanaagsan u baansho oo wixi aan haystay aan ku beelo culys aad u daranna wuu ka imaanayay habaryateed xageeda, iyada oo mar walba dhahaysay gabadha aad qabtid iga wado waqtigii waa la gaaray, haddii aadan gabadha dhaqan karinna iska dhig madaxeeda silaca ka daa, jawaabta aan siinayay ayaa waxay ahay in la ii dul qaato waxooga, wax badana ay iga kala fududaan doonaan.
Caawinta Bani aadamka waxay kusoo doonataa marka uu allah quluubtooda xagaaga uso jeedsho, labadeenaba gacan na caawiso waan u baahnayn, balse, ma jirin cid usoo jaleecda xageena,waasa jireen dad nala xanuunsanayay oo uu ugu horeeyo aabahay, balse, dhaqaal ahaan waxba kama badali Karin waaqica aan markaa ku noolayn.
Labadii qof ee quruxda badnayd ee xafaadda ka tilmaanaa waa is badaleen, oo duruuf ayaa soo foodsaartay, quruxdeenii dhamaan waa qayirmatay, waxaana sabab u ahaa ayaa la oran karay marxaladaha adag ee aan markaa maraynay.
Waxaan go’aansanay in sidan aysan tala ahayn oo aan kulan dag dag ah isugu nimaadno, si aan uga tashano talaabada xigta ee aan ku wajihi lahayn dhibkan ina soo food saaray, waan isku nimid waxaana talada mar walba lahaa oo aan ku qadarin jiray ummu intisaar waa gabadhayda xijaabatay hooyadeed, magaceeda haddaan idinla wadaagana wuxuu ahaa, Nimco, balse, waxaan jeclaystay in aan magacaas kore u isticmaalo, maadaama uu wax badan ka tarjumi doono taariikh ahaan noloshayda.
Talada ay soo jeedisay ayaa waxay ahayd in aan waddanka isaga baxo, waddo kale oo aan kusii joogana aysan jirin maadaama taageeradii laga rabay hooyo aysan meesha kasoo muuqan, lana doonayo in aan isku tashano oo cid aan anaga ahayn wax qabad laga sugayn, aad ayaana runtii ugu riyaaqay taladeeda, waxayna mar walba ii ahayd la taliyaha qaaska ah ee taladeeda aan marnaba soo celin in aan okay saaro mooyee.
Waxay kaloo iisii raacisay in dhag aan jalaq usiin hadalada ka imaanaya habaryateed iyo walaasheed, ee ku saabsan furiinka, taana aan iyada ku daayo iyadana ay iskala macaamili doonto dadkaas, maadaama ay dadkeeda yihiin taqaana sida loola dhaqmayo, anigana aan afkayga iska haysto oo aanan u jawaabin waxa ay dalbanayaan, lana doonayo in aan bilaabo qorshaynta safarkayga aan la ogayn waxa kasoo bixi doono iyo mudada uu qadan doono.

LA SOCO Q9AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN