SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q9AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q9AAD

Waxaana xusid mudan in Ummu Intisaar(Nimco) ay tiri “waan ku sugayaa inta aan noolahay waxba ha dareemin culays ah, u wajah dunida qaabka ay kuu qabato, ogowna mar walba in ay jirto dunidan gabar assaagaaga kaa dooratay, iftiinka ay wax ku aragtana aad adiga tahay lana doonayo in aan iftiinkeeda u badasho dhanka ay ku hamminayso.
Runtii Dar-daaran aad u daran oo waliba guubaabo iyo gaashaan ah ayaa la isugu key daray, waxayna ii keentay lacag gaaraysa markaa 200 doolar oo aanan aqoon sida ay ku heshay, mana waydiin runtii sida ay ku heshay, waxayna igu tiri “ku dhaqaaji, waxaan ka codsaday in ay haysato lacagteeda oo ay isku dabarto anigana aan raadsado waddadii aan ku bixi lahaa, waasa iga diiday, waxay I tiri “aniga iyo adiga waxba ma kala lihin, ee iga qaado lacagtan.
Illiintaada oo farxad leh ayaan doonayaa in aan arko, ma doonayo murugtaada, waad u jeedaa sida labadeenaba aan u qayirmanay, waxaa la joogaa xiligiii is badalka, fadlan ha igu soo celin hadal ee nin adag noqo, waana ogahay in aanan qaldamin oo doorashada aan ku doortay aanan ku qaldanayn, balse, uu waqtigu I tijaabinayo, lana doonayo In aan dulqad suubiyo, waan kugu kalsoonahay, marnaba wax I dhiba kaama filanayo, hortaada khayr, waxaan rajaynayaa in wal-walkeena uu meeshan ku dhamaan doono, mar dambana yaana lagugu arkin xaafadda aan ku noolahay waa taladayda.
Illin aad u xoog badan ayaa igasoo qubatay runtii, waxaan aad ula yaabanaa sida gabadhan ay iigu kalsoontahay, una doonayso horumarkayga, kaaga sii daranee ay ii garatay tala ahaan iyo dhaqaala ahaanba, wax ay ii garan waayeen dadka aan ka dhashay ee dheef wadaagta aan nahay.
Waxaan bilaabay in aan diyaar garow suubiyo safarkayga, wuxuu ku wajanyahay xagaa iyo South Africa, sanadku waa 1998, bisho waa December waxaan goostay in aan talada la wadaago aabahay, wuuna igu taageray runtii, oo xoogaa ayuu meel iiga soo deensaday, maadaama xiligaa uusan waxba gacanta ku hayn, balse, waxuu ahaa mid mar walba u taagan taageeradayda.
Aabahay oo kaliya ma ahayn ee wuxu ahaa saaxiibkeyga qaaliga ah, oo mar walba waxaan u wada dhaqmi jirnay sida laba qof oo asxaab ah, marka ay noqoto xagga tala wadaaga, iyo arrimaha qaarkood, waxaa kaloo meesha ka marnayn taageerada wiilka walaalkay ahaa, isagu xoogaa wuu iga roonaa xaaslana wuu ahaa, wuuna shaqayn jiray, balse, wuxu ahaa mid aan xambaari Karin wax ka badan, oo tiisa ayaaba haysatay, waxaa meel kale oo aan la filayn kasoo baxday walaashey oo xoogaa dhaqaala ah ku kabtay safarkayga.
Waxaan u sheegay in aan baxayo hooyadey, kuma farxin in aan tahriibayo oo waliba aadayo xagaa iyo south Africa, balse, wadda kale ma jirin in ay aqbasho mooyee, way isku dayday in ay diido blasé markii aan si hoose wax u tusay ayay iga aqbashay.
Waan soo dhaqaajiyay sadex bari kadib Nairiboi ayaan joogay, waxaan meesha kula kulmay asxaab badan iyo qaraabo kale oo igu kabay wixii ay awood ahaan u lahaayeen waana kasii dhaqaajiyay muddo gaaban kadib waxaan gaaray South Africa, waxaa meeshaas igu soo dhaweeyay wiil aan ilma adeer ahayn oo runtii aan oran karo wuxu qayb wayn ka qaatay bilowga noloshayda aan ku maarayn lahaa.
Shaqo ayaan galay xiriirka aniga iyo xaaskaygana joogta ayuu ahaa, Roob ayaa da’ay, waa la raxmaystay micnaha dhaqaalo ayaan helay,oo xaaskayga biil joogta ah ayay qaadan jirtay sidaas si la mid ah waalidiinta iyo walaalaha oo mar mar wax loo tuuri jiray.
Albaab ayaa ii furmay ,wuxuu qaatay safarkayga ilaa sadex sano, si fiican ayaan iskugu toosay, qorshaha waxaa iigu jirtay marka aan soo laabto oo dib ula midoobo xaaskayga, in aan aroos kan ugu fiican ee magaalada laga tilmaamo aan u dhigo.
Gudidda abaalka gabadhaas aroos qiima badan oo loo dhigo oo kaliya kuma gudmi Karin, balse, waa waxa aan is dhahayay ugu yaraan jawaab ha u noqoto kuwa mucaaradka ah ee shalay kasoo horjeeday midnimadeena.
Farxad ayuu allah ku badlay murugadeni, waxa kaliya ee markan naga dhiman ayaa ahaa midnimadeena taas oo muhiim u ahayd jiritaanka labadeenaba,waxaa la gaaray sanadkii 2001 dii waxaan go,aan wada jir ah kuwada gaarnay in aan soo laabto markan, oo dhidibada u wada aasno qoyskeena mar labaad, iyada oo markan cid caawin looga doonayo aysan jirin oo labadeena oo kaliya aan ku filannahay.
Waxaa dhacday in aan aniga ku xanuunsado south Africa, safarkii aan ku iman lahaa muqdishana uu dib u dhaco ilaa 2003, maadaama wax badan oo aan la filayn ay igu soo kordhayn, ducada oo kaliya ayay haysay oo wax laga qaban karo ma jirin, hal sano jiro ayaan ku jiray oo isbitaal ayaan jiifay, sanadkii kalana wuxu ku dhamaaday inta aan hawada dib ugusoo laabanayay oo dib u habayn aan ku samaynayay shaqadayda iyo dhaqaalahayga.
Waxaa la gaaray xiligii aan soo dhaqaajin lahaa, xaalka baladka wuu is badalay, horumar badan ayaa la gaaray, taleefonada gacanta ayaa xiligaa soo bilaabanayay, waxaa jiray taleefon gacanta ah oo aan ugu soo dhiibay wiil soo baxayay si aan ugu wada xiriirno, wax wayn ayuuna ka taray telkaas xiriirkeena, inkastoo taleefonada gacanta iyo simcardkoodaba uu qaali ka ahaa Magaalada Muqdisho, dadka watana markaa ay aad u koobnaayeen.
Si kastaba ha iska ahaatee way u qalantay in ay ka mid noqoto dadkaas fara ku tiriska ah ee magaalada ku dhex wata taleefonkaas, way isoo wacday oo lambarkeeda ayay isiisay markii uu gaaray telkii, wixii ka horeeyay taleefon land line ah oo guriga walaashey ku jiray ayay igala soo hadli jirtay marka ay doonto hadalkayga iyo marka aan doonaba, waa jireen waxyaaba badan oo ila soo darsay xiliga aan kala maqnayn, waana jireen dumar badan oo xagayga qoorta usoo riday, balse, damac dumarba iguma jirin oo maankayga wuxuu ku qufulnaa bilantaas wacan ee mowla igu manaystay ee mucjisada maankayga aan ugu magac daray, mashaa allah waaye in ay marwana ii noqotay,xaqiiqdii ma jirin mana aaminnin waligey in nuuceeda oo kale laga heli karo dunida aan ku noolahay ,macaanka ay qabto maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba.

LA SOCO Q10AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN