Sheeko murti badan:Dhibka iyo dheeftii Qurbaha W/Q: Cabdulle Cabdulkariim (Jallaato)

Dhibka iyo dheeftii Qurbaha
 
Waxa ay ii aheyd maalin farxadeed jawiga aad ayuu u daganaa, galinkii hore waxaa noo da’ay roob dhibco waaweynaa oo dhulka biyo dhigay, inkastoo  xaalku ahaa ROOB MAGAALO KU HOORAY RAMAAS BIXINEYNE haddana raaxada iyo udgoonka saxansaxada roobka aad ayaan u dareemayay, cidna ilama joogin waxaan kursi jiif soo dhigtay jardiinka bannaanka waxaana billaabay inaan aqristo buug uu qoray Abwaan Cabdiraxiim H. Galayr 2017 kii oo magaciisa la yiraahdo BIDHAANTII BI’ISAY Buugaas oo aan wali la soo dhigin maktabadaha adduunka.
 
Buugga waxa uu xanbaarsan yahay macluumaad faro badan oo la xiriira dhinacyada kala duwan ee nolosha. Anigoo dhax mushaaxaya aqrinta buugga oo eray eray isku dul taagaya hadba erayada miisaana saaraya ayaan ka war helay saaxibkeey Axmed oo leh maad salaanta naga qaadid kor ayaan u eegay kolkaas ayuu yiri ma hadalkaa lagaa rafacay maad nala hadashid, waxaan ku dhahay wadaayoow raali ahaaw dunidaanba ma joogin soo fariiso shaah cab is daji,  suuye war heedhe fadhi nooma yaal ee ina keen waxaa nalaga casuumay xaflad Meher iyo doonasho oo ka dhaceyso bariga London waxaan heysanaa hal saac iyo bar, xalay oo dhan ayaa lagu soo wacayay odayaasha gabadha laga soo doonanaayo ayaad koow ka tahay fadhi kuuma yaal, waxaan weydiiyey ileeyn Soomaali baan ahaye gabadhu waa tuma? markaasuu yiri is diyaari anigaa kuu warrami doone.
 
Eebaa ogoo yaab ayaa ka dhacay cimmaamadeydii iyo bakooradii ayaan haf soo siistey, dhar oday lagu yaqaana waa soo qaatay oo shaati fotoshaari ah, Macawis iyo kabbo sandalla ayaan  isku soo taagay, maba sugine gaariga oo bannaanka taagnaa ayaan ku dhacnay waxaan ku iri qeyr sheegoow yaa waaye gabarta nalaga soo doontay? Suuye waa inna Cabdulqaadir gartay hee saddax ayaa u joogtee ma Shukri  ma Leyla mase waa Nadar?  markaas ayuu yiri war bal tanoo kale horta maxaad dadka iskugu qaladaa ma waadan aqoon odaygii xilibaanka ka doortay carruurtiisa oo Soomaaliya aadi jiray markuu xildhibaankii noqdayna  saddaxda naag guursaday islaantii inta joogtayna  maseyr isla madax martay oo ilmaha  social ka qaadan jireen  aan ka daba dacwoon jirnay. Markaas baan gartay war ninyahoow waa xasuustaa 12 sano ayey nagu qaaday inaan abtigood ku wareejino, carruurta.
 
Suuye Haaye gabadhii curada aheyd ayaa la soo doontay waxaan ku iri ma Ubax ayaa la soo doontay? maashaa Allah waligaaba warsan wade ayaad aheyd. Halkii ayaan tagnay goob weyn oo aad loo xardhay Abtiyaal ay dhaxda u xirteen ileen (CUNUG HADII AABBO LOO WAAYO ABTI LOOMA WAAYO) Quruxda ka muuqata la yaabo wiilal iyo gabdho dhar isku midab ah ku labisan ayaa labada dhinac ee albaabka nagu soo dhaweeyay, waxaa na hor kacay labo wiil oo dhallinyaro ah iyo Ubax abtigeed  waxaa nala geeyay meel qol ahaan loogu meegaaray daahyo oo goobta HALL’ka  ka mid ah oo loogu talo galay odayaasha labada cidood ka socda.
 
War yaan idinku daalin, waxaan is hor fariisanay ragii ka socday wiilka iyo wadaado iyaga la socday anaga nafsadeena wadaadkeena  ayaa nala socday oo dab yar shidi maheyn lacala haddii wadaadka uu imaan kari waayo ama ay si wax noqdaan. Intii aan meherka dhicin ayaa waxaa dhacday arrin la yaab leh oo ugub ah islaan Caddaan ah ayaa gogoshii soo dul istaagtay waxa ayna tiri I REJECTED oo macnaheedu yahay waan diiday, ayadoo isticmaashay dhaqankooda sida Caddaanka ingiriiska caaddada u ah markii uu aroos dhacaayo inta aan wiilka iyo gabarta ama oday iyo habar inta aan faraanti galidka dhicin ayaa dadka la weydiiyaa yaa dood ka qaba? Mararka qaar waxaa dhacda qaraabada ama saaxiibo hore oo aad u jeclaa ninka ama naagta in ay is hor taagaan inuu arooskaa dhaco ilaa laga xaal mariyo.
 
Si kastaba arrinku ha ahaadee, hal mar ayaan kor u eegnay ileyn anaga waa fadhinaye, saa lagu yiri maxaad aheyd? Say tiri waxaan ahay Hooyadeed dhib la’aan ayaan dhalay waan lasoo kacaa kufay oo dhib ka soo maray idinkoo ogolaansho iga helin baad aroosaneysaan aaway xuquuqdeydii waalidnimo? Warkii hore war soo dhaaf  hoos ayaa la iskula wada hadlay guux iyo buuq ayaa goobtii saameeyay, talaa fara ka baxday waxaa la weydiiyay sideed ugu noqotay waalid?  Waxa ay tiri Ubax Cabdulqaadir waa gabadheyda waxaana waalid ugu noqday anigaa soo korsaday.
 
Hadalkii ayey sii wadatay waxa ay tiri i dhageysta waxaan ahay hooyo kirishtaan ah waxaan soo barbaariyay labo aan dhalay iyo Ubax, labada aan dhalay iyo Ubax iskuma soo gaarin gurigeyga oo waa ay koreen oo ayagaa reer yeeshay anigoo kali ah ayaan ka codsaday social ka in haddii ay heli karaan ilmo aan korsado wehelna ii noqda, waxa ay igu yiraahdeen waxaa jirta gabar yar shan cidood iska soo celiyeen ooyinteeda cuntada la siiyana soo celisa (matag) waxaan iri aniga i siiya waana la i siiyay waxaan u saxiixay inaan nolosheeda ilaa iyo 18 sano ka gaarto aan balan qaado waan ogolaaday anigana waxaan ka saxiixday inaan magacana ka badali karo la iguna qabsan karin waa la ii saxiixay.
 
Ayadoo ooyneysa ayaa la igu soo wareejiyay kolkii aan sidaa u xanbaaray waa ay aamustay, shaqaalihii waxa ay aad ula yaabeen cunugta cid walba ka ooyn jirtay ay ku dhibtoodeen iyo sida ay igu ogolaatay ee sahalka balse ayaga waxa aysan dareensaneyn ana ay aqoonsaneyn in wax walba qadarta Rabi ku dhacaan, aniguna aan ahay qof Illaahiisa yaqaan oo caabuda waxa kale oo aan weydiiyay  qoyskii ay ka dhalatay inanta yar iney noolyihiin iyo diintooda, waxa ayna ii sheegeen aabbaheed in aysan ka heyn wax warbixin ah inuu noolyahay iyo in kale hooyadeedna ay waalatay laguna haayo hospital ehelheeda oo badan ay meelaha joogaan laakiin nasiibdaro wax ogolaasho horay uma dhiibin qofka ugu dhaw ee lala xariiri karo, intaas ka dib waxaan soo qaatay Ubax markii aan gurigayga la imid waxaan qashinka ku daray cuntooyinkii ii yaalay ay ka mid ahaayeen hilibka doofaar iyo wax uu ku jiraba waxaan fogeeyay sidoo kale qamrigii.
Maalinkaa waxaa ii bilaawday nolol cusub oo aad u farxad badan Ubax oo la ii sheegay in ay oohinteeda awgeed loo soo celiyay wax ay ugu duwaneyd ilmo yar ma ay jirin,   waxa aan Iskool markii ay toddoba sanno jirtay waxa aan geeyay dugsi quraan waxaa iga caawin jiray cid daris aan aheyn oo soomaaliya ayagaa geyn jiray kana keeni jiray maadaama ay igu diideen inaan lacag qidmo ah siiyo badalkeeda markii aan Gabarteyda Ubax wax u soo iibinaayo ayagana waan u soo iibi jiray hadiyad ahaan sidaas waxa ay ku dhammeysay 114 ta Ubax waa gabar muslimad ah anigana waxaan ahay hooyadeed soo korsatay oo kirishtaan ah waligeey kaniisad ma dhax geyn  oo anigaaba madaxeeda u daayay cuntada aan ilaa iyo hada cuno waa cunto soomaali HALAAL FOOD sababta aan sidaa u sameeyay waa inaan noloshii hooyadeed ay ka rabtay waxaan xiriiriyay labadii gabdhood iyo wiilkii la dhashay iyo Hooyadood dadaal badan ka dib waxaan ogaaday in gacanta abtigood ay ku jiraan balse ay ubax kaliya ka maqan tahay Ubax ayaan u sheegay in hooyadeed iyo walaalaheed aan helay maadaama ay qaan gaartay (15 jir) ayada ay tallo ka go’do ugu danbeyn waxaan isku afgaranay in ay soo daristo xaaladooda aadna ay hiloow ugu qabto waalidkeed iyo walaalaheed.
 
Ubax maaalinkii ugu horreeyay ee aan u tagnay qoyskeeda waxa ay aheyd mid u hammuun qabta aragooda maadaama aysan waligeed arag waxaa naloo soo dhaweeyay si aad u heer sareysa Ubax hooyadeeed maalintaas ayey miirsatay farxad ayey la ooysay Markii ay aragtay gabarteeda ay muddo arkin anigana waan la ooyay, waxaa filan waa ku noqday Ubax oo ay muddo arkin loona sheegay habar ibliis ah oo gaalo ayaa qaadatay dabcan waxa ay qiyaasayeen gabar ibliis ah oo tafo qaawan oo cawradeeda banaanka taalo ayaa idiin imaan doontaa balse waxaa u yimid gabar xaafidul quraan ah xijaaban waan xasuustaa,Ubax hooyadeed ayaa igu soo booday oo labada dhaban iga shumisay farxad awgeed muddo ayaan aheyn ceeshoow milix Hooyadeedna ay miirsatay markii ay Ubax jaamacada dhammeysay waxa ay si toos ah u soo dagtay guriga hooyadeed. 24ka saacadood Ubax waxa ay aheyd mar ay ila joogto iyo mar ay qadka taleefanka iigu jirto.
 
Labadii aan dhalay igama war qabaan sida ay iiga war qabto labo sanno ka hor ayaan u guuray Dalka Australia maadaama aan howl gab ah inaan halkaa oo guri kale iigu yaal aan ugu nasto inta cimrigeyga ka dhiman intii aan halkaa daganaa afar mar ayey iigu timid, xiriirkeenii ma go’in marnaba, toddobaad ka hor ayaa waxaa  post tada iigu yimid  warqad casuumaad ah oo aan aad ugu farxay in Ubax  la soo doontay waxaa la socday sad dahab ah ay ubax hooyadeed ii soo dhiibtay waxaan maanta u  imid inaan qeyb ka qaato guurinta gabarteyda uma imaan burburinta gabarteyda gurigeeda, waxaan rabaa oo kale inaan idiin sheego dhaxalkeyga inaan mar hore ku wareejiyay gabarteyda Ubax.
 
Waxaan kaloo rabaa inaan udiin sheego inaan muslimay markii ay toban jirsatay balse qofka kaliya oo og ay tahay Ubax waxaan kula balamay maalintey guursato inaan cid walba u sheegi doono, waxaan kaloo rabaa inaan idiin sheego ragyahoow soomaaliyeed u istaaga daryeelka ubadkiina maxaa yeelay, in yar mooyee ubadka been been ayaa looga qaataa dadka soomaaliyeed Ubax waa looyarad buuxda oo u dooda xuquuqda Dumarka iyo carruurta waxa aan u taba baray inaan hooyo danbo muslim ah la ciilin waxa aan qaatay go’aan adag maadaama aan xanuunka hooyo wax ka garanayo iminkana meherka dhammeystira anna ululudda aan u horreeyaa intii ay hadalka waday waxaan aheyn kuwo aamusan si taa ay koronto na qabatay waxaan guda galnay howshii naloo igmaday ee meherka. Muddo ka dib Ubax iyo saygeeda waxa ay u guureen Australia  halkaas ay noloshooda ka sii wateen. Ubax waxa ay aheyd mid nasiib badan balse waxaa jira kumanaan carruur ah oo gaaladii qaaddatay dib aan loo arag kuwa ayagoo duleysan dariiqyada taagan iyo qaar kaloo badan. 
 
Guntii iyo gabagabadii bulshada hannaanka iyo hiigsiga nolosha waxa ay ka soo unkantaa barbaarinta korinta iyo kobcinta carruurnimo waxaana hoggaamiyo waalidiinta waa in ay u dooraan carruurta wadada toosan  gaar ahaan waxaan si gooniya ula hadlayaa ragga qurbaha ku nool oo ilaa iyo hadda isticmaala maah maah duug ah, INTII AY TAGOOGTA KU JIRI LAHAAYEEN TUBAHA HA YAALEEN  taas waxa ay u shaqeysay awoowayaasheen hurdada ka toosa waa in carruurta wax laga koriyaa inta aad ka maqantahay balaayo ayaa kugu maqan. Dumarka soomaaliyeed ayagana waxan ku oran lahaa HA NOQONINA YAXAASKII DHASHIISA CUNAY HADANA DHEEF KA SUGAAYAY, Odayga iyo carruurta isku haaya MEESHAAD KU QOYDO WAA LAGU QALAAJISTAA. War iyo dhammaantii wadaanta ha la wada jiido ee yaan la kala jiidin.
 
Dhammaad
 
W/Q: Cabdulle Cabdulkariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN