Sheeko: Sida ay isugu naxariistaan kuwa aynu gaalada u naqaan.W/T Cabdisamad Baashe

caffe-rosso_s345x230

Waxa aan la fadhiistay asxaabtayda maqaaxi aad looga yaqaanay magaalada Venice ee waddanka Talyaaniga, magaaladii laydhka iyo biyaha.Sidii aanu ugu raaxaysanaynay cabista Coffee-gayagii ayaa nin soo galay meheradii aanu fadhinay, kaddib wuu fadhiistay miis madhan oo agtayada ah. Waxa uu u yeedhay mudalabkii, waxa uu dalbaday dalabkiisii isaga oo leh ‘Laba koob oo Coffee ah, mid halkan dhig, midna gidaarkaa dushiisa’.
Waxa aanu maqalnay dalabkan cajiibka ah, si xiise iyo dhugasho leh leh na waanu ula soconay in uu hal koob oo Coffee ah isticmaalay laakiin uu bixiyay laba. Markii uu sidaa u baxay, ayuu mudalabkii warqad ku dhajiyay gidaarka odhanaysa ‘ Hal koob oo Coffee ah’.
Sidii aan u fadhinay halkii, ayaa laba nin oo kale soo galeen meheradii oo ay dalbadeen saddex koob oo coffee ah, laba miiskii ay fadhiyeen midkii kalena gidaarka dushiisa.
Waxa loo keenay labadii koob oo ay cabeen balse saddex ayay bixiyeen waana ay tageen.
Sidii si la mid ah ayuu mudalabkii warqad ku dhajiyay gidaarkii odhanaysa ‘ Hal koob oo coffee ah’
Maalmo kaddib, waxa aanu helnay fursad aanu mar kale ku nimaadno meheradii coffee-ga. Anaka oo iska cabayna coffee-gii dhako jabiya ahaaa, ayaa nin faqiir ahi soo galay meheradii oo dharkiisa aad ka arkaysay diifka iyo diihaalka haysta. Markii uu fadhiistay, waxa uu eegay dhinacii gidaarka waxa uuna yidhi, ‘Koob coffee ah oo gidaarka ah’. Mudalabkii wuu u shaqeeyay uguna keenay coffee-gii sidii xushmadda iyo sharafta lahayd ee uu macaamiisha ladan ugu adeegi jirey. Ninkii coffee-giisii ayuu iska cabay wuuna iska baxay isaga oo aan waxba bixin.
Waxa aanu la dhacsanayn daawashada arrintan agtayada ka socota, mudalabkii warqad ayuu ka soo gooyay gidaarkii waxa uuna ku tuuray haantii qashinka.
Ixtiraamka weyn ee dadka baahan loo hayo ee ay na tuseen dadka magaaladani waxa ay indhahayagii ka buuxisay illin.
Ka fikir bal baahida ninkani rabay, waxa uu soo galay meheradii COFFEE-GA isaga oo aan hoos u dhigin kalsoonidii qiime ee naftiisu lahayd calaashaan muu baryootamin. Umuu baahanin in uu waydiisto cid koob bilaash ah, isaga oo aan waydiin ama ogaan cidda koobkan siisay ayuu dalbaday sida dadkuba u dalbanayeen. Kaliya gidaarka ayuu eegay, dalabkiisiina wuu gudbistay, wuu cabay kaddib wuu iska baxay.
Sadaqada aynu la baxno iyada oo dadku ina ogayn amaba aynaan istus ula bixin ayaa ah ta u wacan ee aan nusqaan lahayn. Maalinka qiyaame na iyada oo barakadeedu badan tahay laynoo keeni doono.Waatan sadaqadda ah sadaqo, marka gacantaada bidix ayna ogayn waxa ay gacantaada midig bixinayso.

W/Q Samburger
W/T Cabdisamad Baashe

SHEEKOOYIN