Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q13AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q13AAD

Hooyo Kutubo iyo Raxmo Yareey, Waxeey orod ku soo galeen gurigii oo weli albaabkiisu ballaqan yahay, Muggaanse waxaa hor tuban dad badan oo deriska ah, kuwaas oo ku soo baxay oohinta iyo qayla dhaanta Raxmo yareey. Hooyo Kutubo waxa ay  markiiba ku toostay, halkii ay wax ku ogeyd lacagta oo aheyd: Walliinjada weyn oo qolka u dhex taal,mise iyadiiba qufulkii oo jaban ayaa dhulka xooran,weger iyo weger,waa hadda iyo oohin hor leh..Waxaa meesha ka maqan oo ugu daran, waa beesadii ay rabtay ineey canugga ku soo furdaamiso..labadaraalena waxaa kalooba meesha ka maqan, waa Dahabkeedii keydka ahaa, kaas oo ka koobnaa: Laba Muriyo baballaaran, 3 katiinado kala duwan, Dhego Abu- basbaas ah, iyo dhego garaangar ah iyo jijimo 8 hal oo babalaaran,iyo Dhawr haloo faraatiya kala duwana, iyo wixii kale oo dahab ciiriin iyoJajab ahaa oo u yaallay.

Waxaa meesha ka maqan ,waa Adduunkii ay tacbeysay waayadaan,waa keydkii ay u dhigatay ineey ku baxsato marka xaalku ka xumaado,waa xoolihii ay la sugeysay maanta oo kale.Hadda talo faro uguma jirto Sida ka muuqato, Waxeey heysaa waa oohin ,ciil iyo calaacal,ereyadeedana waxeey mar walbaa ku qatimee ereyo habaar ah “dhulkeey ila gooyeene weey oo weey, dhulka Allaa la gooyo” Iyo kuwa kaloo badan,miir iyo ogaal ma lahan, ma taqaan meeleey ku toosto, dadkii ku soo xoomayna qofba taloow soo
tuurtuuraa, ma lahan mid mideysan xaalkeedu waa nin buko  boqol u talisay.

Dadii waxay u kala baxeen  qof yiraa arrinka ha lala aado, Xaggaa iyo Aaboow Shiikh, si loogu kitaab furo arrinka, qolo kalena waxey leeyihiin ha la aado Saldhigga..qolo 3aadna waxeey ku doodayaan: “Ku –
dhacda iyo suuqa meemanka ha loo fadhiisto..wixii la xado rabtaasaa la geeyaahe,waxeey qabaan fikirka ah “Gurbaankii la xado meel lagu garaacoow  rabaa”

Hooyo Kutubo calaacalkii  waa ka dhamaaday, dhuuntiina xirantay,oohinta badan darteed, waxa talo meelaha laga soo tuurtuuraayo mid iyada anfacda ugama muuqato,Booliiska isaga lama maqashiin karo, oo ciil iyo caro ayay u qabtaa, waxa madaxeeda ka guuxaayo ereyadii Islaanta ay ka midka ahaayeen “garab iwm”
Waa Rabta Wiilkeedi gardarrada loogu heysto, haddana lacag looga sii rabo,waxa meesha ka muuqdaa waa (Miskiinaa miska la kora leh) ..”Waa adoo ewelba xumeyd xuun ha ku cuno”..Waa culeys -culeys kale koray.

Ilmihii iyo Islaamankii reerka ku soo baxay,iyo Eedda Kutubo iyo Raxmoo weli mihii taagtaagan ayaa, waxaa uga dul yimid Maxaad Cali oo shaqadii ka soo baxay,  markoow indhaha ka qaaday, waxaan dada oo gurigiisa dhex tuban ,naxdin la qarracmay,waxow is yiri xeey tahay, geeri maa ka dhacday guriga.Isaga warkaas ah gurigaa maalin cad la xadaa, qalbigiisa kuma jirto.Warka meesha ka socdo iyo guuxa ayuu ka gartay,in cidda tuugo heshay, cid toos isaga ugu dhiiratayna ma jirto, isagana waa kaa markiisii Qolkuu wax ku ogaa isna markiisii abbaaray, isla walliinjada Kutubeey ayay wax ugu jireen waana mida maanta la jabsaday  waana  sababta ay  Kutubo sida ba’an uga oohisay.

Isna waa markiisii,waa qofba waa markiisee mus ma kula koray..Waxa uu walliinjada ka daydayayo waa Boorso yaroo ay ugu jireen, “Mulkiyadii Gurigaan(Sabarloogo)iyo kuwa kaleba”, waana kaas oo laftiisii murugada iyo mashaqada wax ka taabatay..Waa kaa istaaggii kari waayay ee dhulka habjaqda yiri.Isaga waxa habarta ka maqan, waxa uga daran; Warqadahaan maqan.

Oday Maxaad Cali isagoo rabtiisii habjaqsan ayuu leeyahay: RAXMAAY.RAXMAAY,Waa cod aan meel fog laga maqli karin, kolkuu in muddaa ku celcelshay, ayay gabertii yareyd ee dhegaha nugleyd ku Jawaabtay:Hee Aaboow, rabteedana kama jawaabine waa taa iyadoo rooreyso qolka ugu gashay Aabowgeed oo dhulka yaallo..waxeeyna leedahay iyadoo naxsan: Aaboow Saa tahay..Ma jirran tahay? Xaa ku helay?IWM,
waxuu cod hoose ku leeyahay: Maya ee orodoo Adeer Cali iigu ci’.
Raxmo markii ay intaas ka maqashay Aabawgeedba waa tii biibtay,ee wejiga saartay Xaafadda Adeer Cali Gaab.

la soco qaybaha  dambe
waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN