Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q14AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q14AAD

Oday Maxaad Cali oo weli halkiisii habjaqsan, ayaa waxaa qolkiisii loogu soo geliyay Adeer Cali Gaab, oo isna fiigsan, waxuu arkay Saaxiibkiis ,oo dhulka fadhiyo, waxuuna ku yiri: Adeer Maxaadoow,Warka waa maqlay ee xaa maqanoo lala tegey?
Adeer Maxaad: Adeer Caliyoow; Habarta waxa ka maqan waxeey la eg yihiin,anigu ma helo, ansa waxaan tebaa, waa:(Soproloogooyinkii guryaha), Kuwaasaa wax kasta
aniga iiga daran,ee adeer Caliyoow, saan hee wax yeelnaa?
Adeer Cali: Adeer Maxaadoow, waa Adduunyoo waxaa la yiraa”Amarkii kugu dhici rabo,kun sanoow kaa weyn yahay”,Waxeey noqotay tani Qaddar Rabbi, Wixii qoranna lama gefaayo, ee waxeey ila tahay inaan Booliiska tagno, una sheegno seey wax u jiraan iyo waxa maqan. Waxaanse ku weydiiyay ,waxeey aheyd maalin cade “Guriga intaa laga kala aaday? Albaabkase ma la soo jabshay?
Oday Maxaad: Waxaas ma helo, mana warsanba, haddiiba waxaan dheceen, warsigooda xoow hee taraa?
Cali Gaab: Waa tehee, bal maha ka soo kac aan soconnee!

Waxaa Qolkii iskala soo baxay Oday Maxaad iyo Cali gaab oo wada socda, Waxeey daaradda guriga kula kulmaayaan Hooyo Kutuboo weli sideedii u barooraheyso, ayaa Waxaa la hadlay Cali Gaab oo yir: Eeddo Kutubaay, Is Deji wixii calaf loo leeyahay waa la helaahe!Waxaanse ku weydiiyay see wax u dheceen noo sheeg bal?
Kutubase waa taas oo hadalkaba aan karin, kolkeey dhawr tabiin isku dayday ineey hadasho, hadalkiise ka soo bixi waayay, ayaa waxaa hadalkii la wareegtay Raxmo Yareey, oo sharaxaad ka bixisay seey wax u dheceen iyo waxa maqan ay Hiindeydeed tebtey.

Odayadu markeey hubsadeen seey wax u dheceen, ayay socdeen, waxeyna  toos u abbaareen Saldhigii canugga ku xirnaa, muggaanse iyagu canugga uma socdaan.Waxaa heysto arrin kaloo iyadana culeyskeeda leh. Odayadu waxey tageen, waxeey sii socdaanba Saldhiggii 5aad,waxeeyna si toosa markaan ugu tageen Askarigii fadhiyay Oobiga(Dambi baarista) waxeeyna u sheegeen, sida wax u dheceen, Isagana waa ka diiwaan geliyay warbixinta iyo waxa la xaday oo reerka ka maqanba, waxuuna ku yiri: Iska baxa ,innagaa baareyno e.
Cali Gaab : Ayaa ugu jawaabay: Ma jirtoo Askar na raaceyso, oo soo arkeyso,
Sida wax u dheceen?
Askarigii Dambibaaraha: Hadda ma heyno Askari aan idinku darno, Baabuurna,hadda ma noo joogo, taliyahana hadda ma joogyo,Haddii aad idinka la hadli kartaan (Fahmi kartaan) la hadla askarigaas bannaanka taagan!!Cali Gaab iyo Oday Maxaad Cali, muggaan iyagoo faraha jacaayo, ayay ka soo dhaqaaqeen Oobigii, una dhaqaaqeen Askarigii farta loogu fiiqay,
Oday Caliyaa Hadloo ku yiri: Taliye, guriyaa nagala dhacay, warbixintiina  waa ku siiney, dacwona  waa nahay, adna waa nalaga qorey, ee adiga mana raaci kartaa si aad u soo aragto, waxa meesha ka dhacay?
Askarigii: Maya, ma bixi karo, dhibse maahan, haddiiba aad soo sheegteen.
Maxaad Cali oo intii hore aamusnaa ayaa yiri: Waa tahay,haddaan wax kale nagala rabin,waase YAAB!!
Odayadiina jidkoodii, ay ku yimaadeen ayay dib u qaadeen, illaa ay ka yimideen gurigii.

Adeer Cali Gaab,markii ay guriga yimaadeenba, waxuu ku yiri: Adeer Maxaadow, wixii calaf loo leeyahay waa la helaa  ee ha la sabro,waxaana idiin kaga tegey
Kheyr badan,Oday Cali Gaab, waa kaa iska hadaafay, dadkii badnaa ee guriga ku soo xoomayna, waa  laga kala tegey, guriga markaan waxaa isku soo haray ,waa Oday Maxaad oo careysan,hooyo Kutubo ooo dhuunta kala go’an tahay, iyo Raxmo Yereey oo lafteeda murugada wax ka saameysay.

Markaan Waxaa kulul, oo carada ba’ani ka muuqato waa Odaygii degenaa jiray, Waa Oday Maxaad Cali, waxuu u yeeray Kutubo, isagoo careysan, waxuu ku  yir: Xaa jirood gurigoo furan uga kala tagteen? Ma xoolaa tihiin?
Hooyo Kutubo , oo lafteeda caro iyo ciil la dhuun go’anaa tiri: Waxaan waa qornaayeen,ee qaylada nagala her.
Oday Maxaad: Hadda waa kan warqadihii guryaha ,lama haayo,inteen wax ka jirinnaa?Canugii waa xiran yahay, Adna meelahaa macna daro wareegee. Uma dulqaadan karo, waxaanoo kale.
Hooyo Kutubo: Arreey xaad iigu qaylee?, anaaba xoolaheygii dhan maqan yihiine!!Igala her ortaan badanood ila daba joogto, haddii kale mahaan, wada joogi meyno.
Oday Maxaad: Bilcaanyaheey, intaad xandho iyo xoolo waxaan heysanay dayacdaa, saan iila warramee?Baraka beeshayaheey, aan cindi iyo caqliga leheyn!!!
Kutubo ,Waa taa oohinta ku dhufatay, ee leh: Anaa ba’ay, cawada ma tanaa ii dambeysay,alla ciil badanaa, Anaa og ,maha uu warkaan ka keenay, Haa! saan ma aheyne
waa la soo dabadabeeyay, Waase hadduu mar kale gurigeyga soo galo, Rufyaanka xunkaa.
Oday Maxaadna , intaas ma aamusna waa uun daldalmaa, wixii afkiisa qabtoow sheegaa.
Kutubana Waxeey ku celcelee: Odayahoow, anaa ewelba garasho xumo kuula joogay ee Hadda”MADAXEEYGA I SII”, Inta ii dhig.

Raxmo Yar, waa taa dhex rooreeyso, oo mugna Aabowgeed Garka iyo gondaha heysato, kolna ku soo noqoheyso Hooyadeed, ee leh, “Hooyo Adiga iska aamus.”

Kolkii Oday Maxaadna, daldalanka joojin waayay,Hooyo kutubana ka roonaa weysay, waxaa meeshii ka dhacay, is farasaar aan badneyd, balse keenay , in Hooyo Kutubo Alaabteedii ka guratay Guriga Oday Maxaad Cali, welina ku leh : Raxmo na kici, Odaygaan la joogi meynee!!
Oday Maxaadna, wuxuu yiri: Meel xun ka bexee , dhur iyo dhaqab beeshayaheey iiga tag geberteyda.

La soco Q.18aad.
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

SHEEKOOYIN