Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q15AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q15AAD

Hooyo Kutubo, waa taa ka hilhilatay minankii Oday Maxaad, Canugtii la isku qabqabsadayna, waa taa ka aashay, kolkeey odayga kari weysay,waxeyna wejiga saartay, xaggaa iyo Xaafaddii walaalkeed Axmed.Waa taa hooyo Kutubo, iyadoo wejigeeda geddisan yahay, albaabka kasoo gashay gurigii cariishka ahaa, ee walaalkeed Axmed, iyadoo sidii u fiqfiq leh. Waxaa ka hor yimid ,Bilcaantii walaalkeed Axmed, XaajiyoBatuulo, oo ka naxday xaalka Kutubo,waxeyna ku tiri: “Bisinka xaa kugu dhacay abaayo Kutubo?”

Kutubo iyadoon jawaab celin, ayay hore u soo dhaaftay,welina,sideedii u fiqfiq leh,Waxaa daaraadda geed ku yaal hoostiisa, jiinbaar ku fadhiyo walaalkeed Axmed, oo gacanta Babbis ku heysto, kolkuu indhaha ka qaadayna, waxuu ku yiri: “Xaa jiro Abaayo oo ku helay?”

Waxey ku jawaabtay, iyadoo fiqfiq leh: Odaygii xumaayaa i soo dilay, gebertiina waa iga reebayay.

Axmed: Maxaad Cali, waxuu ahaa nin degene, xaa jiro,oo keenay arrinkaas?Axmedse Aaway?

Kutubo: Axmed waxow ku xiran yahay Saldhigga 5aad, fiq fiq fiq.

Axmed: waa tehee, bal wejiga iska dhaqdhaq ee fadhiiso, waa arkeynaa seey wax u jiraane.

Waqtigu waa galab, Jawiga waa huurohuuro (Cirkana kicimaa ku jiro).

Oday Maxaad Cali, Waxey danta tustay, inaanu fadhi u aallin Islaantiisii guriga waa taa ka hilhilatay, wiilkii isagana warkiisa lama haayo,gurigii waa dhacan yahay,talaana ku ciirsan Odayga,Odaygu meeloow wax ka bilaabo uma muuqato, waa kaa uun Huufta leh.

Waxaa la joogaa Mowlacii yaraa ee xaafadda, Waxaa la sugaa Waqtiga Salaadda maqrib, Mowlaca waxaa dhinac ka joogo Cali Gaab, oo isagu markaan war cusub ka sida Arrinka Axmed Dheere, waxa uu dherersanaa Gudashada Salaadda Maqrib, kadibna waxaa u qorsheysnaa,inuu aado Xaafadda Reer Maxaad Cali, Haddase uma baahno inuu aado, Maxaa yeelay; waxaa mawlaca uga dhex muuqdo, waa Saaxiibkiis Maxaad Cali.Maxaad Cali Isaga maanta Xaalkiisu caadi maahan… Canugiyoo xiran…Xoolihiyoo dhacan… Habartiyoo caro ku maqan…Xaalku waa ka dhabaqsan, Weliba waxaa kaloo welwel ku haayo waa Odaygii uu la kaashan lahaa arrinka habarta waa Saaxiibkii Cali Gaabe oo ay habar Kutubo ka didsan tahay, Xarashna u heyso.

Cali Gaab ayaa Maxaad Cali ka soo hor baxay Mawlaca , waxoow taagan yahay Irridda hore dhinaceeda bidxeed, waxaa uuna sugaa wadaaygiis Maxaad Cali si uu arrinka uu haayo ugu dhiidhiijiyo uguna dhibciyo warkaa cusub oo uu celin la’yahay. Maxaad Cali Kolkii jameecadii kala dareertay ayuu u istaagay Salaad Sunno iyo Alla bari ah, Weliba intaa uu salaadda ku jiro hoos ayuu ka tallamaa waxaa u shidan muuqaalo hawaawi ah oo xalraadis ah oo isaka soo daba dhacayo, salaada waa u taagan yahay balse maamin iyo male awaal ayuu ku maqan yahay,kuwaas oo kolba meel la aadaayo.

Cali Gaab kolkii oo arki waayay saaxiibkiis ayuu dib ugu laabtay Mawlacii, waxuuna arkay in widaaygii Salaad ku jiro, waana sugyay intuu ka bogahaayay, Muggoow dhameystay ayuu yiri: “Adaan hee ku sugaayaye na qumi hee aan is warsanee!!

Maxaad Cali: “Hayabee na kicihee.”

Odayadi ayaa mawlicii iskala soo baxay waxayna u qumeen dhankii guryahoodu ka xigeen, Kabadoo muggeey is la socdeen, ayaa

Cali Gaab hadloo yiri: “Xaad hee war heysaa oo iga dambeeyay oo ka soo kordhay arrinkii?

Maxaad Cali: Arrinkii Canugga waa saad ku ogeyd halla kama soo kordhin,

Dhib kaloo yaraase reerka galay.

Cali Gaab: Bisinka iyo yaasiinka xeey tahay Cidda maaba dhib kaluu noqdaa.

Maxaad Cali: Soomaalidaa horuu tiri “Miskiinaa Miska la kore leh”.

Cali Gaab, Muggaan hoos ayuu u guryamaa, waxaa ka lumay kalsooni uu dhiilada cusub uu wado ugu sheego Saaxiibkiis, kolba haddii uu sheegaayo in cidda dhib cusub ku soo kordhay , ugu dambeyn ayuu ku dhiiraday inuu u sheego waxa uu kala soo kulmay saaxiibkiis Saajin caliyoow .Waxuuna yiri Oday Maxaadoow waa adduunyoo wax walbaa la arkaa,waxeyse rabtaa Sabar iyo Alla bari, waxaan maanta kulannay ninkii Saaxiibkeey ahaa ee Saldhigga ka shaqeyhaayay, waxuuna ii sheegay in arrinka Wiilashu aanu sahlaneyn…Sidaaseey tahayna aaney dembi laheyn…Xaalkuna ku xiran yahay Geberta Dhaawaca ah oo bogsato, iyada uunaa Dembiga ka saari karto.. Iyaduna waa taasoo nolol iyo geeri dhex taal.Oday Maxaad: Xeey tahay saad u warrameyso ,arrinku ma sahlana,Saaseey tahayna dembi ma leh, seey isu qabee??

La soco qaybaha dambe.

W/Q.Xuseen M.Cabdulle Wadaad

         huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN