Sida muuqato xaafadda reer Xaaji Axmed ,waxaa lagu heshiiyay in la hakiyo socdaalkii lagu cara celin lahaa Maamma Kutubo. Waxaa guuleystay taladii Xaajiyo Batuulo ee aheyd Waa aroosad cusube ,horta cillaan ha loo saaro hana la diyaarsho, Cillaan saarkuna waxaa muuqato inuu foogta uun yahay, una baahan yahay in loo soo alaab gato, minii Illaah kuu roon yahay. Xaaji Axmed ,isaga waa laga adkaaday, isagana waxa uun uu aqbalay waa codka looga batay, isagana sidiisaba maahan odayada macangagga ah ee ka hor yimaad talada dumarka, waa uun oday sida muuqataa Dimuqraadi ah. Waa Xaaji aan afkiisa laga maqal: Waqeey naagu ii talin! Sida aad la socotiinba, waxaa weli ku jiro dhaqankeenna Raggu inuu adadag yahay, kana hor yimaad mar kastaa talada haweenka, xitaa haddii ay ka saxan tahay. Waxeey qaarkood aaminsan yihiin Haweenka Bakeeriga ay guriga ku soo biiriso in laga jebiyo. Xaaji Axmedse kuwaas aad ayuu uga duwan yahay, isaga iyo afadiisana waxaa ka dhexeeyo kalsooni, is qaddarin, ixtiraam iyo talo wadaag.
Maxaad Cali iyo gabartiisa Raxmaa, waxeey is ag fadhaan daashka mininkooda iyagoo dhararaayo imaanshiyaha Abti Axmed iyo Hooyo Kutubo, Xaajiga maanta ma aadin xitaa Mowlacii uu salaadda Maqrib uu aadi jiray, waxaa uun ay ku dhaaftay sugidda martida culus ee ku soo fool leh darteed, kaaga sii darane isaga iyo gebertiisa waa qada gefeen maanta, weliba iyadoo u karsan ayaa laga mashquulay uun, dhibaha jiraa dartood iyo imaanshihii Abtiga darteed.
Gabalkii waa dumay, gudcuraa la galay, shanqarihii dibadda waa yaraadeen, waa la kala hoyday. Reer Maxaad Calise waa u kabruur uun, Waxaa la gaaray qiyaastii saq dhexe, welina wax lama haayo. Raxmo iyo Aabowgeed qof walbaa maha uu fadho ayuu marmar ku gundhaa Gamaayo heyso darteed, gaajadu iyadu waa ku baaba’day. Soomaalidu waxeey tiraa “Dhib badanaa dad aad sugeysoon soo socon iyo marti aad soortoo kaa socon”.
Raxmo yareey, waa qof da’deeda ka weyn xagga caqliga, waxeey aabowgeed wadar jeer ku celcelisay “Aaboow hunguri afka geli ee iska seexo shiminkaan kaddib cidna sooma socoto e”. Maxaadse , dheg jalaq uma siin warka geberiisa.
Waxaa iyana mowlaca ,salaaddii maqrib ku kulmay Cali gaab iyo Xaaji Hilowle, waxeeyna iska warsadeen xaalka Maxaad Cali iyo waxa ku soo kordhay. Qof kstaana waxuu warkiisa ku gooyay war kama haayo, mana arag maanta.Waxaa la yaab ku noqotay odaygii oo saaka ballanta adeer Hilowle uu la lahaa imaan iyo salaadda uu ka maqan yahay, arrimahaas waxeey ku abuureen shaki weyn, waxeeyse ku kala tageen in berri subax Cali gaab ka war jiriyo bal.
Xaaji Axmed, laftiisa, inkasta uu aqbalay taladii hooyooyinka, haddana waxaa murug culus ku heyso seeddigiis uu la soo ballamay, iyo baaqashadaan ku timid, isaga laftiisana uma fududo inuu dib ugu lugeeyo dhulkii dheeraa uu ku soo hadaafay kuna soo hadaafay, mug kale sii socod iyo soo noqod ma karyo. Xaajiga waxaa ugu daran uuna ka socon karin ayaa ah jilba xanuun , waxaa haayo Riix daashaday oo galab walbaa Oday Booteeye uga roogroogsado.
Dhinaca kale waxaa maalintaa xog badan helay Sarkaalkii ku daba jirey kiiska wiilasha oo si dhab ah u xaqiiqsaday in wiilasha yaryar la shirqooley oo dusha loo saaray dambi iyo dhagar aysan falin, weli labadii wiil Maxkamad lama keenin waxaase laysku dubaridayaa in marag beena loo diyaariyo oo wax qira, gabartii arrinkaan murugsan kala saari lahaydna weli waa miyir daboolantahay, waxaana loo badinayaa geeri. Xaalku muggaan ma sama, haddii maxkamad ay tagtona waxa la filan karaa waa in been lagu caddeeyo laguna xukumo.
La soco Q.30aad
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com